Prof Jawaari: Maxkamadda Sare Iyo Madaxweynaha Waxa Aan Isku Afgaranay In Aan Wax Dacwad Ah Lagu Soo Oogi Karin Xildhibaanada


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [RBC Radio] Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prpf Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta shir guddoominaayay kalfadhigii 1-aad fadhigiisa 10-aad oo ka dhacay golaha shacabka magaalada Muqdisho, ayaa in maxkamadda sare ee dalka iyo madaxweynaha uu kala hadlay in mudane kasta oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya aaney wax dacwad lagu soo oogi karin karin laga bilaabo maanta ilaa afarta sano ee soo socota.

“Maxkamadda sare iyo madaxda dowlada Soomaaliya waxa aan kala hadlay in wax dacwad ah lagu soo oogi karin xildhibaan kasta oo ku jira baarlamaanka Soomaaliya, ilaa inta la qaadayo xaasanadiisa waana isku raacnay” ayuu yiri Prof Jawaari, markii uu hadalkaas ka dhawaajiyay waxa goobta ka dhacday sacbis.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha guriga ummada oo ah meesha ay hadda ay ku shiraan baarlamaanka Soomaaliya dib loo dhisi doono, markii ay u ballan qaadeyn dowladda Turkiga.

“ Waxa aan la kulanay deeq bixiyaasha oo ay ku jirto dowladda Turkiga oo guriga noo dhiseesa, markii hore waxa la soo jeediyay in dib loo dayactiro, laakin Qatar ayuu ku jiray dhismahan, waayo qolyaha dhismooyinka waxa ay ii sheegeyn in lagu dhisay guriga ummada ciid cusbo ay ku jirto, marka guryaha lagu dhiso ciida cusbada ma sii jiri karaan 30-sano, marka dhismahan waa la dumin doonaa, waxana si ku meel gaar ah kulamadeena uu uga dhici doono meel munaasab ah, ugu yaraan hal ama sanad iyo bar oo dhismaha socon doono”

“Waxa aan rabnaa in xildhibaan kasta uu helo waxa uu xaqa uu lee yahay oo ay ka mid yihiin dhismo muhiim ah oo ay ku idil yihiin wax kasta, sida baarlamaanada baarlamaanka waa in ay u kenaa” ayuu yiri Prof Jawaari.

Kulanka oo ay soo xaadireen in ka badan 200 sidoo kale looga hadlay in la xoojiyo ammaanka xildhibaanada baarlamaanka,kaddib markii dhawaan magaalada Muqdisho lagu dilay xubin baarlamaan.

Sidoo kale kulankii baarlamaanka waxa lagu dhaariyay labo xildhibaan kuwaasoo tirada ka dhigay xildhibaanada baarlamanka 274-mudane marka laga reebo xildhibaankii dhawaantan lagu dilay Muqdisho.

Ugu dambeyn guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari ayaa digniin u diray guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo noqday xildhibaanka aan la dhaarin ilaa hadda, haddii uu waqtigaas ku immaan doono waxa uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono.

Fadhigii maanta ayaa si caadi ku soo xiray, iyadoona lagu magacaabay ilaa shan xubnood oo ah guddi hoosaad ku meel gaar ah oo soo dhisa xeer hoosaadka ay ku shaqeeynayaan baarlamaanka Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

25 Responses for “Prof Jawaari: Maxkamadda Sare Iyo Madaxweynaha Waxa Aan Isku Afgaranay In Aan Wax Dacwad Ah Lagu Soo Oogi Karin Xildhibaanada”

  1. mcugaas says:

    rag rag dhalay!

  2. [...] Read more here: Prof Jawaari: Maxkamadda Sare Iyo Madaxweynaha Waxa Aan Isku Afgaranay In Aan Wax Dacwad Ah Lagu Soo… [...]

  3. Sama_Kataliye says:

    Haddii laga dhigay xildhibaanadii “infallible” amaba qalad kama dhacaan waa arrin diinta, dadka, iyo dalkaba meel kaga dhac ah. Haddii aysan jirin (accountability) amaba waxa looyaqaan checks and balance soo marka arrintu ma ahan in nin walba sameeyo suu rabo ilaa sharci Alle iyo sharci bini adam midna laga biqimayee. Allow sahal amuura ah.

    Bal waan arki doonaa meesha uu jawaari awrta ku furo, Insha Allah………….Allow ha nooga dhigin waa loo hanwaynaa laakiin noqonse wayday!!

