Puntland Oo Ka Digtay In Baarlamaanka Soomaaliya Ay Doortaan Madaxweyne Aysan Ka Raalli Ahayn [War-Saxaafadeed]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

WAR SAXAAFADEED
8 September 2012

Dowladda Puntland waxay si weyn uga digaysa dhaqanada ku salaysayn khalkhalgelinta, musuqmaasuqa , iyo handadaada maalmahaan ugu dambeeya ka socda habka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda Puntland waxay door weyn ka ciyaartay hirgalinta Barnaamijka Roadmap-ke ee Dhamaystirka Xilliga KMG ah, iyadoo Puntland ku qabatay magaalada Garowe Shirarkii Qaran ee Dastuurka iyo iyadoo door muhiim ah ka qaadatay Shirarkii Saxiixayaasha ee lagu qabtay magaaloyinka Galkacyo, Addis Ababa iyo Nairobi.

Tixraac war-saxaafadeedyadii Dowladda Puntland ee:

• 10 June 2012, Puntland waxay ka digtay qaswadayaasha ka soo horjeeda tubta nabadda ee dalka Sooomaaliya;

• 4 July 2012, Puntland waxay taageertay dhisitaanka iyo dhamaystirka Maamullada Federaalka, sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya;

• 26 August 2012, Puntland waxay ka digtay faragelinta joogtada ah ee qaabka xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka; sidoo kale, Puntland waxay magacawday Guddiga Arrimaha Federaalka oo dabagala arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka Federaalka;

• 28 August 2012, Puntland waxay soo dhaweysay doorashadii Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Cismaan Jawaari waxayna ku boorisay Gudoomiyaha cusub inuu sii ambaqaado ajendaha Baarlamaanka, oo ku salaysan Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Iyadoo ay u muuqatay dib usoo noolaanshaha istaageeridda siyaasiyiintii fashilmay, Puntland waxay ku boorinaysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka inay dalka ku jiheeyaan waddo cusub oona doortaan siyaasi aaminaad leh, hufan, una qalma jagada Madaxweynenimada iyo Rai’sul Wasaarenimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland waxay si weyn uga digaysaa doorashada siyaasiyiin hore loo tijaabiyey kuna fashilmay xilkii Qaran oo loo igmaday, iyagoo ka doorbiday danahooda gaar-ahaaneed iyo iskudirka iyo soo nooleynta colaad bulshada dhexdeeda ah, taasoo soo celineysa burburkii
Soomaaliya.

Hadii shaqsiyaadka tilmaamtaas leh ay xukunka Dalka ku yimaadaan si aan cadaalad ahayn, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay inay ka tashato aayaheeda iyadoo raacaysa Dastuurka Puntland.

Radio RBC

Xafiiska Wararka Garoowe

 

Share

Tags:

82 Responses for “Puntland Oo Ka Digtay In Baarlamaanka Soomaaliya Ay Doortaan Madaxweyne Aysan Ka Raalli Ahayn [War-Saxaafadeed]”

  1. [...] See the original article here: Puntland Oo Ka Digtay In Baarlamaanka Soomaaliya Ay Doortaan Madaxweyne Aysan Ka Raalli Ahayn [War-S... [...]

  2. Somalijecel says:

    kkkkkkk Waa wararkii waalida waan waxa aan uga cararay Puntaland haddii aan la dooran nin reer qansax ah waa mucaarad,laakin haddii ay puntland gees u baxdo maxay ka helaysaa?sidoo kale haddii qabiil kastaa uu yiraahdo qolo hebel ama reer hebel haddii ay xukunka qabato qoryo ayaan gurnaynaa sidee xalku noqonayaa?mase oran karnaa puntland samaynteedii qorsho kale ayaa ku hoos jiray?puntland miyay ka fog tahay ama ka daran tahay s/land?waa cajiib hadalada waaliga ee aan ka fiirsashada lahayn ee puntland ka soo baxa somalida in la si kala fogeeyo ayaa loogu talo galay

  3. Wadani says:

    Diga ama ha digina, nin walbe oo la doorto san dulle ayaad ku aqbaleysaan xilligii hore ee anaa reer hebel ah ama anaa punt ama bintland ah waa laga baxay, farmaajo ayaa la dooranayaa

  4. SUULDHABAALE says:

    Raganimo. Waa saas, waa in nimanka xamar fadhiya ee u bartay dadcunimada aan la dooran. wax ay khayr adduun iyo mid aakhiro leeyihiin inaba ha yaraatee ma jirto.

    Haddii ay dhacdo in la doorto nimanka caynkaas ah PUNTLAND xaq ayay u leedahay in ay ka go,do dhibkooda!!!!

  5. daacad says:

    kkkkkkkk ilmo farooole sheekadii waalida ayey bilabeen walee qasab ayeey ku racayaan farmaajo sandule waa inoo isniinta iyo xamar reer farooole

  6. Soomaali baan ahay says:

    ilaahay waxaan ka toogayaa in uu soo baxu nin aysan rabin putland si ay u go’du, qof u haysaa baahi ma jirto dadka dago iyo madaxdeeda waa in ay ugaadaan ayaga ayaa u baahan soomaaliya, soomaali uma baahna maxaa yeelay waa meel ay ka jirto qabaliyad aan caadi ahayn, iyo resource yaraan.

  7. cawaale says:

    kkkkkkkkkkkkk caqli xumo ka wayn waligay ma rag meesha waa nebcahay iyo wa jeclahay mahan sxbayaal ee waa dimuquradi doorashado.

  8. If tax says:

    Wadani. Farmaajo. 6bilood ka hor ratio xika ka Qaada baa jooga Wiil Kareem soo Marsada u nacay lea looma Bahna ee. Zakin tobaz ah liq. Bal Intaad farmaajo wax ka dhigtid, farmaajo. 6bilood oo uu xukun hayay xataa am tegin caabudwaq oo uu ku dhashay .

  9. War same says:

    Wadani mooryaan. Markaad ogalatid. Musharixiinta putland. Ayaan ogolanaynaa qasbin ka kuu nacamleya Hadii kale bada biya kacab,

  10. xirfadle says:

    as wrwb
    bacda salaamta islaamka kadib
    waxan shaqalaha webside ka codsana aniga webside kael ban galay warsixafadeedkan o cod ah kujiro marka qaabkaad u qorteen iyo warku sida uu yahay ismalehee codka noso galiya hadi aad runshegaysa isaga codkiiya so galiya ama warqadii originaal ah ilaah halaga baqo saxafadu wa seef laba aflehe kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk wa bilahi towfiiq wad mahad santihin

  11. Geedi says:

    xaq bay u leedahay puntland inay ka hadasho waxna ka tilmaanto mustaqbalka soomaliyeed waayo puntland in badan ayay la dadaashay beesha caalamka kuna daadashay inay soomaliya dawlad hesho haddana waa ku dadaalaysaa waana ku faraxsantahay in somalia hesho talent &visionary leader.

