Rag lagu Edeeyay Inay Ka Tirsanyihiin Al-Shabaab Oo Lagu Xukumay Magaalada Baydhabo
Muqdisho (RBC Radio) Saraakiiasha dowlada ee magaalada Baydhabo ayaa sheegay in la xakumay rag ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo lagu qabtay howlgalo laga sameeyay magaalada Baydhabo.
Ragaan oo gaarayay ilaa iyo Todobo ruux ayaa waxaa lagu xakumay xabsi u dhaxeeya Todobo Sano ilaa iyo Sideed sano, waxaana lagu xiray xabsi ku yaala magaalada Baydhabo.
Dadkaan la xakumay ayaa waxaa la sheegay in baaritaanm lagu sameeyay ka dibna uu ku cadeeday danbigooda oo ah in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidamada kusugan Magaalada Baydhabo oo lahadlay warbaahinta Mahad Cabdi Raxmaan ayaa waxa uu sheegay in dadbadan ay kusooqab qabteen Howlgaladii ugu danbeeyay oo ay sameeyeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Mahad Cabdi Raxmaan ayaa sheegay in ay siiwadayaan howlgalada ka dhanka ah dadka amaan darida ka wada magaaladaasi oo la aaminsanyahay in ay yihiin Al-Shabaab.
Majiro wax war ah oo kasoobaxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan Ciidamadaan lasheego in ay katirsan yihiin Al-Shabaab islamarkaan laxukumayba.
RBC Radio











