F I: Qorshaha Xiga ee Sheekh Shariif Doorashada Kadib (Warbixin Falanqeyn ah)
Qorshaha Xiga ee Sheekh Shariif Doorashada Kadib
Ciise Maxamed
L/H: Raxanreeb@Gmail.com
Falanqeeye Idman
Sabteembar 03 2012
Muqdisho (RBC) Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu hadda heystaa saddex sano iyo dheeraad oo waayo aragnimo xafiiska madaxtooyada ah taaso uu is leeyahay waad uga faa’ideysan kartaa u tartanka kursiga madaxtinimada mar labaad, dabcana wuuba ku darsadaa marka uu fasiraada ka bixinayo sababaha ku kalifay inuu markale tartamo.
Ololaha ugu weyn ee dhanka doorashada wuxuu Shariif ka wadaa baarlamaanka ay ku yar yihiin taageeraayiisha weli, inkastoo dagaal culus uu ka galay in xubnaha saaxiibadiis [Aala Sheekh] iyo qaar qabqablayaasha ka mid ah uu dib ugu soo celiyo baarlamaanka.
Doorashada lagu wado inay dhacdo tobanka Sebtembar waa mid adag oo rag badan ku loolami doonaan, markaasi rajada uu qabi karo musharax kasta waa mid aan ka badneyn tirada taageerayaashiisa gaarka ah ee uu isku halleyn karo wareegga hore ee doorashada, sidaas awgeed waxaa hadda muuqata in meesha nin kasta diirada ku hayo inay yihiin xildhibaanada oo bannaanka lagu sii xisaabsanayo.
Rajada Shariif Axmed
Taageerayaashiisa ugu dhow waxay sheeganayaan illaa 60meeyo xildhibaan inay haddaba heystaan. Laakiin saadaal ka madax bannaan dhamaan dhinacyada oo Raxanreeb ay sameysay waxay sheegeysaa in qiyaastii 40-meeyo xildhibaan aysan ka badneyn kuwaasoo 35 ay yihiin Aala Sheekh asli ah (Waa xubnaha la yaqaano ee baarlamaanka ku jira).
Saadaashan waxay ku saleysan tahay in marka hore la ogaado taageerayaasha dhinac kasta markii horeba u galay baarlamaanka oo lagu daray tirada ololaha ku soo biiri karta iyadoo laga eegayo qodobada waaweyn ee mideyn kara ama isu keeni kara (haddii ay jiraan) dhinacyada isku afkaarta ah ee haddana wada xukun doonka ah iyadoo aan laga tegin danaha gaarka ah ee ku dhex laran siyaasadda.
Shariif Axmed hadda ma sugayo in musharax kale uu codad ka helo ama uu isaga siiyo sababtoo ah waxaa ka go’an inuu wareegyada hore ee tartanka doorashada ka qeybgalo meel kasta oo uu nasiibkiisa gaarsiiyaba, rajada ay qabaan taageerayaahiisa iyo isaguba aad bey u weyn tahay. Laakiin micnaha ma ahan inuusan sameyn Karin xulufeysi siyaasadeed taasoo weli aanan ogaanin.
Dhanka beesha caalamka illaa hadda inta muuqata waa inaysan kala jecleyn in Shariif Axmed soo laabto iyo nin cusub la doorto inkastoo walaac ku aadan in Beelaha Muqdisho [Hawiye] xukunka ay waayaan uu ka imaanayo wadamada ciidamada ka joogaan sida Uganda iyo Burundi [Akhri warbixin]. Aragtidaasi lafteeda Shariif Axmed kama mid ahan rajooyinka waaweyn ee uu qabo maadaama rag ay isku beel yihiin kana cusub (sida C/raxmaan Baadiyow, Xasan Sheekh, C/qaadir Cosoble, C/laahi Caddow) ay loolanka ku soo biireen, markaasi reer Aala Sheekh way ka dheregsan yihiin in suuqan siyaasadeed yahay mid dad badan u furan.
