Shariif Sheekh Axmed waxa uu ku tuntey Nidaamkii awood-qeybsiga Safiirada. W/Q Sakariye Isticmaar
Shariif Sheekh Axmed waxa uu ku tuntey Nidaamkii awood-qeybsiga Safiirada
Sakariye Isticmaar
Sakariye85@hotmail.com
Sabteembar 28 2012
Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
Qormadan kooban waxa aan doonayay inaan la wadaago Dadka Soomaaliyeed, maanta Mowduucan aan daaha ka furayo uu yahay mid ku haboon in laga hadlo.
Akhristayaal sida aan la wada socono Dalalka Caalamka waxa ka jira Nidaam guud oo ey u shaqeeyaan marka ey timaado Dibulomaasinada iyo Habka shaqo ee lagu cayimo qofka loo caleema saarayo inuu noqdo Safiir, Dalalka intooda badan ayaa ku cayima Qofka Safiirka u noqonaayaa dalkaas inuu marka hore yahay Qof Waaya-arag Siyaasadeed ah Xilal kala duwan ka qabtay dalkaas isla-markaana gaarey Biseyl Siyaasadeed waxana uu galaa Khaanada (Diplomatic Mission) Hadaba Dalkeena Hooyo 1960.1991, Waxa lagu magacaabi jirey Safiirada intooda badan hab-dhaqankan aan xusey walow ey jireen Safiiro siyaabo kale loo xushey hadana, inta badan Safiiradii Soomaaliyeed ee hore waxa ey ahaayeen kuwa buuxiyay Shuruudahii Safiirnimo, Maanta wali waxaa nool Ragii ahaan jirey Safiirada markaad horfariisato amase aad la sheekeysato waxa aad ka dheehaneysaa Aragti fog iyo Khibrad Siyaasadeed oo gaamurtey.
Hadaba markii uu dhacay Dagaalkii Sokeeyee ee naafeeyay Bulshada Soomaaliyeed, waxaa bur-burey habkii Dowladnimo iyo Heykalkii Dowladeed, waxana ey taasi keentay in la arko Dowlado iyo Madax aan ku sifoobin habdhaqankii Rasmiga ahaa ee Dowladnimo, Soomaaliya waxa ey qaadatay Nidaamka eexda iyo Dulmiga ku dhisan ee 4.5, kaasoo ka turjamaya wax-qeybsiga Siyaasaseed ee Dalka, waxana uu Nidaamkan horseed ka noqdey in lagu dhiso Tiirarka Dowladeed. Dowladihii tagey marka laga reebo Dowladii Madaxweyne Shariif waxa ey Xilalka Dalka ku qeyb jireen habka 4.5, marka laga hadlayo Jagooyinka Siyaasadeed ee dalka, hadaba xagey wax ka qaldameen. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxa uu ku tuntey Nidaamkii loo mari jirey awood-qeybsiga Safiirada waxana uu sidoo kale ku takari falay awooda sharci ee siineysa Magacaabista Safiirka iyo Qunsulka marka la eegayo Dastuurkii Qabyo Qoraalka ahaa iyo Kan Rasmiga ah ee qeexaya Awoodaha Madaxweynaha marka laga hadlaayo Magacaabista Safiirnimada.
Hadaba muxuu sameeyay Madaxweyne Shariif, waxa uu magacaabey ku dhowaad 10,Safiir waxana uu u magacaabey Rag ey Beel iyo Jaal Siyaasadeed yihiin, Akhriste waxaan xasuusan nahay in Madaxweyne Shariif uu Madaxweyne u noqdey Soomaali oo dhan, Dowladii meesha kaga horeyseyna ey laheyd Rag Siyaasiyiin ah loona baahna inuu loo qeybsho Jagooyinka Safiirnimada si Ragii ka horeeyay iyo isagu isula jaan qaadaan, Nasiib daro taasi ma dhicin, waxana uu Shariif Axmed, magacaabey Rag aan waligood soo marin Maamul-Dowladeed oo aan waxba ka aqoon Nidaamka Dibulomaasiyadu u shaqeyso, Akhriste bal dib u raadi CV Safiirada uu Magacaabey Ex-Madaxweyne Shariif, Majiro Safiir uu magacaabey oo gaarey Qunsul ama Xooghaye Safaaradeed.
Akhriste waxaa iyana jirtey Dood oraneysa Madaxweyne Shariif waxa uu Jagooyinkan ka qadiyay Beel Soomaaliyeed iyo Dowlada Puntland Soomaaliya maadama wax lagu qeybsanayay Nidaamka 4.5, walow uu yahay Nidaam dulmi ah hadana Soomaalidu wax ku qeybsato.
Dhowaan Waraabinta Soomaalida waxaa laga dheehanayay Safiiro laga aqbaley Codsigii Safiirnimo halka kuwa kale ey Boorsooyinka ku sitaan Waraaqihii lagu magacaabey, Suaasha iyo Caqbada hor imaneysa Dowlada cusub waxa weeye, Ma waxa ey eegi doontaa Eexdii uu sameeyay Ex-Madaxweyen Shariif ee uu ku baxshey Jagooyinka Safiirnimo hababkii Sharci darada ahaa mise waxa ey ka aamusi doontaa Cadaalad-xumadii dhacdey ee aan laga gaaraabin?? Suaashan waa iyo Xujadan waxa ey hortaal Dowalada Cusub.
Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, waxaa laga sugayaa inuu dib u eego isaga iyo Dowladiisa cusub Safiiradan iyo habka lagu baxshey isagoo eegaya Danta guud ee dalka, Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud, ayaa sugeysa sidoo kale inuu ummada ka qanciyo habkii loo marey Ansixinta Safiiradan iyo Sharciyadii la adeegsadey.
Dad badan oo aan ku jiro ayaa qaba Safiiradan cusub ineysan aheyn kuwa u qalma Ummada Soomaaliyeed in Safiir looga dhigo, anoon u gafeyn balse Khibrad Dowladeed iyo Aqoon Dibulomaasiyadeed kama dheehan karno Safiiradan cusub ee uu baxshey Ex-Madaxweyne Shariif, Akhriste Jawaabta adiga ayaan kuu daayay iyo inaad soo baarto Safiirada cusub iyo Shaqooyinkii ey Dowalnimo iyo Dibulomaasinmo ey soo qabteen.
