Muqdisho: Mudaaharaad Lagu Diidan Yahay Filimka Mareykanka ee Diin u Gefka oo Ka Dhacay Muqdisho Maanta


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Dibadbac ay ka qeybgaleen dhalinyaro, haween iyo qaar ka mid ah ardayda dugsiyada oo lagu diidan yahay filimka Mareykanka lagu sameeyay ee diinta Islaamka lagu aflagaadeeyay ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dibadbaxan oo si nabadgelyo ah u dhacay ayaa dadkii ka qeybgalay waxay socod ku mareen wadada iskuxirta isoysyada KM4, KM5 illaa wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha Raxanreeb ayaa soo sheegaya in dadkii bannaanbaxa sameeyay ay wateen codbaahiyaal yar yar iyagoo ku qeylinayey “waan ka soo horjeednaa in diinta iyo Nabageena SCW loo gafo”. Waxaana dadka banaanbaxayey ay waddooyinka ku mareen si nabadgelyo ah.

Ma jirin cid la hadashay bannaanbaxayaashi waxaase markii dambe ay gubeen calanka Yuhuuda iyo kan Mareykanka oo iyaga ay soo sameysteen.

Bannanbaxan ayaa maanta ku soo beegmay iyadoo meelo badan oo ka mid ah wadamada caalamka ay ka dhacayaan banaanbaxyo waaweyn oo lagu diidan yahay filim la sheegay inuu sameeyay nin asalkiisu Yuhuudi yahay oo heysta dhalashada wadanka Mareykanka kuna nool dalka Mareykanka.

Dibadbaxaya maanta caalamka ka dhacay waxaa ugu weynaa dibadbax ay sameynayeen dadweynaha reer Masar oo maanta malaayiin ay isugu yimaadeen fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira halkaasoo lagu gubay calamada Yuhuuda iyo Mareykanka.

Bannaanbaxyo kuwaasi la mid ah ayaa ka dhacay wadamada Yemen, Tunisia, Morocco, Sudan, Iran, Iraq iyo Falastiin.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Share

Tags:

1 Response for “Muqdisho: Mudaaharaad Lagu Diidan Yahay Filimka Mareykanka ee Diin u Gefka oo Ka Dhacay Muqdisho Maanta”

  1. [...] Bannaanbax kale oo kaasi la mid ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyadoo haween iyo dhalinyaro u badan arday ay ka qeybgaleen iyadoo Muqdisho iyo Buuloburde ay noqdeen magaalooyinkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka mid ah oo uu ka dhaco dibadbaxyada lagu diidan yahay Yuhuuda iyo Mareykanka iyo filimka lagu liiday sharafta Nabigeena Muxamad SCW. [...]

Leave a Reply