Shaqo Ka Fariisin Tartiib-Tartiib ah oo Ka Socota Villa Soomaaliya, “Dam Jadiid” oo Bedeleysa Aala Sheekh (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Faarax Cabduqaadir (bidix) iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (RBC) Isbedel dhanka shaqooyinka ah oo si hoose u socda ayaa ka bilawday xafiisyada xarunta madaxtooyada Soomaaliya “Villa Soomaaliya” ee Muqdisho, sida ay Raxanreeb ka ogaatay saraakiil madaxtooyada jooga.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankii ugu horeeyay ee uu la yeeshay shaqaalaha madaxtooyada saddex maalmood kadib doorashadii dhacday 10/09/2012, ayuu ugu ballanqaaday shaqaalaha madaxtooyada inaysan ka welwelin shaqooyinkooda oo ay sii joogi doonaan taasoo dad badan u fasirteen hadal sabarsiin ayaa hadda waxaa ku yimid isbedel.

Sida ilo wareedyada u waramay Raxanreeb, ay sheegayaan waxaa isbedelkan xoogiisa ku lug leh la taliyaha madaxweynaha Faarax Sheekh C/qaadir oo hadda ah ninka talooyinka iyo go’aanada madaxtooyada ay ka soo fulaan. [Akhri hab dhaqanka Faarax ee Villa Somalia]

Saraakiil la ceyriyey

Tan iyo markii madaxweynaha cusub iyo shaqaalihiisa ay sida rasmiga ah u degeen xarunta Villa Soomaaliya waxaa socday shaqo ka fariisin si qunyar ah loo sameynayey taasoo aan su weyn loo dareemin balse ahayd qorshe in dhoweyda la filayey inuu dhici doono.

Sida Raxanreeb ay u sheegeen ilo wareedyada waxaa saraakiisha shaqada laga qaaday ka mid ah:-

1- Mursal Saney, oo ahaa Madaxii hab maamuuska madaxtooyada (Protocol) ee dawladii Sheekh Shariif.  Waxaa lagu bedelay nin lagu magacaabo Kamaal Daahir Guutaale oo horey uga soo shaqeeyay shirkii ansixinta dastuurka.

Kamaal Guutaale, wuxuu horey uga shaqeeyay shirkii dastuurka, wuxuu kaloo joogi jiray xafiiska raysul wasaarihii hore C/weli Gaas.

Xil magacaabista Kamaal Daahir waxaa kaga horeeyey Jamaal Maxamed Baaroow oo ka mid ahaa xubnihii xisbiga PDP (Xisbiga Nabadda iyo Horumarka) ee madaxweyne Xasan Sheekh.  Jamaal Baarow waa suxufi caan ahaa kana soo jeeda beelaha Shanaad, laakiin Jamaal Baarow ma ahayn nin miisaan ku leh Faarax C/qaadir agtiisa sidaasi darteedna xilka waxaa lagu wareejiyey Kamaal Guutaale oo degaan ahaan ka soo jeeda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha madaxtooyada badankood way ku wareereen markii ay maqleen in Kamaal Guutaale loo magacaabay madaxa guud ee hab maamuuska madaxtooyada waayo dad badan baa u heystay inuu ku dhowaa raysul wasaarihii hore C/weli Gaas- walow magacaabistiisa loo dhigay qaab kumeelgaar ah.

2- Maxamed Macalin, oo ahaa agaasimihii guud ee shaqaalaha madaxtooyada isla markaana ahaa nin ay aad isugu dhowaayeen Sheekh Shariif, waxaana lagu bedelay Ibraahim Sheekh Muxyidiin.   Ibraahim wuxuu xubin ka ahaa xisbiga PDP,- mida ugu muhimsana waxay qaraabo dhow yihiin mid ka mid ah xaasaska madaxweynaha cusub.

3- Maxamed Maxamuud Koofi, oo ahaa madaxii amaanka madaxtooyada kana mid ahaa saraakiishii hore ee Maxkamadaha Islaamiga ee la soo shaqeeyay Sheekh Shariif ayaa isaguna laga xayuubiey shaqada.  Waxaa isaguna lagu bedelay C/xakiin Farey oo ka tirsanaa saraakiisha Xisbiga PDP.

C/xakiin Farey wuxuu kaloo ka tirsanaa hay’adda nabadsugida, ku dhowaanshihiisa Faarax C/qaadir darteed ayaana la rumeysan yahay in loogu abaalmariyey xilka madaxa amaanka madaxtooyada.

Waxaa sidoo kale la ceyriyey shaqaalihii dhanka cunto karinta iyo kuwii qaabilsanaa adeegga guud ee madaxtooyada oo dhamaantood lagu bedelay kuwo cusub.  Mid ka mid ah il wareedyada ayaa sheegaya in cunto kariyaha madaxweynaha  laga dhigay nin aan magaciisa helin oo horey uga shaqeyn jiray hay’ad uu lahaan jiray Faarax C/qaadir sanadihii 2000 kaasoo hadda dib loogu yeeray.