Fiiro-gaar ah, Dowladaha uu Madaxweyne Shariif magacaabey waxaa kamid ah ah. Qatar Turkey South-Africa Sudan South Sudan Senegal Libya Roma Belgium Yemen Zambia, Iyo qaar kaloo wadada ku sii jira kuna sii jeeda Dalalkii loo magacaabey.
Sakariye Isticmaar
=========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM













sakariye waa maqaal wanaagsan runtii waa wax laga xumaado waxaas bal waa arkaynaa meesha uu wax kufuro proud of you sxb as somali and puntlander .
[...] See the original article here: Shariif Sheekh Axmed waxa uu ku tuntey Nidaamkii awood-qeybsiga Safiirada. W/Q Sakariye Isticmaar [...]
This kid qabiil baa madaxa ka galay, Waa @Cadaado iyo Birqalax oo kale, war odayaashii baan la yaabanayne dhalin baa soo baxday ilaahay amarki qabyaalad googaysay, ilaahay hana samatabixiyo hadayba kuwaan dhalinyaro noo yihiin. Sh shariif wuu tagay, wax wanaagsan oo badana waa qabtay, marka be positive brother, mustaqabalka wanaagsan oo inoo soo socdana wax ka qor. Ilaahayna adiga iyo Raggaas aan soo sheegay ha idiin caafiyo.
boowe ana safiiraan raba hadii kale wax soconaya maleh
Marka hore ninka wax qorey, intaadan wax qorin oo aadan tvyada so hor fadhiisan waxaan kugula talin lahaa in aad markahore jaahilnimada. Aad dadka ku caayeysid adiga iska saarto oo qodobka aad rabtid in aad kahadasho soo baartid marka hore. Marka hore 99% safirada soomaaliya wa hal rer, beesha aan somaali waxba u qaban qabiilnimo mooyee. Labada safir ee ugu soomaalinsan ugu waxqabadka badan oo kaliya ayaa ah . Mr america iyo nuurcase oo uu meesha geeey cabdulaahi yusuf oo is lahaa xulufeyso si aad mugdisho uga sartid. Sheekh shariif waa ninka kaliya ee aan hal safiir magacaabin. Mr reerbaadiyo tvga aan kugu ognahay melahaaga ka qarabo.
Magacaga 3aad ee isticmaar ayaa aad u Xun marka waxba haka hadlin cidna ha dhaliilin ilaa aad soo badaleysid,waayo wax xun ayaad igu garta leedahay.
Madaxweyne shariif Cadaalada laga waayo somaligee laga helayaa?mida kale markaad oraneyso beel ayuu ku xad gudbay iyo maamulka Puntland ,Puntland ma hal beel ayaa dhisatay? beesha aad ka hadleysase soo R/wasaare ma aheen?waxaa cajiib ah in aad Puntland u taqaan beesha aad shegtay oo kaliya ee toloow beelaha kale ee wax ka dhistay ma xaabaa?Safiiro waa la magacaabay laakiin waxaa kaa muuqato in aadan aqoon durugsan u laheen safiirada la magacaabay qolooyinka ey ka soo jeedaan,hana iloobin Madaxweyne shariif xilka safiirnimo kama uusan qaadin safiiradii ka horeeyey ee uu magacaabay AUN C/Yuusuf iyo weliba kuwii hore u shaqeyn jiray ee uu hore u magacaabay AUN Maxamed Siyaad sidaas darteed waxaagu caadifaq iyo seef la boodnimo ee kuma saleysan xaqiiqda dhabta ah.Mida kale ha kala geyn beelaha ku nool Puntland adigoo Puntland ka dhigayo in reer kaliya dhisteen.
Indha la,aan qabyaaladeed sidaas ayay u eg tahay
Xitaa cadaalad daradaada Kama AADAN hadlin wixii cabdullahi
Yusuf uu magacaabay oo aduunka wax sameeyay ayaan jirin ee cudur
Putland la yiraah ayunbaa ku Indha tiray nin safiirnimo u ciil qabana waa u eg tahay
Bal dib u raac wixii ninkii asaga ka horeeyay magacaabay oo ayadana soo falanqe
Iskuna miisaan keebaa cadaalada u dhawaa
Alaha xifdiyo sheikh sharif wuu dadaalay
waxay ila tahay in uu ku sifobay nin aan tali jirin hadu taliyo waxa taga nin talin jiay.
ZAKARIYE waa nin buka qoraal aan dhameystirneyn iyo hadalo aan isku aadaneyn (mar wuxuu didaya nidamka kusaleysan 4.5ka marna puntlad waxba kama helin ayuu leyahey)WEBKA RAXANREEB waa wab aan aad ujeclahey faaloyinka iyo predicts oo sameyo hase yeshe mar marka qaar wariyaal aan qibrad ulaheyn qaada dhiga mowduca ayaa warar kuqora
Ninku yuu udoodayaa ma qabiilkiis OO kaliya baa mise somalida kalana waa udoodayaa, warkiisu ma hufna malaha safiir buu doontay OO waayay.
