Ra’iisal-wazaaraha Ceeb!…Sidee wax yihiin?! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Ra’iisal-wazaaraha Ceeb!…Sidee wax yihiin?!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Sabteembar 28 2012
“Yaa u malaynaysaa in la magacaabayo? Madax-weynaha waa la soo daahay wallaahay!. Mayee anigaa waxaa la ii sheegay inuu soo wado Hebel, war mayee Hebel baa xoogaan oo aad loo hadal hayaa! Mayee wallaahay ninkaan wuxuu ka soo hor jeedaa sidaas marka Hebel lamaba siinayo ee Hebel buu keenayaa!”
Wax kasta waa innaga sii macno beelayaan, magaacaabistii ra’iisal wazaaraha waxay noqotay xujo macno dishay xilkii jagadaaas oo runtii ah jago muhiim ah laguna tilmaami karo bu’da nafta dowladda oo dhan, waa jago runtii ixtiraam, muhiimna ah marka la fiiriyo xilka xukuumadda ka saran dalka iyo dadkaba, waxaase yaab leh dabeecadda hadda muuqata oo runtii meel ka dhac ku ah xilka iyo mudnaanta ay huwantahay mas’uuliyadda jagadaas.
Dad ku dhow-dhow xafiiska madax-weynaha cusub Xasan Shiikh Max’uud ayaa ii sheegay in dadka jagadaas isu soo taagaya ay tiro ahaan kor u dhaafayaan ilaa 70meeyo qof, waxaana intaas dheer oday dhaqameedyo iyo xil-dhibaano xusul duubaya oo intaas xoonsan xafiiska madax-weynaha agagaarkiisa iyagoo uu ololeeynaya nin siyaasi ah oo ay xilkaas la rabaan…Ceeb!…jagada ma aha sida dad badan mala macnaysteen xilkeeda.
Madax-weynaha laf ahaantiisa ayaa hadda waxaad moodaa inuu yaabanayahay!…waxaase loo baahanyahay inuu madax-weynuhu garowsado inaan xilkaas isaga marti loogu ahayn shakhsi ahaan laakiin ay tahay mas’uuliyad shaqadiisa ka mid ah inuu soo magacaabo ra’iisal wazaare oo qaynuunka lagu heshiiyay ee dastuurka ah uu waajib uga dhigay waxaana taas cadayniya madax-weynaha ninka uu soo magacaabay ee ra’iisal wazaaraha ah inuusan isaga si shakhsiyana ah erin karin in golaha shacabka ay cod ku ridaan iyo in dacwad lagu soo oogo mooyee…
Madax-weynaha waa inuu ka madax-banaanyahay waxyaabaha qaarkood, sida sheekooyinka suuqa yaala ee ku salaysan qaababka coleedeed ee laga dhaxlay burburkii xumaa ee dal iyo dad ahaanba heerka aan joogno ina gaarsiiyay, waana in uu maanka ku hayaa isaga iyo ninka uu soo magacaabayo iyo golaha ay soo dhisayaanba waxaa dad-weynaha wakiil uga ah haday daacad u shaqayniyaan golaha shacabka oo iyagu waajibkoodu yahay haddii xubnahaas mid ka mid ah ay waajibkeeda garan weydo inay la xisaabtanto haddii loo baahdana codka kalsoonida u qaadaan!…
Waxaase yaab weyn uu ka muuqdaa dabeecadda guud ee qaabka hadda la doonayo in lagu soo xulo ra’iisal wazaaraha, kuwo xilkaas raadinaya laftooda in badan oo ka mid ah waxaa arkaysaa inaysan xil-kas ahayn jagadaasna qaadi karayn, waayo qaarkood waxay marayaan heer ay baryootmaan, sidii ay madax-weynaha weydiisanayaan wax uu isagu shaksiyan leeyahay…Ceeb!…ha la xaq-dhowro jagada ummaddaa iska leh, ummad waxeedana ninna kaskiis gaarka ah kuma bixin karo, waa dhab dhammaan dadka meesha joogaa rabitaan dad-weyne kuma wada immaan oo taasi way suuroobi weyday cillado jiro aawgood laakiinqof kasta oo magac mas’uuliyad huwan isagoo taas maanka ku haya ha ku xaq dhowro shacabka.