  4. Mohammed says:

    Sama-Kataliye: Xubnaha baarlamaanku ma aha “infallible”, laakiinse waxay wataan “immunity” illaa baarlamaanka ka dul-qaado damiinashada. Markaa kadib xildhibaanka maxkamad baa la keeni karaa. Tanu ma aha wax ku cusub baarlamaanada dunida, mana aha mid ku tilmaameysa xildhibaanada kuwo aanan dambi geli karin (waxaan caqliga geli karin).

  5. Dahir Haaji says:

    This is nonsense and it doesn’t make sense !! Dacwad Laguma soo oogi karo inta ay xilika hayaan,taas macneheedu waxay kuwii dambiilayaasha iyaga oo ah la doortay iyo kuwa shacabka danbiga ka geli doono , labadaba jid ayaa loo sameeyey.
    Waxaan haboneyd in la qeexo dembiga lagu qaadi karo xildhibaanka iyo danbiga kle, hadduu nabadgelyada jiritaan ee Qaran khatar ku yahay, muxuu xalkaasi noqonayaa. Arintani waxaan qabaa in ay abuureyso kalsooni daro u dhexeysa shacabka iyo sharci sameeyaalka

  6. Taleex says:

    Sheekadaaan. Waxay. Soo xiraysaa. Dacwadii. Uu. Garaad jaamac garaad binti ku waday 3dii xildhibaan ee reer buuhoodle oo ay ku jirtay xildhibaanad Saado oo uu lahaa. Khalad ayay baarlamaanka ku soo galeen. Laakiin. Jawari. Ayaa u shegay garaad binti in Saado. Ay hagantay oo siyadbare u qaday laancruiser Anya tahay dhulbahante shaking Ulsan uga jirin xilkana Aan laga Qaado Karin. Xataa Hadii sida as ay dhaco Inuu baarlamaanka oo dhan uu kala dirayo.

  7. Diirshe says:

    Arrinkaan waa inay Barlamaanka ka doodan oo Madaxweyne iyo Gudoomiye Barlamaanka intay luuq iskla galaan Imunity ma siin karaan Xildhibanaada danbiyada ka galay umada iyo dhulka. Lama damiinan karo cidna haddii ay isla xildhibaanada aysan arintaan isla dejin, waayo ayagaa ah sharci dejinta waddanka.

  8. Diirshe says:

    Wax Maxkamad sare ah oo hadda jirtaana ma jirto, ee waa inuu M/weynha uu soo dalbadaa Gudoonka Maxkamaad sare oo cusub. Laakiin midkii beenbeent ahaa oo ina Ilka Xanaf inu iska dhigdhigo si aan sharci ahayn waa qalad.

  9. mohamad says:

    ALLE AYAA SOOMAALI UMAQAN. JAWAARI MA WUXUU KA DHAMAAN LA’A YAHAY QAB QABLE DAGAAL IN UU HOOSTA GASHADO, BAARLAMAAN KUDAR OO HADANA ANAGU GEBI AHAAN WAXAANU NAHAY LAMA TABTAAN. I THINK THE PUBLIC WERE MISSLED ABOUT THIS MAN. KAAN MOODNAY MAAHA. WUUNA INOO GABADAY. ADUUNWEYNUHU KHARAJKIISA HA HAYSTO, MAXAA YEELAY WAX WALBI WAA HAL BACAAD LAGU LISAY. TANI WAA KA DAR OO DIBI DHAL.

  10. galdogob says:

    kkk dadka badanaa meesha wax ku soo qoraya wey wareereen. qolodeenaan wadamada caalamka qaarkkiis jooga way fah mayaan raxanreeb waxay soo qoratay laakiin waa in ay ka dhaadhicisaa dadka qaar waxaanu waa “immunity” ilaa xad oo ah in aan la xukumi karin intuu xilka hayo xildhibaanku. DABCAN HADUU XILDHIBAAN QOF GOWRACO XILKAA LAGA XAYUUBInAYAA “immunity” gii wuu dhamaanayaa waana lamax kamadeynayaa saas weeye xaalku

  11. maxamuud says:

    madaxeynahaan wax soomaalida u dan ah nin soo wada uma eka, waxa kaliya shacbiga ku farxayeen waa ku meel gaarnimada laga baxay, laakiin siduu u qabtey xukunka, hoos uunbaa loo sii socdaa, waxa keenaya qaladaadkan isdaba xig xiga oo maanta muqdisho u sii xumaaneyso waxaa weeye dad qaldan inuu ku xirtay soomaali danteedana cadow ku ah. Madaxweynahan rag karti leh waa in ay la hadlaan, sifiicanna wax uga dhaadhiciya, balaayo cadow soomaali ku ah ayuu ku xirtey ee halaga gaaro oo qaladaadka halaga waaniyo,.

