Nabadoon Caan ah oo Laga Afduubay Gurigiisa Magaalada Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Sida ay xaqiijiyeen ehelada iyo dad qaraabo la ah, waxaa xalay gurigiisa  lagaa qafaashay Nabadoon Cismaan Cadaawe Aadan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka qeybqaatay xulista xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo golihii ansixinta dastuurka.

Nabadoonka ayaa sida ay sheegeen qoyskiisa waxaa xalay abaare 1:00 habeenimo laga kaxaystay gurigiisa oo ku yaalla xaafada Blacksea ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah wiilasha nabadoonka ayaa Raxanreeb u sheegay in aabihiis ay kaxaysteen rag hubeysan oo aan tiradooda la cadeyn kuwaasoo si qasab ah uga kaxaystay guriga.  Wiilkan wuxuu intaa ku daray in raga afduubka geystay ay ka yimaadeen dhanka degmada Dayniile halkaasna ay la aadeen Nabadoonka markii la afduubtay.

Dhanka kale odayaal ka mid ah beesha uu ka soo jeedo nabadoonka la afduubtay ayaa sheegay inaysan weli ogeyn sababta rasmiga ee loo afduubay Nabadoon Cismaan Cadaawe Aadan, hase yeeshee warar laga helay qoyska nabadoonka ayaa sheegaya in kooxda afduubka geysatay ay yihiin kuwo la yaqaano ayna dalbadeen lacago madax furasho ah oo aan tiradooda la sheegin.

Nabadoon Cismaan Cadaawe ayaa ka mid ahaa odayaashii ka qeybqaatay soo xulista golihii ansixinta dastuurka ee bishii Agoosto la soo gabagabeeyay iyo sidoo kale xulista xildhibaanada baarlamaanka cusub ee beeshiisa, waxaana jiray warar hore u soo baxay oo sheegaya in khilaaf ku saleysan xulista baarlamaanka oo beryahan muran ka taagnaa inkastoo aysan cadeyn in arinta afduubka ay taasi la xiriirto.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

1 Response for “Nabadoon Caan ah oo Laga Afduubay Gurigiisa Magaalada Muqdisho”

  1. Atoore23 says:

    Malaha waxaa afduubay Odayga mooryaanta uu adeerada u yahay.Kuwa hadda odayga u kala ordaya ma ay hadli jirin markii la layn jirey masaakiinta kale ee soomaaliyeed.Waa in la keenaa odayga illaa mooryaan way is yaqaaniine.

Leave a Reply