    kuwa KHAATUMO seegla baxay ee buuhoodle ku go.doonsan iyo wirwir ayaa ka xumaanaya waligoodna aan masiir somaliyeed qaadin inay shaqsi dantooda u daba ordaan mooyee kkkkkkkkk

    anigu waxaan halkan fariin uga dirayaa reerka laascaanod leh adeerayaaloow bal horta laascaanood xoraysta oo magaca daarood ceebtii aad ku daabacdeen dib u tirtira wtq

  12. agane says:

    iskahadllw ina dabadhiriq.mawaxaad ogaateen inuu soonoqonayo ninkii wadaadka ahaa oo socod baradka ahaa ooaad iskugutagteen adinkoo kala ah muslim iyo gaalo .nacab iyo nacasba.horta waxaa layiri haboow waa lagu dalbartaa.habowgii hadda waa macalimay wuuna kalagarayaa nin galaday iyo nin ganayba.arimaha siyaasadda dadka dhagadhageeya waysoodhaweeyeen habowgii shariifka iyo siduu ugaladay faroole.arintaasu waa guul umadda soomaaliyeed usoohoyatay.soomaalidu waxay kumaahmaadaa labadii khiyaamo kuhishiisa khayrka ayeysan kubahishiin.faroole soomaali waxaba umadhibin waxna umadhibikaro ee wuxuu kakaaftoomay gurigii mudulka ee uukusoodagijiray kanahawlgalijiray ,markuu waxrabo iyo markii uu rabo inuu wax galaafto.arintaasna waxbadan baa soomaalidu quurdaraynaysay.abidna lamasheegin nin kugalay oo aadan buqnagoyn.waa taariikh.balse waxaa igu maqaalaa labadiinaba in mardhow lainkagawicidoono halkaas iyo talyaaniga.sababtoo ah xiriirkii iyo sidigtii boqolaalsano kahor lasameeyay baad markaad bahalnimo xoolihii umadda kadharagteen ayaad xafidiwaydeen.ayadoo waxwalba oo ciidana ama dhaqaalaa aan inkasiinay faikaanka .dacwadaas ayaa lainiihaystaa.waliba xasuusin hadii qaska iyo fawdada aad wadaan iina joojin.adinkaa faaiday dhiigii soomaali kadaadanayey adinkaana meelaad kudhibicdeen lawaayey markii hadda hawsha aad faraha kulajirtid aydhacdayyyyyy.marka farooloow aamus adaa dheeri sita.ninka sxbkaa aad fariinka ugoysayna wuumudanyahay markale inladoorto.sababtoo ah hadii 4\5 laguhishiisiiyay ayamaa kamudan.malaha waxaad moodayyyyyyyyy idafacle ama oodayaqoyan ama ciisa biniaadam.xagso meesha hadda aad joogtid ayaaban lagugudaynayneeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee.

  13. Sidaytahay says:

    Waa wareey waa kuwaa dabadhilifkii amxaarada aaminsanaa qayliyay walee soomali kubaratay. Car haddii wax soomaalinimo aaminsani ay ku jiraan ha cambaareeyaan. Ma goosankartaan dhulka kaligiin malihidin. Ama qayliya ama ha qaylinina sh shariif weeye madaxwaynuhu.mana cabsiin kartaan baarlamaanka amxaarayey.

  14. keerow says:

    Puntland warkeedu waa ” Haddii la doorto Shariif Afgaduud, waan goosaneynaa ”

    Somaliana waxaa u fiican iney Puntland goosato, somaliland horey ayey u goosatey , inta harsanna ay tashadaan, sidaasna Beel kasta gobolkeeda dhisato.

  15. daktoor says:

    waa soo dhooweynaynaa in lagadigo cidii fashilmatay waa kuma waa shariif waad mahadsantihiin.

  16. moha says:

    Puntland waxay xaq u leedahay inay ka hadasho danaheeda… hadii Shakhsi fadhiid ah sida Farmaajo oo ka soo horjeeda FEDERALISMKa meesha yimaado waa mid aysan dan ugu jirin Puntland iyo Somali weynban… waxaa la marayaa xiligii Boogaha la dhayi lahaa is qabqabsi hor leh iyo aargoosasho ma rabno… qof Fashilmay inuu dadka iskuwada wado ma naga gadmayo…. Mr. Gas First or Mr. Badiyow.

  17. Rayaan says:

    RBC RAXANREEB ======================================== WAASHA IS MERJIYA

  18. gundid says:

    Anigu hadaan madaxweeyne ahay, Goosta ayaan dhihi lahaa, Buuq,shisheeye Kal-kaalnimo, qaranka bur-bur, dalka oo cadow lagu soo hogaamiyo ayeey nagala tagi, wax kale oo qiima leh ma’hayaan aan ka eheeyn lugooyada qaranimada Somaliya….Waxaan taageersanahay in loo doorto Madaxweeyne iyo Ra’iisul wasaare aan ka soo jeedin Beelaha Xamar iyo Puuqland, Khaasatan Samatar iyo Farmaajo, Samatar waxuu kala daadin karaa qorsha dhicisoobay ee lugooyada ah ee Somalidiidka oo 20 sano siyaasad ka dhiktay Somalia waa necebnahay,Ethiopian waan jecelnahay oo waa walaaleheeyn……

  19. gundid says:

    Waligiin ma’maqasheen ……Somalia Somali baa leh….Toosa oo isku tiirsada

  20. Ana's says:

    Odaygu wadag dag dagay ee hadal AMA hadlin sidii hore xaalku kabadalan Hanoolaado farmajo wa mustaqbalkii umada somaliyeed farmjo alloow nodaah ayaabo intii ah guul farmaajo

  21. shafka says:

    saas ayaaan niiga rabaa reer putland iska celiya ninka xaqiina idinka qaadan rabo ,
    cadowgiina ha dhaco karti aad u leedihiin illah ayaa idinku maneystay dadnimada
    (KUDAYO PUTLAND KUDAYOO SIDEY BULSHADEEDU TAHAY KUBARO PUTLAND KU BAROO MEELEY NABAD BUUUXDO TAAAAL) WAAAAAAAH WAAAAH WAXAAS AYAA LAGAA DHAHAA DAD QALBI SAAAFI JISMI SAAAFI , NO CUQDAD VIVA PULAND , CADOWGINA HA DHINTO HA DHACO WAA MEEL XALAAL AH PUTLAND , WA GOBOLKA UGU WEYN GOBOLADA SOMALI CIDNA BARYI MEYSO PTROL AYAA DAADSAN MASHAAAAAAAAAA ALLAAAAAAAAAAAH

  22. heykal says:

    sxb nikaan warkaan soo qorey raxanreeb 10 jeer ayaan loo sheegay oo aan niri sxb hadalad saaxafas sida ay yihiin ama aad wax umaqashay usoo qor hana badalina mgrty marka hadalka pl kasoo baxay saad u qorety maahan pl waxa ka digaysaa qaswadaayaasha ka hor yimaada doorasha ama qaska ku haya gudiga doorasha rag ayaa shalay iyo maanta u hanjabay gudiga doorasha marka waa ceeb hadalka lama badalo hadad wax qoraysid sxb waa ceeb
    saxaafada ama websitku waxa uu leeyahay dad macbiil ah waa kaa cararayaan cidna ma fuarysid hadaad been sheeegtid pl xaqbay u leedahay ina arimaha soomaaliya wax kala socoto ama talo ku leedahay waa pl soomaaliya waan dadkii la yaqaaney ee soomaali ahaa mhdsanid sxb

  23. Jaamac says:

    @somalineceb

    Boowe was kasteey ka heleysaa in puntland ay kaa cararto, sababtoo, bal car calool fiyoow u hay nin reer puntland ah? Miyeyna ahayn in lagaa tashado qurunkaaga?

