Shariif Sheekh Axmed Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya [Video]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [Radio RBC] Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleestay doorashada madaxweynaha Soomaaliya September 2012-ka.

Shariif Sheekh Axmed oo qudbad gaab ka jeediyay xarunta dugsiga tababarka booliska ee Gen Kaahiye, ayaa sidoo kale sheegay in uu ku qanacsan yahay natiijadda doorashada madaxweynaha Soomaaliya isla markaana waxa uu sheegay in uu la shaqeyn doono madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

Shariif ayaa sheegay in sida uu jeclaan lahaa in lala shaqeeyo uu isna diyaar u yahay in uu la shaqeeyo madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

Waxa kaloo Shariif uu amaray saraakiisha ciidamada dowladda in ay sugaan ammaanka madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya, isla markaana wixii go’aan ah laga bilaabo maanta ay isaga ka qaadan doonaan si aan khal-khal siyaasadeed aysan u dhicin.

Intaas kaddib waxa goobta lagu dhaariyay madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxana dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare Abukaato Ceydiid Ilka Xanaf , kaasoo madaxweynaha cusub kula dardaarmay in uu akhristo sharciyada laga doonayo madaxweynaha cusub.

Intaa kaddib waxa cod baahiyaha qabsaday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxana uu ugu horreyn sheegay in uu maadcelinaayo madaxweynihii hore Soomaaliya.

Waxa kaloo uu u mahadceliyay xildhibaanada baarlamaanka iyo marti sharafka kale ee ka soo qeybgalay munaasabadan taarikhiga ah.

Ugu dambeyn  waxa uu sheegay in la daalan yahay oo aan loo bahneyn qudbad dheer, laakin uu diyaar u yahay in si fiican ula shaqeyn doono dhammaan xildhibaanada doortay iyo kuwa aan dooran.

Wuxuu kaloo goobta ka sheegay in uu madaxweynihii hore Soomaaliya uu ahaa saaxiibkiis shaley, maanana uu yahay sxbkiis barrina uu yahay sxbkiis.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

7 Responses for “Shariif Sheekh Axmed Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya [Video]”

  1. [...] Read the article: Shariif Sheekh Axmed Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya [...]

  2. khadija says:

    laba ilma adeer ah unbaa lakala wareegey waana guul anaiga waxaa ii darnaan lahayd C/weli oo fariista maansha allah allaa noo hiiliyey hadaanu nahay soomali oo dhan badayadii waa badbaadeysaa.

  3. qoono. says:

    Allhamdulilaah,hambalyo baarlamaankeena cusub guuleeysta waad guuleeysateene,waxad hor istaagteen sakiin iyo worlooradii iyo heshiiskii ugaandha iyo shiikh shariif oo ahaaa ii kordhiya waan idiin kordhinayaahe,markaas ayey ku qasbeen inuu hogaamiye kooxeedyadii la soo shirtago guuul,guuul,allaaa mahad leh,ugaandha maxay ku joogaan laba somali ayaan kala celineeynaa,lakiin hadii somali heshiiso,maxay kala celinayan,,,,,mana rabaan inuu joogsado mushaarkooda,,
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk guul,

  4. luley says:

    to qoono
    thanks bro anigaba aad ayaan u faraxsanahay maanta madaxweeyne cusub aan yeelanay waji cusub illaah ayaa mahad iskaleh wixii qurunka ahaaay ee musuqmaasuq hadey dhulka galeeen alxamdu lillah
    wey ku mahad sanyihiin ita u codeysay mudane xasan aadan aalahu akbar allahu akbar allahu akbar
    asomaliya nabad ayeey heshay xasidkii ajinabiga u shaqeeyn jiray waa dhintay guul guul

  5. Cadaado says:

    @ Khadija =)) suurtagal maba ahaan laheeyn qabiiliiste Gaas in uu Madaxweeyne noqdo sababtoo ah waa ninka cudurka qabyaalada igu daartay aniga, lol, kkkkk.
    Hambalyo Madaxweeynaha cusub iyo kii ka horeeyay, wada shaqeeyn wacan iyo in intii karaankiisa qofkasta uu ku dadaalaa in uu wax ka qabto qaran jabka nagu dhacay. Lana joojiyaa in aduunka noo yaqaanaan “land of give me something”. Somali waa in eey isku tashataa oo aan tuugsiga deeynaa. Cadowga gudahana shaqa fiican laga qabtaa sida qaa’in Gaas and burcad Faroole, kkkk

  6. yaasin says:

    ku. cadaado
    duli ayaa tahay dlinima ku dhalatay xaraan kunaax aya tahay waxaa diidantahay wallakaaga in laga saaro guriga xaraaanta uu ku dhashay , qashiinkii qabiilka kuugu barabaariyay iyo meshaad kasoo jeeco waa wacalo la kasaayo oo boqorka u ahaan jiray shaqaale , marka aabahaaga gabarta uu ku dhalay wuu guursankarayaa ma kastay marka gaaaaaaaaas afkaaga hala galin waa Dr and pro ma kastay xasid adiga is xasdaaya sida yuusuf garaadkii bbc da laga soo buriyay oo qabiilka ku dhaqmaayay sidaada oo kale ………….. froole waa madaxweyne guri islaameed kuma jiro , adiga xaran ku dhalatay qurun caloosha mariidka ka ah ayaa tahay inan guboodkii ku dhalay aya kaa tagay wacalnimada kuugu dhalay iyo xaraaanta , , xasan shekh maxamuud ha u maleeynin sida sariif biijoole adiga laftirkaaga ayuu madaxa kaa tumayaa sidaa la soco mesha qabiil waa dhamaaday adeer qaran adiga oo kale 21 ka hor ayaa aheed hogaamiye kooxeed hada lakin wa kuu dhamaatay xaran ku naaxoow xaalka ba’ walalka guriii uu taabsaday hadaa laga qaraaa mesha hooow aya taalo ha oooynin najaastii xaraanta kugu dhashay iyo adigaba waad ooyeeysan dadkii xalasha ahaay ayaa imaanayaaa adiga ciil haku dilo qaaziirkii ayaa tahay umada dishay oo qabiilka ku kala hoojiyay allaha ku hoojiyeee adiga

  7. Amina says:

    Ninka soo qaata@ Laascaanood iyo Naagta wadata @Khadiijo waa ninka @Cadaado wato waa hal qof iska jira isagaa marba qof iska dhiga wuxuu wadaa isku dir ee ogaada yaana loogafin dadkale waa dadka kolba magac ku qaraabtee.

Leave a Reply