A/c, dhamaan umada soomaaliyeed ee aqrisay maqaalkan salaan dabadeed ninka maqaalkan qoray waxaa uu iska dhigayaa nin dan soomaaliyeed ka hadlaya oo doonaya soomaalinimo hadana waxaa laga dhadhansan karaa hadalkiisa in uu beel u doodayo oo uu raadinayo xaq beelka maqan, laakiin marubaa in beesha buntland laga xaqbursaday oo looga batay xilalka dowladii uu madaxda ka ahaa shariif sheekh axmed, cabdiweli gaasna uu ra,isul wasaare ka ahaa marka aan soo qaaday magaca cabdiweli gaas dabcan waad garan kartaan u jeedkeeyga waxaan uga gol leeyahay cabdiweli gaas sow nin reer puntland ah maaha sow ra,iisul wasaarihii dalka maaha bal soomaaliyeey ila fiiriya ninkan qabyaaladu dilootay oo hadana aan dawo loo heyn sababta aan taa u leeyahay waxeey tahay ninka ku qanci waayay ra,iisal wasaarihii dalka maku qancayaa safiiro waa mayay jawaabu hadaba waxaan leeyahay ninkanow waxaan ula jeedaa kan maqaalkan qoraye waxaa ku daweyn kara illaah uun. Waxaanse talo kuugu soo jeedinayaa in aadan umada soomaaliyeed ee caafimaadka qabtaa oo eeysan ku jirin cuqdad qabiil aadan gaarsiinin cudurka ku haya ee ku dilooday waa qabyaaladee. bogan raxanreeb.com waxaan ka codsan lahaa in eey in aan ku qoro maqaal asluubeeysan oo aan cidna loogu gafeynin oo kaliya aan uga hadlayo safiirada somaliya caalamka u jooga iyo beelaha soomaaliyeed ee eey u kala dhasheen si umadu u aragto intee safiir ayaa kasoo jeeda puntland waxaan hubaa in beesha puntland eey tahay beesha ugu safiirada badan beelaha soomaaliyeed marka waxaan ku soo koobayaa qoraalkeyga yaan umada loo sheegin wax aan jirín umada waa leesku diri karaa si fudud laakiin looma heshiisiin karo si fudud. wabillaahi towfiiq.
safiirada aan u bahannahy waa computer,samrtphone iyo dad aqqonleh oo danaha somalia iyo soomalida ka shaqeeya oo ay dowlwdu ku howl galiso safiir ahaan isaga ama iyada oo aan dalka jooga ,oo hal dal ama dhoor dal inuu masuul ka noqdo.Haddi kale waa in diasporada lacagta haysata oo dalkooda iyo dadakooda daneeya loo magacaaba.
Safiiro dku ma awwodi karo.Hadii ay ismasruufayaan,sharafta dalka iyo dadkana dhowraan,aqoona ay leeyihiin, hishiisyana dal ajnabi ah aan loo ogoleen in ay gali karaan.boqol safiir ha magacaabaan. Balse maanta waxaa jira smartphone oo safiiro dalal loo inta badan looma bahna.
zakariye run ahaantii waxaad tahay nin dhalin yar hadana maskax yar waxaa loo baahnaa in aad wax barato oo aad ka harto arimaha qabiilka iyo shaqsi wax sheega mar walbo waxaan aragnaa adiga oo soo taagan tvyada soomaalida ma waxaad isku aragtay in aad tahay nin wax faaiideyo mise tvyada ayaaba ku shaqeeyaan qabiil qabiil sxb runtii waxaad heysataa fursad weyn sababtu waxaad tahay nin da`yar kana faaiideysan karo waqtigiisa waxaana kugula talin lahaa meshad ku mashquuli laheyd in aad wax ka shaeegto qabiil iyo shaqsi aad ku riixdo qabiil in aad noqoto soomaali wadani ah oo ka damqanaya dhibka soomaliya ka jiro afkiisana ka ilaaliyo waxyaabaha aad hada soo qortay oo kale fadlan isku day in aad fahanto waxa aan ku sheegaayo adiga oo mahadsan
Walaaloow,waxa aanlayaabaa dadka soomaaliyeed qaarkood,marka iyaga lagaeexdo ayey wax fahmaan
laakiin marka eexda iyo dulmigu xagooda ka yimaado wax war ah kama hayo
kkkkkkkkkkkkk sxbakay waxxa ka mooqata nin jeclaysi war cabdulahi yusuf intii uu reerkiisa safiiro ka dhigay maad sheegtid, tan kale safiiradaan aad hada sheegayso qaarbana ahayn shariif qabiilkiisa , mide kale shariif hada maahan madaxwayne ee waa quf caadi ah, shariif axmed ixtiraam buu mudanyahay,
ASC
WALAAL SAKARIYE WAXAAN KU SHEGAA WAXAA U OLOLEYSAA PUTLAND O AAD KASOO JEEDO MARWALIBA EEDADA WAA MID KU CABIRAN MUQDISHO MADAXDOODA WAXAAN KU LEEYAHAY HORTA SAX GURIGAGA MEEL WALBA KA MUUQO WA LAGU MUUNA BELAA NINKA MADAXDA IDIIN AH FAROOLE BAL HORTA SAX ASIGA INTA AAD MEEL KALE GAARIN NINKA TALADA GURIGIISA KU FILNAA WAAYAY AYAA RABO INUU TALO SIIYO DAD KA CAAFIMAD QABA TALADIISA,WAXAAN KUU SHEGAA PUTLAND WAXAY HESHAA CANSHUUR AIRPORKA IYO DEKADA IYO WELIBA BERIGA OO GANACSATADA AY KA HESHAA CIIDAN AYAY LEEDAHAY YAA LA WADAAGA OO AY WAX KASIISAA MUQDISHO DAGAALADII MAKU SOO KORDHISEEN CIIDAN AAD LEEDAHAIIN KAALMEYSTA BARAKACAYASHII MUQDISHO WAX MAKA CAAWISEEN WAA MAYA TEYDA ANIGA AYAA LEH TADANA KULA LIHI ISKA DAAYA.
