Musharax Dr. Xuseen Khaliif Jaamac Oo Beeniyey Inuu u tanaasuley Musharax Dr.Maxamed Yaasiin
Muqdisho (RBC Radio) Mid ka mid ah Musharaxiinta jagada Madaxwaynaha Soomaaliya Dr. Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac ayaa beeniyey inuu ka tanaasuley musharaxnimadiisa jagada Madaxwaynaha Soomaaliya ee dhawaan lagu dooranayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Xildhibaan Xuseen Khaliif Xaaji waxa uu RBC Radio u sheegay inuusan ka harin tartarnka Madaxwaynaha doorashada dhacaysa magiciisana laga beensheegtey oo uusan u tanaasulin Musharax Dr. Maxamed Yaasiin iyo Xisbiga la yiraahdo NPC oo uu musharax Dr. Xuseen Khaliif ka mid ahaa ragii aasaasey.
Musharaxu waxa uu sheegay inuusan ka qaybgalin shirka ka dhacay Muqdisho ee Musharaxa loogu tanaasulayo shirkaasna aysan ka qaybgalin musharaxiin uu ka mid ahaa hadana si madax banaan uga qaybgalaya doorashada. waxa uu musharaxu sheegay in magiciisa laga beensheegtey oo uusan saxiixin warqadda saxaafadda qaarkeed la gashay.
Musharax Xuseen Khaliif waxa uu sheegay inuu ka qaybgalayo doorashada uusan ahayn ragga lacagta uga haraya inay tartamaan uuna Formkii musharaxnimada buuxiyey isla markaasna uu ka qaybgalayo doorashada waa sida uu RBC Radio u sheegay musharaxu isagoo jooga xafiiskiisa doorashada ee Muqdisho.
Magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda ololihii ugu xooga badnaa ee dalka ka dahca muddo 40 sano ka badan waxaana laga dareemayaa Muqdisho dhaqdhaqaaq xoog leh, waxaa mashquul ah wadooyinka, madaarka caalamiga ah ee Muqdisho waxaana soo dagaya maalinkasta dad danaynaya siyaasadda Soomaaliya oo jecel inay ka qaybqaataan dowladda soo socota qof walba wax buu raadinayaa Xildhibaan, wasiir, Agaasime guud iyo shaqooyin. dadka soo noqonaya ee Soomaalida ah waa qoonyahan qurba joog ah iyo Saraakiishii ciidamadii hore ee Soomaaliya kuwaas oo qurbaha ku daalay doonayana inay xaalada indha indheeyaan kana fiirsadaan fursado ay ku shaqeyn karaan oo ay dalka dib ugu soo guuri karaan. Ololaha Doorashada cida u imaanaysa maahan Soomaali oo kaliya balse waxaa imaanaya wafuud kala duwan oo caalamka ka imaanaysa kuwaas oo doorashada u imaanaysa inay goob joog ka noqdaan indha indheeyaana siday u socdaa.
RBC Radio
Muqdisho














War ninkaan muxuu uga haray raggiisa ee ay isku xisbiga ahaayeen.
DR. Hussien Khalif Hajji Jama Wa Halyeey Runti Mana Aha Dadka Halagu Arko Oo Wasir Hel Maha Ee Waa Nin Serious Ah Oo Runti Ka Go,antahay Tartanku
Xaji yasin ninkii yaqaana koob gadaal k duleela m dhiibteen
Kolba Xaajiga la sheegayo xanjo uma dhiibteen.Madaxweynaan u sharaxnahay waa hadal uu qofkastaba oran karo.Ninkaasu meega jeer buu isu sharaxay jago madaxweyne?Dhawr jeer oo la soo dhaafay buu yiri waan sharax nahay.Ninku puntland buu ku wareeriyey waan sharaxnahay.
Atuure23, Oo hadaa ma ina Xasan abshir baa xanjo udhiiban lahayd?kkk war anagaa yaab aragnay alayle xaaji faroole muxuu reer aan aqaan shalayto indhaha ukala qaaday, adeer hinaaso astaan rageed ma’ahan reerkaada hadaa ka weydey nin haybadaas leh waa laga fiican yahay inaad ku been abuurato waxaase kuu cadeynayaa Mr Xuseen khaliif Jaamac inusan hada kahor waligii isu soo sharaxin jago Madaxweyne Qaran iyo mid maamul gobaleedba…hakuugu taagnaato.