Puntland Diyaar Ma U Tahay Xisbiyo. W/Q Abdirashid Abdi Daad
Puntland Diyaar Ma U Tahay Xisbiyo
Abdirashid Abdi Daad
Guurey@hotmail.com
Sabteembar 17 2012
Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh.
Dawladdii ama maamulkii xisbiyo asaasayaa sida saxda ahi
- Waa inay ka dhisan yihiin dhanka amniga iyo difaaca oo ay leeyihiin ciidamo u tababaran, ciidamadaas oo shaqadooda kaliya tahay badbaadinta bulshada dibad iyo gudaba.
- Waa inaysan jirin cid ama koox haysata hub iyo ciidan aan ka ahayn midka guud ee u dhexeeya dhammaan bulshada dawladdaas iyo maamulkaas.
Haddii dawladdaas ama maamulkaas asaasaya xisbiyada laga helo labadaas arimood oo kore waxaa u fududaata in xisbiyadaasi noqdaan sidii loogu talagalay, isbedel wanaagsan oo mira dhala uu ka dhasho maamulkaas ama dawladdaas samaystay xisbiyada.
Haddii dawladdaas ama maamulkaas unkamaya xisbiyada laga waayo labadaas arimood oo kore waxaa ku timaada burbur. Waxaynu wada qiyaasi karnaa markii tartan lagalo in tartankaasi intii wada gashay ka wada farxin, wax kastoo lagu tartamo kuwa laga guulaystay ma wayaan meel ay eeda guuldaradooda ay saaraan oo sabab uga dhigaan. Maah maah yaraantii iga qoslin jirtay baa ahayd habar itaal wayday duray bay hafartaa yacnii itaal la’aanteeda waxay dusha ka saartaa hargab aan hayn oo ku eedaysaa.
Waxaa marka fiiro mudan dawlad ama maamul bulshadiisu qabiil kastaa leeyahay hub u gaar ah. bulshadaas laba nooc ayeey noqon karaan xisbiyadeedu mid qabiil ku dhisan oo qabiil kastaa yeesho xisbi uu kula tartamo qabiilada kale iyo kooxaysi oo kooxdii ama qabiiladii isla jaan qaadi karaa samaystaan xisbi.
Arintaasi waxay dhashaa in degmooyinkii la wada deganaa ay saamayn ku yeeshaan xisbiyadaasi, degmooyinka qaar waxaa wada dega qabiilo kala duwan haddii xisbiyadu qabiil qabiil hab u samaysmaan xaaladoodi is bedel ayaa ku imanaya. haddii kooxaysi xisbiyadu u samaysmana degma kasta ama hal qabiil ha wada dego ama qabiilo hawada degeen xaaladdii degamadaas is bedel ayaa ku imanaya.
Waxaad marka qiyaastaa xisbi koox ama qabiilo isla jaan qaadi karaa samaysteen oo ciidankiisii iyo hubkiisii u dhan yahay oo aan tartankii doorashadaasi ku qancin iyo xisbigii ay tuhmayeen inuu ka danbeeyey guuldaraas ku dhacday oo guulaystay waa arin ka fakar mudan.
Puntland waa qabaailo isu tagay oo samaystay maamul inkastoo qabiiladaasi boqolkiiba sagaashan iyo sagaal 99% isku reer yihiin, waxaa nidaamkoodu doorasho ku dhisnaa hab baarlamaani ah oo qabiil kastaa soo xusho xildhibaano u matalaysa baarlamaanka. Xildhibaan kastaa waxuu wataa codka qabiilka uu mtalaya oo dhan, markii doorashadu dhacdo qabiilkii aan doorashadaasi ka farxin oo ninkay wateen uusan guulaysan waxaa eeda dusha laga saari jiray xildhibaanada baarlamaanka eeduna ma dhaafi jirin waa jeeb oo hadba ciddii buuxisa jeebkaas ayaa guulaysata.
Waxaan xasuustaa oo aan garoowe joogay markii maamulka hadda talada haya ee Cabdiraxmaan Faroole madaxa sare ka yahay la dooranay, waxaa isugu timi magaalada garoowe tikniko aad u fara badan oo qiyaas ahaan aan is iri waxay dhammayd boqolaal tikniko ah, waxaana kala watay dadkii kala taabacsanaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf, Cadde Muuse, Ilka Jiir, Cabdiraxmaan Faroole, Nuuraddiin Diiriye iyo Cabdi Samad Cali Shire. Dad badan waxay qiyaasayeen in meeshaas olol ka bixi doono Allah swtc kama dhigin qiyaastoodii oo markii doorashadii dhacday waxaa markiiba bilaaban tay tahniyadayn iyo gacan qaad laysku raacsan yahay, waxaana ka dillaamay oo meelahay ka kala yimaadeen aaday tiknikadii faraha badnayd ee meeshaas isugu timi waxaana is qabsaday mashxarad iyo sacab, waana wax Allah loogu mahad naqo.
