Musharaxiinta Maxay La Soo Shir Tageen?. W/Q Farah Warsame
MURASHIXIINTII MAXAY LA SOO SHIR-TAGEEN??
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Sabteembar 09 2012
Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Faarax Warsame
Waxaan aad u dhageystay inta badan khudbadaha ay soo jeediyeen murashixiinta u tartamaya jagada madaxtinimada Soomaaliya. Waxaan sidoo kale hore ula socday qaabkii madaxda Baarlamaanka hadda loo soo doortay. Wixii aan ka filayay dhageysiga khudbadaha iyo waxa aan ka helay aad ayay u kala duwanaayeen.
Murashixiin 20 kor u dhaafaya oo weliba ay ku jireen rag lagu tuhmayay in ay aqoon fiican leeyihiin ayaa meesha isugu yimid, mid walbaana fursad uu ku soo gudbin karo wixii laga codsaday ayuu halkaa ka helay, laakiin waxaan oran karaa intooda badan waxay ku fashilmeen fursaddii ugu horreysay ee ay heleen.
Maxaa laga doonayay? Maxayse la soo shir-tageen?
Su’aasha la weydiiyay waxay aheyd maxaad dooneysaa in aad qabato? Su’aasha oo aad fahantaa waa jawaabta barkeed! Jawaabtu waa wax sahlan keliya waxay ku ekeyd adigoo sharraxa arrimaha soomaalidu u baahan tahay in wax looga qabto oo si kooban u micneeya adigoo waqtiga lagu siiyay ku soo koobaya. Arrimahaasu maxay yihiin? Waa kuwo aan 10 ka badneyn midkiibana daqiiqad illaa labo kaga bogan kara waxaana ka mid ah arrimaha Amniga (ciidamada), waxbarashada, shaqada, caafimaadka, dib u heshiisiinta,horumarka, isku xirka dalka & dadka, barakacayaasha (qaxootiga & qurbajoogta), maamulka iwm oo uu mid walba qorshaha uu wax kaga qabanyo in yar oo kooban uu ka sii bidhaamiyo. Intaba waxaa laga doonayay in ay ku soo koobaan muddo 15 daqiiqo ku siman. Laakiin waxaa halkaa iiga soo baxay in inta badan shakhsiyaadka doonaya in Soomaaliya madax ka noqdaan jahadu ka lunsan tahay oo waxa ay doonayaan in ay qabtaan aysan khibrad-ba u laheyn.
Waxaa murashixiintani waqtigii la siiyay iyo weliba dheeraadka uu kaga lumay in ay intooda badani ka sheekeeyaan wixii ay WAA’ ahaan jireen ama soo maray. Sheeko xariirka noocan oo kale ah ma aha wax ummad lagu hoggaamiyo. Haddii aad beri dhakhtar qalliinka ku fiican aheyd ama sida dhagaxa loo jebiyo si fiican u taqaan ama Feylasuuf laga dambeeyo ahaan jirtay waa howl adiga ku khuseysa ee ma aha waxa ay soomaali maanta u baahan tahay. Kama wado in aadan wax aqoon ama aadan madax noqon Karin laakiin xirfaddaas iyo wixii aad soo martay ee taariikh ah adiga ayay ku khuseysaa, arrimahaa oo kale waxaa jirta meel loogu talo galay in lagu qoro, laakiin waxaan kaa dooneynaa in aad wax qabadkaaga dambe naga iibiso… Maxaad dooneysaa in aad noo qabato? …SIMPLE!!!
Adduunkan aynu ku noolnahay waqtigan, shakhsiga madaxweynaha noqonaya wuxuu soo maraa tijaabooyin kala duwan oo ku saabsan waxqabadkiisii shaqo ee arrimaha dowladda iyo hoggaanka, sida isagoo arrimaha siyaasadda ka soo bilaaba dowladaha hoose, xisbi siyaasadeed ama hey’ad kale oo siyaasad & hoggaamin ku shaqo leh. In badan oo kuwaa ka mid ah waxaa u sii dheer aqoon xagga waxbarashada ah sida sharciga, dhaqaalaha, maamulka iwm. Iyadoo intaa laga helay ayuu weliba doorasho sii maraa oo kuwo isaga oo kale ah booska isku ciriirshaan. Laakiin haddaad u sii fiirsato madaxda soomaalida mid ama labo ayaa la oran karaa waa ugu dhow yihiin, Ma aha waa yihiin ee waa ugu dhow yihiin!!. Taasi waxay keeneysaa marka in ay ku fashilmaan wixii ugu horreeyay ee ka caawinayay in uu madax noqdo taasoo ah isa soo sharrixiddiisa.
