Musharax Xaaji Maxamed Yaasiin: Waxaa Dagaalamaya Xukuumatu Shabaab iyo Xarakatu Shabaab


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 Muqdisho (RBC Radio) Musharax Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa wuxuu ka soo jeediyay kulanka baarlamaanka qudbad aad u xiiso badneed oo ka duwaneed qudbadaha musharixiinta kale.

Musharaxaan ayaa wuxuu gacanta uu ku watay xiliga uu ka horhadlayay baarlamaanka Kitaabka Quraanka Kariimka, wuxuuna qudbadiisa uu kaga hadlay arimo badan.

Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil ayaa wuxuu sheegay sheegay in loo baahanyahay in alaah laga baqo oo mar kale loo tooban keeno, si loo helo raxmada Eebe.

Wuxuu sheegay hadii uu ku guuleesto xilkaan in uu ka shaqayn doono sidii shacaka Soomaaliyeed si Jamaaco ah ay ugu tooban keeni lahaayeen dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu kor u qaaday Kitaabka Quraanka wuxuuna sheegay in gacanta midig uu ku qabsanayo kitaabka sidoo kalana gacanta bidix uu ku qaban doono Calanka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dagaalada dagaalada u dhaxeeya kooxda Al-Shabaab iyo waliba dowlada oo uu sheegay in ay dad badan ku dhinteen oo Soomaaliyeed sidoo kalana ay dad badana ka barakaceen.

Xaaji Maxamed Yaasiin wuxuu sheegay asagu in uu u arko dagaalkaan in uu u dhaxeeyo xukuumatu shabaab iyo xarakatu shabaab, isla markaana hadii loogu talagalo xal fiican laga gaari karo.

Musharaxaan ayaa wuxuu sheegay in wax walba uu ku raadin doono wada hadal isla markaana dowladiisa ay la fariisan doonto kooxha ka soo horjeeda dowlada intii dagaal wax lagu raadin lahaa.

Ugu danbayntii Musharax Xaaji Maxamed Yaasiin wuxuu sheegay in loo baahanyahay in la raali gali Alaah, intii laga shaqayn lahaa sidii loo raali galin lahaa Beesha caalamka.

RBC RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

12 Responses for “Musharax Xaaji Maxamed Yaasiin: Waxaa Dagaalamaya Xukuumatu Shabaab iyo Xarakatu Shabaab”

  1. ifrax says:

    ninkaan waa nin isku kalsoon oo daacadnimo kamuuqato waxaa dalil u ah faroole taagero kama raadsan dhinac ayuu kamaray shariifka haduu gulaysanwayo adiga ilahay guusha haku siiyo.

  2. cabdi says:

    ninkan wa ninka ugu hadal fiicnaa, ugu muslimsana, uguna somalisanaa, sharif iyo gaas wuxu dhaamaa 100 jeer, isagana u rajaynaya guul

  3. ala aamin says:

    allahu akbar Al Xaaji Muxamed Yassin alaha barakeeyo daaciga weyn ee u istaagay in somalia samata bixiyo wuxuu kaloo yiri” dalka somalia wuxuu 57 kulaba jibaarmaa dalka qatar oo ah dalka aduunka ugu qanisan marka laga eego Gross Domestic Product Per Capita XAAJIGA HA NOOLAADO SOMALIA HA NOOLAATO

  4. caqil says:

    asc masha alaah sh mohamed kalsoni iyo geesinimo akhlaaq diin iyo sharaf ba ilahay ku maneestay waa nin qabiil ka koray dacad ah jecelna inu si dacad ah dalkisa ku badbadsho barlamaanka waxan ka codsanaya caawa chanis ba heysataan ka fakera hogaan dacad ah walaalayga comment so qoray waxa idinka muqata diin iyo somali nimo ilahay haydin xafido dalkenu al xaaji mohamed isaga u bahan

  5. War same says:

    Xajiga Waa istahilaa madaxwayne laakiin. Barlamka ku Waa lacag oo shariif Ayaa ladooran.

  6. mohamed says:

    waad salaaman tihiin bahda raxan reeb waa markii iigu horeeysey aan comment ku qoro web site noloshayda laakiin maanta waxaa igu kalifay waxaan dhegeystay khudbada shiikh mohamed yassiin waxaan aad uga helay taageerada uu raadiyey isagoon madax weyne noqon si haddii ladoorto u tegin xafiis maran iyo calool baahan barlamaankana hadal weyn ayuu ku la hadlay dhibka iyo horamarka somalia waxay ku xiran tahay codkiina akhirana waa la idin weey diinaya waa hadal aad amaanadiisu culus tahay koley anigu walaakay hadduu tar tamayo walaahay maan siiyeen shiikha ayaan dooran lahaa nin ay isku hayb yihiin shiikha ayaan wacay markaan khudbadiisa dhegeeystey wuxuu ii sheegay in xataa beesha uu ka dhashay ee cimaan maxamuud xildhibaanada ku soo aday cod isiiya dhihin raga kale waxaad maqleysa keya wadata america wadata faroole wata ugaandha ayaa wada ta IWM gaba gabadii waxaan alle ka rajaynayaa guul al xaaji maxamed yassiin.

  7. Maasha Allah xaaji max,ed yaasin xafidullah maadama ad kitabka gacanta midig ku qabsatay oo laso hor istagtay barlamanka majiro nin adigo kala ah adiga mudan in ad guleysato raga kula tartamayo inyar aya afka ka shegatay iney diintena nagu mamuli donan ad

  8. Omar says:

    Ninkani maaha nin rajo ka qaba in la doorto, kitaabka uu sheegayo se ma jirtaa meel uu caalamka ka shaqeeyo ama ka shaqeeyey before.

  9. sandheere says:

    ninkaan waa nin isku kalsoon oo daacadnimo kamuuqato waxaa dalil u ah faroole taagero kama raadsan dhinac ayuu kamaray shariifka haduu gulaysanwayo adiga ilahay guusha haku siiyo waana ay iska muqataa taasi ni8n kas tana wuu gatranayaa marka soo amaha in ay baarlamaanku nasiib kiisa firiyaan i8n uu dalka hormariyo

  10. mohamed says:

    Wiilka omar la leeyahay walaal ilaah maad ka cabsatid dhawr jeer baan ku arkay adoo kitaabka alle duraya.kitaabka horay wuu u shaqeeyay taariikhda akhri,haddana wuuu shaqeeyaa,wuu na shaqayn doonaa,ilaa qiyaamaha.waana kitaabka alle u soo diray adduunkoo dhan ,hadii si fiican loo qaato wanaag adduun iyo mid aakhiraba waa la gaarayaa.Wax akhri sxb.

  11. Falaago says:

    Somaalidu In Ay Diinta ku Dhaqantoh ma Rabtoh Shiiikhaas Kitaabka Sitah bay Dooran Lahayeen Haday Dhab ka Tahay In Ay Diin ku Dhaqamaan.Walow Usan Pro Al Xaaji wax Weyn Soo Kordhiyeen 3diisa Xaas buu Mid 4aad ku Darasanlaha Lacag waa uu Haystaa oo Hantida Shacabka ma uu Dheceen Sh. Y. CALAA SUNATU WA RASUULULAAH bay Hawshiisu U Badanlahayd X. Yasiin

Leave a Reply