Puntland bulshadeeda waxaan oron lahaa nabaddu waa tiirka koowaad ee bulsho kuwada deggan tahay horumarna ku tiigsan karto haddii Allah raali uga noqdo, wax kasta oo nabaddaas carqalad gelin kara meel ha uga soo wada jeesteen.
Puntland bulshadeedu ha ogaato xisbi waa qabiil siyaasadeed oo aan Isimo iyo nabadoona lahayn intooda badana waxaa garwadeen ka noqda Danaystayaal aan dantooda maahee cid kale kala jeclayn nabad iyo wanaag, sharaf iyo sumcad xeerinayn.
Puntland bulshadeedu waa inay eegaan inay maanta ka hortegi karaan dhibaatada ka iman karta nidaamkaas xisbiyada ah, hana ogaato waxaa kaliya oo lagaga hortagi karaa markii bulsho leedahay ciidan guud oo amni iyo difaaca oo aan bulshadaasi jirin shaqsi baskoolad uu leeyahay sita ama meel u taalo iskadaa qoryo iyo tikniko warkooda.
Puntland bulshadeedu waa inay u diyaar garoowda waxa ku soo fool leh iyo guuxa baxaya ee ku salaysan xilliga maamulka hadda jira waqtigiisu ku egyahay. Puntland bulshadeedu waa inaanay ruux jeclaysi ka hormarin dantooda guud oo aanay ugu aaba yeelin cidna waxii khalkhal gelin kara nabadooda iyo karaamadooda.
Maamulka hadda jira waxaan leeyahay oo waliba ka codsanayaa inay danta guud ee bulshadaas ay madaxda u yihiin noqoto arinta koowaad ee ay hormariyaan oo aanay eegan dantooda, arintaas oo lambarka ugu wayn yahay nabadda. Wax kasta oo keeni kara in nabadaasi halis gasho waa inay ka tanaasulaan. U danaynta bulshada waa arintii aad magac Allah ku marteen oo bulshadaasi idinku dhaarsatay.
Karaamada iyo Nabad ku wada noolaanshaha bulshada reer Puntland waa Muqaddas Allah swtc waxaan ka baryayaa inuu wanaagaas u sahlo bulshadaas aan xaqdarada iyo kala sooca aqoon ee Somalida oo dhan ku dhex nooshahay.
Wa Billaahi Tawfiiq
Eng Abdirashid Abdi Daad
Email: Guurey@hotmail.com
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM













Haa, Puntland waxay diyaar u aheyd free election 1960.Viva Puntland & Soomaalia
Mudane Daad,
Waa runtaa oo waa XAQIIQ in NABADGELYADU ay tahay aasaaska horumarka UMAD nooc ay tahayba. Saas oo ay tahay, habka Asxaabta ee laga hirgeliyay SomaliLand, haddana laga aasaasayo MaamulGoboleedkaPuntlaand iyo guud ahaanba Maamul Goboleedyada dhalan doona ee, InshaAllaah, wada hoos imaan doona JamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliya, dhibaato ma leh. Bilcaksi, waxa habka asxaabtu uu soo afjarayaa, oo si tartiib-tartiib ah, oo asluubaysan, uu u dhamaynayaa qaabkii QABALIGA ahaa ee na soo daashaday.
Insha Allaah, nabadgelyada lama huraanka ah waxa ay ka dhalan doontaa habka dimoqoraaddiyadda ee ku salaysan afkaar-xisbiyeed. Aan Ilaaheey ka rajaynno in aysan ka badan TODDOBA, hadhoow kala aada toddobada JANNO, islamarkaasna aysan ku ekaan hal xisbi, sida kii halkaan na soo dhigay ee la oran jiray: XHKS
Wa Billaahi Towfiiq,
Maxamed Deeq
Yeah ! Why not? What the hell are talking ? Are ganna mad ? You are so sily , shut up your mouth
waad mahadsan tahay lkn alla wixi shara isagan ka magan galnay.
