Qarax Loo Dhigay Baabuur Rakaab ah oo Caawa Dad Rayid ah Ku Dilay Muqdisho
Muqdisho (RBC) Ugu yaraan afar ruux ayaa geeriyootay ku dhowaad 10 kalana way dhaawacmeen kadib markii qarax miinooo loo dhigay baabuur rakaab ah uu ka dhacay xaafada Jiiro-Garoob oo ku taalla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Sida goobjoogayaal degan xaafadaasi ay u sheegeen Raxanreeb qaraxa oo miino wadada la geliyey ahaa ayaa haleelay baabuur noociisu ahaa Bas kuwa yar yar ah oo Soomaalidu u taqaano “caasi” waxaana qaraxa uu ka dhacay xilligii salaada Maqrib ee caawa iyadoo baabuurka qaraxa haleelay uu ku safrayey wadada dheer ee tagta deegaanka Suuqa Xoolaha ee sii marta Warshadaha.
Dadka dhintay ayaa dhamaantood ahaa rakaabkii saarnaa baabuurka oo uu ku jiro ninkii wadaha ka ahaa, waxaana dhaawacmay illaa 10 ruux oo kale.
Lama yaqaano cida miinada meesha dhigtay inay ahayd mid waqti hore ku sii jirtay, waxaase goobta qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan dawlada iyo kuwa AMISOM oo bilaabay baaritaan iyadoo dadkii dhaawaca ahaa iyo meydadkaba laga daadgureeyay goobta.
Weli ma jirto cid loo qabtay qaraxa iyo cid ka hadashay oo masuul ah midna.
Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho tan iyo intii ay dhacday doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay lagu dhaariyey Muqdisho kadib markii uu ku guuleystay codbixintii baarlamaanka ee Isniinta ka dhacday baarlamaanka Soomaaliya.
Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa indhaha ku haya dhacdooyinka amniga iyo waxyaabahan iman kara mudada yar ee xilka ay kula kala wareegayaan madaxweynaha cusub iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo weli degan xarinta Villa Soomaaliya inkastoo Sheekh Shariif uu xalay shaaciyey in saraakiisha amaanka ay toos uga amarqaadan doonaan madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.
RBC Radio











