Puntlander baan ahay. W/Q Khaliif Faarax Xayir


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Puntlander baan ahay
Abwaan Khaliif Faarax Xayir
sarahaye@hotmail.com
Sabteembar 02 2012

Asc

Abwaan Khaliif Faarax Xayir

“Puntlander Baan Ahay” Waa maanso gaaban oo qurux badan ,sawir qiimo lehna ka bixinaysa sifaha Puntland-nimada ee dhabta ah .

Waxaan ugu talo galay cid kasta oo sawir khaldan ka haysata Puntland-nimada oo noqon karta mid udhashay deegaanka iyo midka dalka Soomaaliya udhashay ee qadiyada Puntland-nimada Shaki kaga jiro inuu ku bogsado -

Puntlander baan Ahay!
———————————-
Indhowaydba bayd gabay
Waataan ka baaqsaday
Burqadaye sidii wabi
Bu´da dhagaha ii fura

Xus ballaadhan weeyoo
Maanta waa ayaan bilan
Waa maalin loo bogay
Waa bishaaro kheyr lehe
Idinkuna bilkheyr dhaha

Puntland dharraartaan
Ku bahownay weeyee
Buugaagta lagu qoray
Iyo baalka dahabka ah

Puntland dedaalkay
Bulshadaydu galiyeen
Ku badbaade maantoo
Ku badhaadhe idilkood

Haddii aan iskiin baro
Nin bislaaday baan ahay
Beel beel udirirkii
Baabkeedii waan xidhay
Puntlander baan ahay

Bulsho horu-usocodoo
Beegsanaysa nololoo
Kala baydhin baan ahay

Haddaan badow ahaa shalay
Qori jirin B & T
Maanta Profissooriyo
Cashar bixiye baan ahay

Puntlander baan ahay
Ii siman bulshaduyoo
Beel daaje sharafloo
La bogaadshay baan ahay

Beenaalayaashiyo
Nin bakheyla mooyee
Soomaali badankeed
Bilad bay isiiyeen
Puntlander baan ahay

Soomaali kama bixin
Waxaan ahay bir adagoo
Isku haysa Boorame
Illaa baradii dhoobleey
Iyagoon bahoobaan
Ugu baaqayaayo
Ubaryaa Ilaahay
Puntlander baan ahay

Burburkaa ku dhacay Xamar
Waa baylah ii yaal
Puntlander baan ahay

Boogaha wallaalahay
Inaan baanta oo dhayoo
Bogsiiyaan u cararaa
Puntlander baan ahay

Barakacaha ii yimid
Ee badbaada doonka ah
Kuma eego baahida
Boqolkaanu haynaan
Wada boobaynaayoo
Barkintaan ku jiifiyo
Bustahaygu nagu filan
Puntlander baan ahay

Calankaa buluugaa
Waligay ma baylihin
Badalkiisa ma heli karo
Bir intaan ka taagoo
Beegsado sallaanbaan
Babiyaa cirkaasoo
Puntlander baan ahay

Bogcadaan ku ababiyo
Baradaan kusoo koray
Puntland halkay tahay
Aan idiin bayaanshee
Bu´da dhagaha ii fura

Ballaaha Galdogobiyo
Buuhoodle iyo Hawd
Baliyada xareeda leh
Dhulka baadka quruxda leh
Baladkeygii weeyoo
Puntlander baan ahay

Badhaniyo sanaagiyo
Buuraha cagaarka leh
Badhtamaha Hadaaftimo
Ruuxii bukaan qaba
Baantiisa weeyee
Baladkaygii weeyoo
Puntlander baan ahay

Buursaalax qurux buu
Ku manaystay boqorkuye
Baliyada xariiriyo
Bandar bayla iyo bari
Baadkiyo ugbaadkaa
Isha buuxinaayoo
Beledkaygii weeyoo
Puntlander baan ahay

Baro lagu negaadiyo
Gaalkacayo bilicleey
Burtunliyo bacaad weyn
Baradii yamayskiyo
Bookhiyo xadkeedii
Ruuxii ka baadaa
Boholyoow ma daaye
Beledkaygii weeyoo
Puntlander baan ahay