Madax-weynaha waxaa looga baahanyahay inuu soo xusho qof uu aaminsanyahay inay wada meel marin karaan barnaamijada siyaasadeed ee la doonayo in qaranimmadii Soomaaliyeed lagu gaaro, waana inuu marka hore isaga laf ahaantiisa is hubaa inuu ka caafimaad qabo waxyaabaha laga soo bartay dhaqammadii burburka 22jirsaday, ee hebel ku xumee ama hebel ku raali geli ahaa…
Dadkaan soo yaacay ee dhammaan ra’iisal wazaaranimada doonaya… ma garan anigu, wax weyn baa ila khaldan, runtii lama aamini karo, jago madax-weynaha sharci ahaan ay tahay inuu magacaabo macnaheedu waxaa weeye isagaa aqoon ku raadsanaya nin uu qiyaasayo inuu xilkaas ka bixi karo maamulkana ay wadaagi karaan ama ay wada shaqayn karaan (dhabcan wali waa waxeenii xilka lahaayee4.5 isagoo aan ka tagayn) laakiin sidii shirkad shaqo ka banaantahay… jagadu waa ka duwantahay sidaas….
Tan kale, bal ninka intuu baryootamay sidaas jagada ku yimaada karraammada (Dignity) uu ku hor imaanayo ninka madax-weynaha ah maxay tahay? Waayo, waxaan shaki ku jirin qofka sidaas ku yimid inuusan dareemayn inuu mas’uul yahay magac kastaba ha huwaanaado e’ waxaana loo baahanayahay in qofka madax-weynaha uu maanka ku hayo in qofka noocaas ah uu dhaqankaasna la hor tagayo marka uu la fariisto dane-jirayaasha iyo mas’uuliyiinta shisheeye ee uu la kulmo…
Waxaa iyadana in la xuso mudan qaabka dad-weynuhu u hadal hayaan soo magacaabista shaksiga noqonaya Ra’iisal wazaaraha, waa arrin aan dhaqanka ku wanaagsanayn dilaysan shakhsiyaddii wanaagsanayd ee qofka Soomaaliga ah lagu yaqiinay, waxaana arrinta halkaas gaarsiiyay oo dad-weynaha kiciyay wararka aan kala go’a lahayn ee waliba beenta u badan ee ka imaanaya xafiisyada dad badan oo magac mas’uulinimo huwan oo waliba mararka qaarkood la magac dhabayo, waxaana arrintu gaarsiisantahay jaha wareer shacabkii lagu riday iyo xiisad joogta oo laga dhax abuuray laguna sii kala fogaynayo ummad wali la il daran riiqdii colaadaha wali dalkii ka socda.
Xilka ra’iisal wazaaranimmada, waa xil mudnaantiisa leh, waa xil ammaano qaran ah, waa xil uusan ninna lahaanshiisa gooni u sheegan karin, waa xil uu nidaam dastuuri ku magaacabi karo madax-weynaha sida isagaba nidaam dastuuri ah loogu soo doortay, waana xil ummaddu leedahay oo iyada loogu adeego sida xil-kasta oo kalaba, dadka yaacaya ee danaha ka lehow sidaas marka hore maanka ku haya, marka labaadna meel ha uga dhicinna xilka xafiiska qaranka.
