Muqdisho: Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya oo Maalintii Labaad Gashay
Muqdisho (RBC) Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku sii qulqulaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho halkaasoo maalintii labaad ay ku dhageysan doonaan khudbadaha 15 musharax oo maanta ku qoran in laga dhageysto barnaamijkooda siyaasiga ah.
Wariyaha Raxanreeb ayaa soo sheegaya in hadda xildhibaanada ay isdiiwaangelinayaan si fadhiga u buuxsamo, waxaana goor dhow lagu wadaa inay bilaabato dhageysiga illaa15 musharax oo ka mid ah musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha.
Afhayeenka guddiga doorashada Cismaan Libaax oo saaka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta baarlamaanka ay u taallo shaqo adag isla markaana la filyo in maanta oo dhan la shaqeeyo maadaama 15 musharax ay baarlamaanka ka hor hadli doonaan.
Maalintii shalay waxay mudanayaashu khudbado ka dhageysteen 10 musharax oo dhamaantood ka hadleen barnaamijkooda siyaasiga ee ay ku tartamayaan iyadoo marka 15maanta lagu darana ay noqon doonaan 25 musharax.
Sida guddigu doorashada horey u shaaciyeen maalinta berito ee Axada waxay xildhibaanada geli doonaan nasasho iyadoo musharixiintana ay soo gabagabeynayaan ololaha doorashada waxaana maalinta Isniinta dib loogu laaban doonaa baarlamaanka oo dooranaya madaxweynaha hogaamin doona Soomaaliya afarta sano ee soo socota.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














waa arin guul ah