haa, hadaysan noqonayn axsaab jufo jufo kudhisan ee aytahay isfahan bulsho, dhinacakale aqristayaasha webka RBC. in ay ogaadaan shaqsiga lamagac baxay “CADAADO” ee caadaytay commentiga dulmiga iyo wax isku dirka ah inuu iska iloobo fitnada uu wado,islamarkaasna uu udaayo cida iskale magacaasi, rag iyo dumar waxaa tahayba labo danbi oo waawayn ayaad gashay …………
Salaan ka sida dhabta ama xaqiiqda ah waxaan oran karaa Puntland maanta uma diyaar sana umana dhowa nadaamka axsaabta ama xisbiyada sababo badan dartood
1. Bulshada ku dhaqan deeganada Puntland kuma wacyi gashana loomana diyaarin habka ama nidaamka xisbiyada, taasina waxay keeni kartaa in ay soo baxaan wax magac xisbi leh misana ku dhisan nidaam qabiil
2. Waxaan wada ognahay oo xaqiiqo ah iska daa in laga hadlo axsaab iyo wax la mid ah mudadii Puntland dhisnayd waxaa jira tuloyin,degmoyin, iyo gobolo aan weli arag cid ama wax masuliyiin ah oo ka socda maamulka,
3. Duruufaha dhaqaale oo hada ka jira deeganada puntland isna suurta gal kama dhigayo hirgelinta nidaamka asxaabta, taasina waxay suurta gelinaysaa in xukuumada markaa jirtaa uun iska soo noqoto meesha
4. kan amaanka waa qodob culayskiisa leh laakiin hada alxamdulila aad buu uwaangsan yahay inkastoo wax badani dhiman yihiin
dhamaan qodobadaas iyo kuwa kaleeto markii aan fiirino waa adag tahay in hada Puntland laga hirgelin karo dhadaam xisbiyo ah
Mahadsanid
fuleyga magacyga ‘Sanaag boy’ soo qaatey waa riyoole rer faroole ah wardee magacyadaadii soo qaado duliyow
Doqonyahow dadka ka aamus, waxba ma kala garatid, awal baan qatyaan kaa joognay buraanburkaaga,Dowlad iyo maamul ummad leedahay baa wax go’aansaday, marxalado ayeey soo mareen waa laga soo fekeray, adigu hal habeen oo hilbo ka soo dheregtay baad waxaad doonto iska soo qoraysaa, ma adigaa dadka layniyana, mise waxaad ka xuntahay waxa horumar socda, wajigaagaba waji khayr ma aha waxba kala garan maysid ee dadka kala dhex bax doqonimmada aad daacayso.
War dadka wax qora wax kabaro miskiinyahow, maalin kasta wax baad soo qoraysaa hadana annaguu baad ina caayaysaa, yaa col ah, sida Puntland tahayna waa sida dalka u yaal, dowladuna qorshe la’aan ma aha laakiin sidaad wax u sheegayso waa si aad moodo inay dano kale ka dambeeyaan, naga aamus haddii Allaah, Alle yahay!
Waxaan hadda arkaa caqliga aad ku hadlayso nooca uu yahay, ummad dhan waxay ka soo shaqaysay baa intaad habeen iska soo kacda talo kuma aadan darsanee sidaad adigu keligaa caqli tahay waxaad doonto iska soo qoraysaa, maad sheegtid waxaad ka cabsanaysaa kolayba jira sida ka muuqata qoraalkaaga oo aad qarinayso, mana aha adiga keliga ee kuwo noocaga oo badan oo aad mala sheekaysataana waan soo arkay, Fulayahow Xaarka weyn!… sheeg maxaad ka baqaysaana…HUb baa la watay meesha waa dal burbursan..waa dal wax ka sta oo la samynayo (Procedure) ahaan ay arrimihiisu bilow yihiin, laakiin heerka hadalkaaga aad gaarsiinayso waa mid loo qaadan karo inaad rabto ummadda inaad shaki iyo baqdin geliso…umana baahnin!
