Ra’iisal Wasaare Cabdi Wali Gaas Oo Khudbad K a Jeediyay Xarunta QM Ee New York
New York [RBC Radio] Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee waqtigiisa uu dhammaaday Cabdi Wali Cali Gaas ayaa khudbad uu uga hadlaayo arrimaha Soomaaliya waxa uu ka jeediyay xarunta golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York.
Ra’iisal wasaare Cabdi Wali ayaa u sheegay xubnaha golaha Ammaanka QM in Soomaaliya ay ka socoto isbadal ballaaran, taasoo loo baahan yahay in la taageero.
Wuxu u sheegay madaxda joogtay xarunta QM in xaaladda Soomaaliya ay mareyso meel fiican, isla markaana ay ka guurtay colaaddii ka jirtay, taasoo 21-kii sano ee la soo dhaafay ay ku jirtay.
“Soomaaliya waxa ka dhashay isbadal weyn oo muuqda waxa mid ah , dalka waxa uu yeeshay dastuur, waxa la soo dhisay xildhibaano cusub, dabadeed waxa la soo doortay hoggaanka baarlamaanka kaddibna waxa la doortay madaxweyne, oo hadda soo magacabaya ra’iisal wasaare soo dhisa xukuumad wax badan ka badallan”
Wuu sii hadlay “Dalka inta badan waa laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab meelo yer ayey kaga sugan yihiin, marka Soomaaliya waxa ay rabtaa in ay si buuxda ugu soo noqoto bulshadda,” ayuu yiri Cabdi Wali Cali Gaas.
Ra’iisal wasaare Cabdi Wali ayaa u sheegay beesha caalamka in looga baahan yahay in ay xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, oo hadda la soo laabaneyso siddii ay ahayd.
Si kastaba, beesha caalamka ayaa ballan qaaday in ay diyaar la yihiin siddii garab u siin lahaayeen dowlada iyo isbadalka cusub ee ka dhashay Soomaaliya.
Maalin ka hore ayuu ahaa markii shir gaar ah oo looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya lagu garab qabtay halka uu ka socdo shirka sannadlaha ee golaha loo dhan yahay QM oo ah kii 67-aad.
Inta badan dowladaha Soomaaliya waxa ay taageerada ugu badan ka heshaa beesha caalamka iyo hey’addaha deeqaha bixiya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












[...] Continue reading here: Ra’iisal Wasaare Cabdi Wali Gaas Oo Khudbad K a Jeediyay Xarunta QM Ee New York [...]
Very good speaker.
history will tel and if the new bresedent looking for qualified person here he is
Salaama caleykum. This former prime minister Abdiwali needs to be fired immmediately because he is the one who because of his clannish thinking have had caused many set backs to the former administration led by President Sheikh Sharif. He will do the same to this current administration as well, because his behavior tells us he puts the interest of his tribe’s region in Pintiland before the interest of resurrecting a Somali government that tackles lack of government system in the South and around the capital Mogadisho. This man is a traitor that don’t even deserve to be a member of parliament, let alone a prime minister. He and Farole of pintiland are spoilers who want to hijack dimplomacy and destiny of the majority of the Somali people who yearn to live in peace among themselves and with their neighbors and international countries
Mr CADAADO YOUR COMMENT IS LAUGHABLE AND NOT TO MENTION BIG TIME Xaqiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiir and qabiiliiste. P.rofessor abdiweli waa ka nastahan yahay qurunka aad sheegtoo dhan ee waad jiran tehee ILAAHAY BARI INUU KU DAAWEEYO.
Mr.ms Caadado plse stop crying Abdiwali and Farole don’t wanna such kind of you,
you are folish and you will die with ur malicious behaviour