Safiirka Soomaaliya ee Siiriya : Naftii hure! W/Q Gen Mohamed Osman Qaddi
Safiirka Soomaaliya ee Siiriya : Naftii hure!
Gen Mohamed Osman Qaddi
godobjr1@yahoo.com
Sabteembar 14 2012
Qoraalkan waa mid aan ula jeedo inaan kula socodsiiyo ummadda Somaliyeed iyo dowladda la filayo inay dhowaan ka curato waddanka, in Ambassador Bashiir Xaaji Cismaan oo ah sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya uu yahay muwaadhin Soomaaliyeed oo dhab ahaan u taagan xilka Dan-jirenimo ee uu u hayo dadka Soomaaliyeed.
Waxaan rabaa inaan cadeeyo inta aan ogahay anigoo waliba ah nin oday ah soona shaqeeyay aaminsana inaan xog ogaal ahay ilaa iyo xad in Ambassador Bashiir Xaaji Cismaanoo ah sii hayah Safaaradda Soomaaliyeed ee Suuriya uu yahay muwaadhin wanaagsan oo naftiisa u huray, isla markaasna xil weyn iska saaray inuu si daacadnimo, karti iyo hufnaan-ba leh uu wax ugu qabto dadwaynaha Somaliyeed ee deggan Siriya isagoo ay isugu mid-yihihiin oon u kala saarin hayb-hayb iyo qabiil, wuxuuna ugu shaqeeyaa si mas’uuliyad ay ku dheehantahay iyo daacadnimo inta aan ogahay karaankiisa ah.
Ka dib markii ay dagaalladu ka bilowdeen gudaha waddanka aan walaalaha nahay ee Siiriya, arrimaha geesinnimada leh oo uu muujiyey Safiirka waxaa ka mid ah inuu naftiisa u huro dad-weynaha Somaliyeed oo asagoo og khtaraha jira iyo colaadda inta ay la egtahay ayuusan hadana u aabo yeelin intaas oo dhan ee uu qoys kasta oo dhibaataysan oo Soomaali ah ugu tagaa meeshooda si uu dhibka uga soo badbaadiyo.
Bashiir (waa safiirkee) waa nin inta aan ka bartay ay ixtiraam iyo qaddarin-ba ay u wada hayaan xukuumadda iyo dadweynaha Siiriya, asaguna mar waliba u rajeeya walaalahayo reer Siiriya khayr badan, lana jecel in ay ku wada noolaadaan nabad, barwaaqo iyo bash-bash.
Haddii aan nahay Somali, markii uu qarankeenii burburay dagaalladii ehelka ahaana ay ina aafeeyeen, marnaba ma ilaawi Karno sidii ay Siiriya aydoo isku duuban dawlad iyo dadwaynaba ay noogu soo gurmatey oo ay noogu soo dhaweeyeen dhulkooda markii ay na diideen dowlado kale oo Carbeed.
Waxaa nagu waajib ah inaannu ka fogaanno faafinta xumaha, fidnada iyo wixii kala geynaya ama isku diriya Ummadda Somaliyeed, waxaan filayaa inay nagu filantahay 22 sano oo aan ku nooleyn qabiil iyo is dil, dhac iyo boob , qax iyo gaajo, cuduriyo tuugsi, dullinimo, hoog iyo baaba’ naga reebay asaageen.
Mudane Bashir waa aqoon-yahan, dhallin yaro ah, Allana uu ku mannaystay xikmad iyo caqli ballaran, asaga iyo kuwa la midka ah waa inaannu soo dhaweynaa oo dhiiri gelinaa, waxaa nagu waajib ah inaan tilmaanno oo sheegno wixii khayr ah, si loogu daydo dhiiri gelinna ugu noqoto dhalinta yar-yar iyo jiilalka soo koraya isla markaasna ay ugu daydaan dadkeena wanwanaagsan, si ay u horseedaan aayo wanaagsan oo oo lagu gaaro barwaaqo iyo baraare..
“Soomaaliya Ha Noolaato”
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM













Gen. Qaadi waa runtiis waxaan markhaati ka ahay in Ambassador Bashiir Xaaji Cismaan uu yahay shakhsi nadiif ka ah qabyaaladda soomalina ay u siman tahay daacadnimona ku dheehan tahay waxaana jeclaan lahaa in safiirada kale ay ku daydaan Amb.Bashiir .
[...] View the original here: Safiirka Soomaaliya ee Siiriya : Naftii hure! W/Q Gen Mohamed Osman Qaddi [...]
ASC, Gen QADI WAAD MAHADSANTAHAY SIDAAD NOOLA SOCDISIISAY WAXQABADKA & HUFNAANTA BASHIIR XAAJI CISMAAN. WBL-TOWFIIQ,
Asc
Inigu waxaan maqlay in safiirka Suuriya jooga uu dad Soomaaliyeed ee degan iyo ku doonayaa in ay soo galaaln uu qarash badan iyo laaluush qaato. Xitaa Suriya oo Ugol viise dadka waxaa ka macaasha raga jooga safarada.
Marka, I don’t know if this is the dude that is profiting from he poor Somalis but will ask around.
saan anigu maqlay safiirku dadka lacag badan oo laaluush ah ayuu dad ka kaqaataah. xataa marka laxiro mawaadiniinta soomaaliyeed oo larabo in lasoo daayo lacag badan ayuu qaataah. hada waxaa jirtay in dad badan oo tahriibaya laga soo qabtay xuduuda turkiga, markaan calaa qof uu ku soo furtay$1000 u.s ah. markaan way diiyay dadkii yaa lacagta qaata dadkii? waxay ku jawaabeen 85% asagaa qaatah
anigaa suuriya ka imid beena sheegi mayo oo ilahay baa og walahi tuu ninkaas aniga iyo dadkale ku dhigay waa mid ana ilawi doonin kamana shekayn karo dadkii suuriya jooga oo iyaqan ayana og waa mukhalas gata dadka masakinta oo somalida ee dagan suuriya hadad rabtan xog dhab ah suuriya shacabka jooga waraysta raxanreeb gaar ahan adinka waraysta hadan khal danahay ii soo jawaba xal marin ayan bixinaya walahi walahi in ana been sheegayn basaborkaygii ayaa iga dhacay ii cusbonaysii ayan ku iri madax xurasho ayuu yiri lacag keen 2000 oo dolar hadadan keenin waan ku xiraya waligay anoo tahriib niyaysan ayan dartiis u soo tahriibay dhib badana iga raceen
Bashiir aniga ilama fiicna, SAAXADA SIYADNA(syria) LAGAMA JECLA, xaafada HURNA ayadana XAFISKII JALIYADA AYUU NAGA XIREY, qolka uu GURIGA JAALIYADA ku leeyaheyna MARKUU YIMAADO naga FURO, sidaan MAQAAYADA u fadhino AYAAN DAALNAA.
GEN.QAADI WADMAHADSANTAHEY QF KASTA OO SOMALI AH XIL LOODHOOBO SAAS OO KALE AYAA LOGABAHANYAHEY
hadii bashir aan amano raxanreeb way sii daynaysaa hadan runta ka sheegno oo xaqiiqada aan sheegno dadka hold ayaa galinaysan saas cadalad maha waxayna dhib ku tahay wax qabadkiina waxana u egtihin dad bidix ah ama dad lacag qatay xaqiiqdii sumcad xumaa idibku dhacday ayan filayaa wab kii nana hada nahay beesha aad ku ab tir satan waan ka fiir sanaynaa