Bidhan wacan Garoowiyo
Boocame Taleexiyo
Baradii darwiishkiyo
Banaanada Nugaaleed
Markuu baarqabiyo faras
Barwaaqada ku dararaan
Baxnaanada naftaadiyo
Waa baaxad sooree
Beledkaygii weeyoo
Puntlander baan ahay

Babaygii ufayniyo
Boosaaso iyo Laag
Burjigii Qardhoodiyo
Biyo kulule ruuxii
Booqdaa nasiib lehe
Beledkaygii weeyoo
Puntlander baan ahay

Berigaygu waa hodan
Barqo dhereg carrigu yahay
Baddu wada kaluun tahay
Buuraha kujiro dahab
Baatroolna waan qoday
Mar dhow baanan soo bixin
Boqorkeena idinkii
Puntlander baan ahay

Intaasoo ban iyo hawd
Berri iyo bad iyo Xeeb
Intaasoo biciidiyo
Lagu bilay ugaadhii
Intaasoo bardiyo canab
Iyo beero simantahay
Intaasoo biyiyo dahab
Iyo baadku kala go´in
Intaasoo barwaaqaa
Barashiyo Tacliin taal
Iyo qaar kaloo badan
Oo baaqiyo hadhay
Oo dowlad buuxdaa
Bulshaduna ku nabad taal
Boqor mahadi weeyee
Beledkaygii weeyaan
Puntlander baan ahay

Aniguna bulshooy maqal
Puntlander baan ahay
Baafinaaya soomaal
Iyo Qarankii baaba´ay
Berri inay midoobaan
Wa Billaahi Towfiiq.

Abwaan Khaliif Faarax Xayir
sarahaye@hotmail.com
Gothenburg,Sweden
Wsc.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

38 Responses for “Puntlander baan ahay. W/Q Khaliif Faarax Xayir”

  1. Soomaali baan ahay says:

    sida aan u fahamay Puntlander nimada ayaa waxa ay ka waynatahay soomaalinimada, fadlan hadee aad aminsantiheen qadiyadan qorunka ah maxaad u rabtaan in aad dowlad soomaaliya wax ku tarsataan, sidoo kale maa banaanka isa soo dhigtaan uu dhahdaan putland baan nahay sida soomaali-land kuwa sheeganaya.

  2. [...] View article: Puntlander baan ahay. W/Q Khaliif Faarax Xayir [...]

  3. asc kadib wa ayaab in maanta puntland oo ah labo gobol iyo half lagu faano inti laga tagay 18 gobol ee somalia talow maa la iska cadaysto oo la dhaho anaguna waxan nahay dowlad madax banaan ma soomali ayaa wax ku falaysa iyaga unba puntlander ban nahay haya iyaga unbaana soomali kusoo ordaye warkiina cadaysta kana baxa somalia waxad kala tagaysaan uun qabyaalada qurunka ah iyo dhibka ee lkn waxay somali isugu nabyan waxay ka baqayaan in maamulka hargaysa ee somaliland la baxay uu qabsado sida uu uga qabsaday sool iyo sanaga iyo cayn oo kale inuu nugaal iyo barina qabsado dee mudugna half ayayba ahayde way is raacsan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sxb somali idinma baahne meshad damacdan aada

  4. SUULDHABAALE says:

    Haah- PUNTLANDER-nimadu waa ka weyn tahay soomaalinimada- soomaali nin walba waxuu ahaa ayuu noqday anaguna PUNTLANDERS ayaan noqonay.

    soomaalinimo wax laygu yeelayo soomaalinimo iima ah ee ha iga maqnaato!!!