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM













Madaxwaynaha cida uu keenayo waa cadahay mxaa laysku waalayaa soomaalay dhoohaneey haysdaalinina ina gumeed walba intuu website isku qariyo furto ayuu meel fariisanyaa markaasuu leeyahay hebelbaa u dhow war taladfa dadkeeda haloo daayo waa la yaqAanaaye waa sidee
Yaa salaam walaahi qoraalkaaga anigoo wali raba inaan sii akhriyo ayuuba dhamaaday. Umalayn mayo inuu caqligaas maanta shaqeeyo. Hadii mushtamabu toosan yahay waxba Wayn ma khaldameen
scww. jimco wanaagsan ……………….
soomaalidu waxay kumaahmaahdaa hubsiimaa hal baa lasiistaa iyo intaadan falin kafiirso .almuhiim waxaan jeclaysanlahaa in madaxweynaha soomaaliya uusan dagdagin oo uu kabaaraandago ,halna hakudarsado inuu doondoono qof aay wadashaqaynkaraan oo aay waliba sigaara isudhaarsadaan inay soomaaliya si daacada uugu wada shaqaynayaan iskana ilaaliyaan sidii horay maamuladii kahoreyay lagu bartay oo ah khilaaf joogtaa iyo wada shaqayn la’aan,tan kale waa in madaxweynuhu daacad iyo alle aamin uusan katagin taasu waxaan hubaa inay gaarsinayso dhabaha guusha oo aay madaxweyne xasan lagu xasuusan’doono taariikh baal dahaba,..scww
Wxaa mudan puntland jagadaan beelaha daga oo ah ku ugu badan dagaan ahaan iyo dadba
Walaal axmed horta waad ku mahadsan tahay maqaalkan aad soo qortay. Inkastoo qoraalkaagu af- soomaali ahaan uu fiicanyahay, laakiin waxaan aad u dhibsaday waxa kugu kallifay in aad isticmaasho xarafka (z). Markaad qorayso “wasaaraha.” Miyaadan la socon in “z” aysan ka mid ahayn alif-beetada af- soomaaliga. Tan kale maxaad ugu malaysay in aysan aqristayaashu aysan fahmi karin kalimadda “karaamada” oo af- somaali ah oo aad ugu fasirtay kalimaddan kale “dignity” ee afka qalaad ah. Halkaas kasii wad qoraalkaaga, laakiin niyadda ku hay in af-soomaaliga la ixtiraamo.
Waxaa xaqiiq ah ereygaga ah ninka baryootanka ugalay kagadan inuusan hadhow waji buuxo oo kalsooni le uusan kula fadhisan karin madaxweynaha waliba uusan shaqadisana ugudan karin si madax banan oo waxaa iska cadaanesa in labada xilba waa mida madaxweyne iyo mida raisul wazaraba uu hooshowda wadayo ninkii laga soo tuugsaday wanacuudi billlaj bt any way illah hana siiyo raisul wazare damir leh kana danqanayo dhibatoyinka dibadaha iyo gudaha nagu heesato madaxweyne xasana allaha waafajiyo
fidnada rasalwasaaraha loo magacaabi la yahay waa qabyaalada. maa laga daayo ee iyagana isku sii diraysa. maa laga soo magacaabo ama reer xamar ama reer baraawe. xilkaan waa masuuliyad qaran ee ma aha masuuliyad beeli intifaacsanayso
anigu madaxweynaha waxaan kula talin lahaa Farmaajo ha soo magacaabo, Somaaliyey markaan saas leeyahay anigu Farmaajo la qabiil ma ahi, ‘xitaa dameerahanaga isuma tagaan’ laakiin waxaan eegaya maslaxadda dalka, jagadan qofkii loo magacaabo waxay ku qaadeysaa lix bilood ilaa sannad inuu hawsha si fiican ugu fahmo aqoon kasta ha lahaadee, Farmaajo waa nin Somalida inteeda badan oo kala gobol ah, shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qalabka sida ay isku waafaqsan yihiin. waa nin maalinta kowaad (day one) garanaya hawsha meeshii uu ka bilaabi lahaa, waddanka iyo ummaddiisaba xaaladda ay maanta ku jiraan lama sugi karo nin hadda ka dib tababar(training) qaadanaya oo aan la ogeyn inta ay ku qaadan dooonta 6bil mise sannad. madaxweyne haddii aad farmaajo magacowdo adigagana xil ba kaaga dhacay eedna kuma lihid waayo waxaad ka tarjuntay maseerka ummadda Soomaliyeed.
