Muqdisho: Booliska Boondheere oo Hal Ruux u Xiray Dilal Xalay Ka Dhacay Degmada


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Booliska saldhiga degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa saaka sheegay inay hal nin u xireen dilal xalay loo geystay labo ruux oo mid ka mid ah uu ahaa askari booliska degmada ka tirsan oo lagu toogtay gudaha degmada.

Sarkaal ka gaabsaday magaciisa oo dembibaare ka ah saldhiga booliska ee degmada Boondheere ayaa Raxanreeb u sheegay in hal nin ay qabteen isla markaana illaa labo kale ay ku raadjoogaan kadib markii hawlgal ay xalay ka sameeyeen gudaha degmada Boondheere.

Sida sarkaalku uu sheegay ruuxa la xiray ayaa lagu tuhunsan yahay inuu ka mid ahaakoox illaa afar ahayd oo dilalka xalay dhacay geysatay kuwaasoo ka baxsaday goobta dilku ka dhacay.

Qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Boondheere iyo Wadajir ayaa xalay haewlgalo ciidamada dawlada kafuliyeen iyadoo tiro ka badan 20 ruux la soio xiray xalay oo kaliya.

Dhanka kale waxaanweli faahfaahin aysan ka soo bixin baaritaan ciidamada boolisku sheegeen inay ku wadaan qaraxyadii ismiidaaminta ahaa iyo weerar ka horeeyay oo galabnimadii Khamiista ka dhacay baarka Village ee ku dhegan guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne halkaasoo dad gaaraya 20 ruux, oo wariyaal ku jireen ay ku dhinteen.

Dhacdooyinka amaandarida ayaa aad gu badan caasimada waxaana ay dhacdooyinka ku soo beegmeen xilli hogaanka dalka uu isbedel ku yimid. Dadka ayaa isweydiinaya xilliga maamulka cusub uu awoodi doono inuu amaanka Xamar ka dhigo sidaberisamaadkii.

 

RBC Radio

Share

Leave a Reply