Musharaxnimada Dr Cabdullqaadir Cabdi Xaashi oo Puntland Siweyn Looga Taageeray (Sawirro + Video)
RBC Minneapolis: Isusoobaxyo,Shirar, Xaflado lagu taageerayey Musharaxnimada Xilka Raiisul Wasaare ee Dalka Soomaaliya Musharax Dr.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa ka kala dhacayey dunida daafaheeda iyada oo bulshada Soomaaliyeed ay ku garab istaageen Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi in uu qabto Xilkaas aadka u weyn.
Isusoobax aad u weyn ayaa ka dhacay Degmada Goldogob waxaana lagu taageerayey Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xassan SH Maxamuud isla marahaantasna lagu boorinayey Madaxweyne Xassan in uu u dhiibo Xilka Xilka Raiisal Wasaarenimo ee Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Musharax Dr.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi.
Dadweyne aad u badan ayaa waxa ay isugu soo baxeen wadooyinka Waaweyn ee Degmada Goldogob iyaga oo ay ku dhawaaqayeen haldkudhegyo ay shacuurtooda ku muujinayeen waxana kamid ahaa “Wadani Cabdulqaadir Guuleyso” iyo kuwo kale oo lamid ah.
Musharax Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa ah nin aqoonyahan ah horayna usoo ahaa wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Xiriirka Caalamiga ee puntland kana mid ah xildhibanada baarlamaanka cusub ee dhawaan yeeshay dalka soomaaliya ayaa hada kamid ah raga ugu cad cad ee utaagan jagada Ra’isulwasaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Dr Xaashi oo ah nin aqoon sare leh isla markaana ladhihi karo shaqsiyad adag oo Soomaaliya u hogaamin kara dhanka wanaagsan iyo hor’umarka umada Soomaaliyeed tiigsanayaan.
Waa nin Soomaalinimadu ku dheertahay lana dhihi karo waa shaqsiga marxaladaan. shaki kuma jiro in soomaaliya haatan ka gudubtay kumeelgarki siyaasadii is barbaryaaca ahayd iyo kala daadsanaantii dhamaan shacabweynaha soomaaliyeedna rajo ka qabaan horumar iyo in soomaaliya lagu soo celiyo saaxada dawliga ah ayadoo ah dawlad rasmi ah lana siman dhamaan dawladaha kale ee caalamka
Musharax Dr Xaashi ayaa ah khabiir aad ugu xeeldheer iskaashiga iyo arimhaa dibada iyo sidoo kale siyaasada caalamka.
RBC Minneapolis





















Ari boowe guulayso.
aad ayan usoo dhawaynayna waxana leenahay mudane illahay ha kugu guuuleeyo xilka oo noqo kii dalkiisa iyo dadkiisaba samata bixiya
Aad ayaan usoo dhaweynaynaa Musharaxa reer Puntland ee soo baxay kaas oo aan Qiyaasanayo in uu magaca Beesha wanaaga lagu bartay ee Tanade Darood sare usii Qaado asagoona ah halyey Hormar keeni kara
Tageero ayaan siinaynaa musharaxa Cusub hadaa nahay Khaatumo satate hambalyo, Lelkase waa Dad qiimo leh waana tageeraynaa soo dhaweynaynaa.
maansha lah run ahaantii waa doctor ku xeel dheer xirirka caalamiga ah waxan filaya inay guul wayn u tahay dowlada somaliyeed hadii ay soo doortaan
Guuuuuul hadaanahay Reer Puntland wuuna namatalaaa guuuuul
Waan tageernay hadaa nahay Mj Musharaxa beesha ehelka iyo degaanka nahay ee Leelkase waayo waa reer Puntland hormarna waa noo keenayaan cadawga puntland hajabo
Hadaanahay dadka Reer Puntland shacabka Iyo dawlada wanu taageersanahay wuuna waana shaqsi jecel hormarka Puntland Iyo soomaliya oo Idil aqoon Iyo karti u leh jecelna in dadka is fahmaan gacmaha is qabsadaaan sida uu kadhaxsameeyey beelaha daaroodka ee wada daga Puntland Iyo sidii uu ugu dooday qodobkii dasduuriga ahaa ee talyaaniga uu Ka diiday si cilmiyeysen kana guuleeystey. Runtii waxana Weeye shaqsi fiican
[...] View the original here: Musharaxnimada Dr Cabdullqaadir Cabdi Xaashi oo Puntland Siweyn Looga Taageeray (Sawirro + Video) [...]