  24. maroodi says:

    kkkkkkkk qabiil aan qof u waalan qosol kama dhargaan mrka dhamaan wxaa galaaftatay dadka aad ka dhalatay oo wanagsan oo aad magacooda sidataa. wxna dadka somaliyeed u sheegayaa dhamaan dadka reer puntland waa dad nadiif ah mrki laga reebo Ninka qeylinaya iyo kuwa kuwa daba dhilifka u ah . wxn jeclahay ninka hadaaqay in aan hal mid dhaho.oday tabartiisi gabay wanu aragnay marka mahan meeshan barxadii aad ku soo ciyaari jirtay waa geed haracweyn oo dadka somaliyeed oo dhan rabaan in ay harsadaan mrka raali ahoow. Farmajo iyo nin allala oo daacad ah waa la dooranayaa midka ad wadatona iyo adigaba Hospital ka dadka wal walan aya idin sugaya insh,laah bil kariim

  25. allaale says:

    qabyaalad iyo rooxaan kursi baa dhex maray. hada ka hor wuxuu dhahay hadaan nin pl ka soo jeeda la dooran waa goosanayaynaa. waxaa ka horeysay hadaan farmaajo la badalin waa goosanaynaa war bal kaalay beeshaani miyaanay xishoon. soo ma arkaan jareer iyo jileecba in somali reerkaa karhatay.

  26. hussein says:

    kkkkkkkkk hadii aan anaga nala dooran waa isku tashaneynaa suaashu waxaytahay ma.isku filintihiin kkkkkk mise gumeeysi ayaad hoostagi rabtaa aqbal ama diid talada waxaa le. soomali adigu waxaan aaminsanahay shacabkaada in aysan hadalkaas kula qabin ninkii madaxweyne loo doorto meeshuu doono haka yimaado xamar waa lagu soo dhawaynaa waxaana soo dhoweynaa soomalida kaabadan waxuu hadal kabartay waa isku tashaa kaalay qudaarta mogdishu taal cun oo dhedhemi dhan dhanaanka ayaa kaamaqan.

  27. hanoolaato says:

    waxaa fiican in codka baarlamaanka lasugo

  28. Rooraaye says:

    Ku wadani ma ogtahay warmoogoow wixii dunida soo marey adeer wax sandule ah ma jiraan soomaaliya waxay doonaysaa isbedel dhab dhamaan ragii lunsadey hantidii qaranka ayaa hadana hantidii shacabka isku soo sharaxaya what hell we need new leader new face marna hala yaabin hadii la yiraahdo ma doonayno anagu waxaan raacsanahey putland aragtideeda fog mustaqbalka iyo aayaha shacabka soomaaliyeed hadii aad doonayso tuugada oo aad qabiil iyo qurun dabada ka wado anagu diidnayee ogow sandulena adigaa ku jira oo unisom ku ilaalisaa anigu xorbaan ahey ogoow

  29. somalilander says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk faroole rageedii , halkaa ka hay bahaysha , wax somalia la dhaho oo aan puntland iyo somaliland ahayn inay mesha timaadoo !! kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    viva somaliland

  30. waxii rabaanba hala baxaanee waxaa la yaab iska leh wax ay dantooda maahee mida somalia uu eegi waayeen waxaana ay leeyihiin waa qaadanayne waa dr farmaajo waxaana aaminsanahay in uu yahay shaqsiga wakhtigaan badbaadin karo ummada somalida misirkeena aan ku aamin karno waa dr farmaajo ama shakhsi wanaagsan oo la mid ah balse xadiifada faroole uu la dhaxjoogo puntland waa mid somalia ay ka gudbayso wakhti dhow insha allah

  31. c/qadir says:

    farmaajo hadii la doorto xagee tegaayaa bal adba. say doonayso hadaan la yeelin puntland wax ka soconaaya malahan ama qayliya ama caytama.somaali oo dhan ayaan isaga filanahay

  32. Amed H. Moamed says:

    Aslamu calykm dhamantiin.Anigoo ah mawaadin Soomaaliyeed reer puntlandna ah waxaa u arkaa warsaxaafadeedkaa haduu run yahay inuu yahay fashil syaasadeed oo aad culus oo ku yimi hogaamintii Faroole ee puntland,waana wax laga naxo. Ma filayo nina in qabiilkiisa loogu diidi karo inuu
    madaxweyn noqdo, haddiise ay jiraa rag loolanka madaxtinimo ku jira oo ay uga baqayaan qarshe lid ku ah puntand inay wataan may masraxa siyaasada la sugaan oo la xisaabtamaan si dastuurka waafaqsan
    ilay dowlad iyo baarlamaan baynu leenahaye. war naga aansa puntland ha ceebeynia.

  33. qandalawi says:

    @Wadani iyo somalijecel horta sxbayaal laba khaatuma seeg baad tihiin oo xasad iyo qurun ka buuxo, puntland wixii aan qaban qoorey kaleedahay yacni awood ay ku diido ayey leedahay waana wax dadnimda iyo horumarka siyaasadeedee laga haybeysto oo laga baqo ay ku gaartey. waxayna digniintani jawaab u tahay kuwii shalay ku hanjbayey nin aan xamar u dhalan haddii la doorto alshabaab ayaanu ku biireynaa. Marka idinkaa xarig lama sitaan ahe hadba nin jeebkiis iyo gurigiis ku war wareega maba fahmeysaan waxa laga hadlayo iyo dulucda loo jeedo cid aad wax ku biirin kartaan iyo mid aad ka dhimi kartaan baan jirine ordaya iska taga geel jir yahay.

