Raysul Wasaaraha Ingiriiska oo Doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Ku Tilmaamay Wadada Dimuqraadiyada oo Cagta Lala Helay
London (RBC) Raysul wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya isagoo u hambalyeeyay shacabka iyo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
David Cameron oo ka hadlay isbedelka ka socda Siyaasada Soomaaliya ayaa ku sifeeyay doorashadii xalay ka dhacday Muwdisho mid taariikhi ah oo cadeyneysa in Soomaaliya ay hadda kowsatay wadadadimuqraadiyada.
“Waxaa u yaalla Soomaaliya jid dheer oo dimuqraadiyada oo ay hadda cagta la heshay” ayuu yiri Cameron.
Wuxuu amaanay qaabka isu tanaasulka leh ee baarlamaanka Soomaaliya u doorteen madaxweynaha cusub iyadoo in ka badan 22 musharax ay ku tartameen doorashada madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya.
Sidoo kale wakiilada wadamada Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti ayaa hambalyeey doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyadoo dhanka kale ururada Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta ay cadeeyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in doorasho Soomaalida isku dooraneyso ay ku qabsadaan dalkooda gudihiisa markii ugu horeysay 22 sano kadib.
RBC Radio
XafiiskaWararka Nairobi