  12. Somali says:

    Ka dar oo debi dhal
    Professorkii ma wuxuu soo kordhiyey, xildhibaanka wax dambi ah looma qabsan karo. Taas macneheedu ma waxa weeye, dembiyadii ay horay u galeen lagama hadli karo, mase dambi kasta oo ay galaan mustaqbilka iyo kuwii hore lagama hadli karo. Taasna ma waxaa isku raacay madaxweynaha, Raiisal Baarlmaanka iyo Guddoomiyaha Maxkamada. Acuudu bilaahi minal sheydaani rajiim. Illaahaw ummaddaan Soomaaliyeed u sahal. War dadkaan maxaa ku dhacay???

  13. mudug says:

    waan ka niyad jabay jawaari already maxay tahay dacwad laguma soo oogi karo ma malaa’ig baa xildhibaanadu sow khalad dalka iyo dadka kama gali’karaan waxan leeyahay go’aankiisa dib ha u qiimeeyo yaysan la fogaan difaaca hogaamiye kooxeedyada sharaf ayuu ummada ku dhex leeyahay wana la tixgali waxan oran laha dib ha uga fiirsado waxasoo kale

  14. keerow says:

    Jawaari in lagu sheego Sharciyaqaan waa arrin Isaga Ruuxiisa beeniyey maxaa yeeley wuxuu shaqada ka joojin rabaa Tiir ka mid ah Tiirarka ay ku dhisan tahay Dawladda sharci ahaan iyo Dastuur ahaa , kuwaaso kala ah:

    1) Sharci Dejinta ama Baarlamaanka, oo hawshiisu tahay Sharci dejin keliya.

    2) Fulinta ama Executiveka , oo hawshooda tahay Maareeynta hawlaha Wasaaradaha iyo tan Madaxweynaha iyo Raii’sul Wasaaraha.

    3) Garsoorka ama Judiciariga oo hawshooda ay tahay Fasiraadda Sharciga iyo go’aan ka gaaridda dacwadaha iyo arrimaha Dastuurka, iyo kala saaridda sharciyeed ee Hay’adaha Dawladda , dadweynaha si xal sharciyeed loogu helo khilaaf kasta iyo Sharci kasta ee laysku qabsado.

    Marka haddii uu Jawaari yiri” Maxkamdda Sare waxaan ka joojiney Hawsheeda , waa arrin ku cusub qaynuunka iyo dawladnimada, ma arkin miyaa in Maxkamadda Sare ee Pakistaan mar dhow Xilkii ka xayuubisey Ra’iisul Wasaarihii ka cagajiidey inuu soo gudbiyo dacwaddii lagu baaraayey Madaxweyne Zardaari?

    Waxaan kula talin lahaa Mr Jawaari inuu arrintaan ka bixiyo Apology ama cudur daar haddii la doonaayo in Shacabka Somaliyed loo horseedo Dimoqraadiyada, haddii kale aan aragno halka ay geyneyso Nidaan dawladeed oo Garsoor lahayn .

  15. ahamednsira says:

    war somaliyey maa wax baratana intaa raxanreeb iska fadhidaan oo wax qoreysaan hada waxan akhriyey dad badan oo aaminsan in waxani yihiin “immunity” oo ah danbigii oo galeey haa ka hor iyo kan uu galo intuu yaheey xildhimanka lama xukumi karo waayo waa xildhimaan taasi ma soconeysaa.hadii geelii waa weynaa durduriyo aarinkii xerada ma ku jirayaa waa maya jawaabtu.sharcigu cidna kama sareyso waa in la keenaa maxkamad xilkana laga qadaa haduu danbi galo.wayo dilkii iyo dhacii baa aad u bateey waxaa lagu joojin karaa waa shariciga ilaahey oo la qaato.

  16. wadaad yare says:

    Somalida waxaa ku badan wax la yiraahdo “jahli murakkab”! Mid kastana qummanihiisaa qoorta ugu jira. Waxaani hadda Jawaari sheegey waa arrin adduunka dimuquraadigaa oo dhan laga yaqaanno ee ma ahan wax cusub. Waxaana loo sameeyey si awoodaha saddexdaa aysan midkoodna tan kale ugu xad gudbi karin. Haddii aan sidaas la yeelin qofka baarlamaanka ku jira ma heysanayo kalsooni uu ku shaqeeyo oo fulinta ayaa soo xireysa.