  34. prof piccolo says:

    Asc Madaxweynaha waxaa iska leh reer Puntland haddii aan heli weyno waan goosaneyna sida Somaliland ay u go’dey oo somaliya ninkasta hagoosto meesha uu daganyahey waan ku raacsanahey xiligan waxaa iska leh waa reer Puntland ama Prof Cabdiwali in la doorto haddii kale kow iyo giish malaha oo xamar waa lagu kala dareeraya ogaada sheekadu waa dhab xamarna waa bahalo galeen ee caasimada halga wareejiyo ogaada

  35. aQoolif says:

    waa wax loo bahnaa in ay DOWLADA PUNTLAND ee xuminta ka ah DOWLADA FEDERALKA ay soo saarto war bixintaan si looga fogaado in 4 sano dibloosocdo oo meeshii howsha laga soo bilaabay dib loogu noqdo taasna waa md aan umada soomaaliyeed aan dan ugu jirin taas oo dhici karta hadii dadka qaybtiis ay soo baxaan ama dadka antifederalka ah. ilaahay waxaan ka rajeenaynaa caqliga saliinkaa in uu shaqeeyo inta caqliga xuna naga qabto. Amin,

  36. aQoolif says:

    waa wax loo bahnaa in ay DOWLADA PUNTLAND ee xuminta ka ah DOWLADA FEDERALKA ay soo saarto war bixintaan si looga fogaado in 4 sano dibloosocdo oo meeshii howsha laga soo bilaabay dib loogu noqdo taasna waa md aan umada soomaaliyeed aan dan ugu jirin taas oo dhici karta hadii dadka qaybtiis ay soo baxaan ama dadka antifederalka ah ama waxa xal la dhaho oo dhan ka soo horjeeda sida……….. . ilaahay waxaan ka rajeenaynaa caqliga saliinkaa in uu shaqeeyo inta caqliga xuna naga qabto. Amin,

  37. War same says:

    Dadkaan. Oo. U maleyay in farmaajo loo Dan leeyahay. Wax fahma. Oo. Hadalkaga waxu u socdan 2shariif oo raba inay Isuzu shubaan, taas haday dhacdna Macalin Walba FAQ lama duljoogi karo.

  38. somalilander says:

    kkkkkkkk faroole , rageedii , halkaa kahay bahasha sxb , si wacan baad noolashaqaynaysaa ! halkaa kahay hawsha kkkkkkkkkkkkkkk
    viva somaliland

  39. Fadli Cade says:

    wadani
    ma garan wadanka aad sheeganaysid waxaa ka fiicnayd inaa qabiilkaaga sheegat iyo qabiilka aad necebtay sida hadalkaga ka muuqata maxaad isu qarinaysaa? puntland waa dal Soomaaliyed dadka degana waa dad SoomaaliYeed. haddaad wadani tahay wadani tahay wadankaaga maad nebcaateen.
    Hadaadse maamul iyo madax aad dhaliilaso maxaa kuu diiday inaad Faroole iyo maamlkiisa wax ka sheegtid adigoon anshaxa ka tegan. waxaan filayaa inaan da,daau weyneyn ee dadk wax garadka ah latasho intaanad wax qorin si cudurku(qbyaaladu)aanu u fidin.

  40. Zaki says:

    Si xun ayaan u tarjunteen warsaxaafadeedka dowladdu soo saartay. Wuxuu ahaa ka digis in la carqaladeeyo doorashada oo lagu tagri falo hantida qaran.

    Hadday Puntland Shariif dhaleecayso waa caadi. Asagoon wali la dooran buu eex bilaabay. Bal eega degmooyinka bilaa sharcigaa ee uu 2 cisho kahor magacaabayay! Arday Somaliyeed inuu kahor istaago waxbarashooda oo uu Sudan ka xiro ma tahay dhaqan madaxwayne qaran?

    Misdaaqiyaduu dhumiyey. Ha filan waayin maalinta doorashadana inuu degmo u magacaabo tuulooyin iyo miyi adeeradiis degaan.

  41. puntland citizen says:

    waxaan aad uga xumahay inaan umada soomaaliyeed ay cadoowad intaa leeg uqaadaan boqorada soomaaliyeed ee reer puntland ;” mida kale shacabka puntland waa shacabka ugu fiyow kuma soomaaliya marka la eego xaga somaalinimada mara shacabka soomaaliyeed waxaan leeyahay anaga waxaan dhibsano somaalina aan dan u ahayn hadaan sheegno somaliya maanan bur burin mida kale faroole waa madaxweyne ee shacabka baa awooda iskaleh mana suuro galayso inaan soomaaliya kala jaro

  42. muuse says:

    puntland way mudantahay in la xushmeeyo ceebna mahaan in ay sheegaan fikirkooda.Puntland waa maamul jira oo dhisan kana awood badan TFG kana horeeyay marka waa in lagu daydo oo la qadariyo.
    INTAAS WAXII DHEER FADHI KUDIDIRKA IYO WAX MATARAYAASHA DHULKOODII CUNAY AMA AAN DHISAN AYAY UTAAL.

  43. faarax says:

    puntland caqligeeda ilaa somalia eey udhaqanto sidaas daawo laheli maayo oo qabyalada nin kastaa dhuuxa ka gasho war qabyaalada barta sida puntland markaasbaa soomaali heshiineee

  44. Kilwe says:

    Nimankan Shacabkooda xuurtada ku haysta ee doonaya in shacbiga Somaliyeed ee Isku dhiigga iyo dhiicaanka ah inay kala qoqobaan Waa P/ land iyo S/land e wax wanaag iyo suubaa salaax ay ku leeyihiin ma jirto sidaa daraadeed haddii la doonayo in nimankaa shaqo waafi ah laga Qabto isla markaana la rabo in la arko iyagoo ” Somalia ha Noolaato daa Guraya” ha la taageero gacanna ha la siiyo maamulka Khaatumo State. Idinkaa arki doona Igoo sandulaysan oo dadkooda dhinac kaga jiree.

  45. j werdi says:

    goormaan ka digey wale dariiqii baa la hayaa mar hore ayaan mala waalay markaan arkay qaabka wax loo wado in puntland la soo bxayso tabo ay ku maja xaabinayso dedaalda ka socda xamar waana arin adag hadii taasi dhabawdo waayo somaliland ayaa caqab wayn ku hayd qaranimo somaliyeed hadii meel kale hadan ay ka fad kudiso waa sii adkaanaysaa allaw sahal amuuraha oo isu soo ururi somali

  46. jama mohamed says:

    puntland waliged ma waxay taagnaan haddii nalagu soo doorto nin rer hebel ah waan ka go,anaa? somaliya jagada ma puntland baa iska leh? muddo intee le, egbaase p/land la raali galin karaa ? ka warama hadii maamul goboled kastaa dhaho hadaan annaga nalaga dhigin waan tashananaa !!! waxaa ila quman nimanka horbooda in rerka laga qabto inta aysan is nacsiin rerka iyo somalida nimaadka sedbursiga ku dhisanna in laga gudbo baa fiican oo wax la wada qaybsado lakin ama idooro ama aan ku diido waa dafiic nimo dawladdase soo soctaa awood ma u leedahay in marka p/land qayliso ay ku khasabto dastuurka la hirgaliyay ee tilmaamaya in aan sedbursi la samayn karin

  47. sirmaqabe says:

    Faroole miyaa laaluush iyo musuq maasuq wax ka sheegay ninka maraakiibta aduunka burcad badeed u sameystay?Faroole markuu arkay in riyadiisii meesha ka sii baxeyso miyuu cataabay?faroole iyo C/wali qorshahoodii shirqoolka shiikh shariif miyaa u suutoobi waayey?aaway qorshihii 4 geesoodka ahaa ee Faroole C/wali Shariif xasan iyo Mahiga ee ======= labada kursi ee sare looga tuurayey?faroole waa kan afka furtaye muxuu maqlay?ma kursigii ayuu ogaaday in mar kale Shiikh Shariif ku guuleysan doono?faroole wax faa’iido ah malaha wuxuuna meel cidlo uga tagayaa C/wali oo PHD isaguna ku qaatay qabiil jecelka bal waaba aqoon yahay R/wasaare somali oo dhan u ahe muxuu nin tuulo joogo uga amar qaatay?Madaxweyne Shiikh shariif hadii aad mar kale ku guuleeysato in aad noqoto Madaxweynaha Somaliya waxaanu kaa dooneeynaa inaad wadanka oo dhan gacanta ku wada qabato oo aad kuwa xanuunsan ee faroole oo kale ah wadanka ka saarto kuwa somali diidkaa iyaguna aad ka dhigto mid aad soo qabato iyo mid baxsado oo aad wadanka nabadeeyso somali adiga ayaa samata bixin kara heystana taageerada Caalamka.

  48. Birqalax says:

    Reer Faroole way hurdaan. Lama joogo xilligii hantaaca iyo Jaajuuska. Waxaa la joogaa xilligii Midnimada iyo Dawladnimo rasmi ah. Puntland baan ahay iyo Pussyland baan ahey waxay ku egtahay maalinta isniinta ee Madaxweynaha Somaliya la dooranayo.

    Cidii kahortimaada Madaxweynihii lasoo doorto Waa cid ku xadgudubtay shuruucda dalka lidna ku ah Midnimada dalka iyo hor u socodka umada doomaaliyeed. Sidaas daraadeed la is tuugi maayo ee Waa la ismaquuninayaa waxaana si bishintuur ah lagu ogoleysiinayaa waxa ay diidanyihiin.

    Waan goosanaynaada iyo waan tashanaynaadu waa un iska riyo maxaa yeelay maxaad leedahay oo aad goosataa? Ma Garoowe ileen iyada unbaad ka arrimisaaye. Garoowase soo dhul soomaaliyeed maahan ma adaa leh? Dhulka asagoo soomaali ahbaad dhalateen asagoo soomaali ahna waad dhimanaysaan. Cidii Amxaaro u xiistay sida Faroole way u guuri kartaa. Udbihiina rarta Intiina amxaarada ah oo aada ehelkiina Tikreeda ee aad had iyo goor cadeysaan in aad wada dhalateen oo aad walaalo tihiin. Laakiin ma hayno dhul Amxaaro loo geeyo midkaan soomaalibaa leh.

    Hadaba hadeynu nahay shacabka soomaaliyeed waxaynu diyaar u nahay in aynu difaacno dhulkeena kana hortagno reer Faroole iyo Amxaarada kale ee Jawaawiista ah ee isu maleeyay ama iska dhigdhiga soomaali dhalad ah iyagoo Dhiig ahaan iyo dhaqan ahaanba la duuban Amxaarada siday marar badan qirteen. Shaqsiga ku haboon Madaxweynanimada Soomaaliya ee si fiican u kala garanaya dadka Soomaalida ah ee wadanigaa iyo kuwa Amxaarada ah ee afsoomaaliga ku hadla waa Mudane Pro Maxamed Cabdullaahi Maxamuud Farmaajo.

    Asagaan Insha’Allahu dooranaynaa maalinta isniinta asagaana ah Madaxweynaha dalka. Cidii isku dayda inay ka hortimaado, waa cid u bareertay inay soo dedejisato wadkeeda.

    Way dhamaatay Jaantaa rogan iyo Jaajuus joogto ah. Waxaa biloowday Kacaankii Midnimada Umada Soomaaliyeed (KMUS). Tawradbaa dhalanaysa isniinta waxaana sanadaha soo socda dalka hogaamin doona InshaAllahu, Pro Farmaajo. Ka naxoow JAB, Ku farxoow NOOLOW!

  49. sucad says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk iska hadloow inaigarae war ma xuu ismooday somali waxaa ay tiraa hadal inta uu uurkaga ku jiro ayuu amaantaa yahay ee ayaaa yiraa war ha is halaagin farmaajaa madax wayne noqone miyaad is gowrici madaxwayninimada iyo raysalwasaaranimadu reer puntland ma dhaqtar baa u qoray maxaa somali idinka soo dhexsaaray koley gaasla dooran maayo raga kale ee laah baa og gaas se basal quruntay buu ka dhexnoqday bulshada dhexdeeda puntland lama necba ee faroole iyo gaas ayaa nacsiiyey
    farooloow fidnada daa
    kala faqooqa daa
    wax aadan ahayn
    baad is moodaye
    nidnada daa

  50. waaaaaaaaaaaaaw hadal cad iyo awood muuqata waxaa hibo iyo dhaqan uleh reer puntlan

    waxay diideen waa diideen, san kuneefle ka hor imaankaran haba shegin
    ninkii puntland neceb, wey jecelyihiin, waayo waxay u arkaan nimaan waxba yeeeli karin,
    war iyo dhamaantii. maalinta isniinta, hadaanan meeshaas dantayda ku arag,
    soomaalidanbe iney iskutimaado waa cirkoo bar soodumo,

    mudnaanta markasta in puntland lasiiyo waxaa kujirta danta guud,

    somalia is puntland, puntland is somalia

  51. cali says:

    caqliga noocaan oo kale ah maba duuugooba miyaa goormuu maskax yeelanayaan faroole oo putland ugu shaqeeyo somaliweyna wax la qaybsado waa hadal nxuur laaaan ah reer putland hadii aney c aaqaaan kaga jawaabin si jamhuuri ah walllaaaaahi waaa ku ceeeeeeeeeeeeb iyo nacasnimo…

  52. Dadka cudurka puntland ncaybka qaba waxaa kaa maqan maskaxdooda in Puntland ay horay u soo ahayd dawlad mmadax banaaann qaybbaha dawladda oo dhan leh (apparaato stataal ama all government sectorrs) sida muuqatana shaqsiyaaadbaa laaluush iyo cagajuglayn iyo baqdin gelin wada si loo doorto taaso cidwalba ay u ogtahay aduunka oo idilna uu tilmamay.. Puntlnd saaqsigii sidaas ku soo baxa Madaxweynenimadiis Xamar hala jooogo Puutland hor.u socodkeedaa ummma istaagyo
    Fikradaaas naanulkasto wanaaga soomaalida jecel wa la qaaa puntland

  53. khadija says:

    saa waa go’dey maxay la go’dey mase ka maarmeysaa dowlada dhexe? jawaabtu waamaya ee buula xoofteyn baan u arkaa anigu waan jeclaan lagaa iney gooni ka ahadaa soomali inteeda kale waayo waa cad buka oo in la iska jaro ubaahan waa aniga dhankeyga balse soomali oo dhan u joogsan mayaan puntlan baa tiri soomaaliyey tashada oo midnimadiina ka shaqeeya daaroodna maaha puntlan oo keliya.

