Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Isaga Baxay Kismaayo
Kismaayo [RBC Radio] Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Kismaayo naga soo gaarayo ayaa sheegaya in xaley magaalada ay isaga baxeen saraakiishii ugu sareeyay Al-Shabaab, kaddib markii shaley dagaallo culus ay ka dhaceyn deegan 70-km u jira Kismaayo
Dad ku dhaqan magaalada oo diiday in la soo xigto magacyadooda ayaa sheegay in madaxda Al-Shabaab ay xaley fiidkii isaga baxeen magaalada iyagoona aa.day dhinaca Jilib Kudhaa, iyo Beer-xaano.
Magaalada ayaa la sheegayaa in lagu arkayo ciidamo sit eel-teel ah u jooga, wallow Al-Shabaab xoogeeedii magaalada ay isaga baxeen.
Bixitaanka saraakiisha Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa in ay ka dambeeso markii ciidamada huwanta ay ku soo durqeyn magaalada oo shaley ay soo gaareyn deeganka Soonya oo 70-km dhinaca waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.
Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa raaskambooni oo gacan ka haleya ciidanka Kenya ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay siddii ay u qabsan lahayaeen magaalada Kismaayo oo ah isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Al-Shabaab.
Haddii Al-Shabaab laga qabsado Kismaayo waxa ay taasi la micno tahay in ay waayeen meeshii ugu dambeesay ee dhaqaalaha ugu badan uga soo xaroon jiray.
Ma cadda sababaha keentay in Al-Shabaab madaxdeedii ay isaga baxdo magaalada Kismaayo, halkaasoo hadda ay xoogeeda isugu geesay.
Al-Shabaab tan iyo sanadkii hore markaas oo ciidanka Kenya ay soo galeen gudaha Soomaaliya waxa ay dagaallo kula jirtay ciidamo isbaheestay, taasoo ku keentay culeys ballaaran isla markaana ay horrey u waysay dhul badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Dadka magaalada Kismaayo ayaa markasta ka cabi qaba dagaallo ka dhacay magaalada, laakin bixitaanka madaxda Al-Shabaab ayaa waxa ay yareen kartaa dagaallo lagu hoobta oo ka dhaca magaalada Kismaayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












[...] Read More: Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Isaga Baxay Kismaayo [...]
Shabaab iyo ciidamadooda weey ka bexeen Kismaayo taariikhdu markeey eheey 9/15/2012, sababta ciidamada huwanta u galin kismaayo ayaa ah ayaga oo damacsan in eey jilib iyo bu’aale eey qabsadaan si eeysan shabaab usoo rogaal celinin ama arbush u sameeynin iyo dhuumaaleeysi
sida aan ku helay warar ka dib xiriir aan la’sameeyay qaraabo dagan Kismaayo, sababta kale ayaa ah in eey shabaab hubeeyeen qabiilada kadib markeey shiriyeen odayadii kuna wargaliyeen in eey dufaacdaan magaalada, si uu u yaraado khasaaraha shacabka soo gaara iyo xasuuq eey geeystaan ciidamada kenyatiga ee careeysan ayeey madaxda iyo ciidamada somalida ee la’socda kenyanka ku taliyeen in ayaga laga war sugo madama eey ayagu uga aqoon fiicanyihiin deegaanka iyo dadkiisa. wararku wexeey intaasd ku darayaan in jimcaha soo socda ka hor lagu kala bixi doona Kismaayo ka dibna shabaab iyo taageerayaashooda wax ku oolka ah lagu ugaarsan doono jubooyinka si eeysan abid u soo rogaal celinin, si eey taas u hirgashana ciidamada Raaskamponi oo deegaanka aqoon fiican u leh ayaa ku sugu bada madow iyo howdaka ayagoo ku hubeeysan hub eey ka heleen kenyaatiga tasoo u dheertahay diyaaradaha kenya, shabaab waxaa laga yaabaa in eey wada hadal la’furaan dowlada si 30ka milion ee madaxooda la kor dhigay looga qaado, lacagtaas waxaa huguri ka jirtaa dowlada kenya iyo kooxda Azania oo u arka fursad dhaqaale iyo magdhow dhibkii ka soo gaaray dagaalada juboyinka.
CLASSICAL MUSIC AY TUMAYAAN KOOXDA SHABAAB IYO KOOXDA XAMAR XOOGA KU HEYSTA OO AY DADKA JAHO WARERIYAAN SHABAAB WAA (AFARQOOBLE,ILJEEX,DUDUBLE,DAMEER) OO ISKU DUUBAN OO CIIDAMADA SOMALIYA LAGU DAREY MARBA SHAAR LABISANYA OO XAMAR AYEY SOO GALYAAN OO USC AYEY KAMIDYIHIIN MIDKA LOO DHIIBEY WAA ISKU HEYB MARKA WAA DAMEER IYO LABADIISA DHAGOOD WAXBA HAKALA SARINA OO XAMAR QABIIL BAA HEYSTA OO AHAA USC OO HADDA 3+4=7 YEARS HEYSANYA MARKA SOMALIYA DAMEER GARBASAAR XIRAN WAAD ARKI DOONTAAN IYO DAMEER CILAAN LOO MARIYEY DAMEEROLEY AYAAD TIHIIN