Ka sokow loolanka ka imaanaya kooxaha xukun raadiska uguna horeeyaan kuwa buurta saaran (madaxdii hore ee TFG Shariif Xasan iyo C/weli Gaas), Waxaa jira loolan kale oo Shariif Axmed ay ku hayaan ururada diineed kuwaasoo si ka dhow siyaasiyiinta kale uu isaga u arko. Al-Islaax oo hadda xoog muuqda ah dhanka siyaasadda ayaana ugu horeeya dhinacyada culeyska ku ah ololaha Shariif Axmed waayo Al-Islaax (wallow dhexdeeda ay qeybsan tahay) waxay baarlamaanka ku leedahay in ka badan 25 xubnood, kuwaasoo ay iska cadahay inaysan codka siin doonin hogaanka Aala Sheekh waayo uma arkaan inay wax ku darsan karaan ama la midoobi karaan ragga aaminsan mabda’a “Wahaabiyada” ee uu Shariif hormuudka u yahay.
Way jirtaa in garabka “Dam Jadiid” ee Al-Islaax ay ka mid ahaayeen dadka ku dhowaa Villa Soomaaliya beryihii xukunka Shariif Axmed (dhaqdhaqaaqii Maxkamadaha 2006 illaa 2010) hase yeeshee waqti xaadirkan kooxdu ma jirto sabab ay ku laqdo farqiga muuqda ee u dhexeeya iyaga iyo Aala Sheekh.

Isbedelka dhacay iyo qorshaha xiga
Doorashadii Prof Jawaari ee 28-ka Agoosto Shariif Axmed ma abshireysan. Walow ay taageerayaasha Aala Sheekh ka mid ahaayeen dadkii codka siiyey Jawaari haddana isku duubka sababta ay sidaasi u sameeyeen waxaa lagu koobi karaa labo waxyaabood oo markaasi taagnaa; – Waa marka koowaade, sida dadka kalaba Aala Sheekh waxay ka cararayeen in Shariif Xasan ama cid uu wato ay meesha [baarlamaanka] ku soo laabato taasoo iyaga dhimasho ku ahaan lahayd.
Arinta labaad waxay tahay aragtida qabiilka oo ka xoog badneyd tan siyaasiga ah- ama si fudud haddii loo sheego beelaha Hawiyaha iyo Daaroodka oo aan rabin in kuraasta kale [Madaxweynaha iyo Raysul Wasaaraha] la dhaafsiiyo iyaga si taas aysan u dhicina dantu waxay ku jirtay in Prof Jawaari loo codeeyo.
Maanta natiijada soo baxaysa way ka yara duwan tahay tii markii hore muuqatay. In wajiyo cusub yimaadeen hogaanka baarlamaanka Shariif Axmed waxay ku tahay “ku qabatay iyo qaddar Alle” ee ma ahayn wax uu isaga rabay inuu arko. Waxaana loo arkaa talaabada baarlamaanka ee isbedeldoonka inaysan ku ekaan doonin gudaha baarlamaanka kaliya balse ay saameyn doonto jagooyinka kale. Xitaa ku darso Dr. C/weli Gaas ayaa ka welwelsan isbedelkaasi baarlamaanka ka soo afuufmaya.
Hadda, Shariif Axmed iyo dadka sameeya siyaasadiisa waxay qabaan in doorashada ay galaan intay doonaanba haka helaaane. Su’aashu waxay tahay haddii ay ka fursan waayaan inay booska ka baxaan maxaa u qorsheysan?
2- Sida laga yaabo inay sameeyaan musharixiin/siyaasiyiin kale, Shariifka diyaar uma aha inuu xil kale ka qabto dawlada cusub [hadduu waayo madaxtinimada] ama uu la shaqeeyo, waxaase qorshuhu yahay inuu u guuro Sacuudi Carabiya ama Turkiga oo haddaba siiyey ballanqaad magangelyo heer madaxweyne ah oo uu ugu noolaan karo wadamadaasi isaga iyo qoyskiisaba. Ilo wareedyo ku dhow Aala Sheekh waxay Raxanreeb u xaqiijiyeen in safarkii ugu dambeeyay ee uu ku tagay Magaalada Makka Al Mukarama uu ka soo dhameystay masuuliyiinta Sacuudiga deganaansho wadankooda.
