Musharax C/llaahi Cadoow oo Baaq u Diraya Xildhibaanada Soomaaliyeed

Baaq ku wajahan Xildhibaanada Soomaaliyeed
Muddadan kala guurkaa si loo gaaro hoggaan horseeda isbedel waa lagama maarmaan in xildhibaanadu u istaagaan badbaadinta ummadda Soomaaliyeed. Ayagoo kaashanaya shacbi weynaha waa inay qaadaan masuuliyadda ugu sareysa e aayo katalinta Soomaaliya.
Waxaan ku amaanan dhaqanka beelaha Soomaaliyeed siday isaga xilqaameen soo xulidda Xildhibaannada, waxaana hore hambalyo ugu diray, uguna celinayaa guud ahaan xubniha noqday Xildhibaannada. Waxaan dhamaan xildhibaanada si gaar ah ugaga tahniyadaynayaa habkii dimuquraadiyadda iyo xilkasnimada lahayd ee ay u doorteen Afhayeenka iyo Ku-xigeennadiisa. Waxaan aaminsanahay in hoggaankaas iyo Xildhibaannaduba noqon doonaan kuwo si karti leh u guta xilalkooda.
Waxaan ogyahay in hawsha hay’adda Baarlamaanku tahay saldhigga aasaaska qaran, waajibkooda u weyn ee sharci-dejintu tahay shaqada ugu muhimsan ee dowladnimo. Halka bilowga hawshooduna tahay furaha dhismo nidaam xukuumadeed tayo leh.
Haddaba, anigoo aaminsan in maalinta Isniinta ah ee soo socota oo taariikhdu tahay 10.09.2012 ay tahay mid taariikhda geli doonta oo magaca ummadda Soomaaliyeed ay Xildhibaannadu ku dooran doonaan Madaxweyne, haddii Alle Idmo; si ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku raagatay muddada dheer ay u hesho hoggaan u qalma oo u-horseeda nabad, caddaalad, horumar, sharaf iyo qarannimo buuxdana, waxaan ugu baaqayaa Xildhibaannada:
1. In ay codkooda ugu hiilliyaan badbaadinta danta Qaranka iyo rabitaanka shacabka.
2. In ay illoobaan danta gaar, koox iyo qabiil, kuna badalaan mabda’ Soomaalinnimo.
3. In ay doortaan hoggaan ku sifaysan Alle ka cabsi, aaminnimo, caddaalad, daacad, aqoon, waaya’aragnimo iyo waddaninnimo.
4. In ay maskaxda ku hayaan in la gaaray waqtigii isbedelka ee hoggaamiye aan lagu fashilin ee wax-u-qabadka ummaddu ay dhab ka tahay. Hogaamiye wata aragti iyo barnaamijyo qorshaysan, lehna aqoon siyaasadeed gudo iyo dibed oo marxaladdan adag ka gudbin karto dadka iyo dalka.
5. In ay ku talagalaan kadib doorashada Madaxweyne sidii wada-shaqayn iyo is-kaashi buuxa oo khilaaf la’aan ah loogu wada maamuli lahaa masuuliyadda loo hayo shacabka.
Sidaas darteed, waxaan u rajaynayaa guud ahaan Xildhibaannada sharafta leh ee Soomaaliyeed in ay noqdaan kuwo ka fakara sidii lagu gaari lahaa nolol sharaf leh ee hadda iyo cawaaqib wanaagsan oo ay dhaxlaan jiilalka danbe, in ay tahay mid, xukunka Alle ka sokow, ku xiran qalinka gacantooda.
Isbedel, Nabad iyo Horumar.
Hon. Cabdullaahi Axmed Caddow











Mudane Cadoow wax kudhaama lamahayo haday ahaanlahayd waaya aragnimo,xilkasnimo,Soomaalinimo iyo wadanka badbaadintiisa intaba.
waxaan kuurajaynaynaa Guul Dr Cadoow.
Runtii mudane Dr. Cabdullahi Ahmed Addow waa ninka ugu mudan inuu noqdo Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya. Caddow hadda xoolo doon mahan, qabiilnimona iyo eexna laguma yaqaan. Waa shaqsi doonaya war hakaa haro, waa nin ay qaraabo yihiin halyaygii Cabdullahi Ciise oo looga bartay Somaalinimo iyo wadanimo. Xildhibaanada waxaan ku boorinayaa inay ummadda Soomaaliyeed ugu hiiliyaan doorashada Dr. Caddow. Mahadsanidiin, Fagaas.
Cadow, waxaan kaa codsanayaa in aadan naftaadana danbi ka galin Somalina aadan danbi ka galin. Waxaad tahay nin aad u weyn oo isagu u baahan caawin marka adeerow ragaa dhalinyaradaa oo xooga leh udaa meesha adna iska naso………….
Dr Cadoow waa muwaadan u qalba in uu qabto xilka madaxweynenimada Soomaaliya, waa waayo-arag iyo qabiir diblomaansi, Illah uun baa naga og haddii uu yahay mid Soomaali khayr ugu jiro Illah ha guulleeyo.
