Saraakiil Ka Tirsan Xisbul Islaam Oo Lagu Xiray Gaalkacyo Ayaa La Sii Daayay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaalkacyo [RBC Radio] Sida ay saxaafadda u sheegeyn saraakil ka tirsan maamulka Puntland, waxa maanta la sii daayay labo sarkaal oo ka tirsan ururkii Xisbul Islaam kuwaasoo shaley lagu xiray garoonka diyaaradaha maagaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Labada sarkaal ee la xiray isla markaana maanta la sii daayay ayaa waxa ay kala yihiin Sheekh Maxamed Macallin oo ah afhayeenka maamulka iyo Xasan Mahdi oo ka mid ah madaxda sare ee ururka.

Waxa la sheegay labadan sarkaal in ay ka soo laabteyn kulan madaxda Xisbul Islaam ay ku yeesheen toddobaadkan gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Ilaa hadda lama sheegin sababta loo sii daayay labadan sarkaal, laakin illo madax banana ayaa ku soo waramaya in sii deyntooda ay gacan ka geesteyn culumaa’udiin iyo odayaal ka soo jeeda Puntland.

Labada sarkaal ayaa la sheegay isla maanta in ay ka duuleen garoonka magaalada Gaalkacyo, mana la sheegin halka ay u socdaan.

Sheekh Maxamed Macallin ayaa toddobaadkan shaaciyay in ururkooda Xisbul Islaam ay ka baxeyn Al-Shabaab kaddib markii laga dhabeyn waayay wax yaabihii labada urur isla midoobeen labo sanno ka hor.

Xisbul Islaam ayaa la sheegay in uu yahay urur qunyar socod, kuwaasoo hadda doonaya in ay wadahadal lagalaan dowladda cusub ee Soomaaliya.

Ilaa hadda hoggaamiyaha ururkaas Xasan Daahir Aweys kama hadlin warka ku saabsan in ay kala baxeyn Al-Shabaab iyo iyaga.

Al-Shabaab oo hadda culeys ballaaran uu heesto, ayaa warkaas ku tilmaamay mid aan sal iyo baar toona lahayn, kuwa sheegeyna ay yihiin kuwa doonaya in ay kala dhantaalaan cududa labada urur sida ay hadalka u dhigeyn.

Labada urur ayaa ka hor inta aysan midoobin waxa dhex maray dagaallo, laakin aaqirkii waa ay heshiiyeen.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Share

Tags:

1 Response for “Saraakiil Ka Tirsan Xisbul Islaam Oo Lagu Xiray Gaalkacyo Ayaa La Sii Daayay”

  1. qadar says:

    dadka soomaalida ah waa la qayaami karaa war kuwan uu ugu horeyo xassan daahir aweys waa ku wii dilay oo gacma jar ugaystay dhalin yaro badan kuwan waa dhiig yacab macnana usamayn mayso haday dhahaan inay ka go een Alshabaab danbiyada way wada galeen haday runta sheegayaan waxay ka goi lahaayeen Alshabaab itii uu xasuuqa bilaaban.

Leave a Reply