QM Oo Cambaareesay Qaraxyadii Ismiidaaminta Ee Ka Dhacay Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdihso [RBC Radio] Xafiiska siyaasadda QM u qaabilsan Soomaaliya UNPOS ayaa si weyn u cambaareeyay qaraxyo ismiidaamin ah oo xaley fiidkii ka dhacay maqaaxida The Village oo ku taalla guriga hooyooyinka oo u dhow golaha murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka Soomaaliya

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Augustine P. Mahiga ayaa war-saxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa Muqdisho waxa uu si weyn u cambaareeyay weeraradii xaley lagu qaaday dadkii ku caweenaayay maqaaxida ku taallo guriga hooyooyinka, halkaasoo ay ku dhinteyn dad ay ku jiraan wariyaal.

Waxa uu ku tilmaamay weerar fulaynimo oo fal argagixiso ah kaasoo lagu doonaayo guulaha dhawaan la gaaray in lagu waxyeeleeyo.

Danjire Mahiga ayaa sidoo kale sheegay in weraradaas oo ahaa labo in lagu gumaaday dad rayid oo aan waxbo galabsan.

Qaraxyada oo ahaa labo ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 16-qof halka in ka badan 21-kalena ay ku dhaawacmeyn.

Mahiga ayaa yiri “Qaraxyada waxa ay yimaadeen iyadoo dadka Soomaalida ay soo dhaweeyeen isbadalka ka dhashay Soomaaliya gaar ahaan siddeed sano oo lagu soo jiray KMG ah, waxana uu hoosta ka xariiqay in aysan wax ka badali doonin hannaanka lagu doonayo  in dalka ay ka dhashaan xasilooni.”

Ugu dambeyn danjire Mahiga ayaa tacsi u diray qoosaaska kuwa dhintay isla markaana waxa uu rajeeyay kuwa dhaawacmay in ay bogsadaan.

Si weyn ayaa loo cambaareeyay weeraradii xaley maqribkii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ku aaday iyadoo dalka Soomaaliya ay yeelatay 21-sano kaddib dowlad rasmi ah oo ahayn KMG ah.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “QM Oo Cambaareesay Qaraxyadii Ismiidaaminta Ee Ka Dhacay Muqdisho”

  1. [...] See original article: QM Oo Cambaareesay Qaraxyadii Ismiidaaminta Ee Ka Dhacay Muqdisho [...]

Leave a Reply