Ma arko anigu sabab macquul ah oo keeneysaa canaantaan aad soo jeedisey! Jagada ra,iisal wasaarennimo dadka soo codsadey oo faraha badan waxey la mid yihiin dadkii tan madaxweynennimada u tartamayey. Markaas wuxuu nin kastaa oggolaasho ka rabey xubnaha baarlamaanka. Haddana kuwaani waxey ogolaasho ka doonayaan hal nin oo ah madaxweynaha! Where is the problem?
Madaxweynahana wax lagu eedeeyo oo uu sameeyey oon ilaa hadda aragno ma jirto? Qofna ma magacaabin mana hadlin!
Waxa caraatanka iyo fadhi ku diriryadu iskaga kaftamayaan iyo foorjada qabiilka ku saleysanna dad mas,uuliyiin ah laguma eedeyn karo oo dadku sheekadooda way u madax bannaanyihiin!
waaaaw wale waxbadan ayan ka fa’iiday taxliilkan cilmiyaysan Sooyaan’ow allah hakaa abaal mariyo. Realy u get the point.
Waa runtaa oo magacaabida waa xil shaqo oo madaxweynaha saaran mida kale dadka daneeynaya in ey R/wasaare noqdaan dabcan dadka kale wey ka hami weyn yihiin waxeyna qabaan in hadii iyaga loo dhiibaa ey wax badan umada u qaban karaan waana wax fiican in dad badan isku soo sharaxo qabashada xilkaan muhiimka u ah dowladnimada somaliya si madaxweynuhu u helo dad wada wanaagsan si uu uga soo dhax xusho qofka uu is dhaho jagadaan wuu u qalmaa,mida kale tuugmo ha u moodin ee qof walba Madaxweynaha ayuu la kulmayaa kana dhaadhicinyaa wada uu isagu uga duwan yahay mushariixnta kale,waana hab wanaagsan oo runtii uu kusoo bixi karo qofka u qalma xilka R/Wasaaraha.ma garan karo waxa adigu aad ku diidi in musharixiin badan isu soo taagaan laakiin waxaa dhici karta in aad qabto 1 ama 2 qof oo barakaad u dhiibo oo barakaad ka qaado ah in aad jeclaan laheed laakiin taasi ma dhicin ooo waxaa fursad la siinayaa dhamaan beelaha ka soo jeeda beesha loo gartay in uu R/Wasaaraha ka yimaado,waana taa mid badineysa tirada musharixiinta kursigana ka dhigeysa mid ey u siman yihiin dhamaan beelahada ka wada tirsan beesha loo gartay in uu R/wasaaruhu ka yimiid.
Waxaa habboon in dadka wax qorayaa ay marka hore soo bartaan sharciga wax-qoridda.
Dadku Dugsi Hoose sooma marin miyaa. Hakadka, Joogsiga, Qaaba-qowsaynka, halka gorfaynta
‘article’ laga bilaabo iyo halkuu ku dhammaado miyaan la soo barin dadkan?. Maxay yihiin waxakanu ummadda waa ceebaynhayaane?. War hooy annagaa balaayo aragnay!!!.