Dr cadoow adeer illahay ka baq meesha aad ku ordaysaa waa Kursi hadaad ogaan lahayd dhibta uu leeyahayna kuma orodeen wallee Naftaadu yay ku Haligin oo Naar kuu horseedin 80 jir bad tahay 10 sanee kuu hadhay Masaajidka kursi dhex dhigo
Caddoow waa 90 Jir Kursi u waashay waa markii 10aad oo uu isa sharaxo. Mar walbana waa laga badiyaa…. He is a Natural Loser……Meesha waxaa Jooga professooro PhD ah oo caqli iyo aqoonba dheer odagaan gaboobay ee aan socon karin…….war orod iska cibaadeyso cidna wax kugu fali maysee………………….Waligiin iska ilaaliya nin kursi u waashay sida odagan oo kale
C/laahi Caddoow waa musuq maasuq weyn,,,, Markii uu safiirka u ahaa dowladii kacaanka wuxuu caan ku ahaa nin xatooyo badan oo hantida shacabka hadba guri kaga dhisan Jiray washington DC.
Hada wuxuu rabaa lacag uu ka dhaco umadda somaliyeed mar kale. iska ilaaliya waa tuuge
Mr adow bal maa markaan lagu Fiiriyo waaya aragnimo asagaa lehe
Caddow waa oday Soomaaliyeed oo dalka u soo shaqeeyay muddo ka badan Afartab sanno ah, (1950-90) muddadii ka horreysay dagaaladii sokeeye, muddo labaatan laba sanno ahna 1990-2012, muddadii dowlad la’aanta darteed dalka wuu ka maqnaa. Iaba jeer ee hore wuxuu isku sharaxay xil madaxweyne 2000 iyo 2004. Muddo 62 sanno ah ayuu siyaasad ciyaarteeda iyo loolankeeda ayuu ku soo jiray, xilal Askarinimo, maamul rayid ah iyo dibloomaasiyadeed intaba wuxuu soo maray. Isaga iyo Siyaad Barre waxay ahaayeen saaxiibbo waqti fog daacad isku ah iyo xidid caruurtooda ay is-qabaan, ilmana ay isku dhaleen.
Sidaas daraateed, Mudane Abdullahi Ahmed Addow, filkaada waa howl gab, intooda badan wixii ka noolna waa cad, waxaan kula talin lahaa inuu iskaaga horo isa-sharaxaaddiisa damaca badan leh, Waxa kaliya u bannaan inuu noqdo lataliye inuu u noqdo qofkii Madaxweyne noqdo.
ASC, dhamaantiin iyo Raxanreeb, Xildhibaanada iyo aqristayaasha halkan ku tixin waxaan rabaa in aan idin sheego in aadnaan taageerin Dr. Cadow, sababtoo ah.
1. Waa nin da ah, kuba dhow da’dii 73 sano ee qof jira uusan gali karin xildhibaanimo amaba galaayo da’daas afarta sano ee soo socoto.
2. Inta eey da’iisa tahay ayuu fursad u heeystay in uu Somali wax u qabto, maxuu u qabtay Somali oo aan ka aheeyn in uu doorasho kasta marka la gaaro kaliya aan maqalno?
3. Galmudug oo reerkiisa kasoo jeedaan, waxeey hada leeyihiin sadex nin oo nin kastaa sheeganyo madaxweeyne, waa caalin, waa cabdi qeeybdiid iyo nin la yiraahdo timokalajeex, marka maxuu kaalin uu ka qaatay, in uu arrimahaan kala furdaamiyo oo dadkiisa wax u qabto oo uu mideeyo. Waxa uu dadkiisa u qaban waayay, u maleeynmaayo in uu Somali u qabanaayo.
Marka, sadexdaan arrinba ninkaan odayga ah waa uu ku dhacay, sidaas owgeed waxaan idinkula talinayaa in hadii dad ka naxaayo eey jiraan, in eey u sheegaan adeer Cadow, waxaad ku jirtaa waqti da’ah, marka in aad nasato ayaad u baahantahay, kamana bixi kartid shaqada adag ee maantay looga fadhiyo in uu qabto ninka madaxweeyna u noqonaayo Somalia.
Ugu dambeeyn, si aan loo hakin rajada iyo xasiloonida laga gaaray Mogadisho iyo meelo badan oo Somaliya ah, waxaan idinkula talinayaa in aad taageertaan Madaxweeyne Sheeq Shariif in uu afar sano kale xukunka sii wado, asagoo markan Prime Minister Farmaajo u doorto prime minister si loo xaqiijiyo, loona xajiyo nabada aad hada xildhibaanadiina ku shireeysaan oo shaqadiina si nabad ah u qabsaneeysaan. Shacabka Soomaliyeedna eey naftii kusoo noqoneeyso. Wadankiina dib u dhiska aad aragtaan loo sii laba jibaaro. Ka fakira in aan lakala dhantaalin howshii adkeeyd ee Madaxweeyne Shariif odayga ka ahaa ee la qabtay sanadkii la soo dhaafay. Thanks.