Saraakiisha warfaafinta iyo kuwa kale xiriirka dadweynaha ayaa dhamaantood isbedelku ku soo fool leeyahay sida ilo wareedyadu ay sheegayaan.

Dhanka kale labada xaas ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyaguna soo degay Villa Soomaaliya, iyadoo xaaska weyn ee madaxweynaha oo deganeyd dalka Kenya ay dhowaan ka soo guurtay halkaasi, waxaana ay noqoneysaa marwada koowaad ee dalka “the first lady”.

Wariye Fahad Yaasiin oo madaxtooyada lagu arkay

Madaxii Telefishanka af Carabiga ee Al-Jasiira qeybtiisa xafiiska Soomaaliya, Fahad Yaasiin oo labo usbuuc ka hor iska casilay shaqadii telefishanka Al-Jasiira ayaa isaguna lagu arkay madaxtooyada.  Fahad wuxuu kaalin weyn ku lahaa ololihii doorashada madaxweyne Xasan Sheekh sidaasi darteedna wuxuu hadda u arkaa inuu helay fursad xil uu kaga heli karo madaxtooyada.

Ka sokow ololaha doorashada, Fahad Yaasiin waxay qaraabo dhow yihiin Faarax C/qaadir oo ayna isku koox ku wada jiraan, waxaana dad ku dhow ay Raxanreeb u sheegeen in xitaa iscasilaada Fahad Yaasiin uu qeyb ku lahaa Faarax C/qaadir oo hadda u qalqaalinaya Fahad in xil laga siiyo dawlada cusub.

Kaararka aqoonsiga madaxtooyada

Mid ka mid ah albaabada Villa Soomaaliya

Sidoo kale masuuliyiinta madaxtooyada ayaa dhowaan shirkad maxalli ah heshiis kula gashay inay u daabacdo kaarar cusub oo aqoonsiga madaxtooyada ah si loogu bedelo kaararkii hore ee lagu geli jiray Villa Soomaaliya kuwaasoo saaxiibada cusub ee madaxtooyada ay ka cabsi qabaan in loogu soo gabado loogana fogaado in xubnihii kooxda Aala Sheekh ee horey ugu awooda badnaa madaxtooyada inay madaxtooyada yimaadaan.

Tallaabooyinkan ayaa lagu micneeyay olole ballaaran oo kooxda cusub ee Dam Jadiid ee hadda awooda muuqata ku leh madaxtooyada ay rabaan inay uga takhalusaan kooxda Aala Sheekh oo xukunka looga guuleystay.  Beryihii u dambeeyay ayaa si weyn loo arkayey xubnaha Dam Jadiid oo madaxtooyada ku sii xaroonaya.

Maxay yihiin Dam Jadiid?

Dam Jadiid, waa erey af Carabi ah oo micnihiisu yahay “Dhiiga Cusub” [New blood].  Sida xubnaha qaarkood oo aan la sheekeysanay ay noo sheegeen magacan wuxuu soo bilawday sanadihii 2000 markaasoo ahayd xilligii ururka AL-Islaax (oo u nasab sheegta Kooxda Ikhwaanul Muslimiin) ay u kala jabeen labo garab.  Garab u badnaa dhalinyaro aad u firfircooneyd ayna ku jireen raggii jaamacadaha kasoo baxay xilligaasi ayaa la baxay “DAM JADIID”  waxayna kooxdan markii dambe noqdeen kuwii taageeray kacdoonkii Maxkamadaha Islaamiga ee sanadkii 2006 ka curtay koonfurta Soomaaliya, xilligaasi ayaana si fiican uu u soo bannaanbaxay khilaafka labada garab ee ururka Al-Islaax ka dhexeeya.

Garabka labaadna, waxay u badnaayeen odayaashii aas aasayaasha Al-Islaax ee magaca dheer lahaa, waxayna xubnahan ahaayeen kuwii markii hore gacanta ku hayey talada iyo maamulka guud ee ururka waxayna ka soo horjeesteen kacdoonkii Maxkamadaha oo ay xitaa dhowr jeer si cad u naqdiyeen siyaasadii Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya.  Garabkan oo hadda loo yaqaano “Qadiim [kuwii hore] ayaa weli heysta magaca guud ee Xarakada Al-Islaax.