Mar haddii caqligeena & cilmigeennuba heerkaa joogo, waxaan ku khasbannahay in aan kuwaa haddana sii kala xulanno oo calal-aqal darajada PASS (gudbay) siinno kuwa ugu roon. Illaa iyo hadda 3 shakhsi ayaan oran karaa in imtixaankaa buundo baasid ah ka keeneen. Inkastoo aanan dooneyn in aan magacyadooda sheego haddana haddii aad dhageysatay waad garan kartaa kuwa ay yihiin.
Baarlamaanka
Soomaali isma dhaantee Baarlamaankii cusbaa laftigiisa ayaad moodeysay in ay kuwaa murashixiinta ah wax badan ka duwaneyn. Matalan marka arrimahan oo kale yimaadaan ku saabsan dhageysiga iyo dad kala xulashada, adigu shakhsiga aad doonto taageersanoow fikradda aad doonto aaminsanoow ama ciddaad doonto hadhow codkaaga sii taa adiga ayay kuu gooni tahay, laakiin waxaa jira qaab loo dhaqmo marka aad Baarlamaani tahay, weliba marka aad ku sugan tahay gudaha xarunta baarlamaanka xeerar ayaa jira in la raaco ay tahay.
Waxay aheyd in Baarlamaanku u wada dhageystaan shakhsiyaadkan isa soo sharraxay si isku mid ah oo midna aadan si gooni ah u qiimeyn. Labo jeer ayaad-na u baahan tahay in aad sabciso waa marka uu shakhsiga khudbaddiisa jeedinaya magiciisa lagu dhawaaqo iyo marka uu khudbadda dhammeysto. Xitaa ma aha inta khudbaddu socoto aad wax buuq ama sacab jeediso ama xitaa qosol sida kii meesha ka dhacay oo aniga iigu muuqday mid shakhsi lagu yasayo ku kacdo, illeyn dad baad kala xulaneysaaye. Waa in lagaa dareemo in aad masuul ummad hoggaaminaya aad tahay. Laakiin marka hal shakhsi qudbeynayo sida Madaxweyne iwm waa arrin gooni ah oo taa qaabab kan ka duwan ayaa la sameeyaa. Waxaana xubnaha baarlamaanka laga doonayay in dhammaan murashixiinta isku si ula dhaqmaan xagga sabcinta,dhageysiga, ixtiraamka iwm.
Waxaan sidoo kale maqashiisnahay in mid ka mid ah murashixiinta uu sii sheegay shakhsiga uu R/wasaaraha ka sii dhiganayo haddii la doorto. Ma garan waxa uu ula jeedo, waxaanse u qaatay mid la mid ah tii dhacday markii doorasahda baarlmaanku socotay in shakhsi ku dhawaaqo in codadkii uu helay ku wareejiyay shakhsi kale. Waxan waxay ku tusayaan aqoon darida dadkan ka heysatay arrimahan oo kale. Waana sababta loo yiraahdo aqoontaadu hala socoto khibrad (experience) xagga hoggaaminta iyo maamulka ah.
Waxyaabaha kale ee cajiibka ah ee aan meesha ku arkay waxaa ka mid ah in labo beelood oo beelaha soomaaliyeed ee qaabkan hadda socda lagu saleeyay aysan wax murashixiin ah ugu jirin dadka tartamaya, haddii laga helona hal qof iwm uu yahay, waxaa meesha ka buuxana ay beelihii kale yihiin xitaa beesha saddexaad ee ku wehelisa labadaa beelood kuma badna, Su’aashu waxay tahay marka Yaa u diiday? Ma dastuurkaa sidaa qoraya oo haddii shakhsi beeshiisa ka soo jeeda uu baarlamaanka qabto isaga boos uma bannaana mise xeer hoosaad kale oo aan ku dhaqanno ayaa sidaa qaba? Muxuuse shakhsigani doorasada isaga reebay? Haddii uu iskii uga haray waa arrin wanaagsan laakiin sida ii muuqata waa arrin fashil u eg oo waxay aheyd in uu marashaxnimadiisa sii wato oo calal aqal howsha uu sii qurxiyo oo nidaam u ekeysiiyo hadhow halaga helo haddii la doonee! Ama xitaa farsamooyin kale isticmaalo, sida waan tanasulay ama waan ka haray oo sababta ama duruufta kugu kallliftay aad sheegto, laakiin hal mar ayaa magaceyga & muuqeygaba meesha laga waayay waa foolxumo siyaasadeed oo weyn, tanna waxay ku tuseysaa heerka ay gaarsiisan tahay aqoonta aan ku tuhmeyno madaxda dooneysa in ay na hoggaamiyaan.
