Qaranimadaayaa nooga wacan Qabyaaladda. W/Q Osman Dirie
Qaranimadaayaa nooga wacan Qabyaaladda.
Osman Dirie
Talyan2001@yahoo.com
Sabteembar 07 2012
Qabyaaladdu waa shayxun oo dilaa ah xataa suubanaheenii uu yiraahdo (iskaga taga waa shay qurune)taas waxayku tusaysaah in qabyaaladdu tahay wax aan sina ku wanaagsaneen siwalbana u xun waxaana dadka soomaaliyeed iskaga darsan kala soo cidda qabiilkaiyo qabyaaladda midda ILLAAH Quran ka ku sheegay laguna yiri isku aqoon sadawaa qabiil ka oo lagu ilaalinayo faraca iyo haybta wanaagsan.
Hadabaqabyaaladdu way ka duwan tahay qabiilka waxaana filayaah haddii aan nahaysoomaali aad ayaan uga dharag sanahay qabyaaladda . Somaali waxay I su laysay qoos qoos qabiil qabiil laflaf jifo jifo taas oo ku reebtay xanuun aan dhamaanayn lumisana sharaftii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee ay lahay soomaalidu.
Waxaa dhacday abti wiilkiisii dilay hooyo ilmaheddii loo dilay ma ahan qaiilkeeda seedi iyo sodog aan loo aaba dayin dilis tooda . hada waan ogaanay qabyaaladdu raadkay nagu reebtay waxaana tusaale noogu filan kufaarkii baqtiyay baroordiiqda loo sameeyay inta mid sheeganaya madax beenaad qabyaalad ku dhisanka qayb gashay ayagooba qabrigiisa ku dul barooranaya.
Waxaa iswaydiin leh goormay xalaal noqotay in loobaroorto gaal baqtiyay ama qof dintay toona ? goormaa gaalada loo ooyijiray?
Maxay ku salaysan tahay ama faaiidaah baroordiiqda gaalka baqtiyay?
Ma iswaydiinay sababta keentay arintaan? Yaa ka masuul ah arintaan ceebta iyo raad xumada keentay ee ay noo soo jiideen hor joogayaasha qabyaaladda ku dhisan?
Qofwalbow is waydiih mirha ka dhashay qabyaaladdii iyo kala qoqobkii ku dhacay ummadda soomaaliyeed meel kastoo ay joogtaba.
Qaranimadu waahaybad waa shay qaali ah waa qoomiyad jiritaan keeda waxaa kugu qadariya qaaradaha aduunka halka qabyaaladu ay horseedo qarbudaad qaswadayaashu qabriyada gaaladaku dulbaroortaan. Waxaan u baahanahay qaran wanaagsan oo qadarin ka hela ummadda waxaan u baahanahay in uu hogaamiyo qof ummada qaymo ku dhex leh oo aanahayn qaa inu waddan kala qaybiya kalana qoqoba ummadda. Soomaaliyeeyqabyaaladdii aragnaye qaran aan raadino.
Qofna yaanaan ku raacin qabiil ee aan ku doorano qaymahiisawadaniyeed qiyaadadiisa wanaagsan qaymaha uu bulshada ku dhexleeyahay waxqabadkiisa iyo qismigiisa diiniyeed .
Seattle Wa
Egal talyan
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM















[...] View article: Qaranimadaayaa nooga wacan Qabyaaladda. W/Q Osman Dirie [...]
mudane Osman
sifiican baad u hadashey balse dadkeena warka wanaagsani kuma socdo, ILAAHEYSE siraadalmustaqiinka ha ina marsiiyo