Madaxweyne Xasan Sheekh isagu asal ahaan kama tirsanaan jirin kooxda Dam Jadiid, laakiin waxaa saameyn weyn ku yeeshay Faarax Sheekh C/qaadir oo mudo dheer ay saaxiib ahaayeen kana mid ahaa raggii horey uga gadooday Al-Islaaxdii qadiimka ahayd.  Faarax isagu asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa koox diimeed aad u yar oo aan ka tirsaneyn Al-Islaax oo lagu magacaabo ‘ISXAAQIYA’.    Kooxda Isxaaqiya waxay dhaqdhaqaaq firfircoon ku leedahay dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi oo rag ganacsato oo iyaga ka tirsan ay degan yihiin.

Waxaa kaloo la sheegaa inay xiriir fiican la leeyihiin dawlada Qadar oo doorashadii dhowaan ka dhacday Dalka ee madaxweyne Xasan Maxamuud lacag fara badan ku bixisay.

Loolanka Aala Sheekh iyo Dam Jadiid, ma ahan mid cusub ama ka dhashay doorashada Xasan Sheekh Maxamuud, hase yeeshee sida ay leeyihiin xubno labada dhinac ka kala tirsan oo Raxanreeb ay la kulantay waxaa jira mabaadii’ waaweyn oo ay labada dhinac isku diidaanayeen mar walba kuwaasoo sabab u ahaa in markasta oo koox ka mid ah labada kooxood ay meel qabsato ay isaga ilaalin jirtay inay kooxda kale ka soo agdhowaato.

(Warbixino gaar ah ayaan maalmaha soo socda kaga hadli doonaa farqiga labada kooxood iyo loolanka u dhexeeyay mudada dheer).

 

 

_____________________________________________________________________________

Falanqeeyaasha Idman
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

43 Responses for “Shaqo Ka Fariisin Tartiib-Tartiib ah oo Ka Socota Villa Soomaaliya, “Dam Jadiid” oo Bedeleysa Aala Sheekh (Warbixin)”

  1. Kilwe says:

    Faarax c/qaadir Kan Saxaafadda aad ka ugu batay muxuu ahaa beryahan, waaba Xirsi Gaabka Villa Soomaliyee lol

  2. somali says:

    Madaxweyne ayaa la doortaay ee lama dooran nin gadaal ka taagan sidaas darteed muxuu hayaa madaxweynihii la doortay Xasan Shiikh Maxamud?hadiise Madaxweynuhu balantii uu shaqaalaha Vila Somalia ka qaaday uu ka soo bixi waayey balamihii uu umada somaliyeed uu la galay sidee buu uga soo baxayaa? Damul jadiid ama damul qadiim miyaa doortay Madaxweynaha?mise iyaga uun buu Madaxweyne u yahay?anigu waxaan arkaa madaxweyne qaboow oo aan ka soo bixi kirin shaqada hor taal,waana nasiib daro in umadaan iyadoo heysatay Madaxweyne Shariif oo dhan waliba ka dhisnaa kuna guuleeystay soo nooleyntii qaranimada somaliya loogu bedelo ruux aad moodo in uu hurdo si wixii madaxweyne shariif uu juhdiga badna ku bixiyey loo dumiyo umadana loogu celiyo mugdigii Madaxweyne Shariif uu ka soo saaray,ogoowna kuwa doortay ee aqoon yahayna lagu sheegay badankood waa sida Prof Axmed ismaaciil samatar oo wanaag kasto oo la sameeyeyo dhaliila xumaaantana amaana,doorashadii Xasam Shiikh xal u helidii dhabaatada somaliya ceel dheer ayey ku riday waana ka xumahay in umadaan loo diidan yahay in ey nabad iyo dowladnimo buuxdo hesho.

  3. Waside xalku says:

    Asc. Ilaa hada waxan is weydiinaya anigu aminsanahayna inee ila qabaan dad badan AAWAY MADAXWEYNIHII?? in dhawayd lama hayo sidii loo doortey, fatahaadaha wabiga kama hadlin, qabashaqada kismayo daa hadalkeeda marka armuuba meesha ku afduubanyahay yaa og!

  4. war yaan lagu dag dagin,howshu wali waa cusub tahaye ,laablakacana halajoojiyo, oohala sabro…
    howshu mafududee. TEEDA KALE war web laga aqriyey yaan waxaba lagu cabirin … ee runta halagusugo hadii labadolo maahane aan waxaba laga reebin mandate ayuu uleeyahay madaxwaynuhu… to: somali shalayna waxaad lahayd shariif axmed waxaba maqaban.ee hantuulunsaday…

  5. Ina bulsho says:

    Ayax tag eelna reeb,waxaa sidaas yiri AUN cabdulaahi yuusuf kadib markeey jabeeen maxkamadaha.Waxaan ogaa in kooxo badan oo aan muuqan eey jiraan.Weli sooto iskaalo ayaa loo soo baxayaa Isxaaqiya iyo kuwo badan oo qarsan waan sugeynaa mabda’eey rabaan ha aaminsanaadeenee.Waa hore waan ogaa in eey jiraan kooxo badan oo gadaal ka soo baxay sida aala sheekh.Waxaan sugnaaba waa kooxo kale oo wadamada dibadda laga masruufo.Aloow sahal amuuraha.Qadar,sacuudi carabiya iyo wadamo kale weli waa kuwa masruufa kooxaha cusub ee qarsan.Ma ku quus qaadateen sidaas.