WAXAAN IDIIN SHEGAYAA HADII EEY SHIIKH SHARIIF MADAXWEYNE NOQONWAAYO KURSIGA NINKA KU SOO FARIISANAAYA WAA CADOOW SIDAAS OGAADA FAJACNA YEEYSAN IDINKU NOQON
waa oday soomaaliyeed muddo dheer raadinaayey bal mar qura waxaan soo jeedin lahaa hala ixtiraamo siduu hada wax u sheegay waana ka fiican yahay afguduud waa reer magaal
@Cadaado adeerkaa Shiekh ku sheeg baad taageero u haysaa,laakiin Allah hana dhaafiyo oo Rabi mid cadaalad xanbaarsan ha noo keeno.waxanba nacay markuu umada ugu goodiyey nimaan H u dhalan Muqdisho xakumimaayo sidaan umad kale ay wadanka joogin siyaasadii baa qabiil iyo qurun isugu biya shubatay iyo marba tuulo magacow uu kursi ku raadinayo.
@Amina walaale Cadaado qofka wata waa qof jiran ee uducee!
Maxaad ka taqaanaan c/lahi cadoow?
Cadoow waa askari, aqoon yahay ,siyaasi rugcadaa ah,ganacsade
Oo ay Dheer tahay wadan jeceel .waliba ay u Dheer tahay caqlaqaaq wanaagsan
Waa nin leh sifaha hogaamiye caadil AMA halyeey ay u baahan tahay umada somaliyeed
Codoow ka ahan nin maalraadinaya ma ahan nin Qabiil gaar ah wax la raba waa nin ladan caruurtiisana waa waxa matacalamiin gabadhiisa ugu yar Ayaa master degree heesata same time ganacsiyo waa Weyn ku jira . Hadaba codaan ogeen hada ogoow cadoow mission waa midii adeerkiis c/lahi ciise oo ah in calankii baluuga uu adeerkiis a keeney inu did u soo celeyo
Waana wax lagu yaqaan reerkaas karti dheeri wadanimo Iyo xukun daacad Waan ogeen proff cadoow alaha u naxariistee waa ninkii soo koriyey waxna soo barey nin walb
@ Ugaas Raage, alxamdulilaahi, aniga waa caafimaad qabaa maskax iyo jismiba, ee habaarka iska dhaaf oo ka hadal waxa xaqiiqda ah ee aan sheegay. Oo ah, in odaygaan cadka ah uu faashil yahay, loogana fadhin in uu dad wax u qabto, isagaaba u baahan doona hada kadib in xanaaneeyo. Hadii uu caruur aqoon yahano dhalay oo uu diyaariyay, mindhaa ayaga ayeey aheeyd in eey siyaasada inta galaan dadka tusaan waxii eey karti hayaan. Dabcan, taas ma dhici karto hada, saa odaygii dhamaa reerka ayaa intaas oo sano xukun raadinayaa, oo mar walba dhulka lagu jiidaa. Damn it. Waxaan la yaabanahay, cida dhan ma wada waalan yihiin sababtoo ah, miyeeysan aqrineeyn oo eeysan u jeedin in xataa ninkii wanaagsan oo eey keenaan, eeysan Somali dooraneeyn, sababoo ah, sumcadii ayaa ka halowday arimo eey sameeyeen siyaasiyiin isku sheega reerka 22 sano ee la soo dhaafay darteed. Marka sababtee ayeey ugu celcelinayaan sameeynta waxii hore iyo sharaxaada Cadow, isla markaana u fili karaan natiijo ka dawun tii hore, taasi waa calaamadaha waalida.
Runsheeg, Professor Cadowgii maxkamada (ilaaheey jandadii fardowsa haka waraabiyee) waxuu ahaa nin ka fiican boqol nin oo odaygaan Cadowga safiirka mareeykanka ahaan jiray. Waana aragnay waxa uu qabtay in kartidiisa. Marka nimanyahow, inta ciyaarta naga deeysiin, waqti hanaga dhumina ee odaygaan wareersan wax u sheega. Ilaahiina ka baqa oo hakala xishoonina in aad runta u sheegtaan oo dhahdaan naga naso.
Cadaado waxaan u aqaan meel cadoow laga taageersan yahay
Ma aqaan cadaadan kale uu nin Iyo naag qof kii wata waxaan kuu sheegayaa cadoow waa madaxweynaha 9/10/2012 ilaaaa —– taas meel ku qor waxa aad aaminsan tahay waa laga gusbey waxaan a loo gudbey Yaa qaran daadihin Kara Yaa caqliheeda Iyo kartideeda leh Yaa wadan mawaadinkeeda Iyo akaanibkiiba la kala garan la yahay cida watadanka u talisa waa taa umadii sOomaliyeed kenyaan xabad Iyo madaafiic la dhacaya cadoow haduu yimaado waxa ugu horeeya waa wadahadal uu lafuro mucaaradka soomaliyeed sida sh xasan dahir sh Cali Dheer Iyo intii masuul ah ajaanibtana wadanka kabaxaan nooceydoon ha ahaadeen qaran am sheegan karno inta xaduudeheena ciidan ajnabi marketdoonaan ka sootilaaba waxay doonaana suubiyo ayagoo leh danaheena Ayaan ka fulineeyney