Shariif Sheekh Axmed Oo Si Kulul Uga Hadlay Wararka Sheegaya Inuu ka Danbeeyay Weeraradii Lagu qaaday Hotel Uu Daganaa Madaxweynaha Cusub


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Kadib Markii ay soo baxeen warar sheegay in dowlada Kenya ay ku eedaysay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ka danbeeyay weeraradii lagu qaaday hotel uu daganaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, ayaa arintaasi waxaa si kulul kaga hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dowlada KMG ah ayaa wuxuu sheegay in warkaasi uu yahay mid waxba kama jiraan ah oo aanan laga fiirsan.

Wuxuu sheegay sidoo kale in uusan lug ku lahayn qaraxyadaasi ka dhacay magaalada Muqdisho, xili uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu kulan lahaa wafdi ka socday Kenya.

Shariif Axmed ayaa wuxuu sheegay xiligii ay jirtay dowladiisa in ay wax badan ka qabatay amaanka isla markaana ay ka hortagtay weeraro badan oo caynkaasi oo kale ah.

Qaraxyada xoogan ee ka dhacay hotelka Jasiira oo uu daganaa madaxweynaha Soomaaliya ayaa  waxaa masuuliyadooda sheegtay kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Saxaafada ayaa qortay in wasiirka arimaha dibada ee Kenya uu sheegay in weerarkaasi uu ka danbeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, asagoo waliba xilkii si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha cusub.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

6 Responses for “Shariif Sheekh Axmed Oo Si Kulul Uga Hadlay Wararka Sheegaya Inuu ka Danbeeyay Weeraradii Lagu qaaday Hotel Uu Daganaa Madaxweynaha Cusub”

  1. [...] Taken from: Shariif Sheekh Axmed Oo Si Kulul Uga Hadlay Wararka Sheegaya Inuu ka Danbeeyay Weeraradii Lagu qaada… [...]

  2. c/ rashiid says:

    ASC bahda raxanreb waa idin salamay salaan kadib kenya waa kufaar dooneysa in ay wadankeyna iyo shacabkeyna kalaqeybiso. danta ay leedahay wa in ay qodataa shidaalka soomaaliya kujiro iyo weliba ay gumeysato kheyraadka gobolada jubooyinka. waxeynu ogeyn in sh shariif sh axmed u ahaa ninkii didey in kenya soogasho wadanka. kenya iyo shisheeye midna aamin malaha. soomali soomali ba leh. madaxweynihii horena waxaan u rajeryneynaa guul iyo gobanimo.

  3. Axmed yare says:

    Anigu waxaan u arkaa kenya oo fashilantay, warkaas shariifkana ma difaacayo. Oo wuxuu wax Ka Ogaa qaraxii tiyatarka. Kenya Iyo dawladaha deriska waa in lala xisaabtamaa. Ileen qaran jira Ayaan nahaye, sheekadii shariifyada waa dhamaatay. Somaliya guul

  4. zubeer says:

    subag xeedho ku daatay Sina kuma xumaado,shidaalka dhulka laga qodayo dadkii lahaa xaga iyo xagaba way joogaan dawlada kenyana waa toodi somalina waa toodi marka is tartiibiya maxaa idin wareeriyay ,dhulka dadkii lahaaba bahda kale u qodayee,.maxaa labadayada bahood idin dhex geliyay?

  5. Hiraabe says:

    sharifow mar dhowna adaa is qarxinaya xanaaq dartiis sidii kursiga lagaaa qaaday qaracan baa tahay

  6. somali says:

    Axmed yare xishoo qaraxii tiyaatarka waxaa loo qab qabtay dad ehel la ah R/Wasaaraha kana shaqeynayey xafiiskiisa oo qaarkoodna u baxsaday Kismaayo iyo al shabaab.

Leave a Reply