  6. wadaad yare says:

    Ifefaale caafimaad qaba weeye waxa ay dadku dhalliilaha ka dhigayaan. Waa nidaamka xisbiyada oo billow ah waxa socda. Waana waddada xadaaradda iyo horumarka billowgeeda ee duruusbaa socotee ha noqonnina ardey aan faahim aheyn oo aan dersiga cusub la qabsan karin.

    Kooxo abaabulan aanse qaab qabiil u abaabulneyn soo ma ahan Dam Jadiid iyo Aala Sheekh iyo Islaax Qadiim intuba?

    Maxey hayaan soomaalida kale oo ah abaabul siyaasadeed oon ka aheyn “annagoo reer hebel ah”!kkk

    Reer hebel maxaa iska galey? Waxaa ku jira shuuci, libarali, ikhwaani,salafi, takfiiri, tuug shanta kala xada, taqi xalaal miirad ah? Aqoon yahan daacad ah oo waddani ah, saaqid inuu qabiil ku qaraabto ma ahane aan kartidiisa iyo hufnaantiisa wax ku heleyn! Maxaa iska galey “reer hebel” maxeyse goysaa “annagoo reer hebel ah”?

    Sideese looga shaqeysiin karaa siyaasad ahaan “annagoo reer hebel ah”! Oo miyaan anigu kugu reer noqon karayaa sideed adigoo reer hebel ah ii maamuleysaa?

    Laakiin “aala sheekh” iyo “dam jadiid” iyo “dam qadiim” waad ku biiri kartaa, waxbaa laga baddali karaa, waana laga rug doorsan karaa.

    Madaxweynuhu inuu leeyahey team ay isku aragti ka yihiin siyaasadda, isna garabsadaan waa arrin yididdiilo leh rajana na gelineysa haddaan nahey shacabka soomaaliyeed oo wax qabadka u baahan.

    Maxey Shabaabku uga adkaadeen qabaa,ilka oo dhan? Soo abaabulnaanta ka sarreysa qabiilka ma ahan? aydiyaloojiyadooda xun ayaan ku diidney ee abaabul ahaan way ka sarreeyaan soomaalida kale.

    Maxey “Dam Jadiid” oo hadda isku yimid ugu guuleysteen iney si sahal ah ugala dhex baxaan talada “dadkii usoo halgamey oo kaadida usoo cabey”?

    Faarax Cabdul Qaadir iyo teamka madaxweynaha ka danbeeya oo la sheegayo maxey uga geddisanyihiin teamka Obama iyo Romny ka danbeeya? Muxuu yahey nin kaligiis socda oon team heysan?

    Weliba waxaa fiicnaan laheyd inuusan noqon sidii Sh. Shariife uu teamkiisa si fiican u howl geliyo oo u adeegsado.

    Hadduusan team qabiil aan aheyn adeegsan ma wuxuu adeegsanayaa qabiilkuu ka dhashey oo Waceysle ayuu uga yeeranayaa Ceel Dheer iyo Meseggawaa?

  7. jamac xasan says:

    kkkkkkkkkkk waxaan aaad ugu qoslay awooda faraha badan ee raxanreeb.com sisay farax macalin, waxaan maqli jiray, beeenta sheeg kuna cel celi, ilaa dadka ka rumeystan, madaxweyne xasan sheekh waxu doran yahay 18 maalin waa in la siiya waqti fican, , markas ka dib ayaan xuman iyo saman kala sheegi karna,

    dad badan waa la badalaya dabcan, nin walbo xisbigisa ayu la imanaya,

    mida kale dam jadiid wax la dhaho oo koox diin ma jirto, waa war benaadka, ee qoraan webabka somalida,

    somaliyey dadla 30 sano ayu ku si dhawanaya dagaal iyo qabyalad iyo been, wax manta aan hesano oo nalaga dhacayo ayaaba jirin, marka aniga waxaan leeyahay, bal aan ka war sugno dowlada cusub ee ino dhalatay,

    to raxanreeb.com waxaad ka faideysin garanmayo xumanta iyo isku dirka madaxda iyo shacabka iyo masakiin, daam jadiid wax la dhaho ma jiraan ee so baara,

  8. deqa says:

    raxan reeb walayo sheega ma maorhorad mucarad biloowdeen xasanshiikh waa nin dhawrson

  9. Raage says:

    Istar is deji hoos ayay Galdogobpress ku sheegtay inay qoraalka ka soo qaadatay RCB, ama Raxanreeb. Si fiican uma muuqato, oo saddexda xaraf ee RCB ayaa dhamaadka qoraalka ku yaal.