Maasha’allaah guuleeyso ayaan leeyahay Dr. Cabdulqaadir, xilkii Wasiirnimo ee aad Puntland haysay sifiican ayaad oga soo baxday, oo shirkado waa weyn oo caalami ah ayaad kusoo xirtay Wadanka.
Insha’allaah Cilmigaaga iyo saxiibada aad ku leedahay aduunweynaha ayaad oga faa’iidin Dawlada Federaalka Somalia!
Reer Galdogob’na waxaan leeyahay waad mahadsantihiin sida sharafta leh oo quruxda badan aad ugu hambalyeeyseen Madaxweynaha Cusub Xassan Sheikh Maxamuud,
oo aadna u taageerteen Dr. Cabdulqaadir Cabdi Haashi.
doctor guulayso insha lah noqo kii dalkiisa iyo dadkiisaba anfaca somalina isku keena
run ahaantii wa shakhsi u qalma xilkaas waxan u rajayanay in ilahay u sahlo haduu khyr ugu jiro asaga iyo somaliba
anagu waan taageersanahay inay helaan raysal wasaaraha wallaheeen reer galdogob waxa idin leenahay guulaysta
waa wax fiican waana soo dhaweynenaa dr Abdulqaadir Hashi
illahay kuu khyr ku jiro hanoo keeno oo dalka iyo dadkaba u dan ah
Waan soo dhawaynaynaa wanaan taageer sanahay
Doctor xaashi waa nin uqalma waxna kaqaban Kara
Dhibaatada Soomaalia haguulaysto soomaalia hanoolaato
waxaa wanaagsan in madaxda hogaaminasa wadanka lagu doorto hufnaan iyo aqoon iyo karti
Waan taagereynaa musharaxa laakiin canasiirta reer pintiland yeysan ku daba gaban. Waa digniin. Kkkkkkkkkkkkkkkk.
dr cabdulqaadir cabdi xaashi waa qofka kaliaya ee isku xiri kara dhamaan qaybaha kala duwan ee soomaaliya waa nin aqoon diineed iyo maadiba leh
Aad ayan usoo dhawaynayna maadaama uu yahay aqoonyahan soomaaliyeed lkin waxay u muuqata in Goldogob laga waayey Calankii Puntland iyago sheeganayo inay ka mid tahay Puntland shame on them sidoo kale calankii Soomaaliya oo an Buluugii lagu yiqiin ahayn ayey wataan waxan aad ula yaaba Soomaalida qaar ma yaqaanan Calanka Soomaaliya Buluug Takhti ah ma ahan e calanka wa inuu u egyahay Cirka oo kale si kasta ha ahate Puntland haddanu nahay wanu u baanahanay Ra’izarwaazar cusub cid kasta haka yimaade……………
aniga oo ku hadlaya magaca arda reer mareykan oo jaamacadaha wax kabaratay waxaan si aad iyo aad ah u soo dhaweeyneeynaa arintaan taariiqiga ah ee DR. abdulkadir abdinuur hashi loogu dooran doono Insha Allah. Ra,iisul wasaara dowlada federaalka ee somalia. hadii aanaha jaliyada ardayda mareeykanka waxaan aaminsanahay in eey soomalia eey dooratay musharax aqoontiisa iyo diin tiisaba lagu kal soon yahay. waxaa aad u yar mushara xiinta heesta aqoonta ugu sareeysa dunida sida BHD. balse musharaxaan waa musharax BHD iyo soomaalinimaba isku darsaday. wabilaahi toofiiq.