Soomalida qaarkeed waxaa madaxooda ka guuxaya kacaankii (Barakeysnaa ? ) ninka reysul wasaaraha noqonaya Adiga shaq siyan wax ku tari maayo mid maahane Wadanka iyo dadka inuu
Badbaadiyo maxaad qofqofkale uga jeclaaneysaa adigoo waliba is ticmaalaya magacyo ? Wadankeena Soomaalia Waxuu nabad & Cadaad helayaa Markaad adigu naftaada cadaaled kaa hesho iska daaya Qabyaalada & nin jecleysi Qofna Aduunka biilashaada ma bixiyo Qabrina kula galimaayo , Soomaaliyoo Nabad & Cadaaladi kajirto Ayaa kuligeen noo fiican state kaa rabto ka imoow , Viva Puntland & Soomaalia
ASW dhamaan bacda salaan kan qabiilka sheegaaya wadanka qaseeeeeeeeeeeeeeeeey
waa saxanyahay qoraagu qodabka uu taabtay qoraagu, ee odayaasha ukala xodxodaaya booska raysal waazaaraha waa arin ila wanaagsanayn oo madaxweynaha ku keeni karta tashwiish bal’se aniga rayigayga waxaa ila’quman in maadaama soomaaliland gooni usheeganayso gooni isitaag in madaxwenaha soomaaliya uu eego cadaaladda oo uu raadsho nin lashaqaynkara oo kasoojeeda puntland maadaama aay tahay puntland dawlad goboleed hoostimaada madaweyne xasan kana mida JFS ….
waxaana ila’quman in madaxweyne xasan iyo madaxweynaha maamulka puntland aay wadayeesheen wadashaqayn dhanka amaanka iyo dhaqaalaha iyo dhamaan wax fadaraal kadhaxeeya ,waxa arintaas masuuliyaddeeda lehna waa madaxweynaha jamuuriyadda fadaraalka ee soomaaliya ee u dhaartay masuuliyadda madaxtinimo soomaaliya waayo waa iskukeenihii ummada sooceliyihii nabadda iyo dawladnimada iyo barwaaqada waa sooceliyihii rajada waa sooceliyihii ummadaan kukalaluntlatay daafaha adduunka waxaa madaxweyne xasan lagarabaa dulqaad iyo geesinimo iyo alle kacabsi iyo cadaaladda oo ah furihii dawladnimo, gabagabadii waxaan ilaahay uuga baryayaa inuu noqdo madaxweyne xasan mid dadka soomaaliyeed u aayaan soona celiya dawladnimadii lagu caanamaalaayay oo la’aanteed aaysan nolol jiraynin …aamiin
R/wasaaraha Somalia barito ayaa la magacaabayaa inshalah waxaana noqon doona dr Ali Isse abdi oo ah aqoonyahan weyn oo wata shahaadooyinka MBA iyo Phd dhalasho ahaana kasoo jeeda gobolada SSC ee waqooyiga soomaaliya.
Soomaaliya allow dhowr aamiin
Anigu waxaan ahay qof reer puntlan ah, runtiina waan u bogay qoraalka uu soo bandhigay ninkaan waliba waxaan ugu mahdinayaa sida turxaan la,aanta ah ee uu u hadlay, waxaan aad ula yaabaa markaan arko qoraalo ay ka muuqato colaad iyo reer hebel hallaga fogeeye siyaasadda gaar ahaan waxaa aad iyo aad u muuqato in colaad xun loo qaba puntland taas oo xitaa aan la qarsanayn, waxaa wanaagsan in la ogaado in aan cidna wax loo diidanayn ee dhibka meesha ayaallaa uu yahay waxyaalihii qaran soomaliyeed ku dhismilahaa aan isku meel laga arag waana taas midda aadka loogu danaynayo raiisalwasaaraha, haddii aan bayaaniyo habka federaalka ah puntland aad ayeey u xiisaynaysaa soomali kalena waa ka soo horjeeddaa, shidaalka puntland isagana waa caqabad kale oo isha ayaa lagu wada hayaa tankale, magaalada kismaaya waa mushkilad kale oo soo korortay. marka arrimahaas la fiiriyo qolo walbo si ayeey u danaynaysaa raiisal wasaaraha soo socdo, waxaana dhab ah haddii puntland aanay magacaabista raiisalwasaaraha talo ku yeelan waxay urkaysaa in ay caqabado soo wajahayso arrimahaas aan kor ku soo sheegnay oo intoodda badani ay puntland ay hormuud ka ahyd, hadaba jagadaan waxaa iska leh beesha daarood yaa kartidaas leh oo aarimahhas aan soo sheegnay wajihi karo oo dhinacyada oo dhan isku xirankaro oo puntlana qancinkaro soomaalia inteeda kalana wax fahansiin karo. waa arrintaas midda meesha taall.