Maxaa meesha iiga soo baxay?
Waxaan is lahaa mar haddii baarlamaankan hadda la soo xulay ay Soomaali badan taageertay, khaladaad badan ayay sixi doonaan. Waxaase ii soo baxay ama aan dareemayaa in ay sii bilaabeen khaladaadkii kuwii hore ku fashilmeen. Waan khaldanaan karaa laakiin waa ra’yigeyga iyo sida ay aniga wax iigu muuqdaan. Tusaale haddaan ku siiyo khaladkii ugu horreeyay ee Baarlamaanku galo waxay aheyd iyagoo murashixiinta codkooda dhiibanaya aan magacyadooda la isugu xijin qaabka xuruufta (Alphabetics) loo yaqaan. Waxaa loo kala saaray labo kooxood oo koox weliba maalin la siiyay in ay hadasho. Laakiin kooxdii ugu horreysay ayay aniga saadaasheydu I siineysaa in madaxweynaha cusubi ka soo baxayo. Haddaanan khaladkaa ii muuqanna saadaashaa mid ka duwan ayaa laga yaabi lahaa in ay igu jiri laheyd. Macnuhu waxaa weeye intii ugu tunka weyneyd ayaa kooxda hore la isugu keenay.
Isla kooxdaa hore ayaan haddana waxaan kasii dhex helay labada shakhsi ee laga yaabo in midkood madaxweyne noqdo. Inkastoo aanan dooneyn in aan magacyadooda sheego, haddana waxaan ku gartay isla qaabkaa aan kor ku soo sheegay ee khaladka baarlamaanku galeen kaas oo ah in shakhsiyaadkaa si wanaagsan loo tixgeliyay,dhageystay ama hadaladooda la qiimeynayay. Waxayna taa ku tusineysaa in Baarlamaanku intooda badan ogyihiin qofka ay dooranayaan qaabkii ay doonaan ha u xushaane.
Maxaa haddaba la fili karaa?
Haddii dad badani aaminsanaayeen in Baarlamaankan wax badan kii hore ka duwanaan doono anigu sidaa ma qabo. Haddii doorashadii hore ee Baarlamaanka madaxdiisa lagu soo doortay ay dad badani qancisay anigu sidaa si ka duwan ayaan qabaa. Waxaana ku saleeyay qaababkaa aan kor ku soo xusay amaba sida ay hadda wax u wadaan. Dad badani-se waxay ogaan doonaan marka madxweynaha la doorto ama maalmaha ka haray doorashada ee intaan doorasahdaba la gaarin oo is-qabqabsi, nin jecleysi, laaluush iyo fowdo howshu ku bilaabato .
Ugu dambeyn haddii sida aan sheegayo wax ku sii socdaan waxay u badan tahay in shakhsi muran weyn dhaliya la doorto kaas oo aakhirkii hoggaanka ku fashilma sida marar horeba dhacday kadib markii dad badani ka hor yimaadeen. Baarlaamaankan dal-dalooladu iiga muuqdaan ayaase looga fadhiyaa sidii ay arrimahan oo kale u koontarooli laheeyeen si xitaa iyaga laftigooda waa baarlamaankee fadhiid u noqon oo markaa waa in ay hadda ka sii baaraan dagaan sidii ay hadhow isu badbaadin lahaayeen oo shaqsi wax kala garanaya oo aqoon, waxqabad iyo hurumar diyaar la ah doortaan.
Haddiiba Alle ka badbaadiyo arrimahaa waxaan ku talin lahaa in tababar deg-deg ah loo sameeyo hey’adaha dowladda oo dhan si cabsida iman kartaa u yaraato.