waxaa filayaa in Dr. Xaashi yahay shakhsi u qalma xilkaa,waxaanse taa ku darayaa in aan Soomaalidu bislayn taana waxaa kuu cadaynaya sida goboladu ubuunbuuninayaa shakhsi gaar ah tusaale ahaan (beesha Daarood) Mareexaan wuxuu u ololeeyaa mudane Farmaajo iyagoon cidkale qorshaha ku darin halka Majeerteen mudane Gaas u xusul duubaan iyagoo cid kale afka soo marin,qolo waliba waxay ku andacootaa in wiilkood mooyee ka kale cadaw u yahay. haday siday sheegayaan run tahay oo Farmaajo cadaw ku yahay puntland Gaas na gedo cadaw ku yahay maxay u buunbuuninayaan umaba qalmaan jagada e ,ma waxay R/wasaare u noqonayaan Puntland iyo Gedo mise waxay R/wasaare u noqonayaa dalkoo dhan oo dadka iyo goboladuba u siman yihiin . miyeynaan ku cibra qaadan dawladii iyo qaranimadii halkii la dhigay iyadoo kuwii ka soo horjeesta ay qabiil uga soo horjeesteen kuwii difaacayeyna qabiil iyo dano gaar u difaacayeen ee aanay xumaan iyo samaan midna qiimayn. R/wasaaraha dadkiisa kala jeclaysta oo heshiis reer ku shaqeeya ragii arrintaa ugu horeeyey halkay ku dambeeyeen ayuu ku dambayn.qoka shacabka ah ee iku reer baanu nahay ku taageeraana wuxuu ka heluu leeyahay.
waxaan ra’yigayga ku soo gunaanadayaa hadaan reeraha daaqada iska arkay aanay xaliyin khilaafkooda oo aan jifooyinka iyo qabaa’ilku waxyaalaha u dhexeeya xaliyin si loo gaaro midnimo Soomaaliyeed waxaynu haynaa waa riyo.
kolay ninkaan wa nin ku xeeldheer xiriirka caalamiga ah sido kale waa nin bulshada somaliyeed ay aqbali karto waayo wa nin dhex-dhexaad ah marka good luck ayan leeyahay
waxaan u hambalyeynayaa beesha reer galdogob soo bandhigidda ay soo bandhigtay musharax dalka dhibaatada dhinacyada badan ka samatabixin kara madaxweynahana waxaan leeyahay dhawr arrimood dartood ku qaado dr abdulkadir hashi;
1.waxaa meesha ka baxaya hardanka iyo isjiid jiidka soomaalida dhexdeeda ah.
2.waa aqoon yahan ku xeeldheer cilmiga iskaashiga caalamiga dunidana afgaran kara ,dadka soomaaliyeed baahidoodana fahmi kara.
3.wuxuu ka soo jeedaa beelsha tanade oo lagu yaqaan dulqaad daacadnimo diinjacayl iyo caddaalad.
4.waxaa meesha ka baxaya isqabqabsigii madaxda dawladda,malaha beeshiisu dano iyo ajandayaal gaarah oo ay ku dirqinayso sida beelaha kale ee hadda isu raba xilkaas wuxuuna ka nabadgeli doonaa cadaadis uga yimaado beeshiisa oo ay ku weydiisanayaan fulinta danogaar ah .Sidaas darteed madaxweynaw fursaddan qaaliga ah ku dhiirro hana eegin reer hebel baa badan iyo hebelbaa yar waxaan hubaa inuu yahay shakhsi la soo wada dhaweyn doono.
wabillaahi tawfiiq.
5
a..w.w walaalayaal aad ayaan u soo dhawayn lahaa, wali ba ku farax sanahay.
waan taageeraynaa raysal wasaaraha cusub hadaan nahay shacabka reer Awdal land beesha leelkase waa beel qiimo iyo qadarin ba kudhex leh bulshada soomaalyeed..