  10. ali says:

    Istar tagin tuugo maahan waxaa ku xusan warka Raxanreeb.com

  11. qoono says:

    waxaan aad iyo aad ulayaabaa umada somaliyeed oo ah balaayo sheeg,
    waxaad arkeysaa nin haysta hantidii umada ama beer ama guri dad leeyahay
    amaba hantidii dowlada ee umada smaliyeed ka dhaxaysey oo eedeynaayo,
    ruuxii mar uun madax alle ka dhigo,laakiin ahadii ay soo celin lahaayeen hantida
    ay haystaan ama ay nabada kala sheqeeyn lahaayeen,waxay keenaan waxay gaalada
    u sheegaan oo ay suuq geeyaan si balaayo ay u bilaabato,kk somali waa dad balaayo
    sheeg ah kuna nool balaayada,,,,,,,,,,,,,,,,,,

  12. qadar says:

    madaxwaynaha mala socotaan in lacag ilaa iyo 7milyan oo doolar ay kaga baxday doorashadii uu ku guulaystay,shacabkana waxay qabaan in loo doortay wanaag uu uu sameeyay,waji cusub baa la drtay ayaad sheegtaan in la doortay imisa waji cusub oo engineera ah ayaa doorashada ku jiray imisa prov,ayaa doorashada ku jiray,ninkan laguma dooran aqoon,iyo wadaadnimo, ee meesha waxa ku baxay lacag farabadan oo baacyo mushtaro leedahay,si ay u halaan awood baayac mushtar oo aan lagula tar tamikarin.hurdada ka toosa ragan baacya mushtarka ah ayagaa leh dhaqaalaha wadanka say doonaan ayay sicir barar ugu sameen karaan wixii ka soo daga magaalda xamar,teeda kale waxay aad uga baqayaan dekada kismaayo oo ku keeni karta looltan xaga mushtariga maa daama aysan ragan aawood ku laheen kantroolka mushtariga ee magaalada kismaayo.

  13. Gabal qariye says:

    qadaraha ilahay bay kamid tahay firaq tiro badan ayaa somaalia soo gashay ugana faa’idaystay nadaam la aantii mudada dhereed ka jirtay ilahay umada caqiidadoodi iyo karamadoodi ha soo cesho ilaahay saas baan waydisanaynaa talada yadii baanaan aqoon cida gacanta maanta ku haysa dhiga cusub oo ah firqo diineed

  14. Gabal qariye says:

    qadaraha ilahay bay kamid tahay firaq tiro badan ayaa somaalia soo gashay ugana faa’idaystay nadaam la aantii mudada dhereed ka jirtay ilahay umada caqiidadoodi iyo karamadoodi ha soo cesho ilaahay saas baan waydisanaynaa talada yadii baanaan aqoon cida gacanta maanta ku haysa dhiga cusub oo ah firqo diineed ..

  15. cabdul says:

    DACAAAYADA IDINKA LAFATIINU DAAYA, JAAHWAREERIN UMADU UMABAAHNA. QARANKA IYO DOWLADNIMADA TAAGEERA, WAX ISHAYSTA IYO WAX ISDAGAYA UNBAAD KASHEEKAYNAYSAAN.

  16. suheyla says:

    muxuu yahay faarax iyo hebeloow baa madaxweynaha ulataliyeah?madaxweynaha aawey isaga kartidiisii iyo dadnimadiisii uu halkaa kusoo gaarey shafkana ugu garaacey inuu soomaali hogaamiyo war madaxweynaha sumcadda yaan laga dilin ,maxay tahay oday dhaqameed baa preshar kuhaya oo wax uyeerinaya iyo ninbaa gadaal kataagan iyo waxbaa loo yeerinayaa soow ninkaqoontiisa kartidiisa iyo isku kalsoonaantiisu halkaa keentay maahan? see wax ujiraan? isla tashi iyo talo kala dhegeysi iyo wax isku barbar dhigid ayaa iyo in asaga latalo weydiiyaan sugeeyney ee maamaxay waxaanoo xaqiraad ahi? madaxweynaha somaliyia oodhanbaa indhaha ku heysa madaxweynana uu uyahay maaha in koox diimeedyadiisa uu amar iyo talo kadhoowro shaqadana umada somaliyeed oodhan baa xaq ugu leh ineey soodoonatee maxaa beel ama urur dhaxal uga dhigey ?muxuu yahay is xulafeysigan baasi,aawey somali inteedi kale yay xulafeysanaysaa hadii madaxdii urur diimeedyadooda iyoqabiiladooda wax kasta ku koobeen ? somali eexdaasi inteey jirto dawlad tayo leh yey ugin .