ALLOOW SAHAL UMUURAHA.
Farah Warsame
Melbourne, Australia
=========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












faarax inta aad sheegtay waa sax waadna kumahadsantahay
MAQAAL LAYSKAMA QOREE SIDA FARXAAN BAA LOO QORAA AMA WAA LAYSKA DAAYAA
point aan is oran karo waa khaladay garan maayo aniga waxay ilatahay waxa ku fiican in ay doortaan madaxweyne XAAJI YAASIIN MAXAMUD ISAGA AYAA KAHADLAY WAX QABADKISA WADNA MAHADSANTAHAY
aragti,runtii qudbadihii la aruuriyey,qudbadii ugu qiimaha iyo qaayaha badneyd waxaa jeediyey,
Prof;samater,aqoon,politly,ah dhisan sida ruux meel taagen oo alle caafimaad siiyey,madax,xabad,calool iyo lugo, maxaa u diidaaya ruuxaas inuu socdo,>>>>>>>>>
waxaana xasuusiyey parlamaanka iney vote koodu yahay xabad la ridey oo aan qofna dilin
laakiin hadii kii loo dhiibo uu nin xun noqdo oo uu bari wax dilo ama haleey aysan waxba ka
qaban karin ee ay maalinta isniinta jaaniskoodu ku egyahay,”farmaajo”>>>>
mid khayr qaba aaaaaaaaamin
Walaal aqoonta aad ka hadlaysaa waa inay adiga kaa muuqataa, Bal fadlan qoraalkaaga halmar dib u akhri adoo maskaxdaadu dagan tahay. Waligaa horumarka waxaa lagu cabiraa war meeshii la joogay horay ma looga dhaqaaqay??? imisa ayaase xawaare lagu socdaa, xawaaruhu haduu bato badanaa wuxuu keenaa burbur, waayo waa sida ilmo dhashay oo la yiri orod ama feertan loo diyaariyo.
Midaa hadaan kasoo gudbo, waxaad eedaysay musharax sheegay ra’iisulwasaarihiisa, taas runtii horumarka la taaban karo ayeey kamid tahay, waayo shaqsiga markii madaxwayne uu noqdo dawlado ayaa laga yaabaa inay kusoo khasbaan madaxwaynaha nin kale oo aysan wada shaqayn karin sidii Abdullahi yusuf iyo shariifba ku dhacday. waxaa kaloo kira baarlamaanka waxaa u fududaanaysa inay labada shaqsi isku qiimeeyaan taas oo keenaysa inaan la dooran madaxwayne aan qof wanaagsan wadan inaan marka horeba la dooran. waxaa kaloo meesha ka baxaysa in wakhti badan uu lumo iyo hantida umadaba, waxaa sida caadiga ah dhacda in madaxwayne la doorto uu isna doorto raisulwasaare kadib dhaarin iyo baarlamaan is horkeenidi ay timaado, hadiise musharaxu marka hore sii sheegto ama doorto halmar ayeey soo wada baxayaan lana wada dhaarinayaa, dalkuna halmar ayuu salka cagaha dhiganayaa oo ka baxayaa doorashooyinkii sii dabo dheeraan jiray.
waxaa loo baahan yahay dalkii inaad tagto, qoraaladan dheerna iska dayso iskuuladana aad wax ka dhigto. Mideeda kale wax aadan sababta aad ku mucaaraday aadan hayn ha mucaaradin, waliba sababtaas oo loo qaateen ah ama cadaymo muhiim ah wadata, taa waxaa sii dheer waxa aad mucaaraday shaqsiyan waxaad noogu badali lahayd inaad adigu na tustid, waayo waxbaan mucaaradayaa wax badalkeedi ah oo ka fiicana ma aan hayo, iska aamus baa dhaanta taas. Farxad iyo mahadnaq ayaan kuu dhaafayaa, igana raali noqo wax aanan xumaan ula jeedin haday sixun kuula muuqdaan walaal.