Bal u fiirso safiirada soomaaliya ku leeyihiin dunida 90% waxay isku reer yihiin ninka wax qoray. Tilaabada ugu horeysa oo uu madaxyaynaha cusub qaadaa hanoqoto in uu kala diro, waliba kuea hsystsy mudo 30 sano ksbsdan oo uu kow ka yahay safiirka masar oo caadeystay qabiil si cadna igu diidi jiray in uu aqoonsi u saxiixo soomaalida ku. Abtirsata xamar iyo hargeysa.
sakariye sheekh shariif waa ceeb ka saliin wax aad ceeb u sameyn kartid maaha ma dheragtiin hadii laydinka dhigay raysalwasaare oo safiiro aad hesheen oo baarlamaan aad ku jirtiin oo wasiiro laydin siiyay ,o putland intaad ciidan dhisateen canshuurtiina isku kobteen marwaliba waa baahantahiin odayga maamulo putland oo rabo meel walba inuu ka taliyo oo aan is ogayn waxa uu xaq u leeyahay iyo waxa uu xaq u lahayn ee rabo talaab kasta oo la qaadayo inay asiga soo marto advice sii isagaa kaaga baahan sheikh sharif waxa uu qabtay 20sano ma qaban kartiin hadii talada gacanta la idiin geliyo wuuna idin sharfay awoodisa idiinma isticmaalin wax walba oo aad u hanqal taagaysen ayuu idinku qanciyayawood aadan lahayn ayuu idin siiyay sidii shirkii garowe1 iyo 2 markasuu faroole cirka is geeyay yaa idinla xisaabtamo ,waxaas hadaan anaga nalagala tashan waan qaadacaynaa ayuu yiraa yaa u jawaaba waa cidna faroole awoodisa waa maamul goboleed wuxuu la mid yahay xibin iyo xeeb,galmudug ,hiiraan state,malaha habeen ayuu ku riyooday inuu madaxweyne soomaaliya oo dhan u yahay riyadii ayuu run mooday uu meel walba la istagaa afduubka uu ku haysto putland yaa ka faro geliya oo qaladkiisa saxo waa cidna kabo ka waaween ayuu gashan yahay kabo jinkiisa ha gashto.
waxaan leeyahey zakaria waa runtiis laakiin waxaa kasii daran 61 sarakiil oo ladalacsiyey 30 waa abgaal 30 kalena waa iyo oo jago aysan laheen dusha loo saarey waxaan maxexweynaha hada ladoortey waa iska meelna magaaraayo ee udaa waxey rabaan haka gaarsiiyaan
ilaahiyow wixii cudur qabiil haayo caafimaad sii, waan ka xumahey runtii nin dhalinyaro ah oo ku korey wadamada aad iyo aad u hormarey oo heley waxbarasho lacag la’aan ah oo gaarey heer jaamacadeed in uu maanta soo istaago qabiilka aan ka dhashey waxba lama siinin ee somalida kale sidee wax u heli karaan, aad iyo aad ayaa kaga xumaadey markaan aqriyey qoraalka ku saleysan qabiil.
zakariye runtii waxaan ahey dadka aad iyo aad kuu taageersan ee saxibow iska dhaaf qabiilka caloosha kaa diley. waxaan kaloo rabaa somalida ku xiran raxanreeb.com ninka zakariye fikirkiisa ayuu ka hadley xaqna waa u lee yahey lakinse yaan loo qaadan in uu ku hadlayo afka dowlada puntland ama shacabka puntland, sababtoo ah shacabka reer puntland kama soo horjeedaan safiirada somaliyeed qabiil walba ha’ahaadaan.
Niman kaan caytamaya sakariye Waa layaqaanaa waa Nin wax Soobartay oo dhalinyaraa oo Marwalba utaagan danaha ,Dalka iyo Dadka ,waa ayaan daro Xidigii Sooomaali usoo kacaba hadii ISBAARO qabiil; loo dhigto,
Fadlan Idinkoon Caytamin Aqoonyahanku wax buu tilmaamaye si asluubaysan Coment uga bixiya
, (Contractive criticism ).
Sakariyoow Howl qaran baad haysaa ee hore usoco, Taariikhdaa Ku Xusi.
boowe madaxweeene sh shariif waa halyeey baal dahaba ah ka galay tariikhda marka qabyalada iska daa sami waxana ka codsanayaa in aad ka shaqeesid isku keenka bulshada iyo nabada ha noqon sida foroolo oo kale oo doonaya wax walba in uu buntland noqdaan waana in aad ka shaqeesid una dadaashid sida aan ugu gudbi la heen qabyalada uuna qorolkaaga ahaada mid ku saleesan nabada umada somaliyeed.
sakeriye waxad ka hadashay mawduc somalida inbadan oo kamida anay aqon waxana sabab u ah somalida oo qurbaha wax badan anay ka ogayn wa run wax walba way qaldameen sidi bur’burku u dhacay. Marka waxan ku talin waxi khaldamay in lasaxo oo halkas lagu jojiyo siyasada aadka u damaysa ee xadarad xumada iyo dimuquradiyad la’antu usii dheertay. insha allah kacdon wadamada carabta kadhacay midlamida aya ii muqdu. (Sharifna was hero) in kasto aanu xilka u hayayba waxba ka aqoon lkn waxa masuliyada iska laha aqonyahanada latalinjirey.
horta illaheygii na adhaafiyay shariiiiif tuuuuuuuuuuug isaagaa mahad leh waajigiisa madowga badanba haduu na dhaafiyay , maxaa yeelay wax ka weeeyn aayuu soomaliya u soo jeedi lahaay in uu kenya ka gaato dhul iyo in uuu somalaiya oo dhan wada gato , wa na dhaaftee dadkaa dhaaaaftay ayaa dhur leh waxaa dhacdaayna sun allaha kaga adhigo , labada shariiif ilaaheygii na dhaafiyay alxamdu lillaah ,
2 jaahiliin ah 2 wax ma garatayaal aah 2 somaliya agatay ayeey ayaaheen tuuugo tuuga dhashaya ilmahood
Madaxweynaha iyo Dowladda CUSUB oo imaaneysa yaan la arbushin.
Ayaga haloo dhaafo sida aay wax u xalinayaan.
Dabcan waxaa imaan doona Wasiir Arrimo Dibadeed oo aas aasaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Dabcan waxaa imaan doona in la raadsho shaqaalihii khibradda Diplomasinimo lahaa oo horay
usoo shaqeeyay oo qabiil kasta leh (Runtii waan iswada naqaanaa raggii hore oo dhan) si aay
qeeb uga qaataan samata bixinta Dalka Soomaaliyeed oo muddo dheer ku jiray.hurdo.
