Muqdisho: In Ka Badan 100-Ruux oo Shalay Lagu Qabqabtay Hawlgal Ciidamada ay Sameeyeen oo Laga Dhex Helay Rag Dilalkii u Dambeeyay Fuliyey
Muqdisho (RBC) Sida uu xaqiijiyey taliyaha ciidamada nabadsugida ee gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg waxay ciidamada dawladu su’aalo weydiinayaan in ka badan 100 dhalinyaro ah oo shalay lagu qabqabtay hawlgal ciidamada dawladu ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho kuwaasoo lga dhex helaay qaar ka mid ah raggii fuliyey dilalkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.
Taliyaha ayaasheegay in hawlgalkii shalay ka dhacay degmooyinka Dayniile, Huriwaa iyo Yaaqshiid lagu soo qabtay dhalinyaro fara badan oo ka tirsanaa ama xiriir la lahaa ururka Al-Shabaab, waxana sida taliyuhu sheegay ku jira nin lagu magacaabo C/raxmaan Carab oo madax u ahaa dhalinyarada Al-Shabaab u qaabilsan dilalka dadka oo ku sugnaa Muqdisho.
“Ninkaasi waa la hayaa baaris baana ku socota, wuuna qirtay inuu ahaa hogaankii kooxda” ayuu yiri taliyaha nabadsugida ee gobolka Banaadir oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho.
Rag ku eedeysan dilalka
Taliyaha ayaa dhanka kale saxaafadda u soo bandhigay labo dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka lagu soo qabtay hawlgalkii shalay kuwaasoo midkood uu qirtay inuu ahaa ninkii GACANTIISA ku toogtay askari ka tirsanaa ciidanka nabadsugida oo lagu dilay biibito u dhow isgoyska xaafada KPP ee degmada Hodan labo habeen ka hor.
Ninka la sheegay inuu dilkaaasi geystay ee hadda ciidamadu gacanta ku hayaan waxaa da’diisa lagu sheegay 20-jir. Sidoo ka;e nin isaga caawin jiray ayaa ciidamadu sheegeen inay gacanta ku hayaan.
Ma cadda talaabada ciidamada nabadsugida ay ku fulin doonaan dadkaan la soo qabqabtay ee qaarkoodna ay qirsan yihiin inay geysteen dilalka inkastoo sarkaalka u hadlay nabdsiugida uu sheegay inay maxkamad geynayaan.
Illaa hadda dadka la qabtay lama sheegin inay ku jiraan kooxihii ka dambeeyay dilalka suxufiyiintii dhowrkii bilood ee la soo dhaafay lagu toogtay falal gaadmo ah gudaha caasimada kuwaasoo kor u dhaafaya 10 wariye.
Dhanka kale ciidamada nabadsugida ayaa sheegay inay dhaqncelin u bilaabeen in ka badan 200 maleeshiyo ka soo goosatay ururka Al-Shabaab kuwaasoo shalay lagu soo bandhigay xerada Masklax ee xaafada Suuqa Xoolaha.
RBC Radio












Guul ayaan u rajaynayaa dhamaan ciidamada qalabkasida
asc dhaman shaqalaha iyo aqristayasha raxanreb aniga waxay ila tahay ninka dhahayo aniga dilay dadkii meshas kudhintay maskaxdisa ayan caadi ahayn marka waxuu ubahan yahay dr xaqiijija dhimirkisa
war kabaxa guryaha xaaranta ah ee la dhacey mooryaanta tuuga u badan somaliya xalaal noqon meyso