  5. mudug guy says:

    adeer hadii aad soomaali tahay anaguba waan nahay gaar ahaan waxaan ka nahay reer puntland waana ku faanaynaaa in aan ahano reer puntland ilaah baana uga mahadinaynaa soomaalina anagaa isku keenayno waadna aragataa maaaaaaaaaaaaaaaaaaaaansha alaah i loveeeeeeeeeeeee puntlandddddd
    thank uuuuuuuuuuuuuuuuuu abwaaan khaliif we love uuuuuuuuuuuuu

  6. Abwaan Xassan (Timacadde) says:

    Soomaali kama bixin
    Waxaan ahay bir adagoo
    Isku haysa Boorame
    Illaa baradii dhoobleey
    Iyagoon bahoobaan
    Ugu baaqayaayo
    Ubaryaa Ilaahay
    Puntlander baan ahay
    Burburkaa ku dhacay Xamar
    Waa baylah ii yaal
    Puntlander baan ahay
    Boogaha wallaalahay
    Inaan baanta oo dhayoo
    Bogsiiyaan u cararaa
    Puntlander baan ahay
    Inkastoon maansadu hal la tuurolahayd hadana Intaasaan aad uga helay abwaan, Alle yaa cizzak walaal. Waanad ku mahadsantahay sida wanaagsan ee qurxoon ee u soo bandhigtay puntlander-nimada. Thank u once more aad baanan kuu salaamayaa.

  7. Puntland boy says:

    Aad ayaan kuu gu hanbal yaynayaa Abwaan Qaliif, Waa xigmad cajiiba Qofkastana kuma luqeyn karo Qofuu ilaaheey Heybad u siiyo mooyee Sidaadoo kale, Waanahay Puntlander Waana ilaaheey mahadiis ,Soomaali nimada waa loo dhashaa ee lama noqodo Iyadana waa Ilaahey mahadiis Waxaana hay Soomaali, Viva Puntland & Soomaalia

  8. maxamed says:

    ceeb ma ahan qofku inujeclaadu tuladu kayimad ama gobalka u gasojeedo qofkastana o aduunka jooga wujecalyahey mishu asal ahaan kasojeedo marku hadu abwaanku amaney gabolku udhashey wax xun ma ahan wa u kumahadsantahey maasadaan abwaan ……. puntland waa dhul somaliyeed dad somaliyeedna daganyihiin dadka nicebnah uma dhibcan wax mabda ahe ee qabiilka lagaley kaas o ah xanuun soomaalido dhan qabto ilaheyna hagadaaweeyo

  9. abdulkadir says:

    ASC, Adoo Somali helikara qaybqayb ma doonteen, waxbaa kaa qaloocane, SOMALI baan ahay. WBL-TOWFIIQ.

  10. garowe says:

    Aad iyo aad ayaad u mahad santahay abwaan xayir runtii muuqaalkaaga iyo xigmadaadu aad bay ukala wayn yihiin waxgatad baad tahay
    Kan abwaanka ugafahayana waxaan leeyahay abwaanku waxa uu mirihiisa Ku xusay in ay soomaalinimadu ay aad ugu wayntahy udub dhexaadna uu soomaali uyahay we adaa nooca baassa ee oo orodaa dhakhtar tag waad xanuun sanaysaaye

  11. P/l dadka degan waa dad nasaba oo fiican…… LKN maamulka haatan ka jira waa maamul ”’ madax wayne — noo ah madax weyne insha alah wanu bedeli doonaa faqole xawayan waxanuna doran doonaa clahi yusuf oo kale ala ya arxamu………,

  12. Aisha says:

    Asc.
    Waxaan halkan salaan diran uga dirayaa walaalkay Khaaliif Faarax Xayir runtii gabaygii Puntlander baan ahay dhiigu idhaqajiiyey waayo WAXAAD KA HADASHAY waa xaqiiq jirta Puntlandna leeyskama noqdee waa udhalasho runtii Illahay baa halka innuku beray waana mahad alle nin walba inu dhulkiisa ku faanu waa lama huran Puntland Laf lakala guro malaha ee waa isku Odeey waa isku Abbe waa isku Laf. Abwaanka Puntlander Khaaliif Faarax Xayir nooloow walaal.

