Puntland oo Laga Hirgaliyey Bangiga Lagu Keydiyo Dhiiga iyo Hay’adda WHO oo Gacan ka Geysatay Qalabka[Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso[RBC Radio] Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa maanta xariga ka jartay xarun lagu baaraayo laguna keydinaayo dhiigaga iyadoona uu yeelanayo Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso.

Munaasabadda lagu furaayey Bangiga dhiiga oo lagu qabtay gudaha Isbitaalka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cali Cabdillaahi Warsame,Madaxa Hay’adda WHO Soomaaliya Drs Marthe Everard,Madaxa Sheybaaradda WHO Puntland Mudane Siciid Maxamed Jaamac iyo Madaxda Isbitaalka Boosaaso.

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Cali Cabdillaahi Warsame oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in higelinta hawshan bangiga dhiiga uu ugu mahadcelinaayo Hay’adda WHO oon la’aanteed aysan suurtagasheen qabsoomideeda.

Mudane Cali Cabdillaahi Warsame ayaa sheegay in talaabo horey loogu qaaday ay tahay dhanka Caafimaadka Puntland marka laga eego baahida dalkeenu u shaqeynaayo,wuxuuna intaas ku daray in uu si gaar ah ugu maahadcelinaayo Dr Marthe Everard sida gaarga ah ee ay isugu hawshay hirgelinta bangigan dhiiga ee Puntland.

Madaxa Hay’adda WHO Soomaaliya Drs Marthe Everard ayaa iyaduna sheegtay inay ku faraxsantahay in hawsha bangiga ay ku dhamaato si guul ah isla markaana waxa ay sheegtay in Hay’adda WHO ay u taagantahay xili kasta u gargaarida Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa ay tibaaxday in Puntland ay ka taageeri doonaan dhinac kasta,iyadoona uga mahadcelisay Madaxda iyo Shacabka Puntland sida muuqata ay had iyo jeer uga qeybqaataan horumarka deegaanadooda.

Madaxa Sheybaaradda WHO Puntland Mudane Siciid Maxamed Jaamac

Madaxa Sheybaaradda WHO Puntland Mudane Siciid Maxamed Jaamac oo isuga mid mid ugu faah-faahiyey Madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxdii ka socotay WHO ayna Hoggaamineysay Dr Marthe Everard ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay bangigan dhiiga,wuxuuna mid mid u sheegay qalabka loogu talagalay bangiga qeybaha uu ka koobanyahay,

….”"Qalabkan wuxuu ka kooban yahay noocyo badan oo isugu jira kuwa dhiiga kala saari lahaa,kuwii lagu xareyn lahaa,kuwii qofka cudurka qabay sheegi lahaa,qeyntii qofka dhiiga looga qaadi lahaa,Warqadii Caafimaadkiisa la weydiin lahaa,Shahaadadii markii uu dhiiga shubo la siin lahaa,Sariirihii qofku ku Seexanaayey,..”"ayuu yiri.

Mr. Siciid Maxamed Jaamac ayaa tibaaxay in hawsha bangiga dhiiga ay ka qeybqaadayaan Shaqaaale gaaraya 14-qof oo laga soo kala xulay deegaanada Puntland oo dhan,wuxuuna intaas ku daray in xarunta Boosaaso loogu talagalay 5-qof iyadoona uu sheegay ay jiraan qeybo yaryar oo laga sameeyey magaalooyinka Qardho,Garoowe,Gaalkacyo iyo Badhan.

Bangigan dhiiga ayaa ah mid baahi-weyn ay u qabeen Shacabka Puntland iyadoona talaabadan ay si weyn usoo dhaweeyeen Shacabku,waxaana jira baahiyo kala duwan oo weli ka taagan Isbitaalada Puntland gaar ahaana kuwa ka baxsan laamiga.



______________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Boosaaso
turrabi30@gmail.com

 

Share

Tags:

3 Responses for “Puntland oo Laga Hirgaliyey Bangiga Lagu Keydiyo Dhiiga iyo Hay’adda WHO oo Gacan ka Geysatay Qalabka[Sawirro]”

  1. Faarax says:

    Cudur baa la qaadsiinaya dadka dega puntland. Gaaladu waa idin tashadeen,

  2. Fayood says:

    Faarax Maasha Allah dheh! Hadaad xaasidnimada iska dhaaftid ilaahay waxba kuma aha in deegaankaaga uu sidaa ka fiicnaado! Ha noqon Soongurtii hilbaha markay gaari wayday tiri “Uf” Dhulku waa dhulkaagii dadkuna waa dadkaagii hadii kale haraanti ayaan kaaga saarin markaad shaqo usoo doonatid!

  3. Maasha alh waa guul weyn o u soo hoyatay dadka deegaanadas ku dhaqan dhibaato badan o ahyd in qofka dhiig la aan u dhinto aya maanta wixi ka danbeeya laga bad baadi doona .. somaliya o dhan ayeyna ku haboon tahy bankiga dhiig keedinta .. ilaahy khyr haka dhigo amiiin …

Leave a Reply