Raashinka iyo Lacagta Dollarka Miyaa Gaalo Ah?
Muqdisho (RBC Radio) Kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada iyo waliba ciidanka AMISOM ayaa deegaanada ay ka arimiyaan waxay ka mamnuuceen Raashinka gar gaarka ah oo ay bixiyaan Hay’adaha.
Sidoo kale Al-Shabaab waxay diideen in suuqyada ku yaala magaalooyinka ay maamulaan lagu iibiyo Sacliida iyo waliba Alaabaha ay ku qoranyihiin magacyada hay’adaha sida WFB iyo waliba Unicef.
Arintaan ayaa Al-Shabaab waxay sabab kaga dhigeen in Raashinkaan iyo alaabaha hay’adaha keena ay yihiin kuwo gaalo ah sidaa dar darteedna aanan la isticmaali Karin wax gaalo ay keentahay maadaama dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo islaam ah.
Raashinka miyaa gaaloobay.
Waa su aal hada taagan, wadanka Soomaaliya mudo dheer ayaa waxaa ka jiray dhibaatooyin iyo waliba colaabo dabo dheeraaday waxaana wadanka la keenaa raashin ay bixiyaan hay’adaha gar gaarka kuwaasi oo loogu talagalay in dadka soomaaliyeed ay noloshooda ku ceshadaan.
Dadka Soomaaliyeed si caadi ah ayay u qaadan jireen gaarshinka iyo waliba alaabaha kale ee Mucaawinada, laakiin hada waxaa lees waydiinayaa Raashinkaan miyaa Gaaloobay mise diinta ayaa hada Gaalaysiisay?
Hay’adaha Gargaarka Sida WFB gar gaarka ay keento wadamada ay ka midyihiin Soomaaliya qaarkood waxaa laga soo qaadaa wadamada islaam, oo ay ka mid yihiin wadamada carabta.
Marka laga soot ago raashinka gar gaarka ah waxaa jira raashin badan iyo waliba alaabo badan oo laga keeno wadanka dibadiisa, kuwaasi oo ay la yimaadaan ganacsatada Soomaaliyeed, Al-Shabaabna aysan ka soo horjeedin.
Waa su’aalo Alaabahaasi ma waxaa soo saaro wadamo islaam ah, iyadoo la ogyahay in sokorta laga isticmaalo Soomaaliga laga soo saaro wadanka Baraasiil, sidoo kalana ganacsatada Soomaaliyeed ay si aad ah kaga soo dukaameestaan wadanka Shiinaha.
Lacagta Dollarka ah mawaxaa soo saaro Islaam.
Arinta kale ee la yaabka leh waxay tahay Al-Shabaab waxay diideen Raahinka Hay’adaha Gar gaarka hadana waxay ogolyihiin lacagta Dollarka, oo la ogyahay in uu soo saaro wadan aanan islaam ahayn.
Meelaha ay maamulaan kooxda Al-Shabaab waxay ka qaadaan lacago ay ku sheegaan in loogu adeegayo islaamka, waxaana mudooyinkii ugu danbeeyay ay diideen in lacagahaasi lagu bixiyo shin Soomaaliya.
Ninka ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Jowhar oo aan la hadalnay isla markaana magaciisa aan qarinay sababo la xariira xaga amaanka ayaa wuxuu sheegay in guri kasta oo kuyaala magaaladaasi laga qaado lacag gaaraysa Shan Dollar bil kasta.
“waxay diideen calagtaas in ay ku qaataan shilin Soomaali waxayna sheegeen in loo baahanyahay oo kaliya Dollar, cidii aanan bixina waxaa maquul ah in ay dhibaato la kulanto”sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ee magaalada Jowhar.
Ugu danbayntii waxaa muuqata in ay arintaan u dhigantahay Baqtigana Macuno Fuudkiisana waan cabaa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











War nimankaan wixii dantodu ku jirto waa xalaal wixii kahorjeedaana waa xaaran .marka waa iska qawlaysato tuugo ah diina mayaqaanaaan.
Walaalayal raashinka waxaa looga cararayaa sababo caafimaad awgood oo dhibatoyin badan bey ku soo daran somaliya markay keenan waxa la shegayay saliid taranka joojinaysa in la kenay mid subag khanziir laga sameyay iyadana in la keenay madooyin drugs ah bey xataa ku soo daraan oo cafimkaga wax gaarsiinay rashinka dhibtiisa badan umadana in looga digo wey wanagsan tahay rashin cayiman oo waxyelo umada ugeysanaya looga digay sida wfp iyo uniceif rashinka kale oo dawladaha kale nooga yimada maxay umamnuuci waayeen? Ileen somaliya raashin ma sameysatee dawladaha udhaw udhaw iyo kuwa calamka rashinka soo gaarsiiye lkn rashinka waa la cunaaye lacagta ma la cunaa inad wax ku gadatid maahane oo markas cuntid ama ku labisatid faa,ido anaga ku qabne waa lacag fudud adunka dhana meel kastay ka shaqeysa wax dhiba malahan kaashka somaliga ah culeyskiisay diidayan iyo dollarka oo marna kaca marna dhaca islaam baa sameyay iyo gaal baa sameyayna makala lahan waa xanshiyo waxna kuu dhimayn tan dollarka ah baana ufudud lacagaha guryaha laga qaadana waa tabaruc iyo lacago dadka tabarta daran lagu cawinayo ama ayaga dawladna aan ku tiirsanayn gaalada iyo waxa la socda ay iskaga dhicinayan wana wax loo baahan yahay baad wax la dhaho ma jiraan ma cid tiri ma awoodno oo ay dileen baa la,arkay waa maya marka hadalka si sax in loo sheego waxay ka fiican tahay in umada la marin habaabiyo raxanreebna dacaayadaha noocan ah ha iska dhafto waa warbaahin iska dhex dhexad ah umana wanaagsana maqaalada noocan oo kala ah