  13. gundid says:

    In kastoon ka jeclaan lahaa in uu yiraahdo Somali baan ahay hadana wax dhiba ma’laha inkasto uusan xaqiiqada ka sheegin waxa ka jira puntland hadana waa Ok, wax dhiba ma’laha…..maah maah baa eheeyd Ri is nuuktay, puntland Somali badan baa lagu dhibaateeyay lakin iyaga iyo iidoorland weey dadaaleeyn oo qeeyb ka mid ah dhul iyo dad somaliyeed beey nabad iyo noolal u horseedeen taasna waan ku amaanayaa….

  14. Khaliif

    Dee adeer waad buraanburtaye maadan gabyin ma ayeeyadaa baa kuu soo qortay buraanburka habraha lehkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  15. Assallaamu caleykum abwaan khaliif faarax xayir aad buu ugu mahadsanyahay maansadan cajiibka ah runtiina akhristayaashu si kale ayay u fahmeene anigu waxaan u arkaa inay tahay mid isku soo dhowaynaysa bulshada soomaaliyeed ,waayo wuxuu tilmaamay sida ay puntland qayb uga tahay qaranka iyo sida ay ugu taagantahay midnimada ummada soomaaliyeed waana run .

    reer puntland waa reer puntland waa lagu faanayaa puntland-nimada waxayna ka yihiin soomaali dhalad ah oo pure ah ,dastuurka dalka uyaala ayaana qeexaya jiritaanka puntland iyo gobolada kale maadaama qaranku federalism qaatay

    Mahadsanid wallaal khaliif

  16. Cadaado says:

    ASC, ninkaan deegaankiisa u buraanburay waxaan leeyahay, maadama aad pinttland u dhaaratay, daacadna u tahay, suurtagal ma’ahan in qof ka yimid pintiland loo dhiibo xil Madaxweeyne , sababtoo ah dadkaan gadigood including ninkaan ra’iisal wasaaraha ahaan jiray ee Gaas waxeey u dhaarteen deegaankooda iyo qabiilkooda sidaas owgeed waa in laga ilaaliyaa in eey talada iyo xilka ugu sareeya Somaliya qabtaan, sababtoo ah, waxeey xilkaas ku fushan doonaaan danaha reerkooda eey ku wardinayaan. Waxaan rajeeynayaa in Gaas uu helo shantii cod ee uu qabqable xasan abshir helay oo kale markii uu gudoomiya baarlamaan u tartamayay. Nasiib wanaag dadka Somaliyeed weey soo fahmayaan caqliga foosha xun ee dadka pintiland ka yimaada, intii aan ogeeyna waxaan kula talinayaa in iska dhaaf xil qaran oo Somali u dhaxeeyee, aan xataa portfolio wasiir ah loo dhiibin qaswade Faroole iyo Gaas iyo reerkooda. Dabcan, Khaatumo state iyo reeraha kale eey kasoo jeedaan prime minister Farmaajo waa ka duwan yihiin cawaanta Faroole oo kale. Waana dad Somalinimo iyo wadan noolaansho laga heli karo. Down with qabyaaladiista Gaas and qaswade Faroole. Up with president Shiiq Shariif and Prime minister Farmaajo. Viva Somalia.

  17. ubax says:

    viva puntland waa dal barwaaqaa ka naxoow nafta waa

  18. Samadoon says:

    Waaw! Kani waa BuraanBur Qurxan!
    Walaal buraanburka waad ku mahadsantahay laakiin beentaa reeban.
    Maxaa kaa galay Taleex, Baran, Galdogob, iyo Buuhoodle? Dhulkaasu Puntland ma ahan ee Buraanburkaaga ka reeb. Mida kale aaway dadkaad qalateen ee waxna badda ku gurteen waxna intaad jirdisheen kaamiradaha ka duubteen? Maxaad u sheeganaysaa gobanimo iidnaan u dhalan? Buraanburkaaku ma xuma marka laga reebo inaad been iyo faan aan jirin aad ka buuxisay. Somaliland baad malaha isku khaladeen ileyn iyadaan dadka masaakiinta ah bada ku gurin kaamiradana ka duubin inta jirdilaane.