    Sidoo kale weeye madaxweynuhu oo wuxuu heystaa “immunity” ama dhowrid. Guddoomiyaha maxkamadda sare waa sidoo kale.

    Sidoo kale weeye diplumaasiyiinta iyo madaxda shisheeyaha ah oo heysta “dhowristu”

    Madaxweynaha Iiraan qawaaniinta Mareykanka wuxuu ka yahey denbiile, laakiin waxaad arkeysaa isagoo inta New York yimaada ka ceynaya Mareykanka.Sababtoo ah wuxuu heystaa “immunity”. Waxey kaliya oo u diidi karaan fiisaha dal ku galka.

    Midda Jawaari uu kala hadley arrintaas qeybaha kale ee dowladdana waxaa weeye ogeysiin iyo inaan la isku qaldamin,si howshu ugu socoto habsami.

    Dadkaas heysta immunitiga oo dhan haddey denbi galaan waxaa laga xayuubinayaa immunitiga marka hore, kaddibna waa la maxkamadeynayaa. Ee macnaheedu ma ahan in waxey doonaan sameyn karaan.

    Haddii kale waxey noqoneysaa in aysan madaxdu qaban karin wax shaqo ah oo maalin kasta ay taagnaadaan maxkamadaha.

  17. Mahamud says:

    Waa caadi, PM lama saari karo maxkamad hadii uu qalad galana waxa u ka dagaya xilka ka dibna court ka ayaa shekada la waregaysa…marka wax wayn ma ahan

  18. Mahamud says:

    Aqyaareey dowlad nimada sida ay u shaqayso hala barto, raggan wadanka qabsaday hada wa aqyar shuruuc wax ka taqano, wa dhamaatay xiligii shariifyada waxa bilaabatay in sharci la isku qabsado

  19. Oday Nuur says:

    Yaan la iswareerin. Arrintu waa IS-AFGARAD ee sharci ma
    ahan . Xildhibaan haddii uu dambi cad galo waa la dacweenkaraa
    waxaana laga qaadayaa IMMUNITI-ga , markaas kaddib ayaa
    maxkamad lasoo istaajinayaa.
    Intaas waxii iska badalay Mudane Jawaari ha inoo caddeeyo.

  20. Nuur says:

    Wali fara lugumahado Dowladdii, waxaana billaabmay
    isqabqabsi sii socon doona…..

  21. Nuur says:

    Wali fara lugumahado Dowladdii, waxaana billaabmay
    isqabqabsi .

  22. Galgaduud says:

    Aan suaal idin weydiiye ma ogoshihiin in maxkamad la horkeeno faroole, xsan abshir iyo xulufadiisa. Marka la leeyahay pro ibbi, M faarax jimcaale, pro a/lahi ismaciil iwm waa hogaamiye kooxeedyo oo faroole dambi ku soo oogaayo sow la yaab ma aha. Qabqablaheenu waa dambi laawe kuwa kale waa dambiilayaal xaggee ka soconee.

  23. Waraabe says:

    Wadaad Yare wuxuu yidhi “Dadkaas heysta immunitiga oo dhan haddey denbi galaan waxaa laga xayuubinayaa immunitiga marka hore, kaddibna waa la maxkamadeynayaa. Ee macnaheedu ma ahan in waxey doonaan sameyn karaan.”

    Su’aashu waxay tahay yaa cadaynaya inay dembi galeen? Ma Baarlamaanka? mise waa in horta maxkamad la hor keenaa kala cadeeysa inuu dembiile yahay iyo in kale!!

    Wadanka UK, MP waxa uu leeyahay “Immunity” in waxa uu ka dhex yiraahdo guriga Baarlamaanka hoostiisa aan booliisku ku daba geli karin, hase ahaatee hadduu wax xado, police ku waa xidhayaa, sida dadka caadiga ah, kadibna maxkamad ayaa la geeynayaa. Markaa ka dib haddii lagu waayana shaqadiisii MP ayuu sii wadanayaa haddii kalena gudaha ayaa la dhigayaa.

  24. ugbaad says:

    hadaad tiri xildhibaan maxkamad lama soo saari karo ma waxaad u gogol xaaransaa inaad waxaad doontaan samaysaan alaw xaq u hiili

  25. fartuun says:

    odayggani la leeyahay JAWAARI waa tuug kale oo soomali u soo baxay waxaan taas kuu cadeyneysa markii uu raggii soomaali la dagay ku soo daray parlamanka markaas baa la ogaaday wuxuu yahay ee yuu soomaali qiiq isugu qarin

Leave a Reply