horta waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan uma somaliyeed ee dhamaan muslimka iyo wada walaalah ah mida labaad waxaan rabaa inaa u bishaareeyo dhamaan umada soomaaliyeed oo hada ku istaagtay tubta nabada iyo soo noqoshadii walaaltinimadii somaliyeed. runtii waxaan la yaabanahay ninka qoray article kaan kor ku qoran amaba maqaalkaan runtii wuxuu is moodaa inuu wax saxaayo lakin waxaa ka dhax guuxaayo rabitaan shaqsiyeed ama beleed runtii waxaa nasiib daro ah 22 sano oo qabyaalad iyo bur bur ah inaa wali nagu jiraan dad qabiil u caaboon. si kastaba ha ahaatee qofkasta oo somali ah sumcadiisu dhulka ayeey taalaa marka loo fiiriyo bulsho weyn te caalamka runtii waxaa naloo yaqaanaa inaa barabro nahay ama wax ka liita lakin marka anaga isku booteyneyno waxaa na moodaa inaa dad naga fiican uusan jirin. isku soo wada tuuttub qof kasta oo somali ah waxeey dani ugu jirtaa inuu wadanka oo nabad ah iyo sharafkiisa iyo karaamadiisa iyo cisi leh inuu ugu noolaado wadankiisa hooyo hadii doonto xataa dhamaan inta dowlada ku jirtaa ha wada ahaadaan ilmo adeer. waxaan shacabka somaliyeed u shegayaa kaca oo baraaruga is jeclaada intaas ayaa cisi iyo sharaf ku yeelan kartaane anigoo ka dabaaqaya rabitaanka shacabka somaliyeed waxaan dareensahay ineey yaraatay nin jecleysigii ama qabiil wax ku rabtii maadaama aan arkay shacabka u banaan baxay mudane Farmaajo kuwaas oonan ku qabeen aheen runtii waxaan dhehi karaa waa horumar ween oo la gaaray. Ilaah waxaan ka baryaaya dadka qabiilku wali ku jiro soo hanooni hadiisan soo hanooneyna naga qabo somaliyana nabad waarta na sii aaaammmmiiiin.
asc dhamaan akhyaarta gaar ahaan raxanreb iyo shaqaalaheeda sharafta leh salaan kadib qoraaga runtuu sheegay wana sax madaxweynaha xaalkiisu mafiicna wayo wax isga loo doortay inuu dad kale ama siyaasiyiin kale waxka weydiiyo maaha kow taas waa qaladkii 2aad oo uu galo kii kahoreyey waxuu ahaa isagoo kahadlay dhibkii kadhacay waqoyi galbeed oo qura kama hadlin waxii kadhacay xamar iyo xasuuqii hada kadhcay buuhoodle laascaanona kasocda uusna xitaa kahadlin mida kale haduu uurabo in ay uu guulaysto waa inuu kasoo dooraa beelaha dega puntland waayo waa somalaiada lasheego markii 2 loo qeybiyo meelka mid ah haduu uusan saas yeelin waa sidii aynu wad naqanay odaygu xamar soo dhaafimaayo waleee waliba aad ayaan u ogahay in ladhahay cid reer puntland ah hakenin ninka naga cararow adigu xageed aadin yaadse xukumin ma isbaaroyinka ayaad xumi dee iyo alshabaaba waxaan sugnaaba waa wakhtiga wiilkii labaxay AAR LIBAAX ee faroole waa diyaar sidii farmaajo ayuu dhahaa 5 airpor ee puntlad cidina kamasoo degi karto adinkaa caafimaadkiina og kkkkkkkkkkkkkkkk
waxaan la yabanahay in cabdiweli gaaas oo waqtigiisi dhamaday in umadda qurbaq jogtada uu soo jediyo nabadi ka jirto oo hadeer gowracii wariyasha ay xamar ka socdaan dadkii heer sare ka haystaan dibadaha jamacado iyaga iyo caruurtodaba dhamaynayaan uu u diro meel hadda in uu wadankii uuyirahdo waanabad ada waxaan runti u arkaa inu isagaba yahay cadowga kowaad ee ilahey kumanaystay dakii horey umaray teeda kale ma wuxuu moda dadkii ee somaliya hadeer kusugan in uu lahadlayo what ithink is crayzy and invy….
