Qarax Khasaaro Geestay Oo Ka Dhacay Baydhabo (Faah-Faahin)
Baydhabo (RBC Radio) Sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Baydhabo ee gobalka Baay qarax nooca miinada dhulka lagaliyo ayaa galabta waxa bartmaha magaalada lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaas maraayay.
Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay lix kalena waa ay ku dhaawacmeyn oo u badan rayid.
Qaraxa marka uu dhacay ayaa ciidamada waxa ay fureyn rasaas xooggan taasoo keentay in dhowr qof ay ku dhaawacmeyn.
Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo qaaday isbitaalka magaalada, halkaasoo hadda lagu daweynayo.
Ma jirto cid loo soo qabtay qaraxa galabta lagu weeraray ciidamada dowladda ee ku sugan Baydhabo.
Magaalada Baydhabo oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia ayaa dhowr jeer waxa ka dhacay qaraxyo noocan oo kale.
Ciidanka ayaa qaraxa kaddib sameeyay howlgallo, hasa yeeshee ma jirto cid loo xiray falka.
Ma jirto cid sheegatay qaraxa galabta lagu weeraray ciidamada dowladda ee ku sugan xarunta gobalka Baay ee Baydhabo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqidisho











