Musharax Salaad Cali Jeelle oo Jeediyey ‘Khudbadii ugu Qosolka Badneyd’ Khudbadihii Maanta (Daawo)
Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow soo dhamaaday khudbadihii musharixiinta u taagan tartanka madaxtinimada Soomaaliya oo ay ka horjeedinayeen golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Musharax Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa 10-kii musharax ee maanta khudbadahooda jeediyey ayaa noqday ninka jeediyey khubada ugu qosolka badneyd dhamaan khudbadaha iyadoo mudada 20-daqiiqo ah ee uu hadlayey ay aamusi waayeen xildhibaanada iyo martida kale hoolka fadhiday qosol dartiis.
Waxyaabaha uu Salaad Cali Jeelle ka hadlay waxaa ka mid ahaa isbarid uu ugu horeyn sameeyay, sababaha ku kaliofay musharaxnimada oo uu faahfaahin ka bixiyey iyo waxqabadka uu rajeynayo inuu ku dhaqaaqo arimahaasi oo dhamaantood xiise lahaa.
“Aniga magaceyga waxaa la yiraahdaa Salaad Cali Jeelle. Wasiir kuxigeenkii arfaafinta waan soo ahaa. Wasiir ku xigeen gaashaandhiga waan soo noqday, sidoo kalana xildhibaan ayaan ahaa” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle bulawgii khudbadiisa oo waraaqo ugu qorneyd.
“Waxaan ahaa ninkii aas aasay wasaaradda warfaafinta, Ciidamada Amisom anigaa keenay dalka kadib markaan ogaaday in maleeshiyo beeleedyada iyo xagjirka ay weeraraan ciidamada qalabkasida, waxaana Amisom ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha… Yaa ila sheegan kara” ayuu Salaad weydiiyey xildhibaanada iyo musharixiinta oo si weyn u qoslay sacabna ugu daray.
Isagoo si weyn loogu sacabtumay bilawgii ayuu Salaad Cali Jeelle bilaabay inuu ka hadlo sababaha ku kalifay inuu isu sharaxo madaxtinimada Soomaaliya.
“Sidaad la socotiin waxaan ahay musharax madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya, waxaana ahay oday waayo arag ah oo mudo soo joogay, waxaan goobjoog u ahaa madaxdii soomartay dawlada oo sharciga aan ku dhaqmeyn” ayuu yiri Salaad.
Wuxuu sheegay in shaqo uu isaga qabtay ay dad kale ku faaneen.
“Kuwa hadda jooga hadaad doorataan waxay rabaan nay adduunyada idin gefiyaan oo aakhiro idiin diraan, anuguna waxaan rabaa inaadan adduunyada gefin oo aad cuntaan nasiibkiina” ayuu sii raaciyey.
Salaad Cali Jeelle oo ereyadiisa lagu soo dhoweeyay qosol iyo sacab ayaa markale u soo laabtay waxyaabaha uu qabanayo.
“Waan ogahay inaanan qaban karin laakiin dadkii waa ku daalay. Anigaa hadaad i dooratiin waxaasoo dhan ayaan qaban karaa” ayuu yiri. “Soomaaliya waxaan u sameynayaa saaxiibo istaraatiiji ah” ayuu sii raaciyey.
Wuxuu sheegay inuu qoxootiga Soomaalida dalka ku soo celinayo kiwa gudaha joogana uu daryeelayo, isagoo ku goodiyey inuu saacado ku tirtirayo xagjirka iyo burcad badeeda.
“Maxaa yeelay kii ay u baahnaayeen ayaan ahay” ayuu sii raaciyey.
Salaad Cali Jeelle ayaa si gaar ah u soo qaatay in $130 milyan oo doolar laga xaday dawlada isagoo sheegay in baaramaanka uu ka codsanayo inay lacagta “LAALUUSHKA” ka qaataan musharixiinta kale kadibna ay isaga [Salaad] siiyaan codkooda si uu madaxweyne u noqdo.