2- Shariif Axmed marna meel cidla ah ugama tagi doono saaxiibadiis “Aala Sheekh” xitaa hadduu xukunka waayo waxaa uu ku dadaali doonaa inay weli saameyn sii lahaadaan maadaama baarlamaanka tiro macquul ah ugu jirto. Tusaale fiicana waxaa ah sidii uu ugu dooday markii laga reebay baarlamaanka iyaga iyo qaar ka mid ah qabqablayaashii hore oo u badan “Hawiyaha”. Reer Aala Sheekhna way og yihiin in saaxiibkood uusan hilmaansaneyn.
RBC Radio
Falanqeeyaasha Idman
____________________________________________________
DIGNIIN: Shabakada Raxanreeb waxay uga digeysaa warbaahinta inay dhalan rogaan qoraalada Raxanreeb. Fadlan cidii dooneysa ama jecleysata qoraaladeena hanala soo xiriirto.


















Dhiraan dhirintu ma xuma laakiin kol hadii aad tiraahdeen kursiga hawiye eyey la doonayaa wadamada ciidamada ka jooga Muqdisho,hadane aad sheegteen in tirada ugu badan ee Musharixiinta hawiye uu Madaxweyne Shariif heysto ilaa hada oo aad sheegteen in Prof Jawaari uu isagu watay maxaa u diidaya inuu xildhibaanada kale la gor gortamo isagoo u kaashanaya wadamada ciidamada muqdisho ka joogaan oo aan ognahay in Madaxweyne Shariif ey kalsooni buuxdo ku qabaa oo ey isaga jeclaan lahaayeen inuu Madaxweyne sii ahaado? waxaan qabaa hadii kursiga qaab qabiil ama hawiye lagu korayo in Madaxweyne Shariif uu heysto fursada ugu fiican uuna ku soo bixi doono Madaxwweynaha cusub,sababtoo ah Muqsharixiinta kale ee hawiye ma heystaan tiro xildhibaano ah oo la eg kuwa madaxweyne Shariif mana muuqato in wadamada ciidamada ka joogaan muqdisho musharax kale rabaan.waxaana usii dheer in taageerayaasha Madaxweynuhu heystaan awoodii dowlada iyo dhaqaalo xad dhaaf ah,iyo taageerada inta badan wadamada amisom ku jira marka hawiye kale oo fursad taas lamid ah heysto ma jiro xildhibaanada barlamaankuna maaha kuwo dhagxaan ka sameysan waana lala hadlaayaa dhan karsto sidaas darteed hadii qaabka qabiilka ee hawiye iyo kursiga Madaxweyne noqoto Madaxweyne shiikh shariif ayaa ku soo baxaya.
Raxan_reeb:waxaad ka gudubteen levelkii ahaa jufada hoose waxaad gaarteen heer qaran,waxaad soo bandhigtaan,wax ummada somaliyeed ka wada dhaxeeya,waana ku mahasantihiin. waana arki doontaan
kuwa levelkoodu hooseeyo oo hadii ruux reerkooda ah>
Iyo reerka uu ka soo jeedo oo sida badan aan somalidu u arkin dad aan wadani ahayn ama qabili ah,
la noolaansha qabiilooyinka kale dhib uusan ka taagneyn,waa macquul la filan karo,hadii uu waayo
madaxweyne inuu heli karo wasiirka koowaad.ayadoo laga cararayo,reer puntland oo looga bartey laalaab,iska daba wareeg,iyo hadii danteena,hadii ay NO.1 noqon weyso gaw iyo gish ma leh,
waana macquul ruux kale,in alle u qoro oo waxaan sheegeyno ,iyo tan alle ,tan allaa mar kasta socoto.
Laakiin ummada somaliyeed alle ha u dambi dhaafo,dabateena kii qayr ugu jiro hogankooda ha udhiibo asiga ayaa awooda leh,waa la filan karaa Proff:warfaa>>>>PHDH:
AAMIIINNN:
ACWW:Anigu ma qabo in wadamada ciidamadu ka joogaan sida wax loo sheegayo ay yihiin.Ciidamada shabaab la dagaalamayo waa ciidan somaliyed beesha hadda loo badainyo caasimaddana kama duwan beelaha kale international community-ga waa isugu mid kan muqdisha jooga iyo ka burtinle jooga.