adeero adaa magaca ku khaldamee adeer noodhig magaca midakale calaamada adoo kalaah dee meeshan kamay hadlaanee soo socod baro
Cirka, hadad geesi tahay car sheeg qoladaad tahay hadii kale fuleynidadaadaa cirka roob ku og
@ sanaag boy
War ninyahow anigu hadaad geesi tahay iyo haddii kale adiga kuuma hayo hadalka ee aniga waxaan la hadlayaa ninkaan leh waxbaan qorayaa ee Daad, oo ninyahow aan qatyaan ka joogno wax uu soo qorayo, Enginneer baan ahayn ku leh. war maalin kasta waxaan meesha oolin buu ku mashquulayaa seddexdii bil ee la soo dhaafy wuxuu sanka innaga gelinayay Gaas oo wax uu yahay aan la aqoon, Raxanreebna waa soo daynaysay dantay ka lahayd iyadaa garanaysee, maantana wax uu qoray waad aragtaa, maxaa shakiga keenay Puntland Multi-party system bay u gudbaysaa warkuna waa gaabanyahay, ciidamo ayaa beeluhu leeyihiin, ammaanka inla sugaa la rabaa…wax caruurta garanayso dadka looma sheego, waa nin aan rabin inuu sheego waxa uu diidanyahay hadana waxbaan sheegiyaa ku leh…marka anigaa ninkaas baan aad uga carooday macno la’aanta hadalkiisa.
Haddii aad qabiilkayga rabtana anigu nin dhalad ah oo Muslim ah oo Soomaali ah baan ahay, laakiin haddii aad ab-tirsiinyo iga rabto, goobtaan oo kale kuma ab-tirsado oo waa laga quruxsanyahay, maxaadse ab-tirsiimadayda uga baahantahay maxaa waxaan iri wax iga tiraahdid.
Adiguse anigu waxaan kuu arkaa inaadan ahayn ninka aad iska dhigayso laakiin ninka aad magaca ku qabsatay uu kaaga dhowyahay Sanaag, Daad maanta waa iga gow, adeer orod wax ku qor meelaha laga helo dadka kula garaadka ah sida Dayniile, Ida-maale, iyo Waaga-cusub.
Cirka ouch
xanuun badanaa boowe meel xun miyaa lagu taabtay waadigaan isdhexyaacee faroole ountland meelxun buu dhigay iminkana inuu sii burburiyuu rabaa oo xabad laysu qaato boowe kayeeli mayno
waxba eng ka ha caayin xaqiiq dhaba buu ka hadlay boowe xaarka iskadu waa lagu hayaa maanta.
@ Qardho
Si aan kugu jawaabo ma garanayo, maxaa yeelay iima kala cadda gabar iyo wiil midkaad tahay? balse kaad doonto ahow, adigu Frooleey kaaga dheggentahay laakiin waxaan ka xumahay caqli yarida aad meesha ka muuqato. ma aqaan adiga hadda waxaad igala hadlayso, waayo waxaan ka hadlayba kama hadlaysid, Froolana adeer anigana ima yaqaan adigana mindhaa adaa isaga u bukee kumaba yaqaan. OOOOOOOOOOOoooooooooooooHHHHHHHHHHhhhhhhhhhhhhhh!
the fact is that political parts should no longer be based on the tribe, this is disgusting, i hope we can do it, but only if there is firm social integrity that has nothing to do with the tribe.
waxaa fiicnaanlahayd in aan cidna wax lagasheegin ee layiraahdo sidee wax looqabsadaa ama sidee ku gaarnaa hormar cadaalad barwaaqo iyo dhalinyaro qalbi furan oo daacad ugu shaqaysa dalka iyo dadka marka haku mashuuqlin qof ama maamul waligeed buu xumaan jiray wax jira
Cirka kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
oooooooh waa maxay miyaad doconaysaa boowe wali laysma gaarin xigso soonka mudug waa hadashay bari waa soo wadaa nugaal mardhow filo inayku dhawaaqdo doorashod dhacayso 2013 janaayo.
adiga iyo adeerkaa suunka xagsada waxbadan docosho waad kuwaalanaysaan boowe ooooh aaaaah badani waa kaayeeri mardhow
runtii anu nin laandheeraa baan ahay mida kale meeshaan ookale qabiil laguma sheego hadaad ii baahan tahay anigu sidii ciyaalkii comment ugama buuqi karnee this my adress 0016142781244 intaada so wicina ka taxadir laan gaabyadu masoo wacaane
waad ku mahadsantahay fikir kaaga
Waxaa markasta mudan. In khaldkii hore ee lasoo marry wax laga Barto . Balse waxaad moodaa in aan bararinayno. Oo midba kiisa kaabiga u noqanay la Sii abuuro. Aad Ayey u dan tahay ka sharqaminta odayaal dhaqameedka in au wax soo unkaan. Balse barooryu orgiga ka wayn. Xasili la’aanta marka hore xal halloo helo. Dhaydda dhan xoortu iyadaa kuu soo dhicina. Xasilooni xal haloo helo taad ololaynaysaan iyadaa imaane.