Muqdisho: Qarax Xooggan Oo Lala Eegtay Ciidanka AMISOM


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [RBC Radio] Waxa goordhow oo maqribkii ahayd qarax nooca miinada dhulka lagaliyo lagu eegtay xaafadda Fifteen May ee Degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho gaari ay la socdeen ciidanka AMISOM.

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan Warta Nabadda ex Wardhiigleey Qaraxa ayaa ahaa mid aad u culus, waxana uu haleelay mid ka mid ah kolanyada ciidanka AMISOM.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu waxyeelo soo gaarsiiyay ciidanka AMISO, gaariga uu qabsaday qaraxa ayaa waxa uu ka gubtay dhinac, waxana uu yaala goobta qaraxa uu ka dhacay.

Waxana markii uu dhacay la sheegay in ciidanka AMSIOM ee la socday gawaarida la qarxiyay ay fureen rasaas xooggan , taasoo wax yeelo soo gaarsiiyay dadkii goobta ku sugnaa.

Ilaa hadda ma cadda tirada dadka rayidka ee wax ku noqday rasaasta ay fureen ciidanka AMISOM, sidoo kale waxa aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray ciidanka la socday gaariga la qarxiyay.

Qaraxa caawa lala eegtay ciidanka AMISOM ayaa ku soo aadaya iyadoo xaley qaraxyo isqarixin ay ka dhaceyn degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteyn in ka badan 25-qof  halka 30-kalena ay ku dhaawacmeyn.

Magaalada Muqdisho oo sannadkii horey ay ka baxeyn guud ahaan Al-Shabaab ayaa dadka waxa ay aamisanaayeen in ay xagga nabadda ka soo roonaatay wixii ka dambeeyay xilligaas, laakin dhowrkii maalin ee la soo dhaafay waxa ka dhacay , weeraro ismiidaamin ah, dilal qorsheesan iyo madaafiic magaalada lagu soo tuuray.

Soomaaliya ayaa hadda ka baxday KMG ah, oo ay ku jirtay 21-kii sano ee la soo dhaafay, waxana ay yeelatay madaxweyne iyo dowlada rasmi ah , laakin wali waxa la sheegayaa in howlo adag ay harsan yihiin.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

2 Responses for “Muqdisho: Qarax Xooggan Oo Lala Eegtay Ciidanka AMISOM”

  1. [...] Read the original post: Muqdisho: Qarax Xooggan Oo Lala Eegtay Ciidanka AMISOM [...]

  2. Diirshe says:

    Maye ragii lahaa Xamar waa nabad iyo halugu soonoqdo? mee Tarzan? beentiisi badneyd.

Leave a Reply