  17. Hunguri-Land says:

    xizbiga doorashada ku guulaystaa xaqbuu uleeyahay inuu dalka maamulo waxakalood waddaanna waa iska NAC-NAC iyo massayr.

  18. ISTAR says:

    WAA KAN TUUG KALE RAXANREEB

    XATOOYADA LA CEEB MAAHAN WAXAA SUURTOOWDA IN UU KUSOO KORAY XOOLO BOOLI AH

    http://www.quracjomo.com/?p=2011

    EELEAAY KALE OO TUUG AH

    http://waajid.wordpress.com/2012/09/30/faarax-sakiin-oo-seeftiisa-galka-kala-baxay/

    QALDAAN TUUG AHNA WA KAN

    http://somaliadiaspora.wordpress.com/2012/09/30/faarax-sakiin-oo-seeftiisa-galka-kala-baxay/

    MOORYAAN REER GADOODNA WA KAN

    http://balanbal.net/?p=18624

  19. mohamed says:

    Raxanreeb, waxa aad qortaan waa riyo iyo wax aad adinka maskaxdiina ku sawiranteen. Madaxwaynaha go aan kasta oo u gaaro waa kiisa, teeda kale waxa uu leeyahay ilaa lix profasor lataliye yaal, waaba haduu talo u baahdo uu u boqdo, inta aad been abuur iyo mala awaal meesha aad ku qoraysaan. Ileen barito dadka way ogaan doonaan dad ka rasmiga ah ee la taliya madaxwaynaha waaba hadii uu wax talo ah u baahdo, ka shaqeeya dib u dhiska wadanka, ama mesha kawada maawelada aad isku maaweeleyneysaan waxyaalo ka fiq xaqiiqada. Wabilaahi towfiq

  20. Sugaal says:

    raxanreeb waxad noqoteen websaytka ugu afdheer. Xog ururintiinnu waa mid abaal marin aad ku mudan kartan

  21. dagdheer says:

    reer mudug waxaa la idinku yaqaanaa muran mala been ah iyo moor yaanimo
    waxaan idiin sheegayaa intaad alle ka baqdaan kadaaya umada sunta aad kula dhex wareegaysaan
    magaca aad wadataan ee ah raxanreeb waad ceebayseen ee waxaa tihiin rabshoolayaal

    mida kale xukunka soomaaliya waxaa la idinku wareejiyay 40 sano ka hor waadna aragtaan sida aad yeesheen dibdambe xaaraan ayuu idinkagayahay inuu gacantiina soo galo

  22. dab damis says:

    anigu waxay ila tahay meesha waxaa ka tegay maamul waxaana yimi mid kale markaa meel walbaa aduunku waa sidaa oo kale waxaa jira wax aan isbedel lagu sameyn sida shaqaalaha hoose ilaa ay ka soo bixi waayaan wixii loo idmaday waa tan koowaad tan kale madaxweyne walbaa oo yimaada wuxuu leeyahay rag la shaqeeya uu ku kalsoon yahay markaa taasi waa wax aan qof lagu dhaliili karin
    m/weynaha ayeey u taalaa yaan saaxiibayaal waqtiga laysaga lumin waana wax caadi ah oo wadan walbaa ka dhaca
    dadbaa waxay yiraahdeen m/weynaha yuu balanta ka bixin
    hadalkii /weynaha balan maaheyn wuxuu maalintuu ka wareegay madaxtooyada yiri idinku waxaad tihiin shaqaale dowladeed taasi maaha shaqaalaha siyaasada xafiisyada ee kuwa hoose
    sidaa u baro sxb

  23. mahamud abdiwaxid says:

    Aqyaarey madaxwayne kaligiis socda wax uu qaban karo maleh, koox iyo la taliyayaal ayuu leyahay, somalia hogamiye koxed kaligees wax cune ah wa ka daalnay, madaxwaynahan wado fiican ayuu qaaday, iskaga dhawaaq ma ahan Rais wasare, in laga baran dago, la barto, la tashiyo badan la sameyo. meshan America iyo yurub ma ahan, waa wadan burbursan. dadkaan yurub iyo America ka so ordayo ee hana cararaayo wa in talada loo dhiibin.. calooshod u shaqaystayaal waye.. wada jaajuusin ah.. mideeda kale adinka wax ka qora waxa dhici kara iyo ifafaalada. ninkaan asxaabtiisa waxba noogama jiraan ee waxa rabnaa dhibka in wadanka laga saaro, wixina waa iska fowdo, saxaafadna waxba kama taqanan siiba raxanreeb hada tihiin.. qaran burburis aya mesha ka bilowdeen.. adinka hadan dowlad ahay waba idin xiri lahaay