“Aniga idin dhihi maayo waan idinka “codsanayaa” ee waxaan idin dhahayaa baarlamaanoow waxaan “idinka tuugayaa” inaa codkiina i siisiin, maxaa yeelay gobolkaan ka soo jeedo waxaa laga yaqaanaa wax la dhaho tuugitaan” ayuu markale ku nuuxnuuxsaday Salaad oo baarlamaanka ka hor khudbeynayey.
“Lacagna waa qaadasho, codkana waa Salaad Cali Jeelle”ayuu yiri isagoo qoslayey.
SNM ayaan ahaa
Salaad Cali Jeelle wuxuu khudnadiisa ku guda galay qaabka uu is leeyahay dib u heshiisiinta dalka waa loo wajihi karaa isagoo sheegay inuu maamulka Somaliland la furayo wadahadal.
“Somaliland waxaan la yeelaneynaa wadahadal waxaana hubaa inaan ka mira keeneyno maxaa yeelay aniga ayaaba ahaa jabhadii SNM..” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
RBC Radio












Salaad Cali Jeelle waxaan u malaynayaa in uusan soo marin xataa ololihii waxbarashada ee dadka waaweeyn,!!!!!!!!!!!!!!!!!waxuuna doonayaa in uu ummadda soomaaliyeed uu hogaamiyo oo uu madaxweyne u noqdo,marka waa yaabe aaway dugsigii sare iyo jaamacaddii lagu xujaynaayay xildhibaanada?????
Marka sheekadu waxay tahay[[Ama waa laydooran ama daadku iqaad]]madaxweynoow xaal qaado,
Saban aakhir inuu dhacay Salaad madaxweynuu rabaa,akhriskiisuna waa jigle,waana layaabka adduunka.
War qofkaan salaad cali jeelle la yidhaahdo doqonsanaa, waxuu kufaanayaa Jabhadii SNM oo ka qeyb qaadatay BURBURKII SOMALIA inuu ahaan jiray, cagu iyo caqli xumo!
Sifiican ayuuba isku kashifay! Waxaan leeyahay HIT THE ROAD JACK MAN, looma baahna Gacan ku dhiigle iyo afku dhiigle inuu Siyaasada Somalia ka qeyb galo mardanbe!
nin kaan ma ri waayadaynayaah mise waa maxadareenayaah mise waa khodbaynayaah ?
Kkkkkkkkkkkk. Salad. Cali jeele. Waad iga qoslisay jkkkkkkkkkkk. Hadan ku jiro baarlamaanka waan kuu codayn lahaa waxa an xasuusta. Xigmadaadii ahayd. Tani Waa qax mahurto ee magalgadud mise raaskanboni baa loo qaxin
Ama halagu qoslo ama hala yaso Salad Cali Jeelle, nin quraanka munnasalka ah soo daliilsaday ilahayna naxasuusiyey Salaad baa ka jira. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin adduunka joogow maxaa aragti kuu laaban oo aan ula jeedo Salaad Cali Jeelle oo aayado quraan ah akhirinaya iyo shariif ahmed oo quraankii ka min guuray, Allow Alle ———— maxaan subax u joogay!!
Kkkkkkkkkkk. Saaxiib. Kolay lagu doorman mayo laakiin. 10.000. Oo Aad bixisay uma ciil qabtid oo gees ka gees. Caalamka Waa laga dhagaystAy. Dadkana intaan ku aqoon isbartay.
k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.l.k.k.k.k.k.k qosol iguma harin maanta
Kkkkkkkkkkkkk. Kkkkkkk. Kkkkkkk. Bandhigii. Maanta. Waxaa kugulystay salad. Oo ku hadlay luuqada ay fahmi Karaan. Soomalida Aan ka imaan reer galbeedka.
WAR ILEEN QOSOL LOOMA DHINTO,,,,,
NINKAAN HORTA HADALKIISA AYAA SIDAAS ISKA AH OO INUU DADKA KA QOSLINAAYO AYAA LA MOODAA LAAKIIN KAMA QOSLINAAYO,, WAXAANSE IDIIN OGAHEY INUU DHAAMO QAAR BADAN OO MEESHA KA HADLEY MAANTA AMA BERI KA HADLI DOONA MAXAA YEELAY WUU KA DAACADSAN YAHEY,, SHARIIFKA OO AY ISKU BEEL YIHIINA WAA KA KOW
SOOOOOOOOOOO FUNNY.
