Musharrixiin Kor U Dhaafaya 13 Oo Ka Tanaasulay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya [Warbixin]
Muqdisho [Radio RBC] Kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku dhawaad 15-musharrax oo doonaya in ay ka qeybgalaan doorashadda madaxweynaha Soomaaliya, ayaa 13- ka mid ah waxa ay ku dhawaaqeen in ay ka tanaasuleen damacoodii ahaa in ay ka qeybgalaan doorashadda.
Musharrixiinta oo ku midoobay urur la yiraahdo Isbaheesuga Qaran ee isbadal doon, ayaa qaar badan waxa ay horrey xilal uga soo qabtayn dowaladihii hore Soomaaliya.
Waxa ay sheegeyn in ay go’aan ku gaareyn in ay hal musharrax u soo doortaan in uu uga qeybgalo doorashadda.
Kaddib kullankooda ayaa waxa dhacday doorasho, taasoo ay wareega koobaad ay ka qeybgaleen ilaa seddax musharrax, taasoo wareega labaad laga doonayay in ay isku soo haraan labo musharrax aaqirkiina hal musharrax, kaasoo noqday Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil oo helay codadka ugu badan.
Markii codadka doorashadda ay dhammaatay, ayaa waxa goobta ka hadlay qaar ka mid ah musharrixiinta tanaasulay oo uu ka mid yahay Ismaacil Maxamuud Hure Buubaa oo horey xilal uga soo qabtay dowladihii hore kaasoo sheegay in urur kooda National Partnership For Change uu yahay mid ugub ku ah siyaasadda Soomaaliya, waxa intaas ku daray in dhammaantood ay isku aragti leh.
Musharixiinta goobta ka sheegay in ay tanaasulayn waxa ay kala yihiin:-
1- Abdulqaadir Xaashi Cali (fish)
2- Aasha Ahmed Abdalla..
3- Abdi Rahmaan Xaaji Cabdulle.
4- Gen. Maxamed Nuur Galaal
5-Eng. Abdi raxmaan Moallim (sharaf)
6-Hussein Khaliif Jaamac
7- Mohamed Abdi rahmaan Nadiif.
8- Ismaaciil Maxamed Hurreh Buubaa.
9- Maxamad Maxamuud Guuleed
10-Mohamed Amiin Abdullahi
11- Prof Ahmed Muumin Warfaa
12- Yaasiin Ibraahim Ciise
13- Yaasiin Maahi Malim
Go’aanka ay gaareyn musharrixiintan ayaa ku soo aadayaa iyadoo shaley guddiga doorashadda madaxweynaha dalka Soomaaliya ay araajidooda ka qabteyn 22-musharrax oo doonaya in ay ka qeybgalaan doorashadda madaxweynaha dalka Soomaaliya oo dhaceysa 10-ka bishan September.
RBC Radio
=======================
Xafiiska Wararka Muqdisho












go’aan rasmiya ayay qaateen.
lacagtii bay bixin waayeen, $10,000, .. wax kale maaha
hahahhaha kkkkkkkkkk hebel ayaa runta sheegay
kkkkk maxay heli lahaayeen? waxba.
qaar lacag la’aan bay uga hadheen. laakiin waxay sidoo kale sheegeen in ay doorasho isku
kala reebeen. waa laba hadal oo kala fog. wadaadkani dalka xaguu geyn karaa , ilayn horaan
u aragnay wadaad caliyaale ka yimid e. Samatar haday isku raaci lahaayeen rajo ayey
qabi lahaayeen.