  19. Mashallha mawaadinka Reer Puntlandi gaa mudane Abwaan Khaliif Farax Xayr waxaan
    leyahay noolow waliga waxaad tahay mawaadin rasmiya waan agabay ama maaso cajiiba

    kuwa leh soomali adera yaal somaliya puntland waa ka mid waana mida kaliya ee isku keentay soomali wayn markii reer konfureedku ay diirteen dhulkee iyop dadkii waligaa miyaad arag tay mooryaan reer puntland putland waa dawlad calan leh oo ka mid soomaliya hadii ay il ka garan waydana waa tashanaysa sidii looga bartay 1989 kii

  20. mashaAllah waa geeraar aad iyo aad u fiicna abaankan waxan leeyahay wad mahad santahay afkagan caano lagu qabay kkk hadii aan waxa yaroo kaftan dhex galiiyo hotmail kiisa wuxu yahay sarahaye wxan filayaa waa reer mudug cidiiya kkk fahma

  21. rooraaye says:

    bisinkoow dadbaa markay maqlaan putland meel xanuuntaa walaal putland waa soomaaliya in soomaaliya wax noqotana waan jecelnahay xasadka hala joojiyo hadii kale weligeen horumar gaarimayno ninkaan waa abwaan tix gabay ah magaalo ama dowlad goboleed soomaaliya ka mid ah amaanay marka waa inaad dhamaan soo dhaweysaan sida raga qaarkood wax ku wadaan waligeed naceyb iyo xumaan ka taliyaan maxaa inoo hagaagaya joojiya dhamaan wadankoo dhan u duceeya

  22. Amina says:

    Maasha Allah Abwaan Khaliif waan qiirooday,waa maanso cajiiba ah adoo weliba wiil da’a yar ah,waan kuu hanbalyeynayaa kuwa halkan wax ku soo qoraya ee xaasidka PUNTLAND ka ah ill iyo aftoona wakaga jarimaysaan waxadna dhimanaysaan adinkoo xaasida.

  23. abdilaahi yusuf says:

    Asc somaali badan ahay

  24. mahad says:

    wlhi , waaba yaan hadi sidii dumarka buraambur loo qaadaayo……..puntland baan ahay…..muu iska dhaho ;;;;;; ayan ahayn .ilen waxa magaca umbaa la hagaajiyaya…..mida kale wilkan mesha hada ka muqda waa wiil yar oo an waaqica la socon……marka waxan dhihi lahaa adeer qol mugdi ah ayaa ka so hadlaysaa ee iftiinka u sobax . adoo raali ah ……….

  25. illaahay waxaan ka rajeynaayaa inta xumaanta caadeysatey in illaahay wanaag ugu badalo daka jecel dhibaatada iyo burburka puntland in illaahay shartooda ku simo iyaga war puntlnd haday dawlad wax kala maamusha leedahay malooga xumaanaaayaa wiilkaan haduu abtirsadey haystana nabad uu ku abtirsado mala aflagaadeynaayaa dadkiinaan leh wuu buraanburayaa waxaan idin leeyahay ninkii nabad haystoow soo heees ileen intaasaa uga xuntihiin waxaa maqli jire ciirtaada dhamaa caydaada yaqaan puntlnd barakacayaashiiyey hoy siisey si nabada kunoolaada tiri marka dadkiinaan barakacayaashaaa illaahay calooshaad ka bugtaane ha idiin daweeyo

  26. wixi nabad iyo horumar ka jirto waa lagu fanayaa gobol ala haka dhigee

  27. caamir yare says:

    puntlander ban ahay sxb somalinimada shegyso ayada iga qaalisan ayadana kuso barbaaray wax somali ladhahona ma aqaani hadana ma doonayo

  28. Khaliif Faarax waa nin ku farax san waxa uu yahay, cuqdadna ma qabo, Soomaali weyna Isagaa daadihinaya, ee Saaxibada meesha wax ku qoroow caloosha nadiifiya. Puntland Somali Ayaa kunool, waana dad aad ugu farax san dhulkooda iyo dadkooda, bal xagee intaa laga helaa Soomaali. Wax ma garadka iyo mooryaantuna wexey quuri la’yihiin waxa ey qabsadeen, bal ninkastoow intaadan, Puntlander wax ka sheegin adiga maxaa qabsatay ama kuudhisan, bal soo qor kadib barbar dhig Puntland…waxaan idin leeyahay dadkiina dhinac ka raaca koley Punland gaari meysaane…