Waxaa imaan doona in dhallinyaro fara badan oo soo bartay xirfadda Diplomasinimo in aay
gacanta ku dhigaan wasaaraddaas. Qofkii aan aqoonta Dipliomasinimo laheyn danta ayaa
reebeysa oo sidii QAQABLOAYAASHU u hareen ayuu u harayaa ee waxba yaan la iswareerin.
U dhaafa shaqadan fulinteeda MADAXDWEYNAHA, R.Wasaaraha imaanaya iyo Wasiirka
cusub ee loo magacaabi doono Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Aniguba rucle baan ugu jiraa jagadaas SAFIIRNIMO….Khibraddeedana waa leeyahay…..kkkkk
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walalayaalaw ka daaya marka wiilkaaan yar oo qabyaalada ku indho beelay waxaan la yaabanahay qofka noocaas ah dadka u ogolaaday inuu warbaahintooda ka hadlo ama wax ku qoro
Walaahi sakariye waxuu ka hadlay waa sax, raga ka xumaaday Maqaalkan Allow yaa ogaadaa waa Safiiradii laftoooda oo Magacii badashay kkkk War Ninkaan sakariye Walaahi waa idin ka raayay waxa uu yiri soo baara taa kaliya ma aha ee waxa uu qorey Dalalka ey joogaan. Maxaad u carooneysaan. Aniga Reer Baydhabo ayaan ahay sakariye waa taageeraa waa Aqoonyahan dhalinyaro codkar aadna u hela hadalka. Sakariye hadaa akhriso qoraalkeyga noolow noolow.
Sakariye xaqiiqda haduu sheego ma la qeylinayaa, adeerayaalow Reer Mogadishu awalbaan la idin ka sugeyn cadaalad oo Hantideeni baad xalaashateen. Sakariye waxaan ku lee yahay haka daalin inaad runta sheegto Sida aad caanka ku aheyd.
Qoraaga waxaan ku amaanayaa sida uu u kashifay sirtan dabcan raga ka horjeeda waa kuwa iyagu og falkan iyo eexdan balse ka doorbidaya qaranimo qabyaalad. Walaahi Anigu Qoraaga waxan ku amaanayaa sida uu Ummada ugu sheegay Dalalka ey joogaan Safiirada Shariif waayo lama socon maanta ka hor,’waxa uu kaloo xusey ineysan aheyn kuwa Dowlada u shaqeeyay amaa wax ka yaqaan dipulmaaasiyada. Dadka Reer Mogadishu heysta walaalyalow miyeydaan ka waantoobin difaacida Dulmiga. Hadii Shariif la sheego qaladkiisa maxaad u carooteen?? War ninmanyow qaladaadka uu galay Shariif waa in Ummada loo sheegaa.
Aniga waxaan taageerayaa Sakariye Safiirada qeybtood waa aqaan Bakhaareey qeyb baa aheyd kuwana Tagsiilayaal Uk ka ahaa Sida Safiirka Senegal. Sakariye waxaad sheegeyso waxaa dhibsanaya kooxda iyagu dulmigan sameysay, balse anagu Caafimaad baan ka qaadney.
Qoraaga waxaan lee yahay waa asiibtay hadalka waxaan la yaabay suaasha oraneysa Shariiif ma Madaxweyne Soomaaliyeed baa mise Koox iyo Gobol?? Safiiradaan waa wada aqaan waa kuwa jira dadka diidan warka sakariye maxaad ku beenineysaan ileen Soomaali oo dhan baa la socota warkaan, mise waxaa leedihiin warkan hala qarsho sidii loo qariyay hantida aad wali Mogadishu ku heysataan. Qormadan waa mid Xaqiiq iyo daacadnimo xambaarsan ee Reer Mogadishu iska qabta Dulmiga. Sakariye waxaan lee yahay waxaa tahay Xidig Calanka u sida dadka cadaalada
jecal ee halkaa ka wad.
this opinion is absolutely crazy midka war bixintan qorayna wuxu nocadeyay 2 arimod wa mida kowaade wa nin qabo cancer-ka qabyalada tan labaad wa doqon coz waxa u ka hadlayo wa useless dadka ayu kala gaynaya teda kale caada qaatayashii ayaa safiir naga wayay adoo laylkase o ah inee ku jirtaa? U idiot sheikh shariif is legend and we proud of him
Sakariye article waxa uu ka careysiiyay Reer Mogadishu waayo iyagaa qaatay Safiiradii waana mida keentay iney Afka qeylo ku shubtaan, Reer Mogadishu tooshka in lagu ifiyo Dulmiga uu Shariif galay ma ceebaa, Anigu waxaan moodayay inaad bislaateen oo aad noqoteen Ummad Dulmiga iska qabata maadama aad aragteen Ciqaab kii la idin ku abaal-marshey dulmigaa gasheen. Adeerayaalow Shariif inuu Safiiyo iyo Darajooyin Ciidan baxshey idin kaba waa og tihiin ee Sakariye ka daaya buuqa.
Sakariye anaa kula qaba fikirkaan waliba Shariif Ilmadeer la ah, South-Africa aan joogaa Ninka noo ah Safiirka Ganacsade uu ahaa hadana waa ku dhiban yahay shaqada Safiirnimo, sakariye Eebow Soomaali run ma rabto aniga waa qabaa in si siman loogu qeybsho Safiirada dadka Soomaalida Eex Qabiil horaan u aragney ee bariga runtaa fiican Shariif waa qaldanyaa. Ahmed Culusow Johensburg South-Africa
Wiilkaan qoraalka qorey ceeb ma sheegin waxa uu waliba markhaati gashay anagoo dhan waxa uu yiri idinkaa idin dhaafey soo baara Ragaan ceeb ma aha waligey ma arkin qof saan isugu kalsoon, aniga Dowlada aan u shaqeeyaa run waaye waxaan oo dhan waxaa ka daran Saraakiisha Ciidan ee Janamada ah, Soomaaliyeey Dulmigii Jaale Siyaad lagu diidey maan ka aqbaleynaa Shariif Maya Maya.
