Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo Qiray in Ciidamada Kenya Ay Xasuuqeen Shacab Deegaanka Janaay Cabdalle


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Col Aadam Xersi oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dawlada Soomaaliya oo ku sugan deegaanka Janaay Cabdalle ayaa xaqiijiyey in ciidamada Kenya ee ka barbar dagaalamaya kuwa dawlada ay xasuuqeen 9 ruux oo Soomaali ah oo rayid ahaa.

Col Aadam Xersi oo saaka la hadlay idaacadaha gudaha ee dalka ayaa sheegay in 7 nin oo reer miyi ahaa oo sonkor ka iibsanayey meel dukaan ah la xasuuqay labo kalana ay yihiin dhaawac culus kadib markii askarta Kenya ay toogteen si bareer ah.

“Ragaan waxay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo magaalada aan laga garaneyn, meesha dagaal baa ka dhacay, dagaalka kadib ayaa ciidamada Kenya ayaa qabtay iyagoo aan nagu simin ayey dileen” ayuu yiri Col Aadam.

Afhayeenka ciidamada dawlada Soomaaliya ee Jubbooyinka Muxumed Faarax oo saaka la hadlay shabakada Raxanreeb ayaa isaguna cadeeyay in ragga la dilay ay ahaayeen hal beel, ayna deegaanka Janaay Cabdalle u yimaadeen dukaameysi.

“Askarta Kenya ayaa si bareer ah u dilay dadkan rayidka ah, waxaa kaloo jiray dad kale oo ay Kenyanka dileen, waxaan ugu baaqeynaa dawlada Soomsaliya inay Kenya kula xisaabtanto xasuuqa shacabka ee gobolka ka socda” ayuu sii raaciyey afhayeenka.

Afhayeenka Amisom oo hadlay

Afhayeenka AMISOM Col Cali Aadan Xumud oo saaka wareysiyo siiyey qaar ka mid ah idaacadaha maxalliga ee Muqdisho ayaa cudurdaar ka bixiyey wax uu ku sheegay “warar naxdin leh” oo ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose.

“Amisom way baareysaa wararka sheegaya in dad rayid ah la dilay deegaanka Janaay Cabdalle, cidii ay ku cadaato waxaan ballanqaadeynaa in la horgeyn doono maxkamad” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Dilkan naxdinta leh ayaa shalay duhurkii ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60km u jirta magaalada Kosmaayo.  Waxaa ciidamada Kenya ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa goob suuq ah oo deegaanka Janaay Cabdalle ka tirsan halkaasoo ay ku dileen toddoba ruux oo rag ah kuna dhaaweceen hal ruux oo kale.

Waxaa la xaqiijiyey in ciidamada Kenyanka ay qabteen ragga sagaalka nin ahaa ka hor intii aysan dilin laakiin markiiba ay rasaas ku boobeen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo telefoon kula hadlay Raxanreeb ayaa sheegay in dadka la laayey ay ahaayeen reer miyi socoto ah oo sonkor ka iibsanayey meel dukaan ah kuwaasoo ciidamada Kenyanka ay ka shakiyeen kadibna ay toogteen.  Waxaana xilligaasi dhamaaday dagaalkii tooska ahaa ee tuulada ku dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

4 Responses for “Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo Qiray in Ciidamada Kenya Ay Xasuuqeen Shacab Deegaanka Janaay Cabdalle”

  1. [...] “The shooting came after Al Shabab rebels attached the town and we resisted them back but as soon as the intense fighting ended and the town were still under our control, the Kenyan forces captured nine pastoral men who were buying sugar at nearby shop and they immediately killed” Col Hersi admitted to RBC Radio. [...]

  2. AK47 says:

    ASC bahda raxanreeb waxa an aad iyoo aad ooga xumahay dadka shacabka ah oo hadana walaala hay ah o la laayay lkn waxa an jeclaan lahaa in cadaalada la hor keeno kenyanka fulayiinta ah o shacabka gumaaday ku wa dhintayna ilaahay janadii haka waraabiyee bal fiir way qabteen iyagoo aan baarin bay xabada ku bobeen wa fulay nimo iyo xasidnimo isku dhafan bal ma waxay kala garan waayeen reer miye iyo ku wii la dagaa lamayey mar labaad iyo 3aad ba waxan jeclaan lahaa in ay dhaga heeno mqalaan iyagoo cadaalada la hor keenay

  3. samatar says:

    beyahan dembe caadeysatay in kolba shaadh xidhato ayaa waxay isu rogeen alshabaab ,dadka reer miyiga maxaa keeney goobaha dagaalka ,hala laayo wixii alshabaaba .

  4. samatar says:

    waa basaasta,waa dad u,adeega cadawga,

Leave a Reply