KA DIB QORAALKAAGA DHEER, SXB WAXAAN KUU SHEGAYAA IN AYSAN MALIN KALIYA WAX KU WADA QABSOOMIN, WADANKAN ADUUNKA ISKA DAAYEE AFRIKADA MADOW AYUU 22 SANO KA DAMBEEYAA, laakin aniga waxay ila tahey IN BARLAMANKANI KII HORE XOOGAA DHAAMO, KHALADADKA AAD ADIGU KHALAD U ARAGTO EE MUSHARIXIINTA WAA KUGU KALIGAA, SIDA KHLADKA AAD SHEEGTEY EE IS SHARIXID LA’AANTA SH,SAKIIN MAXAA YEELEY HADAD HOWLAHA SOMALIDA LA SOCOTO HOWSHAS WAXA LA YIRAAHDAA 4.5 WALINA MAANAAN GARIN KA GUDUBKEDA, niyadaanse ka jecelnahey in aan ka gudubno. MARKA QORAA MAHADSANID FIKIRKAAGA.
Waa maqaal fiican well done! Waxaanse kuu sii sheegayaa in laga cabsi qabo in shakhsiga aad sii tilmaantay soo baxo. Halkaana rabshad ka bilaabato xaalku wallee ma sahlana. Sh Shariif hadduu soo noqdo waa in Puntland goosato waana xalka keliya ee ay Puntland ku guuleysan karto.
Waad abaartay well done. Waxaa wanaagsan in radian marka hore ay soo qaataan class communication ah m arka hore a soo Bartaan sida loo hadlo AMA wax loo dhagaysto haddii Alan dib ugh noqdo professor Samater iyo Dr. Cadow Ayala si academic. Ah u hadlay waxaan ku talin Lahaa in ay doortaan Samater
xildhibaanada dhaliishooda ii muuqatey waxaa ka mida qudbadii musharixiinta oo socota loona baahnaa iney dhug u yeeshaan si ay u fahmaan qofkey ku aamini lahaayeen xilka wadan ayaa qaar badan oo kamida waxaad arkeysaa iyagoo mud shan daqiiqo ah marna sii baxaya marna soo gelaya iyo qaarkaloo waxyaabo kale ku mashquulsan sida wax akhris iyo waxyaabo kale, sidaasina sifiican maahan musharaxa ood dhegeysataa waxey la mid tahey adoo dad garkuula yimid dhegeysta oo kala sheega ka gardaran iyo kan kale. laakiin hadaadan dhegeysanba sidee gartii u kala saari, arintaas ayaan ku dhaliiley xildhibaanada cusub
walaale faarax warsame run ahaantiii waxad ka hadashay xaqiiqo jidha anuguna waan aaminsanahay aragtidaas mid lamid ah qofka caaqilka ahna waa midka fahma meesha uu in badan dhibi kaga timid kadibna iska ilaaliya waana shey xataa ay ina amrayso diinteen islaami ka in uu qofka muslim ah yaqaano dariiqa uu horay ugu dhibtooday iyo kan kalle waxaa uu yiri nabigeena calayhi salaatu wa salaam: “?? ???? ?????? ???? ?????” qofka muslimka ah qod labo sheer lagama qaniino hadaba waa in ay ogaadaan ama isku dayaan in ay gartaan musharaxiinta somalia halka horay wax uga hagaagi la’aayeen oo ay ka leexdaan lkn waxaa layaab leh in wadadii aad shalay ku baabaday ma ahane aadan ba wada kalle aqoon waxaan filayaa dhaqankani in uu yahay mid somalidu ay iskaga imtixaamantahay waayo waxay yaqaaniin in ay malin waliba hal wado hayaan tusale ahaan odayga reer miyaga ah oo soomaaliga ah marka uu yahay wiilka oo aw guursado waxaa loo soocaa ama la siiyaa 40 neef oo ari ah iyo 2 rati gurina waa loo dhisaa hadhaw wiilkiisuna intii buu kasoo bilaabaa ee meeshii odaygu gaarsiiyay kama sii wado marka dabeecadani waa mid aad loogu rogmaday anugu rayi ahaan waxaaan u arkaa dadka somaliyeed ninka wax u qabankaara oo musharixiinta kamidka ah waa dr. maxamed farmaajo waxaan kula talin lahaa in ay baarlamaanka somalia iska daayaan qabyaaladaa oo ay wax ku doortaan sidii dad aqoonyahano ah oo ay ka tagaan qolkaas mugdiga ah ee ay qabyaalada na dhigtay
mahadsanidiin dhammaan