Sii Hayaha Xilka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed  Cali Gaas ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka soo qayb galay shirkii QM ee magaalada New York  iyo Shirar gooni gooni ah oo uu la yeeshay qaar ka tirsan Madaxda Caalamka.

Waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Golaha Wasiiradda, Xildhibaano, Saraakiisha, Dhalinyaro, Haween iyo dadweyne aad u fara badan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kula hadlay Warbaahinta wuxuuna ka warbixiyay Shirarkii uu ka soo qeybgalay.

“Runtii aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta aniga iyo Waftigii aan horkacayay dib ugu soo laabano  dalka gaar ahaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaana ku maqneyn oo aan ka qeyb galney Shirkii QM ee looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya iyo Shirar kale oo aan gooni gooni kuwada qaadanay qaar ka tirsan Madaxda Caalamka.

 Waxaana ka wada hadalney Isbedelka Siyaasadeed ee Soomaaliya  waxayna noo sheegeeno sida ay diyaarka ula yihiin iney garab istaagaan Dowladda Cusub ee Soomaaliya, Waxeyna sidoo kale soo dhaweeyeen Madaxweyne Prof Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya”.

Wuxuuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha u hambalyeeyay Ciidamada qaranka iyo kuwa AMISOM guulihii ay ka gaareen Magaalada Kismaayo iyo sida wanaagsan ay u badbaadiyeen Shacabka reer Kismaayo.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday Fatahaada Wabiga Shabelle taas oo ay ka dhasheen khasaarooyin badan waxana uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay kaalmooyin deg deg ah gaarsiin doonto magaalada Baladweyn, wuxuu sidoo kale baaq u diray Hay’adaha Gargaarka inay gacan ka gaystaan masiibada ku habsatay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan..

 DHAMAAD

 
Share

Tags:

5 Responses for “Sii Hayaha Xilka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay”

  1. [...] View article: Sii Hayaha Xilka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay [...]

  2. prof piccolo says:

    maraxb maraxb yaa R/wasaare Cusub prof C/wali Cali Gaas vivvo soo dhawow mudane R/wasare adiga ayaa laguu wadaa xamarna ku xaaranta guryaha islaameed xooga ku heysta feer iyo faro laab oga saara kuna dalbada ugandheysa jooga xamar mooryanta guryaha ilashaneysa oo aan rabin nabad waayo waxey ka baqayaan iney guryaha ay xaraanta ku heystan lumiyaan?

  3. dirira says:

    madaxwaynaha cusub haduu rabo waxqabad dhab ah ha magacaabo pr cabdi wali hadii kale is ka daba wareeg

  4. wiil says:

    kan haduu waasho walaahay baan loo magacaabayn doorkan waxaa iska leh jagada raysalwazaraha dawlad goboleedka khaatumo state of somalia marka faroole iyo gaaz ha iska seexaan riyadana ha joojiyaan

  5. duurgal.com (oday somaliyeed) says:

    wallee kanaan arko baan qaran wax u soo hoyn ama u qaban maxay tay xun isku giijisay,qabyaalad baa calooshiisa buuxda aabbihiina waxaan filayaa cuqdad buu u dhintay illeeyn ssdf buu ka tirsanaaye,
    mj dookh xumaa bal may mid dhaama wad-wadaan intay kan xayeysiinayaan mise isagaaba u budhtuura
    oo xaalku waa xeradayadu waa wada ul oo ul la qaato maleh!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Leave a Reply