Aad ayaa looga badbadiyay waa strategy loogu talo galay in lagu abuuro huuhaa aan jirin,meesha taangi ayaa socda maleeshiyo qabiilna ma hor istaagi karaan.ta kale haddii caasimaddii beel ay rabto in ay xukun ku doonto sow dow ma ahan in meel kale aan xaarxaarano taayoo iyadana aan noqon xamar kale?tusaale ahaan baydhabo,xamar na commercial city ay noqoto.
Marka aragtiga ah international community iyo wadamada ciidanka ka jogaan ayaa raba beesha Hawiye waa la iska yiri ma khiyaasayaa simply ciidankaa qabaailka ee hadda dawlada la dagaal gala hubkana iyo mushaarada haddii laga jaro halkey aadayaan shabaabna ma adi karaane?waxan hore ayaa looga shaqeeyay sababtoo ah hubka ma wareejin karaan,(qolada sh shariif qolo ayay hubka u haystaa taa yaan la ilaabin)hub iyo rasaas ma heli karaan(qabiil ma awoodo maliisho in uu dagaalgaliyo rabitaankii hore ee dagaalkana ma jiro maanta wadamada wax laga heli lahaana sidii ereterai ayaa laga baqayaa),shabaab isuma dhiibi karaan oo shabaab hubka ayay kala wareegayaan
marka waa lala socdaa wax ka jira wadanka waa un iska riyo qabiil sharrif ma filayo in uu soo laaban doono nin kale oo hawiye ofcourse waa muwaadin somali ah haddii la doorto more than wellcome weeye aan aragno 10 Septembar
Qof walbaahi waxa uu halkan ku soo bandhigayaa fikirkiisa iyo sidda ay la tahay. Aniga waxa ii muuqda haddii wadaniyad, karti, iyo wax qabad dhab ah wax lagu dooranayo waxa istaahila Sheikh Shariif, sabtoo ah taariikhdiisa kooban ayaa u baddan “successful stories” laga soo bilaabo markii school uu macalin ka ahaa arday laga afduubtay, reerkii ardaygaana ay awoodi kari waayeen in ay madaxfurasho lacageed bixiyaan deetana Sheikh Shariif ku guulaystay soo dayntiisa, mar labaad waxa uu ku guulaystay dib u soo celintii amniga muqdisho iyo furitaankii Airporka muqdisho oo xirnaa ku dhowaad labatan sano xiligii maxkamadaha, sidaas oo kale xeshiiskii taariikhiga ahaa ee uu kaga saaray Ethiopia waddanka ka dib xasuuq baddan oo ay ka geysteen magaaladda muqdisho. Waxa xusid muddan in uu yahay siyaasi akhlaaq iyo dulqaad baddan si walba oo loo aflagaadeeyo aan dheg jalaq u siinin misana aad uga fogaada arimaha qabiilka. Dadbaa ku eedeeyay in uu u ololeynayo qab qableyaashii hawiye laakiin arintu sidaa ma ahan oo qab qablayaashu hawiye keliya ma ahan oo waxa ku jira intan qabqableyaashi daarood ka ahayn. Madaxweynuhu waxa uu xaq u leeyahay maadaama uu yahay hogaanki dalka in uu cadaaladda ilaaliyo oo qof aan dambi lagu cadayn la takooro. Waxa kale oo xusid muddan in Sheikh Shariif horey taariikhdda u galay ” History writes itself” ka dib marki uu ku guulaystay dib u soo celintii rajadda umadda somaliyeed ee luntay 21sano ka dib, taasoo ay ku guuldaraysteen madaxdii isaga ka horeysay. Haduusan ku guulaysan tartankan waxa lagu xusuusan doonaa oraahdiisii ahayd ” Hadii qof kasta ee xilka madaxweyne qabta lagu taageero dadaalkiisa ugu yaraan waxbuu ku kordhin karaa wax ka qabashadda dhibaatadda somaliya ee daba dheeraatay ,wax qabadkaa yarna waxa ay rajo u tahay una sahlaysaa Hogaamiyaha kale ee iman doona, laakiin haddii wax kasta la mucaaraddo dib u dhac mooyee horumar lama gaarayo”
Sheikh Shariifn waa madaxweynaha ay qof waliba ku faaneyso guulaha ow soo hooyay iyo daacadnimada ow muujiyay, maanta waxaa la joogaa heer ay dad badaniu ku faanaan ama ay sheegtaan in guulaha la gaaray ay iyagu horseedeen sida Farmaajo oo lix bilood jagada haayay iyo Cabdiweli oon xataa raalli ka ahayn meesha maanta ay arrintu mareyso….oo ah in Xamar ow nin waliba yimaado isagoo isku halleynaya nabadgelyada uu horseeday Sh. Shariif.
