Musharax Xasan Sheekh Maxamuud Oo Maanta La Kulmay Masuuliyiin iyo Waxgarad (SAWIRO)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) kulankan Maanta uu la qaatay Musharax Xasan Shiikh Maxamuud oo u tagaan Qabashada Xilka Madaxwaynenimo ee Soomaaliya Beel Weynta Hawiye ayaa waxaa kasoo qayb galay Odayaal Waxgarad Dhalinyaro Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirasan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka waxa ka soo qaybgalay Barbaarta Gaashaaman oo Halkaasi ku soo bandhigayay Suugaan ay ku Amaanayeen Musharax Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxaa halkaasi ka hadlay oo Qudbado kala duwan ka jeediyay Odayaashii iyo Waxgaradkii kulanka kasoo Qaybgalay waxana ay sheegeen in Xasan Shiikh uu yahay Aqoonyahan u qalma Xilka Madaxwaynenimo ee Soomaaliya ayna Taageersanyihiin.

Sidoo kale waxay sheegeen dadkii halkaasi ka hadlay in Musharax Xasan Sheekh Maxamuud uu karti iyo aqoon uu u leeyay samatabixinta wadanka, oo haatan ku jira xaalad adag.

Ugu Dambeentii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyahay Xisbiga Nabada iyo Hormarka Ahna Mushrax u taagan Xilka Madaxwaynenimo ee Soomaaliya Prof. Xasan Shiikh Maxmuud waxaana uu sheegay in haddii uu ku guuleysto Xilkaasi uu wax ka badali doono sida Hadda Xaalku uu yahay

Prof. Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahanyahay musharax u istaaga badbaadinta wadanka iyo waliba kasamatabixinta xaalada wadanka uu haatan ku jiro, wuxuuna sidoo kale uu sheegay in loo baahanyahay in la helo ruux daacad u ah wadanka.

Magaalada Muqdisho Waa Caasimadda Dalka Soomaaliya waxaana ay Marti galineysaa Doorashada Madaxtinada Dalka iyadoona dhawan lagu qabtay Doorshada Gudoonka Baarlamanka Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

4 Responses for “Musharax Xasan Sheekh Maxamuud Oo Maanta La Kulmay Masuuliyiin iyo Waxgarad (SAWIRO)”

  1. [...] Read the original post: Musharax Xasan Sheekh Maxamuud Oo Maanta La kulamay Masuuliyiin iyo Waxgarad (SAWIRO) [...]

  2. B Jameeco says:

    Soomaalida ma tixgeliso muuqaalka iyoo qaabka hogaamiiyahooda . Qaablaabe

  3. farinomaleh says:

    waa run tusaaale u soo qado dalalka reer galbeedka ma ogolla madaxweyne bidaar leh

Leave a Reply