  24. Ali soomali says:

    waan jiraan waxyaabo cad-cad oo aan la qabo Soomali & Sidee xaaku, runtii anigu ma ahi dadka ku deg-dega dhaliisha, laakiin waxaa arkaa waxyaabo durba lagu dhaliili karo madaxweynahan inuu yahay in gaabiya, meeshii lagu doortay ayaa lagu dhaariyey, sheekh sharif waxuu u sheegay taliyayaasha ciidamada nabadgelyada in wixii hadda ka dambeeya ka amar qaatan madaxweynaha cusub, aaway madaxweynaha? kaalintiisi miyuu iskugu yeeray taliyayaasha miyuu niyadda u dhisay? miyuu ku yiri anigu qofna shaqadiisa uma socdo ilaa aan ka dareemo hawl-gudasho la’aan waayo madaxdan ama sida Afrikaanka u badan yihiin waxay daacad u yihiin maamulka, nimankan tuhun ayaa ku jira goormaa shaqada la idinka eryi doonaa, taasi waxay dhashay in nabadgelyadii in ay gacanta ka baxdo. madaxwynuhu dhaliisheeda waa leeyahay.

  25. abdulkadir says:

    ASC, ha biimayn nafto bilik hayska oran
    bal ogow jar iyo boholaa jire.
    WBL-towfiiq

  26. muna says:

    @ dhagdheer” afkaga iyo dhagahaaga isma maqlaan waxaad leedahay Alle ka baqa adna waxbaad sii tuuryeeyneysaa Qabyaalad ayaa ku madax martay ismana ogid anagaa kuu miyir ah. RaxanReeb ayaad leedahay Alle ka baqa hadana waadna sii cayneysaa …dadka aad leedahay 40 sano ayaad xukunka hayseen mana ku soo noqoneysaan waa ayo? waa jiran tahay Allah haku caafiyo

  27. Osman Hersi says:

    aniga wali ma fahmin magacyadan tirada badan ee hadba is badal-badala waxaana u aqaan wahaabiya dhammaantood maadama eeysan sheegan ahlsunna waljamaaca ….laakiin madaxweynaha cusub oo isagu runtii kuba cusub saaxadda siyaasadda ….waxaan jeclaan lahaa in uu isaga laftirkiisa is mujiyo ma nin muslim suuni ah baa mise waa nin wahaabiya ku lug leh (magac badanayasha diimeed)…taasi waa mid.

    \midda kale …anigu waxaan qabaa bal horta aan ka dhursugno wax qabadkiisa …waayo howlo badan baa sugahaya sida sii xoojinta nidaamka federaalka iyo ku baahinta maalka dowladed dhammaan dalka oo dhan…xiijinta xiriirka soomalida dhexdeeda…taasoo looga fadhiya in uusan xamar kaliya isku soo koobin sidii madaxweynihii hore ee ee waa in uu tagaa dhammaan gobollada dowladda hoosyimaada oo dhan ee nabadda ah ee la tagi karo oo dhan…sida beydhabo ..baladweyne …garooe gaalkactyo…boosaaso …iyo walib hargeysa…si markaas uu usahlo in uu somalida kala maqan isu keeno oo uu doono. midda kale far kaliya fool ma dhaqdo ee waa in lala shaqeeyaa shacab iyo maamulba…asi loo gaaro midnimo dhab ah iyo wada shaqeyn dhab ah….yoolka nabaddana loo gaaro loona soo cesho dowlad wanaagii somalia iyo maqaamka eey soomali ku laheyd bulshada caalamka…..isagana aan ilaah u barino bal in ilaah kheyrka waafajiyo.

  28. mohamed says:

    waxaaan idin wiiidiinaa faarax c/qaadir yuuyahay asaga waanba yaabee.

  29. Maxamed says:

    Walaalayaalow, madaxweynaha dagaalka ka joojiya. Maba dhalane dhowrteysan ogaa!!
    Sidoo kale Faarax C/qaadir dagaal shakhsi ah ayaad ku haysan sida muuqata oo waxaad ka dhigteen boqorka Soomaaliya. Ma madaxtooyada inay idinka gar baxdo ayaad rabtaan$$$

  30. Maxamed Axmed says:

    Madaxweynaha Soomaaliya 20 maalmood ayuu xafiiska fadhiyaa, welina wax go’aanno khaldan laguma haayo ee Raxanreeb dagaalka ha tartiibiso. Haddii kale waxaa loo fasiranayaa sababo kale

  31. prof piccolo says:

    Meesha madaxtooyo lama yiraahdo waa meel muqayil isgu yimaadey oo somaliya lagu burburiyey haddba ninkani wax xishooda maba ahan anagaihii Kenya qaadka ku iibinjirey ayaa madaxtooyada soo dhex fariisatey walee somaliya ninkani xoog baa u danbeysa maxaa laisugu daalinaya waxa uu bilaabey inuu qabil ka buuxiyo madaxtooyadii qaranka dameeraleey oo biyo dhaamis ah