  29. abwaan khaliif waa mahadsan yahay mansha allah

    dadka ka xun in deegaankiisa amaano layaab ma leh waxaan filayaa iyaa deegaankoodii wax ka qaban markaasay ka xun cidii horay u socotaba , marka anigu waxaan leeyahay walaalayaalaw adigu waxaad jeceshahay baa wallaalkaa lala jeclaadaa

  30. abwaanka aad ayuu u mahadsanyahay maansadana yaan khalad laga fahmin ninka u fahmay in somalimada laga tagay maansada hawada akhryo yuusan kor ahan ka qiyaas qaaadan
    thanks abwaan khaliif faafax waanu bognay maansada

  31. GUEST says:

    MASHAALLAH, WAAD MAHADSANTAHAY, WADANI AYAAD TAHAY, PUNTLAND KULIGOOD WAA SOOMAALI DALKOODA JECEL. THE HATERS ARE DOING WHAT THEY DO BEST AND THAT IS HATE ON OTHERS SUCCESS AND PUNTLAND WILL SLOW DOWN FOR NO HATERS INSHAALLAH.

  32. puntlander says:

    anigu puntlander baan ahay abwaanku maansadaa uu tiriyey cidna ee kaga ma gelin uu wuxuu sheegay federaal ahaan soomaaliya meesha uu kaga nool yahay iyo sida ay u eg tahay una qiimo badan tahay , sida runta ahna dadka dega soomaaliya 2/3 waa dadka reer puntland , waxay degaan bari nugaal mudug sanag sool jubada hoose , iyo degmooyin aad u fara badan oo soomaliya ka mid ah , muqdishana waxay nabad noqon doontaa markii dadkaasi ku soo noqdo oo ay xaal mariyaan oo ay dhisaan , hadaba soomaalida la sheegayo waa puntland haday puntland tashato , soomaali kale talo mahayso , caqlina isku keeni mayso sidaa daraadeed puntland waa xarunta nabada siyaasadeed ee soomaaliya laga hago ,

  33. puntlander says:

    anigu puntlander baan ahay abwaanku maansadaa uu tiriyey cidna eed kaga ma gelin uu wuxuu sheegay federaal ahaan soomaaliya meesha uu kaga nool yahay iyo sida ay u eg tahay una qiimo badan tahay , sida runta ahna dadka dega soomaaliya 2/3 waa dadka reer puntland , waxay degaan bari nugaal mudug sanag sool jubada hoose , iyo degmooyin aad u fara badan oo soomaliya ka mid ah , muqdishana waxay nabad noqon doontaa markii dadkaasi ku soo noqdo oo ay xaal mariyaan oo ay dhisaan , hadaba soomaalida la sheegayo waa puntland haday puntland tashato , soomaali kale talo mahayso , caqlina isku keeni mayso sidaa daraadeed puntland waa xarunta nabada siyaasadeed ee soomaaliya laga hago ,

  34. hana abdi says:

    walaahi punt land waa hooyada soomaali hadaan nahay dadka reer puntland waxaan nahay dadka ugu caqliga badan dadka ugu caqli liita waa dadka koonfur waxay yaqaanii siday iski dilaan caqligooda waa aan buburino puntland aan layno shacab keeda anagana hadaan nahay koonfur yaanay dowlad dhis min maxaa dhcay hantidii aan kugubanay ooaan ku hoognay intaan dhcanay ayey dowladu soocelin sidaas viva puntland uma baahna hanti umana rumaysnin muqdisho caasumad

  35. dhex yaal says:

    Burburkii intuu dhacay.
    Ba’da beydadkeedii.
    Baalkeda maansada.
    Boos laga bilaabiyo.
    Baaqbaan ka waayoo.
    Suugantii balaarayd.
    Boorbaa dulfuuloo.
    Basaasbaa ka buuxdoo.
    Hadal beeshay boowow.