Cabdullaahi Yusuf wuxuu dalka soo gelkiyay 40,000 oo amxaaro ah waxna waa u tari waayeen oo meelihi ay tageen waa lagu kala guuray sida Baydhabo iyo Muqdisho oo laga wada cararay…maantana waa loo soo wada shaqo tegay…intaas mahadeedana waxaaa iska leh Sh.Shariif haddii aan runta laga been sheegeynin..
Howshi ow billaabay nin dhammeystiri karaa ma jiro oon asaga ahayn…waana la dooraan doonaa Inshaa Allaah
asc daman umada somaliyeed marka hore Alle ayaa mahad iska leh mrka labaad wxn u mahadnaqayaa dhamaan shaqalaha wepsite Raxanreeb oo sida lagu bartay wararka hufnaanta iyo cilmiyeeynta ku dheehan ay marwaliba u so bandhigaan walaalahooda somaliyeed ee aduunka mashriq iyo maqrib daadsan jeceylna in ay wx ka ogaadaan warbixinada ka dhaca wadankooda Time by Time. Somaliyey wxaa manta wanagsan in aan fiirino Diintaana suuban,somalinimadeena,dhaqankeena wanaagsn, maqabo ninki intaasba hareer maray in aad qabiil iyo wx aan umada u cuntameyn aad nin jecleysi ku siisaan kursi wayo ah kursiga mahan wx qabiil kaliya ay nafacsanayaan blse wxaa nafacsanaya dhamaan umada somaliyeed meel waliba ay joogaan wxana laga yaaba qaar idinka mid ah in ay leeyihin ninkan waa reer fulaan lkse wxn ahay ninka laf ahaan ugu xiga shariif ahmed.shalay mrka uu ku soo baxay Gidoomiyaha maxkamadaha waliba marka u noqday madxweynaha somaliya shucuurteyda ninki wadani ah ayaa dareemi karo. walalyaal manta wxuu areer maray islaanimadii,dhaqankii.wadaninimadii.wxna sifo ka bixin qof aan ku dhaleecenayo ma jirto walalayal sida aad ula socotaan hogaamiyaasha Goboleedka Mr Silaayo,Faroole,Abdi wali Gaas,Shariif hassan iyo hogaamiye kooxeedyada madaxwynaha shariif wxy jabiyeen dhaqankii,diintii,wadanimadii.wxna tusaalo kuugu filan mrki laga reebo inta an kor ku so sheegay labada xilka u u dhamaaday oo barlamanka galay ma,ahane inta kle wxy ka qeyb galeen baroordiiqdii Madaxeynihi Ethopia oo lagu aasayay magalada Adis halkaas oo ay kuwada ooyeen wabsite yadana la soo galiyay xalada adag ay madxdeeni ay ku sugan yihin. ilaah ka cabsada oo dareenkina halmid ka dhiga iskana daaya nin jecleeysi wayo qabriga kula ma tagayo ruuxii aad ku doorato wxn jirin umadana aad hog aad ku tuurto.waxaa jiro Rag badan oo wadani ah manta wxn doonaba waa.new face .www
abaal oo dhan ayaaba iska amaanaayee shariiif af yanyo
illahow hanagu soo celin shariiif tuuug musuqmaasuq lacagta uu dhacay yaa ka soo celinaayo
abaaalka haka dhaafaan amaanista shariif
Sheikh Sharif & C/Weil, Sharif Xasan gadashiis halaga dayo. Madaxweyne aan dalka u sineyn yuu madaxweyne u noqon karaa. Baydhabo tan iyo intii la xoreeyey Sheikh Sharif iyo C/weliba ma tegin maantana dadkii deegaanadas kasoo jeeday amaba beelaha DM xilibaanadooda codkooda ayey saf ugu jiraan what a losers. Tuug ninkii xoolo ku dhaafan raba isagaa og suu Uganda soo dhacsan lahaa. Nimanka galeyda loo waday barakacayaasha baqaar ku xirtey in afar sano kale loogu daro waa wax dameerada xitaa aan qaadan karin.