Qashin Qashin Qashin
waa daacad ayaan qabaa anigu lkn yaa dooranaya ileen soomaali daacad ma rabtee?
waxay rabaan mid afka waxa wanaagsan ka sheega ka dibna la idin dhaco dal iyo dadba
ninka inigu aan la yaabanahay indha adaygiisa waa shariif waayo ciyaalkii uu kharibay maanta waa ognahay waxay wadaan waxaana loo doortay asaga inuu soo xareeyo waana ku guuldaraystay marka waxa uu hada rabo maxay tahay
waqtidheer kadib oo ay xildhibaanadii luloodeen
waxaaa ilaaahay usoo direy mudane JEELE oo hurdadii ka kacshay
Tani waxaay marqaati ka tahay in aay Soomaaliya u dhammaatay, mar haddiiba uu hoggaaminteedu u hanqal taagayo gacan ku dhiigle aanan magaciisu akhrin karin. Salaad Cali Jeelle wuxuu ahaa gacan ku dhiigle Dalka ka baxsaday oo la toogan lahaa haddii la qabto, kadib markii uu nin kale si bareer ah u toogtay 80dii, mantana waa kaa loo sacabbo tumayo Cajiiiib!!!!!!! Faanoole fari kama qodna!!!!
Qabqaliyo ha Qaateen kursiga Qaatil iyo tuuge.
Waa inoo Qiyaamaha Wallaan Qaran la taageeyne.
Qoxootiga Allaa noo Qoraye la Qabsigeedii dhe.
Kkkkk alla qosol badanaa waan ooyay sidaan u qoslaayey salaad cali jeele hala doorto
Walaahi Waa qaracan. Wax lagu qoslo maahan ee Waa wax lala murugoodo. 22 sano waxay noloshu noogu ciriiryantay waxaa keenay ninkaanoo kale oo aan caqli, cilmi, iyo xikmad uu wax ku hagaajiyo laheyn umadii wax kordhin laheydna hor taagan.
Haduu maanta yiraahdo dawladii dhalata waan kasoo horjeedaa Waxaa garab istaagaya Qabiilkiisoo dhan. Xitaa hadii barwaaqo loo wado waxay ka doorbidayaan qofka qabiilkooda ka dhashay.
Bal ilaahbaan idinku dhaarshee hadii ninkan Madaxweynaha u taagan daya intuu caqli iyo cilmi ka le’egyahay iyo siduu jaanis ugu helay inuu 500 oo Ruux oo waxwalba isugu jira soo hor istaago.
Sideebay ku dhici kartaa marka horaba Ruux noocaan ah inuu isasoo sharraxo? Taasi waxay ku tusaysaa sida aan u hoognay oo u ba’nay.
ufff calayk……waa malin mugdi ah ……inuu isu soo sharaxo nin aan wax qorin karin aan akhrin karin……………xataa dugsi hoose shahaado ma wato……….22sano ka bacdi waxaan islahaa bal rajo ayaa soo socoto………. 15 daqiiqo ayaa iga khasaartey …aan daawanayey….
Salaad Cali Jeelle :kursi raadis ma’ahayne waxuu ahaa majaajilayste,goobta u yimid inuu ka qosliyo,xildhibaanada iyo madaxda kale ee madasha isugu timid,waayo wayba caajisi lahaayeen,marka iyaga iskaba daaye,inta afsoomaaliga ku hadasha oo dhan baa ku QOSOSHAY,meelksataba adduunka ha ka joogeene,KKKKKKK,10.000$waxuu dhaafsaday ila qosol,kkkkkkkkkkkkk,!!!!!!!!!!!!!!!.
Lacagi waa Qaadasho, Codkana aniga i sii cidi ku arkimeysee…k.k.k.k.k.k..funny walaahi
k.k.k.k.k.k.k.salaad cali jeele hala doorto Lacagi waa Qaadasho, Codkana aniga i sii cidi ku arkimeysee….