Puntland oo Qiime Dhimis ku Sameysay Canshuurtii Laga Qaadi jiray Xoolaha Laga Dhoofiyo Dekedda Boosaaso


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dawladda Puntland Siciid Xasan Shire

Boosaaso[RBC Radio]Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dawladda Puntland ayaa ku dhawaaqday iney hadda wixii ka danbeeya Maxjarka weyn ee magaalada Boosaaso hoos loo dhigay qiimaha lacagaha Canshuurta ee laga qaadi jiray taasoo dhibaato ku haysay Ganacsatada Xoolaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dawladda Puntland Siciid Xasan Shire oo isaga ku sugan magaalada Garoowe la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Xukuumadu ku dhawaaqday in qiime dhimis lagu sameeyey lacagah Canshuurta ee laga qaadi jiray Xoolaha nool.

…”"Puntland maalmahan waxay wadey Qorshayaal dhaqaalaha looga hadlaayo,go’aamada waxaa qeyb ka ahaa qeybta Xoola dhoofka oo markii qiimeyn iyo eegitaan lagu sameeyey la Ogaaday in loo baahanyahay in qiime dhimis lagu sameeyo khidmada Maxjarada iyo adeegyada kale ee ay u baahanayihiin dhoofka Xooluhu…”"ayuu yiri Siciid Xasan Shire

Mudane Siciid Xasan Shire ayaa sheegay in muddo ay wadeen kulamo ku saabsan arrimaha Xoolaha ka dhoofa Puntland ayna hadda soo saareen go’aamo kala duwan oo lagu dhimaayo qiimaha Canshuurta ee laga qaadi jiray Ganacsatada.

Xoolo-nool oo laga rarayo dekedda Boosaaso

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dawladda Puntland ayaa qiima dhimista ku sameysay Xoolaha sida Geela,Lo’da iyo Ariga ka dhoofa Puntland gaar ahaana dekeda magaalada Boosaaso,waxayna qiimaha la dhimay kala yihiin sidatan:

01. Geela waxaa laga qaadi jiray 23- doolar,waxaana hadda laga dhigay khidmada laga qaadayo neefka Geela 20- doolar,

02. Lo’da oo laga qaadi jiray neefkii 23-doolar,waxaana hadda laga dhigay in laga qaado 19-doolar,

03. Ariga oo laga qaadi jiray 7.5- doolar ,waxaa laga dhigay in laga qaado 6.5-doolar.

Waxa uu intaas ku daray Wasiirku in sidoo kale la joojiyey lana mamnuucay in khidamad lacageed laga qaado dhamaan Gaadiidka sida Xoolaha la dhoofinayo ee maraya Wadooyinka waa weyn ee Puntland sida lacaga Kantaroolada iyo kuwa degmooyinku qaadaan balse loo joojin karo oo kaliya arrimo amaan qura,

Talaabadan ay qaaday Xukuumadu ayuu ku macneeyey inay tahay sidii uu faa;ido badan u heli lahaa qofka dhoofsanaya Xoolaha iyadoona ay dawladdu isu  Xilsaartay khidmadihii ay qaadi jirtay inay hoos u dhigto.

Sanadihii ugu danbeeyey Ganacsato badan ayaa u wareegay dekeda weyn ee kutaala magaalada Berbera,iyadoona ka khidmad jaban tan Boosaaso,waxaana dadka Odorasa hannaanka Canshuur qaadista Puntland ay sheegaan inay talaabadani tahay mid dib loogu soo celinayo Ganacsato muddo ka Irdhowday dekedda Boosaaso Canshuur badnida awgeed.

___________________________________

RBC Radio
Xafiiska Garoowe

Share

Tags:

1 Response for “Puntland oo Qiime Dhimis ku Sameysay Canshuurtii Laga Qaadi jiray Xoolaha Laga Dhoofiyo Dekedda Boosaaso”

  1. [...] Excerpt from: Puntland oo Qiime Dhimis ku Sameysay Canshuurtii Laga Qaadi jiray Xoolaha Laga Dhoofiyo Dekedda Boos… [...]

Leave a Reply