Raysul Wasaaraha KMG Ethiopia oo Sheegay in Si Dhow Ay Ula Shaqeyn Doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh
Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha KMG ee wadanka Ethiopia Hailemaryam Dseglan ayaa maanta hadal uu ka jeediyey munaasabadii caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu ku sheegay in dawlada Ethiopia ay la shaqeyn doonto hogaanka cusub ee Soomaaliya.
“Waxaan u hambalyeyneynaa madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya, waxaana u rajeyneynaa inuu ku guuleysto hawlaha horyaalla” ayuu yiri Hailemaryam.
Wuxuu Hailemaryam sheegay in sidii hogaankii isaga ka horeeyay ay ula shaqeyn doonaan dawlada cusub ee Soomaaliya isla markaana wuxuu tilmaamay in saaxiibada kale ee gobolkuna ay garab istaagi doonaan madaxweynaha cusub.
“Saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamka way ku taageerayaan” ayuu ku yiri Hailemaryam madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in derisnimada iyo nabad ay ka rejeynayaan Soomaaliya isla markaana haddii ay hagaagto Soomaaliya ay Ethiopiana dan weyn ugu jirto.
Raysul wasaaraha KMG Ethiopia oo ka mid ahaa madax kala duwan oo adduunka uga timid maanta ka qeybgalka xaflada caleemsaarka madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in ummada Soomaalida ay u baahan tahay waxqabad dawlada cusubna ay u taallo shaqo adag.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Wuxuu Hailemaryam sheegay in sidii hogaankii isaga ka horeeyay ay ula shaqeyn doonaan dawlada cusub ee Soomaaliya……………………………waa cajiib!!
War miskiinkaan Tigriye ay xaniinyaha haystaan “has the audacity” uu ku dhaho hawsha meeshii papa Meles Zenawi baan ka sii wadaynaa. Waxay ilatahay soomaaliya way garanaysaa meesha papa Meles Zenawi na dhigay inkasta oo aan anaku isdhignay goobtaas foosha xun leh.
Waxaan rajaynayaa in madaxweynaha cusub uu Allah ku tiirsado ee uu san ku tiirsan Ethiopia, Allahna towfiiqda iyo taladda toosan hana waafajiyo, Aamiin.
Itobiya. Hadii. Aysan soomaliya faraha kalabixin. Waxan ka dhihin sida Aan ka dhigay xamarwayne iyo shangani.
Hailemaryam iyo Ethiopian fara galintooda ma rabno mana rabno faragalin sheesheeye iyo Gaalo. talo iyo maxaan qabana kama arabno in taan si fiican u istaageena dowladeena
[...] Raysul wasaaraha Ethiopia Hailemariam ayaa markii uu arrimaha Soomaaliya ka hadlayay sheegay in dhibaatada ka jirta Geeska Afrika ay khatar ku tahay danaha labada dawladood, isla markaana Kenya iyo Ethiopia ay yihiin dawladaha urur goboleedka IGAD ka tirsan ee waqti badan iyo ciidamo ku bixiyey sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya. [...]