  54. Fiqi Xaaji says:

    Aniga hadalkan AMA war saxaafadeedkan Waxaan u fahmay inuu ku socdo Labada Shariif.
    Labadan nin ee isku magaca ah Waa saaxiibo aanan kala harin, waxay mudan yihiin inay labadooda midkoodna soo noqonin. Ragga kale ee cusub la doorto.

    Inkastoo Faroole aan ogahay inuu hadalo dac Ah ku hadlo oo aanan laga fiirsan, hadana Maanta hadalkan wax khalad weyn Kama muuqdo. Nin walba iyo kooxba walba xaq bay u leedahay inay danteeda ka hadasho AMA interest keeda.

  55. Fiqi Xaaji says:

    Laakiin Waxaan ku qoslaa AMA iga yaabisa kuwa la soo shir taga AMA aaminsan in A/Weli Waal la dooranayo. Wax Waalan ninkii doorto Baa kasii waalan oo daran.

  56. Soomaali baan ahay says:

    raxan reeb why aad u tirtirtay commentiga aan soo qoray. waxaan u malaynayaa runta ayaa dhibsanaysaa, teeda kale wax been ah ama qaldan ma soo qorin, dadka iyo madaxda heer putland ayaga ayaa soomaali u baahan looma baahno ha ugaadaan, teeda kale adinka ayaa boon booninaya hadaladaka soo baxa Putland maahane qof dhagaysataa ma jirto, waxaa ay u baahan yiheen in la caawiyo, Putland waxaa ay ismooday wild-fear place, laakiin waa saxaro madaxada yaysan iden serin.

  57. Muwaadin says:

    Wax yar ayaan idin tusayaa!!! Inta comments-ka ka qortay Puntland & Madaxdeeda eega, sida ay wax u qoreena eega, af-lagaadada eega, neceybka ummadeedna eega. Ma dadkaas ayaan wax la qeybsan karnaa waa MAYA jawaabtu. Faroole lama necbee ummadda halkaa daggan ayaa la neceb yahay, intii og waa ogtahay nacasna loo sheegi maayo.
    Puntland waa in ay ka go’daa soomaali inteeda kale. Somaliland-ba naceybka loo qabay ayay la go’day annagana kuwaa waxba ma dhaanno maadaama dad kale oo wax kala garanaya aan nahay, ogowna Soomaaliyadii la yiqiinnay waxaa hormuud u ahaa Puntland & Somaliland waxa lagu nacay-na waa maxaad wax u tihiin. Marka waa in aad sida Somaliland yeeshay yeelnaa, wixii is dilaya, is dhacaya, waxba nagama gelin, dadkanna dad soomaalinimo lala wadaagi karo maaha. Af-lagaada & dhaqan xumada nolosha ka bartay.

  58. jama says:

    puntland hanolaato cadowgeeda haa dhinto maxaa laga qaadi kara puntland iyadaa utalisa somaali odhan , ma dowladan fadhiidka ah aya waxkaqadi karto 21sano kahor midi jirtay aya waxkaqaadi weyday iska dhinta intii neceb puntland maqalkeeda iyo dadkedaba viva dowlada madaxbanaan ee puntland

  59. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin, waxaa rabaa umada Somaliyeed in eey ogaadaan Qaswade Faroole iyo qabiiliiste Gaas iyo dadka pintiland amaba pussyland ka yimid in eey yihiin dad qatar cad ku ah jiritaanka iyo midnimidada umada Somaliyeed. Dabcan reer pussyland dad wanaagsan waa eey leeyihiin, laakiin waa “guilty by association” sababtoo ah, ninkaan ayeey iska qaban waayeen, oo eey Somali ku soo daayeen, taasna macnaheeda waa in eey raali ka yihiin waxa qeeyru mas’uulinimada ah ee maalin walba afkiisa uraayo kasoo baxayo. Qaladka ugu weeyn aniga shaqsiyan waxeey ila tahay waxaa iska leh, Madaxweeyne Shiiq Shariif oo ku badalay ra’iisalwasaare Farmaajo oo nin xalaal ah ah kana soo jeeda dad xalaal ah, marka qalad weeyn ayeey aheeyd markii lagu badalay qabiiliista xildhibaan Gaas. Qalad waa dhacaa, waxaana rajeeynayaa in Madaxweeyne Shariif uu qaladkaas wax ka bartay, walina waxaan aamin sanahay in uu yahay nin daacad ah oo waliba samirkii uu u muujiyay reer pusslyand eey banaanka keentay ceebtooda iyo wax badsi jeceelkooda. Marka waxaan rajeeynayaa in markale lasiisyo chance Madaxweeyne Shariif next four years, markaasna uu ka fiirsado in dad qabiilkooda u dhaartay oo jiran xil soomali dhan ka dhaxeeyo uu u dhiibo. Taas badalkeeda waxaan ka rajeeynayaa in uu soo celiyo Prime Minister Farmaajo, si wanaagsana labadooda umada Somaliyeed ee nadiifka ah danahooda uga shaqeeyaan. Waad mahadsantihiin.

  60. m says:

    waa sax hadalka puntland waxa ay walwal ka qabtaa in shraiif lacag cune uu mar labaad soo laabto

  61. Rooraaye says:

    Ragii isa soo sharaxay qayb ayaa maants iska tanaasuley mzcnuhu maha inay wax diideen ee waxay arkeen laaluush la siinayo baarlamaankii sakiin oo afka loogu ridey boorso lacaga shariif oo u hanjabey baarlamaanka sidee wax u hirgalaan lacagtii laxadey ayaa hada lala soo baxey mid kalena kenyaa bixisey oo waxaa loo keenay shariifyo marka aamusa isku xishooda waxaad ogeyn haka hadlin ogoow putland wey la soocotaa

  62. Hassan Wadani says:

    walaahi waa nasiib daro inuu hadalkaan kasoo yeero puntland lakin ma ahan waxaan la sugayn waayo markuu arko faroole ninkuu watay inuu meesha ka baxay shariif xasan iyo sheikh shariif-na heshiyay miyuu hadalkaan la soo boodayaa. Waxaa la doonayaa inay Somali isku tanaasusho. Waxaa hubaal inuu faroole qaribay Puntland somalida kalena ka hor keenay Puntland. Reer Puntland waa shacab wanaagsan oo gobolkooda hormarsaday lakin farole hadaysan iska qaban inuu cadaawad badan iyo naceeb badan usoo jiidayo.