The man who wrote this article underlined a very important issue which kneed to be addressed and discussed, I believe in all fairness the arthour deserve big applause. Hats of Sakariye
eex iyo qaraabakiil ayaa ka doodeysaa eex iyo qaraabakiilna waad u doodeysa, adiga is-burineysid (contradiction) waxaad tahay nin aan wax badan ogeyn aqoontiisana aysan ku filneyn ee iska gaabso, ha u gefin madaxda qaranka.
Sakariye waa mahadsan yahay sida wanaagsan ee uu noola qeybsadey xaqiiqda jirta waxaan qabaa inuu soo bandhigey war xaqiiq ah. Kuwa ka caroodey qoraalka sakariye waxaan lee yahay Soomaaliya waa kaa dhamaatay xiligii afka la qaban jirey dadka Dulmiga waa in toos lagu ifiyaa. Reer Mogadishu waxaan lee yahay Ummada Soomaaliyeed oo dhan baa aragtey Safiiradan ee idinku maxaad u qarineysaan Ileen Qorax sacabo laguma qarsho. Well done Sakariye
ASC, dhamaantiin. kkk, @ wiil mudug, saaxiibow aniga maxaa iga rabtaa, qabiil kama hadlo aniga ee danta Somaliyeed iyo fikirkeeyga uunbaan kusoo bandhigaa halkan. Waxii fiicana iga qaata, waxii qaldana igu ignore gareeya.
Mida ninkaan Sakariya ah waxaan ka leeyahay, sida inta badan dadkaan commentiga dhiibtay isku raaceen waa nin jiran, oo u jiran in safiir laga dhigo. Mana u qalmo in safiir iska dhaafee xataa dooro la raacsho. Sababtoo ah, aqoontiisa iyo caqligiisaba waxaa laga dheehan karaa sida uu wax u qoray halkaan, maba aan ugu yeeri karo article waxaan oo waa jacbur, aan laheeyn logic, premise iyo conclusion. Basically, waa nin dhahaayo pintiland qeeyb halaga siiyo safiirada sida eey dadkaan pintiland iyo qaswade Faroole waligeedba ugu calaacalaan kiishashka burka iyo sokorta dadka masaakiinta ee ku dhibaateeysan koonfurta ee lasiiyo qeeyb hanalaga siiyo. Pinitland umaba qalanto nin kasoo jeeda in ra’iisal wasaare iska dhaafee, xataa safiirada uu ninkaan Sakariya u ooynayo in wax laga siiyo, sababtoo ah waa in xilalkaan uu madaxweeynaha cusub Xasan Sheikh Mohamud uu ku saleeyaa “represantation based on contribution” qaacido ah. Waxa kaliya ee Faroole iyo pintiland ku kordhiyaan dowlada dhexe ee Somaliyeed iyo shacbiga Somaliyeed waa qas, iyo cudurka qabiilka oo kuligood lafaha ka galay.
Mida kusaabsan Madaxweeynihii hore ee Sheikh Sharif, Somali oo dhan ayaa isku raacday in uu hero iyo legend ahaa, oo nin karti badan ahaa, xataa ajnabiga sida Hillary Clinton iyo madax badan ayaa isku raacay in Madaxweene Sheikh Shariif ahaa “extraordinary man” ilaaheey ha xifdiyee saa wali caqligiisa iyo statesmanship kiisa waa u baahantahay Somaliya. Thank you all.
Wiil-mudug, War cadaab gale, Maxaad cadaado tusaale ugu sooqaadan? Topic ga laga hadlay ba Kuma jidhee! Wax buka baa tabay, waana lagu bogsiin hadii Aadan edebyeelan . Xaal qaata Ree cadaado
zakariye mansha alaah arintaas aad ban kulawaagaa ishana uguhayay wixii usameyaayy shariif waxaa tahay halyay ale uu siyaya codkarnimo iyo kar aqon aman shalah aloow isha adanaha caadkasaar markan dhagaysto barnamijyada dooda aad kurto runtii aad ban uqiroda kartida iyo fikirkagaba mansha alaah arintan safirada dawlada acusub isha laguhaya waxbadan oo inta katiro badan ayaa jira loonabahanyahay in waxalaga qabto
SAHRA aad ayaan kugu taageersanahay fikirkaaga saliimka ah xaqiiqdii waxa aad garatay wax dad badani garan waayeen. Waxan intaa ku darayaa ninkan maqaalkan qoray dad baddan ayaa ku dhibsaday wax yaabaha uu kaga hadlo SOMALICHANELTV waxaase maanta la yaab leh in uu halkan soo dhigo qoraal uu wax ugu dhimayo Sheikh Shariif Madaxweynihii hore, laakiin waxan u sheegi lahaa keliya bal in uu ku fakaro barkeed in ay ku fakari karaan dadka uu qoraalkan u soo qoray. Maxaa u diiday bal in uu ka hadlo wanaaga Sheikh Shariif iyo in Shariif Ahmed noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee dib u soo celiyay rajadii umadda somaliyed 21 kadib taasoo ay ku guulaysan waayeen dad isaga ka da, wayn misana ka waaya aragsan. Ogow xaasidnimaddu ma wanaagsana, xaasidkuna ma liibaano. Bal keliya millicso sida qiiradda lahayd ee Shariif Ahmed uga hadlay xafladdii xilwareejinta ee muqdisho ka dhacday xaqiiqdii aad ayaan u qiirooday waxan garawsaday Shariif Ahmed inuu ku sifoobay magaciisa Shariifka ah, ma qofkaas ayaa wax ka sheegid leh , xitaa safiiradda la sheegayo hal nin kuma laha reerka uu ka dhashay, cajiib,,,,,,,,,
To Ayaanle. Adigii baa u muuqda Nin Shariif jecal waayo sakariye Somalichanel waxa uu ka sheegaa wax sax ah ee armaad adigu tahay xaasid. Sakariye I am proud of you smash them
waxaa layaab leh cunigaan oo ah mid da yar in uu qabiil rabo in uu shaqo ka dhigto shariif shaydaan madifaacayo laakiin wuxuu sheega nayaa in uu wax bartay laakiin mudo aad ufarabada uxuu fadhiyay fadhi kudirirka maqaayada iman london goor uu waxbartay na lagaran maayo sidaa darteed dadka qabiilka raba in ay ku kala qaybiso somalida raba haduu se uqabo in faroole wax kadhigi doono xiligii su waa dhamaaday sidaa darteed waxaan kula talin la haa in uu wax barto oo uu san uhadlin oo uu san kamid ahayn mida kale hadaad meel kunoqo naysid dadka laga farabadan yahay somalia kunoq sxb hana sheegan waxa aadan baran nin dhalin yaro ah hawshiis ma aha qabyaalad somalia waxaa is kaleh dadka aan qabiil ka aamisanay ogoow taas
ASC, dhamaantiin, thanks Afbarwaaqo, saaxiib. Ninkaan maba aan ogeeyn in uu dad soo hor istaago uu ka hadlo Somalichanel, or whatever. Laakiin, haduu caqli leeyahay oo uu fiiriyo commentiska dadka Somaliyeed, waxuu ogaan in uu fikirkiisaan iyo u doodida reerkiisa kaliya eey Somali badankeed fahantahay hada, oo aan laga yeeleeyn in eey wax handadaan, amaba eey si gunnimo ah eey gaalada u daba ordaan. Bal arka, maamulda kale ee Somaliyeed kuligood gaala raac ma ahan sida pintiland, waxa eeyna dadkan pintiland umada Somaliyeed ku qasbayaan in aan sidoodoo kale gun noqono oo aan maalin walba cunug iyo naag xun oo cadaan iyo waliba madow ah daba ordaan. War isku tashata, oo ka faa’iideeysta maskaxda iyo muruqa dadka Somaliyeed oo ka haro ficilada gunta ah. Bye.