  32. milgo says:

    nin kaan waa been badanyahay waxaan sooqorey dag dagana maficno hooshu waa cusub tahaye waxafiresa waxu sooqorejerey iyo hada waxuqoreyo waabilaabey FIDNDII waden mashqulinaa dadkale buu hool uhaaya hada aan amankeena kashaqeyno aan abuurna shaqo dowlada iyo shacabka waxey liyihiin hal cadw mesha hal qaf oo dawlada u shaqeyo kudhinto meeqa shacabka kudhimato hala xisabtamo naaga vila soomaliya usoogurtey ninkii cuntada garen jirey baalabadaley waxa bey kugu mashqul kaga dhigaya

  33. gaasira says:

    prof piccolo
    maxaad u cadhoon c/weli ba 90 nin oo cidiisa ah baa xafiiskiisa ka shaqaynayey e hadii dam jadiid ku soo qulqulo madaxtooyada saw isla ficilkii gaas samayn maayaan anigu waxaan odhan lahaa jinnina ha keensado e waa in uu wax tar shacabka tusaa madaxwaynuhu hadii kale shacabku waa caydhinayaa

  34. Ciise says:

    Dama jadiid waa laga dheereeyey waxaa madaxweenaha u yeeriya maalmahaan Jibrill , madaxa heeyada CRD, Jibriil Sakiin!!! warkeega waad arki doontiin.

  35. faarax says:

    aakhiro samaanka waxaa la arkayaa firqo badan dam jadiid waligeey mamaqlin hadaa iigu horeyso aala sheekh iyaga xataa waa cusub yihiin firqo badan ayaa soosocoto waa lagu wareerayaa ururadan waxey shaqo siinayaan qof iyaga ay isku xisbi yihiin soomaaliya dhib ayaa heysato madaxweynahan wuxuu reysalwasaare ka dhigan doonaa qof ay isku xibi yihiin saas ayey ku socotaa howsha waxaan rajeynaynaa baaba suufi markooda inay xukunka qabtaan

  36. Daacad doon says:

    Somali mudo laga joogo 22 sano ayay kala tagtay. Marka moryaanta xamar joogta hadba shaar hala hala soo bexeen. Micno kale maahan iga qora waa dhiig cusub ayaan daadinaynaa.

  37. Ali Ali says:

    YAAB. Kamal & Huseen Iidow, waxaa lagu tuhusan yahay inay lunsadeen lacagtii shaqaalaha dastuurka ka shaqaynayay. Madaxweynaha waxaa muuqata inuu soo xulanayo dad meel uu xiriir kala leh, qaraabo, fikir iyo siyaasad, anigu waxaan u arkaa inuu yahay FAASHIL LA KORDHABAY

  38. [...] soo dalbaday xilka raysul wasaaraha ay ka diideen dalabka ah in 11 wasaaraood ay noqon doonaan kuwa Kooxda Damu Jadiid” taasina ay ahayd sababtii keentay in illaa 20 nin oo sharaxnaa uu madaxweynuhu kala soo dhex [...]

  39. Fikir keyga says:

    Asc aniga waxay ila tahay madax weynuhu ee malahan wayo waxuu lawaregay gob ay ku nolyihin cadow farabadan sida al-shabab aala-sheekh oo isku caqido ah iyo balse jagada isku qilafay wuna ku saxan yahay hadu shaqalahoda iska fogeyey tankale isbadal xili lasameyo musan garin inti yaredna waxa gesa galeyay qabilo jagadon ah iyo gaalo rabta inesan wax qabsomin o qabyalada nagu korineso e hada halaga war sugo asaga iyo ra,isal wasarihisa cusub inkasto ani an rabey farmajo ilah ayase og cid ron

  40. [...] lagu kalsoon yahay ayaa Raxanreeb.com uga waramay xarig jiid ka dhaxeeyey Xulafada Madaxweyne Xasan ee Damu Jadiiid iyo Xulafada R/W Shirdoon ee [...]

  41. cumar macalim cisman says:

    waxay ila tahay madaxweynuhu waa nin siyasad leh waxaa lagu yaqaana madaxweyne wanaagsan nin la taliye dhow leh qof kaligii taliyana ma jiro faarax sheekh cabdulqaadirna waa muwaadin soomaaliyeed oo xaq u leh in uu wadanka maaamulo mahadsanidiin

  42. [...] taasi la mid ah ayey guddigu kala kulmeen madaxtooyada Villa Soomaaliya kadib markii dad kor u dhaafaya 600 ruux ay sheegteen inay madaxtooyada u shaqeyn jireen ayna [...]

Leave a Reply