  63. ahmed abdirahman says:

    ASC dhamaan akhristayaasha webkan. waxaan isha mariyay faallooyin tira badan oo meesha ku qoran. waxaan halkan ku soo gudbinayaa 1-aragtidayda ku aadan warbixintan 2- talo iyo caqli celin akhristayaasha ku socota.
    1.Hadday sida ay warbixintu uqorantahay xaqiiqo tahay oo aan tarjumaada la khaldin, waxay iila muuqataa mid ayaan darro ku ah geedi socodka nabadda soomaaliya, sababtoo ah:
    a)waxaa jira baarlamaan laga soo doortay qaybaha ama beelaha kala duwanee soomaalida iyagaana xaq uleh cidday u arkaan inay wadanka samatabixin karto inay doortaan,reer puntland-na qaybay ka yihiin.
    b)Waxay maanta soomalidu u baahantahay isu tanaasul iyo in la baxnaaniyo dowladnimada curdanka ah, waynu soo tijaabinay aragtida ku dhisan (meeshaan qabsado halla ii jaro haddii kale wax socon mayaan)
    c) Waa in aan la dhicisayn dimoqraadiyada ifka u soo baxaysa oo door la siiyo aragtiyaha kala duwan in dii dan la bido la qaato.
    2) Akhristayaasha waxaan dhihi lahaa dhowr qodob oo in la xasuusnaado ay muhiim tahay:
    a)Somaaliya waa wadankeenii, hadduu hagaago inaguu inoo hagaagayaa hadduu burbur iyo dhibaato ku jirana inagay ina taabanaysaa.
    b) Dadka faallada bixinaya waxaan filayaa in ay u badanyihiin dhallintii ku mustaqbal seegtay isu tanaasul la’aanta iyo dan gaar ah in mudnaanta la siiyo . waxaan idinka filaayay in dabaylaha is badal doonka ah ee aduunka ka jira aad ku dareen qaadan doontaa laakin wali nin jeclaysi iyo qabyaalad gaamurtay baa kamuuqata qoraalada.
    c) Qofka soomaaliga ah meel walba oo aduunkan uu kaga noolyahay waxaa sumad u ah gaajo, dagaal, iyo fashil .iyadoo marwalba aan aduunka aan horkacayno liiska wadamamada fashilmay,tabaalaysan ,xuquuqda saxaafada ku xadgudba. Haddii aynaan fakarkii aan sumcad xumadaa , ceebta iyo caarka ina saaran iskaga dajin lahayn la iman waa sidaad aragtaan halagu jiro taasna xal maaha.
    c) Waxaa biyo kama dhibcaan ah inaad rumaysnaataan in waxaan wada jir iyo qaranimo ku gaadhi waynay aynaan Qof ,Qabiil , iyo kooxaysi ku gaadhayn.
    waxaan idiin rajaynayaa inaad wanaaga ugu hiilisaan hadalkiina , ficilkiina , qoraalkiina iyo waxqabadkiina. wabillahi tawfiiq.

  64. Aaden Mahad says:

    ASC
    Walaalayaal Shariif Axmed oo ku soo qodqa Somalia waxey ka dhigan tahey Somalia oo rajadii nabadda iyo yididiiladii dhamaatey oo ay isku badashey dhalanteed iyo dhaan dabagaale.
    Waa ninka la arkey sida uu isku badbadalayo.
    Waa ninka habeenkii inta riyooda subaxdii dagmooyin magacaabaya.
    Shariif haduu soo baxo Somalia waa banadey, Puntland aayaheeda iney ka tashato xaq ayay u leedahey.
    Ilaahow hanagu soo celin Shariif oo mid ka kheyr badan noogu badal.
    Rag ikhyaro ah oo kale ayaa xataa ka soo jeeda reerka uu ka dhashey oo tolow qof aan xishood laheyn oo aan wax isku faleyn yaan la dooran.
    Wasalaamu Caleykum

  65. Sniper says:

    awelba waydin is indha tirayseene Puntland warkeedu wuu caddaa !!!!!
    waxay yidhaahdeen waxanu laanahay
    - madaxwayne iyo m/ ku xigeen
    -barlamaan
    -calan
    -hees calan
    -lacag gooniya oo aan ahay ta somaliya
    -doorashooyin (way soo socdaan)
    iyo haykal dawladeed oo ka madax banaan somaliya!!!!
    waxay idinka qabsatay Somaliland ma go’i karto,,,,,,,,,ee bal ka sheekeeya filinkan kkkkkkkkkk
    viva Somaliland

  66. Wankamudug says:

    Putland. Hday. Soomaliya ka. Go,do. Xaduuda soomaliya. Waxay noqonaysaa. Gaalkacyo ilaa Afgoye.

  67. bulugley says:

    nin hadlaaba hayska hadlee inoo doora somaliyed maslax m. siyaad asagaa yaqaan nin wax isbiday sida lola dhaqmee sida horay bay u’ahaan jirtay waxna waaka qaban jiraye markaa dabadeedna xuuuuux xuuuux xuuux kaliya dhaha ayaga didiye

  68. bulugley says:

    nin hadlaaba hayska hadlee inoo doora somaliyed maslax m. siyaad asagaa yaqaan nin wax isbiday sida lola dhaqmee sida horay bay u’ahaan jirtay waxna waaka qaban jiraye markaa dabadeedna xuuuuux xuuuux xuuux kaliya dhaha ayaga didiye.

  69. maroodi says:

    21 sano oo kle ayan u baahanahay oo bur bur ah madama ay dantooda aqoon.wr gumeysi ayaa ku fiican tihin dhamantiin mxaa yalay dantiina ma taqaanin wxaa kaliya o taqaanan qabyaalad iyo wxa dulinimada idin ku riday maalintaan idin ka dhashay nacalaa ku yaal. qurunyahow qurunku dhalay

  70. darwiish yare says:

    waa wareer afkalaqaad iyo badh badhiisii buu bialaabay faroole kkk waar walee runtu waxay tahay kii ladoortaba sandulaad kunoqon amarkiisa
    hadaaqa nagadhaafa bilaacaleeg,
    aniga waxaan lasiiyaabanahayba kuwan leh pintland xaqbay uleedahay inay xaqeeda kahadasho !! oo saaxibayaal soomalida kale malaha xaq umalaha inay dantooda kahadlaan kkkkkkkkkk!!!! dawlad somaliyeed oo quwadeedii dawladnimo ayaynu dhisanaynaaye reer pintland oow inagadaaya daac daacada please kkkkk