wallaahi adeer waxaad ka qortay qoraal aad iyo aad macno-uleh, laakinse waxaan jirin cid kula fahmaysa wax-yar mooye.aad ayaad u mahadsantahay.
HA U DOORAN RAYSALWASAARE REER BUNTLAND SABAHA SOO SOCDA AWKEEEED.
1-waaa dad nabad jecel
2-waa qarandoon
3-mamul iyo nabad bay dhulwayn ka sameeyeen
4-dadkaa ku qaxa oo ku badbaada.
5-cabdul yusuf baa kadhashay oo madaxtooyo la elaaway dib u xoreeyey.
6.shabaab iyo dawlad diid,midnimo diid.bay kasoo horjeedaan.
7-inkumeelgaar laga baxo bay aad uga shaqeeyeen,GAROWE 1,GRWE2,GALKACYO.
8.xoolo dawladeed iyo guryo iyo beero dadow ma bililaqaysan.
9-waydhiseen dhulkooda,horumariyeen waxbarshada iyo ganacsiga ,
ciilbadanaa waa nimanka 20 sano nabad iyo horumar ku nool..
asc wiil sanaag meel fiican baadku gaba gabaysay. fadlan qoraallada hakad iyo joogsi halooyeelo, waxaad moodaa daad dulun dulcaynaaya. bisinka.
ALLA MAXAY BULSHADU ISKA NACDAY NACDAY KUWA COMMENT GA QABIIL KUSOO QORA MEESHII LA RABAY MAWDUUCA LAGA HADLAY IN SI CILMIYA LOOGA FAA,IIDO NINKII AQOONTIISA WAX KU BIIRINAYA LAAKIN NACNACLAYAASHA AAN REERNA WAX U TARAYN WAX ISKU DIR MOOYEE BILLAAHI CALYKUM COMMENT GOODA MEESHA KA SAARA HADAYDAAN NOQONAYN WEBSITE YADA LOOGA CARARAY QABYAALADA REER NACAYBKA ISKU DIRKA UMADAAN JAHO WAREERSAN BILLAAHI CALYKUM SAAD U AHAATAAN WEBSITE DADKA AQOONTA, XIKMADA, IYO HAL ABUURKA LIHI AY KU QORAAN WARAR TURXAAN LEH AADNA U GASHAAN BAAL DAHAB AH
Asc, somalidu waxay tiraahdaa “hal boolliya nirig xalaal ah ma dhasho. Madaxweyne laaluush ku yimidna raisulwasaare Xawa loo xulay luguna doortay khibradda uu leeyahay, hawlkarnimadiisa iwm. Raisulwasaare casandra sheekh maxamud calasow wuxuu soo magacaabi doonaa nin uu ushiisa ka qaadan Karo markuu rabo. Illeyn horay somalidu u tiri ushaada ninaad ka qaadan kartaa loo dhiibtaa. Dib wax u fiiriya iyo sida wax kusoo abuurmeen markaas waxaa Kuuseey muuqan doona halka dhabtaa. Ee reerka lgu furi dooming!!!
@ Nur
Haddii xaqa laga hadlo abdiweli naf iyo nolol koofur uga horeysay lama hayo ee soomaalida qaarkood abaal laga waa waana tan Illaahay cadaabtiisa ugu samaystay…kkkk
Orgi iyo wan midkood ha laga dhigo