Aniggu waxaan leeyahay Allow dal nabbad ah, Allow dad nabada, Allow diinta Islaamka.
nin ah ayaa meesha loo wadaa R/wasaraha sida war cad lagu sheegey
Masha allah Dr Cabdullqaadir Cabdi Xaashi wan so dhaweynayna waa nin howl kara waxana lagu ogaaday Iskaashiga caalamiga ee p/l marku hayay
waana Qolada kaliya ee manta Dhexdhexadka ka ah Beel weynta Daarood
qole kasta oo iga ka mid ah way taageersan yihin waxana laga yaabaa inu isu soo dhaweeyo dhaman walalaha kala fogaaday ama Mad madowga sookala dhex galay Guuuuuuuuuuuuuul insha allah
waxaan leeyahay mudanaha reer puntland sodhawow wana ku tageeraynaa- hadanahay jaliyada qurbo jooga ee u dhalatay gobolada puntland sida mudug and nugaal and bari iyo illaa goldogob and balibusle- waanu kugu tageeranaa xilka allaah hakuy calfo hana kuu fududeeyo. Amiil Amiin@ yaa Allaah.
Masha allaaah aad iyo aad bannu ugu farax sanahay musharaxa Reer puntland Dr Cabdullqaadir Cabdi Xaashi oo ah nin uqalma ruuntii guuuuul baan leeyahay insha allaaaah guuuuuuuuuuuleeeeyso .REER puntlnad fadhiga ka kaacaa taageero weyn muujiya .
WAA NIN SOOMALIYA UNA QALMA HADUU TALO IGA QAADAN LAHAANA WAXAN ORAN LAHAA U MAGACAW RAYSULWASAARE WAAYO WAA NIN AY SOO WADA DHAWAYNAYAAN SOOMAALIDU DHAMAANTEED GAAR AHAAN PUNTLAND DHAMAAN WAA LAGA SOO DHAWAYNAYA WAA NIN KSABADAY INTII UU AHAA WASIIRKA ISKAASHIGA CAALAMIGA EE PUNTLAND SHACAB AHAAN IYO MADAX AHAANBA UMADA SOOMAALIYEEDNA WAA SOO WADA DHAWAYNAYSAA
masha allah dadka meshan ka dhiibay fikirkooda oo dhan wey waadaa taageereyn saas ayaa la rabaa , anigana waan siiyaya codkeyga , ninkaan ayaa ku habeeen xilkaasi , no nin dad xaasidnimo u qabo no nin dadka meel kale ka weeraro , qalbi nadiiif nin nadiiif ,caqli wanaagsan jismiga waanaagsan ayaa la dhahaa no cuqdad ninkaan nadiifka ah ayaan rabnaaaaa guul mr hashi
ASC, Dr CQaadir Cabdi Xaashi run ahaantii waa shaqsi qalbi wanaagsan arinta aan aadka ugu xasuusto waa arintii Talyaaniga ee uu difaacey Diinteena si maskaxshiil ahna ugu guuleystay illaah swt ha’ukordhiyo wanaagiisa aamiin. Dad baa oranaya reer PLand ahaan baa lagu taageerayaa sidaas maaha arinku waxa lagu taageerayaa waa muslinimo iyo shacabka inuu isu keeno kana shaqeeyo wanaaga marka sidaa haloo fahmo mida kalena qof kasta meeshuu u dhashay waa jecelyahay taasina noqon mayso mid qof u gaar ah dadkoo dhan baa sidaas ah laakiin waxaa muhiim ah inuu shaqsigu ilaaliyaa cadaalada iyo midnimada sc.
