Qabashada Liisaska Musharrixiinta doorashada deegaanka Somaliland oo la soo xidhay, tirada Xisbiyada iyo Ururrada guul-darraystay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Qabashada Liisaska musharrixiinta doorashooyinka dawladaha hoose ee Somaliland ayaa fiidkii caawa lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, kuwaasoo ay waqtigii loogu talo-galay ku gudbiyeen laba Xisbi oo kuwii hore u jiray ah iyo 5 Urur-siyaasadeed oo ka tirsan Lix Urur oo dhawaan soo baxay, isla markaana waxa ka hadhay Xisbiga UDUB iyo Ururka Nasiye oo aan iyagu ka qaybgeli doonin doorashada golayaasha deegaanka caqabado la soo darsay awgood.

Guddiga Doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay caawa inay soo xidhantay lixdii fiidnimo qabashada liisaska musharrixiinta Xisbiyada iyo Ururrada ugu tartami doona doorashada dawladaha hoose oo Somaliland ka qabsoomi doonta sida ay sheegeen 28/November/2012.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), ayaa shaaciyey tirada Ururrada iyo Xisbiyada sida saxda ah ugu gudbiyey liiska musharrixiintooda degmooyinka Somaliland uga qaybgalaysa doorashada dawladaha hoose.

Waxa uu Afhayeenka Guddiga doorashada Somaliland oo caawa la hadlay qaar ka tirsan Warbaahinta gudaha uu yiri; “6:00 cawaysnimo ee caawa ayay si rasmi ah u xidhan tahay wakhtigii qababashada liisaska murashaxiinta Goleyaasha deegaanka dalka, waxaana caawa soo wada xareeyay oo dhamaystiray murashaxiintoodii 7 Urur iyo xisbiyo iskugu jira.”

“Waxa dhamaystiray oo aanu ka qabanay liisaskoodii murashaxiinta doorashada deegaanka DALSAN, KULMIYE,RAYS, UCID,UMMADDA, WADANI iyo XAQSOOR.” Sidaa ayuu yiri Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland Mr. Geelle, waxa uu sheegay in aanay wax liisas ah u soo gudbin Xisbiga UDUB iyo Urur- siyaasadeedka NASIYE, oo uu tilmaamay inay hore u sheegeen inay qaadaceen ka qeyb galka doorashada deegaanka.

Xisbiga UDUB ayey Guddiga doorashooyinku hore uga diideen codsi la xidhiidha in dib loogu dhigo waqtiga qabashada liisaska musharrixiinta oo ku ekayd 14-ka September oo maan ahayd, waxaanu Musharraxa jagada Madaxweynaha ugu taagan UDUB Cali Maxamed Waran-cadde ku dhex-dagaallamay kulan ay shalay Guddiga doorashooyinku ku qabteen Xaruntooda Hargeysa oo ay Xisbiyada iyo Ururrada siyaasadda ee doorashada galaya kaga sexeexeen waqtiga ay qabashada liisasku soo xidhmayso iyo qabsoomidda doorashada dawladaha hoose.

Urur-siyaasadeedka NASIYE, ayaa isaguna ka hadhay Ururrada ka qaybgalaya doorashada dawladaha hoose ee Somaliland, waxaanu Guddoomiyaha Urur-kaasi sheegay xalay in duruufo dhaqaale-darro awgood aanay ka qaybgeli karin tartanka doorashada golayaasha deegaanka Somaliland, sidaana ay kaga hadheen tartanka doorashada, taasoo caqabad ku noqotay Musharrixiin degmooyin kala duwan Ururkaas isaga soo sharaxay, kuwaasoo qaarkood maanta ku kala biireen Ururrada kale, halka musharrixiinta badankoodiina ay weji-gabax iyo filan-waa ku noqotay arrinta kaga timi Ururka NASIYE oo ay hore isaga sharraxeen.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Qabashada Liisaska Musharrixiinta doorashada deegaanka Somaliland oo la soo xidhay, tirada Xisbiyada iyo Ururrada guul-darraystay”

  1. [...] waxaa loo tartamayaa kuraas gaareysa 353 kursi oo golayaasha degaanada oo ay ku jiraan gudoomiyaasha degmooyinka.  Musharixiinta ay xisbiyadu u soo dirsadeen doorashadan ayaa ah 2,368 musharax oo rag iyo haween [...]

Leave a Reply