Indho adayg ileyn looma dhinto sxb maxaad beenta ku falaysa dawladi siyaad bare safiirada boqolkiba 90% waxay ahaayeen beesha madaxweynaha, hadaad u baahato way qoran yihiin sxb anaana kusoo gudbin doona ,intaad ninkale eegayso runta ka hadal sxb puntlanda iyada cadaalad darada ka jirtaa kama jirto muqdisho beelo dhan ayaa xaqoodi lagu tuntey uf.
Anigu Somalilander baan ahay laakin Ninkan Sakariye wale waa codkar in badan baan arkaa doodaha waa nin aad u aragti dheer nasiib daro waa Reer Koonfureed oo Somalilander inuu ahaado ayaan ka jeclaan lahaa. Balse Safiiradan koley waa jiraan waayo Reer Koonfureedka markaan akhriyay oraahdooda waxaa iiga muuqatey iney run tahay waxa Sakariye uu qorey waayo dee majirto qof yiri safiirkaas iyo safiirkaas baa horey u joogey tani runta iney isu sheegto ayaa daawo ah. Reer Mogadishu Dowladnimo waxba ka garan meysaan aayar dadka Dowladnimada yaqaan u dhiiba xukunka idinukna dee shaqadiini hore waad garaneysaan ee halkiini ku noqda.
As wr wb
waxaan la yaabsanahay sida aad iskula fiican tahay oo aad wax u sheegaysid, nin aqoonyahan ah ayaad tahay hada kama sheekaynaysid qaabkii madaxweynihii Shariifka ka horeeyay wax u qaybiyey,sidoo kale meelkasto oo safaaradu ku taalo Raisulwasaarahihii hore ee Prof Abdiweli wuxuu u magacaabay rag ay isku jufo yihiin qunsulo. Waase adiga isbarbar dhigaayee ma waxaa siman maamul goboleed anigu ma aqaano dowlad goboleed wax la yiraahdo laakiin maamul goboleed iyo dowlada dhexe.
Yaa ku duulay oo qabsaday Baydhabo,ilaa Balad xaawo, ilaa Kismaayo, iyo ilaa Gaalkacyo oo welibana intii yareyd oo ay umada kala soo qaxday muqdishu oo 10% ahayd yaa inta ay kadaba yimideen kasii bililiqeysatay waa yaabe???!!! weliba intaas kumay harine dawladihii Westernka iyo Khaliijka ee aanu qaxnay yaa inta nooga daba yimid yaa dhaqan xumo soomaali horey loogu aqoon yaa keenay oo umadii wadanka lahayd ka yaabiyey oo ka careysiiyey?
Yaa laayey umad maato ah oo qaarkood biri mageydo ah,sababna uga dhigay in uu ilaahay ka dhaliyey ” !!!?
Yaa Careysan oo Cuqdadaysan oo weliba aaminsan in xukunkii Somalia marwalba laga booboo, iyagoo is ilawaysiiya ictiraafkii somalia kadib in 27 sano (including these 4 years term) xukuumadihii Somaliyeed ay madaxweynayaal ka soo noqdeen.hadda oo la joogana in madaxweyne kayihiin.(weliba akhriste ogow ma aanan u xusin xukunkii Abdullahi Isse iyo Caydiid sababo la xiriirra ictiraafka ah awgiis)!!!?
Yaa weeye qofka soomaliga ah oo aanan garin karin farqiga u dhaxeeya 27-kii sano ee xukunka somalia soo qabtay iyo 27-kii sano ee hawiya xukunka somalia soo qabtay. Waxaana tusaale aad u yar kaaga filan in villa Somalia (Madaxtooyada),airport-ka iyo weliba dekaduba ay dhowr iyo labaatan sano u xirneyd khilaaf hawiye dhex yiilay awgiis weliba waxaa ka sii yaab badan in labo madaxweyne (abdiqasim iyo ali mahdi) oo ka dhashay beesha ay ku guulaysan waayeen in ay xukuumadahoodii wax ka qabato ilaahayna nin ah u soo diray xaliyeyna waxay xalin waayeen labadaasi nin?
Yaa weeye qofka somaliga ah oo aanan ogeyn in 33 gobol oo bariga afrika ku yaala oo qowmiyada somalida ah ay dagto in beesha ay ka dagaan 6 gobol oo kiliya!! halka beesha ay dagaan 19 gobol oo bariga africa ku yaal !!! balse waxa aan aad ula yaabaa in ay ku andacoodaan in ay yihiin somali qabiilka ugu badan!!uu yahay minority, sow yaab iyo amakaag maaha!!!?
