Qarax Ay Wax Ku Noqdeen Dad Rayid Ah Oo Ka Dhacay KM4
Muqdisho [RBC Radio] Faah-Faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxaysaa qarax maanta duhurkii ka dhacay isgooska KM 4 ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka la galiyo ayaa waxa lala rabay gaari ay la socdeen ciidamada dowladda oo goobta marayay, laakin waxa uu haleelay gaari kale oo ah kuwa ay dadaxweynaha raacaan.
Inta la ogyahay ilaa labo qof oo ay ku jirto qof dumar ah ayaa ku dhintay halka tira seddax ka badanna ay ku dhaawacmeyn.
Qaraxa marka uu dhacay waxa goobta baaritaan ka sameeyay ciidamada dowladda iyagoo qabqabtay dhowr qof oo ay sheegeyn in looga shakisanahay inay ka dambeeyeen qaraxa.
Waa qaraxii ugu horreeyay ee lagu weeeraro ciidamada dowladda iyagoo maraya isgooska KM4 tan iyo markii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya la doortay.
Wadada maanta uu qaraxa ka dhacay waa wadooyinka ugu mashquulsan caala, waxana ay magaalada u tahay laf dhabar, waayo waxa adeegsada gaadadka dadweynaha,kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Qaraxa maanta waxa uu ugu dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, kuwaasoo aan la ogeyn cida ka dambeesa.
Magaalada Muqdisho tan iyo sannadkii hore xilligaas oo Al-Shabaab ay ka baxday waxa ka dhacay dilal qorsheesan iyo qaraxyo kuwaasoo ay dad badan ku dhinteyn.
In kastoo Al-Shabaab magaalada ay isaga baxday haddana wali waxa ay ka sameen kartaa waxa ay doonto.
Magaalada sida ay uga bilowdeen dilalka iyo qaraxyada waxa aad u yaraaday dadka immaada, laakin wali waxa sheegis mudan in dad badan oo dalka dhowr sano ka maqnaa ay soo gaarayaan.
Gaadidka iyo guryaha ayaa qaali noqday, waxana magaalada laga furay Hotelo iyo goobo ganacsi oo waaweyn.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] Read this article: Qarax Ay Wax Ku Noqdeen Dad Rayid Ah Oo Ka Dhacay KM4 [...]