    Barbaari maayoo.
    Booqanmaayo maantee.
    Bilanow burtlaan baan.
    U biyaaminayaa buunbuunintiise.

    Buntlantaa bilayasee.
    Beenbaa ka sheegtaye.
    Booliquutayaal iyo.
    Burcad baarataa iyo.
    Beerdooxatiyo tuug.
    Bardaanjiif ku badanyahay.
    Bartamaha magaalada.
    Barqadii la isku baadaa.
    Baqa kii bariiqdana.
    Bilaawaa la geliyaa.

    Bi’i waa butlaanow.
    Butlantaadu waa tee.
    Boosasoyo garoowiyo.
    Mudug oo barmaqanyahay.
    Iyo badey iyo ma beylaa.
    Badi wayska faantaan.
    Baran iyo buraan iyo.
    Buuhoodle iyo sanaag bari.
    Boocme iyo laskii.
    Barqa maan lagaa bixin.
    Intii kula bahowdana.
    Baqdin ugama boodino.
    Balantii ugama bixin.
    Bahala uloogteen.
    Eydu baacasanmayaan.
    Banankii nugaaleed.
    Ba’ayeyda bilistiyo.
    Baroortooda maatada.
    Banbey laguma tumo.
    Barqadii barjayntana.
    Bikradaha barkanayaan.
    Bi’i waa butlaanow.
    Bir ma geydadaa iyo.
    Miyaanay bahdaa iyo.
    Butlaantaa ahaynoo.
    Miyaanay bogaagiyo.
    Beerkaa damqaynoo.
    Boogtoodu kugu ool.

    Mase waa baqaysaa.
    Qabiilkii burburay iyo.
    Beri hore wixii jiray.
    Basaaseen qubuuruhu.
    Soomalida bartaa dhigay.
    Dunidii bakhooshaye.
    Ina baajay boowow.
    Bulshadii nabdoonayan.
    U baasaysan birohoo.
    Beelbeel u diriri iyo.
    Badeen baahsanaantaa.
    Waadiga barooree.
    Yaa baasaatar kugu yiri.
    Adigaa is bidhaanshee.

    Berigaad ku nooshahay.
    Bedka iyo baaxadaa lana.
    beenbaad ka sheegtaye.
    Baradhiyo bataat iyo.
    Bocor iyo batiikh maleh.
    Booqashooyin bilaa iyo.
    Bashaal ha joogee.
    Beer laguma duban karo.
    buulshadeedi baa qaxa.
    Beledada barya u taga.
    Booloxooftadaadiyo.
    War ba’ayda beetaa.
    Kama baqo bakayluhu.
    Beedna kuma bacramisaan.

    Burburkiyo colaadii.
    Belaadaa bilawdeen.
    Nabadii ka boodeen.
    Bakhticunow gumaystaha.
    Bahwadaagta noqoteen.
    Bulshadii bar layseen.
    Badidood gulmaaden.
    Barna ay bakhooleen.
    Barna ay u baadeen.
    Barna ay bestood yiin.
    Barna ay agoon yihiin.
    Baarateen barkii haray.
    bi’i waa burlaanow.
    Bilaash baad u boodaye.
    Rag baad baalihiisio.
    Beekiisa hurudaa.
    Burcad kuugu dhaashoo.
    In aad boydo daayoo.
    Baal cad kuu binayoo.
    Busta kaa ilaashee.
    Adigoon bariidayn.
    Bawdadooda bahalyohow.
    Buquntooda boobtaa.
    Baabulaha libaax iyo.
    Bahalaa bulxamayee.
    Hawgu bixin banaankoo.
    Buulka hayska saarinoo
    Birtu yaanay kula tegin

  36. new bosaso says:

    wax kasta somalinimada aya ka weyn ha layska dhaafo gobol gobolaysigaa somaliyeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeed

  37. gargaa says:

    Maashaa Allaah walaaleheen somaali landi way noo soo noqdeen ku soo dhawaada qalbi furan iyo ubax gaduudan ka naxoow nafta waa oo naartii Alle ku gu fogee.

Leave a Reply