R/Wasaare Dr. Cabdiweli Gaas oo maanta gudbiyay Arjigiisa Musharaxnimo [Warsaxaafadeed]
Ra’iisul Wasaare Gaas oo Noqday Musharaxii Labaad oo Buuxiya Shurruudaha Musharaxnimada.
WARSAXAAFADEED
(Muqdisho, September, 05, 2012) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gudbiyay Arjigiisa Musharaxnimo.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa buuxiyay dhamaan shuruudihii ay soo gudbiyeen Gudiga Doorashooyinka Madaxtinimo ee dalka.
Kadib markuu u gudbiyay Gudiga Doorashada Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa saxaafadda kula hadlay xarunta golaha shacabka oo aheyd xaruntii la geynayay Araajida Musharaxiinta.
Wuxuuna R’iisul Wasaaruhu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta gudbiyay arjigii musharaxnimo, isagoona intaasi ku daray iney guul u tahay shacabka Soomaaliyeed in Caasimada dalka ee Muqdisho lagu qabto doorashooyinka Madaxweynanimada markii ugu horaysay mudo 45 sano ah, kuwaas oo ka dhici jiray labaatankii sano ee lasoo dhaafay dalka dibadiisa.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashooda uu waxbadani ka qaban doono Arrimaha Amniga,Dhaqaalaha, Waxbarashada, Shaqo la’aan, Caafimaadka, Dib u dhiska dalka, La dagaalanka musuq maasuqa, Kana shaqeyn doono sidii loo hormarin lahaa arimaha Cadaalada.
—Dhamaad—-
–
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia











[...] Taken from: R/Wasaare Dr. Cabdiweli Gaas oo maanta gudbiyay Arjigiisa Musharaxnimo [Warsaxaafadeed] [...]
Gaas waa kasoo bixi karaa kartideedana waa lee yahay In Soomaaliya Aay gaarto Nidaam Asxaabta badan Si marlooga gudbo Jaah wareerka Qabyaalada Baa bi isay Dadkii & Dalkii , Afartaan Sano oo Soossocoto Waa Afarta Wadankeenu Kala cadaaneyso Xagee Rabnaa Inaan Ka galno World cumunity ? Waa la soconay Sidaan aheyn 35 sano ee Lasoo dhaafay, Waxaan u baahanahay Badbaado Qaran Iyadana Waxaa Wadadeedii bilaabay Gaas & Dowladiisa Marka Ha loo hiiliyo Qaranka & Soomaali nimada , Gaas waa nin dhisan Wax weyna u Qabankara Somaalia & Dadkeeda, Waxuu katagay Shaqo Fiican Maaheyn Nin Baahan Ama Sidaan u naqaan Dadkeena Qurba joogta Qof (nolosha ka dhacay)Gaas Soomaaliyaa Ubaahan Waa in ladoortaa si Wadankaan & Dadkiisa Loo badbaadiyo, Ha u fakarin Inaan U lee yahay Gaas beey Satate kawada yimaadeen Hadaa tahay Soomaali, Gaas ma bi xiyo Biilasheeyda Kana Sugu maayo Ugamana baahni Thanks ( God) Waxaan u baahanay Musuul U Adeega Soomali Oo Dhan Una Wada Siman yihiin Soomaali Oo dhan Sida Gaas, Viva Puntland & Soomaalia
R/Wasaare C/wali dooro waa faroole ama ceydiid dooro waa nin isagoo xil dowlada ka heyn wareeysi caro qabiil ka muuqato idaacadaha soo mariyey mana jiro ruuux somali ah oo aan isaga ku qolo aheen oo qof ahaantiisa ku dooanayo sababtoo ah warkiisa ayaa ka soo horeeyey oo isagaa wuxuu yahay umada u sheegay marka ama ha is sharaxo oo Kenya hakula soo heshiiyo inuu bada somaliya u saxiixayo ama yuusan isi sharixine C/weli uma qalmo inuu somali oo dhan metelo.
asc
raxareeb warka qofka sirmaqabe labaxay qoray waa been abuur iyo isir nacayb ay Dayniile qortay marka qofka waxaan jirin in laga sheego maaha idinkuna haddaad dadka usoogubisaan waxaas oo kale hadde Dayniile oo kale ayaad noqonaysaan.
sirmaqabe hadaa ma sheekh shariif baa ka fiican waa kaa malin iyo habeen qabiil afkiisu ka guuxayo waa ninkii yiri waxa lagun noqonaya 90 meeyadii dagaladii dhacey yeyse u daran tahey waa isaga iyo qabiil kiisa sxb qabyaladu adigey kugujirtaa dadka intabadan yey ku jirtaa qofka waxqabdkiisa yaa lafiriya ninka aan madaxweynaha aheyn ee waqtigiisu dhamadey hadana maalinwalba degmooyin magacabaya maxey tahey adeer dadakan way tashan wayen somali ader ku cimri qado wa galkii males markuu baqtiyey duugtiisii ay nin walba qabiilkiisu gooni u tagey waxaey ku tusaysa in somali kalatagtey way adagtahey in somalidii layaqaney soo laabato waxan muqdisho ka socdo waa ruwayad qabiil waxba haka sheegin adigu is fiiri xagee qabiil katagantahey iyo ninka kula qabiilka ah ee tartamaya .