Horta nabad!
“waa macquul la filan karo,hadii uu waayo
madaxweyne inuu heli karo wasiirka koowaad.ayadoo laga cararayo,reer puntland oo looga bartey laalaab,iska daba wareeg,iyo hadii danteena,hadii ay NO.1 noqon weyso gaw iyo gish ma leh”, tani waa xigasho gaaban oo ka markhaati furaysa in dad badan iyagoo is og iyo iyagoo aan is ogaynba fikirkoodu ku salaysmay nacayb qabiilada qaar loo qabo. Bal eeg wuxuu leeyahay Sh shariif qabiilka uu yahay ayaa wax lagu siinayaa dad kalena qabiilka ay yihiin oo “laalaab looga bartay” ayay la caroonayaan. micnuhu waxaa weeye waxqabad marabee beeshaa ii daran. Musharaxiin badan ayaa sharaxan oo ka kala yimid soomaali inteeda badan, reer puntland way ku jiraan muxuu kuwa kale ugu lifaaqi dagaankooda oo laalaab looga bartay, muxuuse reer puntland kuwa ka yimid shaqsi -shaqsi ugu qiimayn waayay sida kuwa kale uu yeelay?? waa nacayb beeleed is celin wauday oo karka jabisay!!!.
Shariif Axmed intii mashruucaan “roadmapka” lagu jiray wuxuu tusay inuusan doonayn isaga iyo musharixiin badan iyo dagaamo badan, sababta bal adba!. Soomaliya wuxuu ka bilaabay shiiku dagaal diimeed oo la yiri waa “jihaad”, hadana wuxuu ku dhaartay dastuurkii uu ku jihaadayay. hadda wuxuu u sharaxan yahay dastuurkii iyo qaab dhismeedkii dawladnimo ee uu geed dheer iyo geed gaabanba u koray sidii u joojin lahaa mana tuhmayo inuu daacad ka yahay hirgalinta waxa ku qoran.
Hadda tartan ayaa socda lamana oga cidda ka soo baxaysa, in qabiil meeshu u xiran atahay ee aan talada dalka loo sinayna waxay xoojinaysaa fikirka ah “dawlada madaxbanaan” sida soomaaliland. Dadka iska dhigaya wadaniyiinta ee soomaalida qaar ku hiifaya maxay “xukunka dalkooda” ugu tartamayaan iyagoo kuwii go!ay ku amanaya ficilkooda, ma jirto wax kale oo lagu micnaynkaro oon ka ahayn “isirnacayb”. Raxanreeb waxay noqotay meel fikirkaas laga faafiyo, sidaasna wadaniyiin laguma noqdo.
Wabilaahi tawfiiq!
