Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Guddoomiye Cusub u Dooratay Siciid Xuseen Ciid [Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Guddoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid

Boosaaso [RBC Radio] Xaflad balaaran oo lagu qabtay hoolka Shirarka ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa si rasmi ah Guddoomiye cusub loogu doortay Siciid Xuseen Ciid oo horey u ahaa Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Rugta.

 
Xafladda oo ay kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin kala duwan ayan ugu cadcadaayeen Guddoomiye Kuxigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide,madaxda Rugta Ganacsiga,ganacsato iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa xil-wareejinta Guddoomiyaha cusub Siciid Xuseen Ciid halka Guddoomiyihii hore Maxamuud Xayir Ibraahim uu kamid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
 
Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Eng Axmed Ciise Maxamuud oo ku wareejiye xilka Guddoomiyaha cusub ee RGW Puntland Siciid Xuseen Ciid isla markaana sii haye ka ahaa xilka ayaa sheegay in xil-wareejinta Hoggaanka sarre ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ay timid ka dib markii Maxamuud Xayir Ibraahim oo ahaa Guddoomiyaha Rugta uu kamid noqday Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.
 

Guddoomiye Kuxigeenka gobolka Bari ahna sii haya xilka Guddoomiyaha Yuusuf Muumin Bide

Eng.Axmed Ciise Maxamuud ayaa tilmaamay in sida uu qabo sharciga u yaala Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland haddii uu baneeyo ama ka tago Hoggaanka ugu sareeya RGW xilka uu la wareegayo Xoghaya guud iyadoo uu markaas kusii wareejinayo Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Rugta.

 
Guddoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid oo markii uu xilka la wareegay la hadalo kooban kasoo Jeediyey madasha ayaa sheegay in marka hore uu u mahadnaqayo marti sharafta kasoo qeybgashay Xafladda isla markaana waxa uu amaan iyo boggaadin uu u diray Hoggaankii hore ee Rugta Maxamuud Xayir Ibraahim isagoona ku amaanay hawshii uu qabtay mudadii uu Hoggaanka Rugta Ganacsiga hayey.

Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Eng Axmed Ciise Maxamud

 
..”"Rugta Ganacsiga Puntland Maamulka anihu aan ka tirsanahay waxaa la dhisay 2009,waxay shaqeyneysay muddo dhowr sano ah runtii waxyaabo badan ayey qabatay oo Rugta Ganacsiga Isbadel weyn baan ku sameyney,waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa una bogaadinayaa Guddoomiyihii hore Maxamuud Xayir Ibraahim doorkii lama ilaawaanka ahaa uu kasoo qaatay horumarinta RGW iyo dhidibada in loo taagey qaab shaqeedka Rugta iyo horumarkeeda..”“ayuu yiri.
 
Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa xusay in Mudada uu Hayo Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ku dadaali doono in Isbadel la taaban karo kusoo kordhiyo ayna halkeedii kasii wadayaan hawshii ay u hayeen bulshada reer Puntland.

Madaxa Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha ee Shirkadda Golis Telcom Faarax Xaaji Mire

 
Madaxa Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha ee Shirkadda Golis Telcom Faarax Xaaji Mire oo isaguna ka hadlay Xafladda ayaa amaan usoo Jeeday Madaxda iyo shaqaalaha Rugta Ganacsiga,wuxuuna ka dhawaajiyey inay la shaqeyn doonaan Hoggaanka cusub.
 
..”" Aad baan ugu faraxsanahay inaan kasoo qeybgalno Munaasabadan runtii waxan aad ugu amaaneynaa Raggii Rugta Ganacsiga mudadii dhaweyd soo wadey oo waxqabad muuqda oo la taaban karo soo qabtay Guddoomiyihii hore oo hadda u dalacay Xildhibaan qaran iyo Guddoomiyaha cusub oo maanta xilka lagu wareejiyey iyo Ragga kale oo shaqada gacanta kula soo hayey,waxaan aad ugu amaaneynaa waxqabadkii balaarnaa oo ay soo qabteen mudadii ay xilka hayeen…”"ayuu yiri.

Hoggaanka Wax-soo dejinta Ganacsatada

 
Guddoomiye Kuxigeenka gobolka Bari ahna sii haya xilka Guddoomiyaha Yuusuf Muumin Bide oo Gunaanadkii soo xiray Xafladda Xil-wareejinta ayaa soo dhaweeyey Hoggaanka cusub ee Rugta Ganacsiga isla markaana waxa uu balanqaaday in ay la shaqeyn doonaan ka maamul ahaan.

Ganacsatada oo Fadhida Madasha

 

Madasha oo la fadhiyo

Xafiiska Guddoomiyaha cusub iyo Ganacsato kale

 
_____________________
 
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
Share

Tags:

1 Response for “Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Guddoomiye Cusub u Dooratay Siciid Xuseen Ciid [Sawirro]”

  1. [...] View post: Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Guddoomiye Cusub u Dooratay Siciid Xuseen Ciid [Sawirro] [...]

Leave a Reply