Aniga siday ila tahay Kani Wax wanaag ah oo lagu naaloodo ma soo kordhindoono aan ka ahayn eex, qabyaalad gigiman oo Faroolaysan, ka la fogayn dhacab, musuq maasuq sii baaha, khayraadka badda oo uu Kenya lagu wareejiyo, Magaalada Somaliyeed ee Kismayo oo uu dad gaar ah u gacan geliyo, dagaaladii sokeeye oo dib loogu noqdo, ( alle Kama dhigo), Naas nuujin Pintland iyo qaaaar kaloo badan.
Somalia waxay u ooman tahay hugaamiye haybad leh oo huwan go’ a shaalka ah ee Cadaaladda.
Khaatumo allow dhowr and god bless Somalia.
Sirmaqabe, Hadii uusan uqalmin yaa uqalma? Ma Farmaajo? Ma akhrisay wuxuu qoray? Tan kale waraysiga aad ka hadlaysid caro ma ahayn een wuxuu ka jawaabayey su’aalo laga waydiiyo Puntland iyo been abuurasho lagu sameeyey reer Puntland. Teeda kale inta sharaxan yaa dhaama? Adaan kaa sugaynaa!
ASC, dhamaantiin. @Abshir Warsame, maxaad u leedahay Raxanreeb fikirka ninka layiraahdo Sirmaqabe hasoo daabina? Ma waxaad rabtaa in Raxanreeb kuu hiiliso oo ninkaan afkiisa qabtaan? Raxanreeb waa warbaahin dhexdhexaad ah, mara ninyahow cabaadka iska daa.
Sirmaqabe, waan kugu raacsanahay in Ra’iisal wasaarihii hora ee Gaas uu qabyaalidiista yahay, marka maadaama uu qabiilkiisa u dhaartay, jecel yahayna, ma xumee taas ee laakiin Pinitland ha xukumo, halkaas beey qabiilkiisa uga baahan yihiin. Dowlad dhexe oo Somali ka dhaxeeyso ninkaan Gaas ah uma qalma. Markii horeba qaladka waxaa lahaa, cidii magacowday oo laheeyd “poor judgejment”, waana u dignay, hadana waan idiin digeeynaa, iska ilaaliya Gaas, oo ha dooranina.
Sir qabe doqon baa tahay Iska hadlay oo daciif ah bro abdiwali gaas dhamanteen waa naqanaa inuu yahay nin sharaf leh oo daacad ah o had aqoon leh knob radna u leh inuu noqdo hogaamiye somaliyed waana uu ka soo bixi karaa waana u noqonayaa maraxwayne inshallah Allah intii yarayd buu ku hormariyay dalka maxad. Modaa asagoo jaanis fican la siiyay waxan hubaa inuu dalka dhisi doono waana nin kaliyah oo soomali mantay u bahantahay viva gaas guul insh alah
Fayod saaxiib farmaajo shacbiyad ayuu heystaa wax kasto uu qorayna umada xiligiisii iyo sidii dulunka ayeed ee uu xilka uga dagey ayey ka gilgilatay waana musharaxa kaliya ee maanta ugu shacbiyada badan laakiin cadaawad dowlado shisheeye ayaa hor taagan anigane isaga siyaasad ahaan lama dhacssani bacdamaa wadamo badan ka soo hor jeedaan oo hadii la doorto ey dhici karto in somaliya 4 sano ee soo socoto iney go’doon gasho,sidaas darteed shiikh shariif waxaan ku taageeray laba arimood midi waa isagoo ku dhiiraday inuu itobiya ka hor yimaado oo uu magacaabay farmaajo iyo isagoo ka soo jeedo beesha la yiri iyadaa kursiga Madaxweyanaha leh taas oo aan dood ka qabo waxaanse kuu sheegayaa aniga Dr. Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo runtii aanan igu qabiil aheen ayaan dooran lahaa sababtoo ah waxaan la wadaaagaa wadanimadiisa iyo somali jecelkiisa waxaana qabaa hadii uu waayo kusiga madaxweynaha kuna guuleeysto qof ka soo jeeda beesha hawiye in Dr. Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi laga dhigo R/Wasaaraha Somaliya waana qabaa inuu 2 xilba ka soo bixi karo.saaxiibada kale ee commentska aragtideyda ka sameysay waxaan oranayaa xauunka qabiilka iska bixiya oo runta yeysan idin gubin fadlan:D