Yaa ka shaqeeya midnimada oo idaacadaha ka qayliya,iska markaana yaa ka shaqeeya tafaraaruqa iyo isku bis baaseenta iyo isku dirka !! waxayna nagu wadaan sheekadii sadexda SAC oo la isku diray oo ugu danbeyna midba mar la cunay xikmada ka danbeysan waa qeybi oo xukun?
Yaa neceb oo ka shaqeeya in beelaha aysan sameysan dawlad gobaleed ka kooban labada jubbo iyo gedo?
Yaa had jeer bara bugaandeeya oo jecel burburinta Puntland?
Yaa neceb ERAYGA FEDERALISM!!!?
Yaa weeye qofka aan ogeyn oo somali ah in magaalada kismaayo oo ka kooban 7 xaafadood in xaafad ka mid ah oo la yiraahdo Via afmadow ay degan yihiin beel ka mid ah si sharaf iyo xurmo ahna ay ku dagan yihiin sidoo kalena magaalada gaalkacyo oo ka kooban 6 xaafadood in xaafad ka mid ah oo la yiraahdo Baraxleey si sharaf iyo xurmo ahna ay u dagan yihiin, Lakiin taa badalkeed dagaanada ay ku badan yihiin ahaa ee la daganaa wey ka qaxiyeen sida Dhuusa mareeb iyo Muqdisho iyo magaalooyin kale oo badan guryahahoodiina xoog bey ku degeen intay ka saareen qaar badan oo kamid ah!!!?
Yaa soo arkay website ay leeyihiin oo dhex dhexaad ah si wadaninimo ahna u shaqeeya?? Waa yaabe inta ugu badan website-yadooda waxay ku soo qoraan wax umada somalida ah kala fogeeya sida bara bugando iyo xaqiraad qabiil ama Personal attack lagu sameeyo qof siyaasi ah oo wadanka u soo shaqeeyey ayagoo xaqiraadoodaasna ay saldhig u tahay cadiifad qabiil.
halka anaka websites-yadeena ay intaas ka sheekeeyaan wado la dhisay ama siminaar la qabtay ama dhalinyaro qalin jibisay ama ceel la qoday ama isbitaal la dayactiray oo daawo la keenay ama tuug iyo qarax la qabtay iyo hormar kale oo tira badan oo aanan qoraakaygaan ku soo koobi Karin waa yaabe maxaa u diiday ayagna in hormar iyo kheyr ka sheekeeyaan halkii ay Somali kala geyn lahaayeen mise xumaanta bey ku raaxeystaan. ALAYSA LAKUM RAJULUN RASHIID!!!!?
Yaa hadaba noogu duceeyey dad aan Somalinimo iyo hormar toona rabin inaan weligeen daba socono!!!?
Sow lama joogo waqtigii aan tashan lahayn oo aan ka tashan lahayn?
Sow lama joogo waqtigii aan midowbi lahayn oo aan dawlad sameysan lahayn ka kooban sedexda gobol labada jubba iyo Gedo una hawl gali lahayn sidii aanu ictiraaf caalamka uga raadsan lahayn?
Sow lama joogo waqtigii aan garab istaagi lahayn walaahayaga reer puntland iyo walaalahayaga reer Caabud waaq iyo Balanbale kana shaqeyn lahayn sidii ay u midoobi lahaayeen gacmahana isu qabsan lahaayeen?
Sow lama joogo waqtigii reer puntland iyo reer Caabud waaq iyo Balanbale ay si wada jir ah u oran lahaayeen SHUUSHOOW BAX?
Sow lama joogo waqtigii aanu garab istaagi lahayn walaahayaga Bay, Bakool iyo shabeelada hoose si ay aayahooda uga tashadaan
isla markaana dawlad u sameysan lahayeen una hawl gali lahayeen sidii ay ictiraaf caalamka uga helaan?
Sow lama oran karo walaahayaga reer puntland iyo madaxdooda wey ku khaldameen in waqti badan ay ku lumiyaan sidii Somali la iskugu keeni lahaa loona dhisi lahaa wax la yiraahdo Federal Government.
waxaa uga haboonaan lahayd in ay ka shaqeeyaan waqti badana ay geliyaan sidii ay caalamka ugu dhaadhicin lahaayeen ugana codsan lahaayeen in Soomaali waqti danbe laga sii lumin wixii hada ka danbeeyana laga saacido investruction iyo tacliinta iyo dhaqaalaha iyo sidii loo ictiraafi lahaa maamul goboleedyada hadda jira sida (Puntland iyo Somaliland) iyo kuwa la sameyn doono insha’allahu?
BY: Xaq u Dirir Cali
sad buris qabiil maxaa kala heysta keyga lihi kaaga ana kula leh yaab badanaa suxufi isku sheeg Qoraal adan u fiirsan waa laga fiicanyahay ka tirsan baysan tiro iyo cudud ciidan ku gaarin tii inta afka iska mariseen baa tii hadana uso dhigatee balaayada ad maleegaysaan meel bay idiintaal qabyaalada ka daayaa iyo qurunka ad wada?
Hambalyo ,sakeriya maqalkaaga wuxuu noqday midka ugu commentiga badan intaan maqaal webkan ka’akhriyey .sxb waxa tahay tusaale wanagsan.waxan sugnaaba wa inaad kitaab qortid markas jaahil kuuma jawaabikaro ,iley qoraal ,qoraalkale ayaa lagu radiyaa’e
Zakariye Allaha ku caafiyo cudur cancer ka daran baa qabtaaye. Allaoow qabyaalad qalbigeena ka nadiifi dhalinteenana ka nadiifi qalbigooda. Sheikh Shariif waa nin dadaalay waxna qabtay ee adna sidoo kale dadaal umada ha isku dirine. Rufiyaanimo looma baahnee…….
Afkaaga CAANO LAGU QABEY anaa CASHADA QABA habeen dambe waa inoo IIMAAN mise tan kasoo horjeeda ayaan BAASTO KA CUNAA? kkkk