waan taageerayaa musharaxa beesha tanado daarood waa dad ad u wanaagsan madaxwaynaha waan ka codsanaynaa sidaas oo kale inuu soo magacaabo musharaxaan reer gedo na dhib uma arkaan nin tanado daarood soo dhawaada tanado daarood
guul waaa nin adag walaai waana nin reer pl isku wadi kara xiligaan iyo soomaali siyaasadana wax kala socda
waxaan halkaan kasalaamayaa shaqaalaha raxanreeb kadib aad ayaan usoo dhawaynayaa una taageerayaa xilbaanka cusub ahna musharaxagu taageerada badan
waxaan leeyahay guulayso noqona kii kusoo baxa xilkaan waxna kabadala xaalada ay kujirto soomalia maanta waana hubaa inuu wax kabadalidoono waayo waa aqoonyahan kuxeer aqoonta
ALAA MAHAD LEH
waxaan salaamayaa dhamaan waxaaana u hambalyaynayaa musharaxa
Soo dhawaaw mudane lakin farmaajo bull all hasiiyo mida kale kuwo dagaanadoodii ka barakacay ee la gumeeyay ee kala finiiny ayaa cid caynaysa kkkkkkkk waa dad dhan oo lumay oo habaabay waa haku dayanina xorta ah maanta sool adaa gacantaada iyo iyo hungiri xumo u keenay waa tay buuhoodle kugu abaalgudeen in ku dhahaan ma shiri karyo dhagahana ku xirmeen sida rasaas laguugu garaacayay markaas baad dad intaas oo gobol dagan oo la ohyhay miisaankooda adoo lagu dagy gobolkii sool sida caynabo buuhoodlna 30 km loo soo maraya hadlaysaa war hadal kuuma yaal wxaa tihiin dad nasiib daro heshy oo darood sharfta kaga ciyaary hagu dayan mareexaan majeerteen leelkase warsangali waa dad xor ah adna heeryo isaaq ayaa ku saaran iyo cilad ah hunguri xumo iyo reera muskood aan ku rabin dhabanka taag kkkkkkkkk hadal uma furna waadna gumowdeen ha hadlina waayahakan kuwo mashruucii cali ku helay xildhibaanka la taagan taleex xudun buuhood loo dul fadhiyo adeer illaah khaatumada haydin siiyo waa dufowdeene raysalwasaarahana haba ka sheekayn saa dagaan maba lihide ayaa buuhoodlena 30 km usii dagy soolna haysta laascaano caynabo oo degmo laascaana ahna waa hore qaaty aamus marka bal waxba waxbaa dhaamee halagu soo ku baareeyo maxumee bal xoogaaga kuu hary badbaadso intaad dad hoos joogto
Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa qoslay war kadaa odayaasha saas howgu talaxtagine waa sidee waa kabaxyaan gumaysiga iyo calanka asyaanta ah oo ka taagan ciida sool iyo nimanka waawyn oo la seexiyo 2 saac iyagoon hurdo hayn kkkkkKkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Waalaaleheen tanade soo dhawaada waa mudantihiin ab iyo oodna waa wadaagnaa tolnimada isirka wxaa ka daran dagaanka wxaa la yiri ab iyo ood oodbaa dhow marka guul guul caqliga saliimka lakin faalo kusocota reerkaga hunguriga iyo dab reerood taagnaanta ku waashy dagaankoodiina lagu soo kubaareeyay ayaan faalo ka qoray mahyo tolow mxaa dhacy
Guleeso professor xashi aad ayaan u dageraya
Madaxwayne ninkas ciid kaa hoor imaneeso malahan administration’ka gaa hada
Ninkaas uu keentiid beel walba oo daarood aah?
dr ma aha ee daba roor oo loo soogaabiyo dr
raisalwaseere waa ahmed siciid samatar wasiirka maaliyada waa dr abdirwali ali gaas wasiirka gaashaandhiga waa mohamed abdilaahi farmaajo inta soo hartay soomaali meeshay geynayso hagayso
Dr. Cabdulqaadir, waa hoggaamiye leh waayo aragnimo, aqoon, hufnaan, daacadnimo iyo wadinayad.