WAA WAREEY WAA KUWAAN TUIUGADII WAA AY IDIN XADIIN DURBA
ALA SOOMAALI XISHOON MAYAA WAXAA DHICI KARTA IN DAYNIILE IGAARKA LEH IN UU LEEYAHAY KAN
WAA WEBKA UU WAX KU XADPO HADHOOWNA WAA UU SOO XIGANAYAA
http://www.newsomali.com/2012/09/03/qorshaha-sheekh-shariif-doorashada-kadib-warbixin-falanqeyn-ah/
wax guri bililiqo kusoo koray oo xaaraan kaliya ku caqliyeeysatay maa u daahaayo war waqti iyo wax walba la galiyey waa hubaal qolada webkaan yar ee btuuganimada wax ku bilaabay in uu hooyo iyo aabe fiican uusan laheyn amaba aysan soo korsan
http://www.newsomali.com/2012/09/03/qorshaha-sheekh-shariif-doorashada-kadib-warbixin-falanqeyn-ah/
Dadka kor wax ku soo qoray qaarkood fakarkooda hadaan ka jawaabo,horta hadii nabad yar la helay marka hore Ilaah S/w ayaa mahadi u sugnaatay, tan 2aad guushaad Shariif siiseen aniga iima muuqato inuu isagu la yimi ee waxa iska leh Amison maxa yeelay Beesha caalamka ayaa u soo jeensatay Soomaaliya oo rabta inaan mar’uun Dowlad taya leh helno,ayaguna ay naga nabad galaan si aan uga ceshano Burcad deena Bad iyo Beri leh iyo Alshabaab oo ay u arkaan cadowgooda kowaad iyo weliba Qaxootigeena meel walba harqiyey.mida 3aad Shariif beetu waa shay xaaranee wuu ku amaanan yahay inuu yahay nin dulqaad badan oo degan isaga iyo C/weliba niman jaqjaq badan maaha oo sidii ragii hore looga bartay isqabqabsada inkastoo beryahan Kursigii isku diray iyo siyaasadii,horaa loo yiri Ragu isma siiyo libinta liitaha iyo diricuba oo laba wada dhalatay baan madaxnimo isu ogolayn.
Salaan ka dib taad rabtaan mise tii alle ogaada mar walbaa meeshaan waxay u baahan tahay isbedel dhab ah cidii timaadana waxaa sugaysa howl baaxad weyn dadbaa waxay ku bixiyeen juhdi maal naf marka si fudud inay wax ku bur buraan ha filan soomaalidu sidaan u arko amar malaha doorashadu iyo baarlamaanku qof walibaa si buu u fasirey laakiin ogow meeshaan wax welibaa waxaa laga rabaa inay isbedelaan waxaana qabaa wejiyo cusub inaan arki doono asbuuca soo socdaa
inkasta oo qof kasta xaq u leeyahay in aw sheego fikirkiisa, hadana waaa xaq daro iyo doqonimo in aad aflagaado u geysato qof ama qoys, kuwa fikradaha qoraya markaad aqrido waxa ay qorayaan,
waxaad is leedahay dadka ay wax ka sheegayaan ayagaaba ka daran, war ama iska aamusa, ama runtu sida ay tahay uga hadla, ogaadana in la is xisaabin doono maalin
RAXANREEB MAXEY LA QEELINEE AAN IS DAHAAYEY KOO AA AQAAN AA IGU WEB AA U SHAQEEYAA WAABA TUUGO XISHOOD TUUGADAAN ILA SOOMAALIYEEY
http://www.xoghoose.com/2012/09/04/qorshaha-doorashada-madaxweyne-shariif-iyo-kooxda-aalla-sheekh-xog-muhiim-ah/
tuugo tuugo ku abtirsda iga dheh
ceeb aan laga xishoon ayey samenayaan raxanreeb cid kasta waa uu xadaa laakiin waa lawada ogsoon yahay cida qoraalada noocaan oo kale iska leh
anaga idinla shaqeeneena bahda rfaxanreeb wixii la idinka soo xadaa waa idiin soo sheegaa
http://hiiraan24.com/2012/09/04/qorshaha-doorashada-madaxweyne-shariif-iyo-kooxda-aalla-sheekh-xog-muhiim-ah/
xishoodkii ayaa soomaali ka tagtay waar waxaan saxaafada ma ladhihi karo xeerarkeeda ma tixgaliyaan RAXANREEB maxkamad la fuula kuwaan waa cawaan aan yaqyaqsiyoon indha adkaa ma —————— baa
arinta intas wey ka badan taha.. maxaa yeelay nimanka aala sheekh maanta waxey si toos ah uga dhex muuqdaan hall ka doorashada ayaga oo aan xildhibaano aheen. mursal saneey iyo abdirahman aynte ayaan TV ga uga jeedaa waana hogaanka qarsoon ee aala sheekh. waxaa intaas kaga sii daran warar aan si qarsodi ah ku helay iney ayagu.mideeyen musharaxiinta 5 ah