  71. Somalijecel says:

    TO REER Puntaland inta caqli saaxiibka u ah:Waxaan idin weydiinayaa Puntaland ma reer baa iska leh?reer puntland xaq ma u lee yihiin wixii khaldan in ay ka hadlaan?anigu waxanka midka ahay beelaha dega puntaland not ssc and not galdgob,waxaan ahay daacad jeclaan lahaa inuu arko madaxda puntland iyagoo sidii dad caadi ah u hadlay.Waxaan jeclaan lahaa puntland oo qabyaalad ka gudub tay,waxaan jeclaan lahaa puntland oo horumar gaaratay ka maanta mid ka fiican.Waxaad ku waalateen shariif afgaduud farmaajo iwm.Marka hore dadka idinkaa ugu dhib badan,aabahay AU oo aad u taagiri jiray SSDF oo ay reer abti u ahaayeen yaan ka maqlay reer awoowgaa ha dhagaysan waalidaa ku badan iyo shock.War qofkii la doortaa waad ku qasban tihiin bal fiiri shariif haddii la doorto boosaaso 24 hours ayuu idinkugu iman,farmaajo waa idink adag yahay reer ka waan naqaan sida xabadda ay ugu kala adag yihiin amxaaro ma jirto ssc ayaa xabadda loo dhigi jiray iyo galdogob ma jiraan halkee aadaysaan?ta kale war puntalnd maanta ma ahan puntland shariif iyo farmaajo 2 waxaa ay awoodaan garowe in ay maamulka geeyaan si khasab ah.haddii aad diidan oo nin reer puntland ah la doorto isagu halkee gaynayaa?ma garewe iyo qardho?cajiib shariif wuxuu gaynkaraa koonfurta oo dhan from koonfurta g/kacyo illaa bay bakool,juboyibka gedo.farmaajo waa sidoo kale idinku waa halkee halka aad gayn kartaan maxaa khiyaali isugu sheegtaan.wadada idiin furan oo kaliya waa in illahay uu ka dhigaa nin islam ah somali ah qabiilna aan ahayn.Gaas waxba ka sheegi maayo waa muwaadin somali ah nasiibkiisa ayuu lee yahay laakiin dad xun aad u badan yihiin M S Bare wuu ku saxnaa in idinka iyo snm somali laga qabto xishoodkii somalinom kii islamka iyo ki heliyadda waad ka tagteen buud iyo xabad iyo in aad hos fiirisaan oo kaliya ayad ku fiican tihiin marka ha qaxina

  72. Hadee ariboowe faroole wuxuu noqday sun.
    Spoiler. Qabyaladeyste. Iimaanlaawe afwaliinje ha na cunin

    Reer xamarku waxay ku dhahaan afdoorshe kkkkkkk funny word

    Inaadeerkii gaas ayuu la rabaa madaxweyne mana soconeyso reer qabyaalad iyo xaasidnimo ku nool reer pintiland

    Viva somaliya and khaatumo state

  73. gaaska says:

    reer faroole maad cadeysataan,Federalism ayuu farmaajo kasoo horjdaa’ waxa aad ka waydiin ninkii caqli leh wuu fahmayaa; it means “/”!! wali ma qabyaaladii qaawaneyd ee foosha xumeyd ayaad wadiin. tan labaad waa idinka ku hayaa waan go’eynaa Puntland ma idinka bas ayaa daga?! isku xishoodaa ayaan idin leeyahay

  74. Shakir says:

    Waxaan aaminsanahy ninka la dooranyaa in marka hore loo sheegu inuu gurigiisa iyo degaankiisuba yahay mid nabadda. Haddii gurigaagii holcayo sidee Somalia nabad ugu keeni kartaa. Horta bal marka HORE umada tus in aad xortahay oo aad nabad raadis tahay. Qaswale puntland uma baahna mana raaciso xaq ayey u leeyahay inay ayaa heeda ka tashato. Oo yaa u diidin? Ku wiinaan mooryaantu guryahooda iyo degaankooda uga cararey ha ku taagina afka puntland. Waa dad XOR ah kala dambayn iyo qaab dawladnimo dhiigga uga jirto. Dantoodana ninna wax ka waydiin miyaan.

  75. ahamednsir says:

    @somalijecel iyo khadija ilaahey wuu idinku didlayaa xanuunka iyo cuqdada idin ku jirta lkn waxan idin sheegayaa oo run puntland 2014 dadkaa codeynaya dowlad meel tagan weeye oo cidna u baahneeyn oo siku filan hadii aad tihiin dad cuqdadeeysaan ilaahey baryaa oo xamar iyo hargeisa aada.

  76. Laascaanood says:

    Pintiland ayaa goodanaysa kulahaa kkkkkkkkkkkk allaa kariim nin wasiirkusheegiisa xildhibaankiisa police kiisa UNka biisho ayaa kuleh waan goodanayaa kuwii SNM ee 21sano kahor yidhi waan goodanay xagey ku danbeeyeen??? Waakuwaas Xamar orod ku yimi markii ay meel gaadhiwaayeen.

    Futoole wuu u dhameeyey maamulkii ex Puntland la odhan jiray oo iminka burburay tuulada garoowena aan dhaafsiisnayn

  77. abdul says:

    puntland waxa ay ka hadlayso waa u jeedaa labadii shariif baa lacag kalaqaadanaya oo raba dib in ay u soo noqdaan puntilanda waxyabahaas bay ka digaysaa puntland waa nabdoontahay dhib kama jiro miskiintaan somalida ah bay islaeedahay ka qabta umada xaqdaraynayse ogaada puntlanda maaha waxa dhibka garaya markay worlods soo noqdaan ee waa idinka

  78. samadoon says:

    markii fadsaral wadanka lagu ansixiyay ayaa faroole awood la siiyay

  79. haashim says:

    waasax puntland weygoosan kartaa waayo wa somali barkeed waxyna ledahay kheyraadka ugu badan somalia labo baddod iyo iyo foox iyo shidaalkii madi kale dadka leh hadii puntlnad goosato waa ok adeerdee hadii puntland somalia kabaxdo waa qof madaxa laga gooyey qofkaas masocanaa wa maya markaas puntland waa madxii xaq ayeyna uleedahay inay dhahdo qof cusub oo karti iyo aqoon leh hala doorto taasna waa khasab mida kale hadii ay go,do puntlnd waxa go,aaya galgaduud ilaa jobooyinka oo qowmiyad isku ah xamartaan laxayeysiinayo anagu waxanu unaqaana xero ari iyo bahala galeen viva puntlad

  80. laas qoray says:

    laascaanood nacaskaan la baxay adiga ayaa tahay tuuga ah oo laba dhuuunood lagu magacaabo
    marna — u doono marna reer putland u dooono hunguri baqti ayaa tihiin dhuuni ayaa tihiin waa idin dhamaatay najaasyeey afka waaweeyn cado qaaaatayasha ah naclaa niigu taala

  81. Puntlander says:

    Puntland waxay haysataa
    madax ka fekeraysa aayaha
    shacabka puntland iyo mustaqbalka
    Waxa iman kara.

    Marka hadii xamar iyo gobolada
    Dalka intiisa kale dhibay 20kii sano
    ee lasoo dhaafay isala markaana
    dad qaladu ku bateen
    Sidaa darteed puntland way
    iska moosaysaa bahalaha dadka cunay
    Xaq ayayna u leedahay inay tashato
    Madaxweyne faroolena waa nin waayo arag ah
    Taageero ayuuna mudanyahay
    Noolow madaxweyne

    way iska moosaysaa

  82. Puntland boy says:

    Faroole maxaa laga rabaa ? Sideedaba Qof iska hadlay Isagaa ismaqla Puntland Danteeda waa taqanaa Nina kabaryi maayso Ilaahey mahadiis , Hadii adiga uusan madax weynahaaga Abeyn Plz Shut up, Puntland Soomaalia iyadaa u baahan ee Puntland Uma Baahna, Viva Puntland & Soomaalia

Leave a Reply