Qabiileyste Baan Ahay! W/Q Yoonis Muuse


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Qabiileyste Baan Ahay
Yoonis Muuse (Barafjaffe)
Yoonis07@hotmail.com
Sabteembar 05 2012

Waxaan ahay nin dhalinta Soomaalida ka mida kaas oo weligiis isku dayin tix tirinteeda lakiin markaan arkey somalida badankeeda sideysan daacad uga aheyd wadciga wadanka ka jira oo ninkastaa markuu rabo nin wanagsan noqdo markuu rabana xumaanta qooshto ayey igusoo dhacdey tixdaan aan u magac darey qabiileyste baan ahay!

qalbi been ka sheegiyo
qurun ku naaxiyo
qaran nin dumiyiyo
qaxitaan horseediyo
qoortoo la jar iyo
qabiileynta diintiyo
qiilkey ka yeelida
qabiileyste baan ahay!

qurxinta hadalkiyo
qatalaada ummadiyo
qarankaan jeclahooo
qasriyaan dhisayaa
qaabkeyga yeelooy
qiyaanana ma waayoo
qabiileyste baan ahay!

qabqabtooy oo layooy
qansax weeye diloooy
qabsadooy kufsadooy
qarxiyooy oo guboooy
qayliyooy oo dhahooy
qabqable hebaloow
qowlkeyga weeyoo
qabiileyste baan ahay!

qalbi laxowsigeygiyo
qamuus u baarida
qodobaan u haystaa
qaarkoodna waa saan
qir somali baan ahay
qabiilland-na waan ahay
qeybintaan ku naaxaa
qabiileyste baan ahay!

qof aad u jeedoo
qabiilka afuufoo
qurbaha ku nooloo
qaaraanka aruurshoo
qoryahana iibshoo
qaxar ka shaqeeyo
qaatila oo moogoo
qoyskiisa ilaawoo
qabiileyste baan ahay!

quruxdii maandeeeq
qabtayoo bireeyoo
qeybiyoo firdhiyooo
qeeriin nin cunay iyo
qurunkaa mahiigaaa
qudurkaas ana badey
qaran doon iskeen sii
qabiileyste baan ahay!

Mahadoo dhan Alle ayey u sugnaatey

yoonis muuse (barafjaffe)
yoonis07@hotmail.com
alberta canada

Share

Tags: ,

2 Responses for “Qabiileyste Baan Ahay! W/Q Yoonis Muuse”

  1. [...] Read More: Qabiileyste Baan Ahay! W/Q Yoonis Muuse [...]

  2. wadani says:

    qabiileste waa tahay oo doqon ah puntland ba u danleedahay

Leave a Reply