Raiisul Wasaare Ceynkee Ayaan Sugnaa. W/Q Faarax Farahsan
RAIISAL WASAARE CAYKEE AH AYAAN SUGAYNAA
Faarax Farahsan
Farahsane2@gmail.com
Sabteembar 16 2012
Waxa durbaba soo baxaya magacyo xilli Madaxweynaheena cusubuu ka fekerayo cida ku haboon Raiisal wasaare cusub oo ah meeshii laga hagilahaa hanaanka cusub ee dawladu qaadi doonto. Hadaba raiisal wasaare noocee ahayaan sugaynaa, maxaase aan ka filaynaa inuu ku dhaqaaqo, maxaase aan kafilaynaa inuu ka fogaado?
Waa muhiim in Raiisal wasaaraha cusub la jaanqaadi karo isbedelka yar ee Somaliya ka dhashay sida dhalashada Madaxweyne iyo raiisalbarlamaan.
Dhinac markaad fiiriso wax isbedel ah kuma imaan hanaankaqabiliga ah ee keenay kuwii iyaga ka horeeyay, dhinaca kalana waxay horseed kanoqon karaan hamiga ummada Somaliyeed ku doonayso cadaalad iyo nolosha shacbigaoo laga dareemo isbedel.
Madaxweynaha ayaa dastuurku siiyay inuu soo magacaabo raiisalwasaaraha waana meesha laga filayo inuu ka baydho hanankii sadaxeysnaa ee horeu jiray si loo arko isbedel yar.
Masuuliyada inuu yimaado qof qaldan waxa iska lehMadaxweynaha waana isaga inuu saxo qaladkaasi.
Haddii aan soo koobo waxa laga sugayo Madaxweynaha iyoRaiisal wasaarihiisa iman doona waxaan ku bilaabi karaa qodobadan soo socda.
1. Waa in la yareeyo wasiirada ay helayaan sadexda masuul eehaysta jagooyinka ugu sareeya haddii la siiyana loo magacaabaa jagooyinka haddaaan muuqan sida beeraha, warshadaha, kaluumaysiga, cimilada iyo kuwa la midkaah
2. Waa in qabaailada kale ee aan haysan sadexdan jago ee ugusareysa loo magacaabaa goobaha muhiimka ah sida arimaha gudaha , arimahadibeda, difaaca, caafimaadka, waxbarashada, dib u dhiska, iyo wixii la mida.Ayna ku lahaadaan wasiiro tiro badan oo muuqda.
3. Waa in aan la arag isla sadexdii dawladda ugu sareysay oohadana loo kala dhiibay goobihii ugu muhiimsanaa golaha wasiirada sidii aanhore u naqaanay. Sababtuna waxay tahay waxaad moodaa in boosaska qaar aynoqdeen kooto hal qabiil leeyahay.
4. Waa in haddii wasiir la bedelo aan isla booskaasi lakeenin mid isla cidiisa ah ee la keeno qofkale oo ku haboon oo aan ahaynsadexda ugu sareysa dawladda, waxna u dhimayn isku dheelitirka qabaailada.Waana in lagu xisaabtamo nidaamka jira ee 4.5 oo qabiilada isku raaciyay halmeel maadaama sadexda ugu sareysamatalayaan qabiiladooda lagu raaciyay 4.5 ayay muhiim u tahay in islaqabiiladaasi helaan boosas aan muhiim ahayn. Waana foolxumo inay jufojufo isusiiyaan boosas muhiima.
5. Waa in cadaaladu noqoto udub dhexaadka Raiisal Wasaraha cusub iyo Madaxweynaha, hawshiisa uguhoreysana ay tahay in codsi la horgeeyo barlamaanka si looga takhaluso nidaamkakala saraynta ee 4.5 ee kuwii ka horeeyay ku fashilmeen inay wax ka qabteen.
6. Waa in si dega dega loo bilaabo lafagurida iyo SIFEYNTAdastuur dhoodhoobka sixiixayaasha iyo UN-tu ummada hoosta uga soo galiyeen. Tanwaxay iman kartaa haddii la helo Raiisal wasaare ku haboon shaqada, fahansanaweerarka lagu soo qaaday shacabka Somaliyeed. Waa hawl fudud haddii loo galo sidega dega.
7. Waa in dood fiican la hordhigo barlamaanka ku saabsanFEDERAALKA, loona arko caqabad kusoo korodhay habsami u socodka dawladda.
8. Waa in raiisal wasaaraha cusub iyo madaxweynuhuba kafogaadaan magacaabista maamul goboleedyo cusub iyo sii kala furfurida goboladalaga xoreeyay xagjirka sida Hiiraan, Jubooyinka, Bay iyo Bakool. Sababtu waxaytahay dadku waxay sugayaan in noloshooda wax laga bedelo ee muran qabiil dadkukama sugayaan inay waqtiga ku lumiyaan.
9. Waa in madaxweynuhu diidaa haddii raiisal wasaaruhu u soogudbiyo wasiiro ay ku badan yihiin hal jufo oo ka mida nidaamka 4.5. Waayo waaisaga inuu saxo haddii walaalkii qalad cadaalad daro soo gudbiyay una sheegosababta uu ku diiday oo caama.
UGU DAMBAYN
Waxaan ka rajaynayaa Madaxweynaha cusub inuu kasoo baxokaalintiisa ku aadan inuu keeno qof ku haboon hawshan. Hore waxaan u sheegayinay rag iyo dumar ku haboon joogaan mase rabo inaan mar labaad ku celiyo. Aanrajayno isbedel muuqda oo taabta nolosha qofka Somaliga ah.
Faarax Farahsane
Hargeys
Farahsane2@gmail.com
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












asc sxb cid kaala tashanaysaa mabajirto ee taas ogoow
Aniga waxay ilatahay in jagooyinka waa wayn ee waliba dhaqaalaha iyo amaanka ah loo dhiibo beelaha mogdisho si iyaga loo qanciyo marwalba madaama ay ku xirantahay iyaga in mogdisho nabad laga dhigo isbaraduna iyaga utaal. si isbaarada ay uqaadaan wax walba halasiiyo.
Faraxhsan, no offence, laakiin, Ilaahow yaan cidna kaala tashan masiirka Umadda Soomaaliyeed.
Wa Billaahi Towfiiq,
Maxamed Deeq
asc.waa in. loo magacaabaa beelaha aan waligood qaban soda beesha so wadanka amaankiisa loo sugo oo shaqada loowadaago waayo beelo badan ayaa soo qabtay.intaariikhda qorayso.marka waa in arikan aad loga firsadaa waayo waa muhiim in loosinaado awood qaybsiga
Allow maxay beelo ku waasheen haddana ku wax la´aadeen. Meeshii la oran lahaa wax gwrad inoo doorta, waxay ku meereysataa qabiilka aan wax loo dhiibin iyo qabiilka laga tegey. Miisaanka dowladnimadu maahan qof kula beel ah ee waa qof wax garanaya. Inta ay taasi maqan tahay walle woarlord iyo wadaad waalan bey u dhexeeneysaa.
faarax dawladu waxay rabtaa dad socod siin kara… federalka somaali baa ku heshiishay.somaalina hada waxay u kala dagan tahay qoys qoys marka maxaad ku badali lahay? dadka oo dhan in hall meel looga taliyo soomaali waa diiday. adigoo raali ah. waxaa aad faraxsanahay inaan ilaahay adiga talo noogu kaa dhiibin