Waa shaqsi ka madaxbanaan dhammaan dagaalada sukeeye ee ka dhacay Soomaaliya, isla markaana u haya hidadiilo inuu maamulka dalka waxka badalo.
Haddaba, anigoo ah muwaadin Soomaaliyeed waxaan aad u taageersanahay inuu Dr. Xaashi loo igmado Wasiirka koowaad ee Dalka Soomaaliya.
Mahaddsanidiin,
Faisal Cabdullahi
Wakiilka Jaaliyadda Puntland ee Magaalada Birmingham, UK
ninkaan run ahaantii waa nin karti badan leh waxan anigu aad ugu xasuusta xiligii dastuurka la damcay qodob diini ah in wax laga badalo oo markaasa italia ay daba ka waday sidi uu mowqif cad uga istaagay asagoo markaas ka mid aha gudi loo xilsaaray howlahaas wa nin go’aan adag leh illahay haku guuleeyo xilka dalka
dr cabdilqadir cabdi hashi waa nin aqoon u leh xilkaas waxaana aad ugu faraxsanaan lahayn in uu ku guulaysto xilksa madaxwanaha umada soomaliyeed in uu soo doorto dr haashi ayaan rabnaaa hadan nahy shacabka soomaliyeed waaana u hamlayaynaynaa xilka uu isku soo tagay waxaana ilaah uga baryaynyaaa in uu xilka kuguulaystoo oo ninkii diintisaa iyo dadkisa iyo dalkisa wax u qabtaaa allaha ka dhigooo
Mashalah waxaa far xad inoo ah hadaan nahay somali wayn jaanis kaan inoo suurta galay waxana oran karnaa waa guul madama aan u hay sano jagada raisul wasaraha qof inoo qaban karaa aad ayaan usooo dhawaynaynaa mudane cabdulqaadir xaashi gaabane hadaan nahay “bulshada” iyo “culima owdiinka “ardayda hooyoo yinka” dhalin yarada” reer hiiraan state waxan dhahaynaa dalka iyo dadku way ku sugayaan welcome
bismilaahi waali ayaa soo baxday kii madaxa lasoo kacaba mawuxuu oran somaliyan hogaaminkaraa ilahay noo gargaar waa aduun akhiru saman ah hadana matana soo baxday yaaaaaab ka yaaaaaaaabkiis ninkii shalay soo mahayn khasabka iyo boobka kasameyay markii lasoo magacabayay xilidhibanada bismilaaah ilahay wadankeena caymiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa cajjjjjjjjjjjjjjjiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiib
MashAllah, great choice. I hope he gets it.
Abdulkaadir abdi haashi oo ah nin ku haboon,xilka reisalwasaaranimada,koriyey punland,taageero
Hiil iyo hooba ah ka haysta reer HIIRAAN,kana soo jeeda beelaha dega puntland, buuxiyeyna
sunnada qabiiliga ah oo ah in reer puntland ah la magacaabo si faroole uusan u xanaaqin,,,,
ayaa la filayaa inuu noqdo reiisalwasaaraheena ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,kuna sifoobey somalinimo
waa dacad wa howl kar waa wadani waa well educated wa wa wa kkk mudane madaxwayne yaysan ku gees marin magaciibidiisu wayo dowlada ayeeyba dan ugu jirta ayan qaba mudane soo dhawow
Forza Professore!!!!!!
maansha lah aad ayan usoo dhawaynaya inuu kusoo boxo kolay hada taageero aad u badan ayuu ka haysta bulshada somaliyeed guud gaar ahaan reer puntland marka haduu kusoo boxona waxay inoo wada noqon score cusub oo aan dhignay haduu ku guul-daraystana waxan heli dona wasiiro khatar ah oo marka maslaxaad cml ah marka laba goorba khasaro ma qabno cml guul ayan u rajaynaya insha al
ale ha kala qaboj
Ale hakala qabowjo