Shariif Xasan oo Maanta Wareejiyey Xafiiskii Gudoomiyaha Baarlamaanka
Muqdisho (RBC) Iyadoo loo diyaargaroobayo munaasabad xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya uu si rasmi ah ugula wareegayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhacaysa maalinta Axadda ee soo socota ayaa dhanka kale waxaa munaasabad aan la sii shaacin maanta xafiiska ku wareejiyey Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa gudoomiyihii hore ee baarlamaanka KMG.
Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta furayaasha xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka iyo dukumintiyo kala wareegay Shariif Xasan. Waxaa munaasabadan ka soo qeybgalay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuudoo xalay u guuray madaxtooyada iyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif.
Prof Jawaari ayaa u mahadceliyey Shariif Xasan markii uu kala wareegay dukumintiyada iyo furayashaa, iyadoo Shariif Xasana uu sheegay inay farxad u tahay inuu xafiiska wareejiyo maanta.
Shariif Xasan ayaa illaa maanta deganaa xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka oo ah dhisme ka tirsan madaxtooyada inkastoo bishii Disembar xilka ay ka qaadeen baarlamaankii hore.
Waa xafiiskii ugu horeeyay ee lagu wareejiyo madaxda cusub ee dhowaan la doortay, waxaana laga war dhowrayaa in madaxtooyada iyo xafiiska raysul wasaaraha sidoo kalana lagu wareejiyo dawlada cusub maalmaha soo socda.
Madaxweynaha cusub oo kormeeray xafiisyada Villa Soomaaliya
Dhanka kale madaxweynaha dhowaan la doortay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray xafiisyada iyo qeybaha ay ka kooban tahay madaxtooyada Villa Soomaaliya kadib markii uu xalay ku hoyday markii ugu horeysay.
Hadal kooban oo uu madaxweyne Xasan Sheekh u jeediyey shaqaalaha madaxtooyada ayuu sheegay inaan la bedeli doonin shaqaalaha oo ay sidoodii u sii shaqeyn doonaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Shariif Xasan waa nin maafiya ah. sharkiisa allaha na dhaafiyo.. wadan rajo laga leeyahay ninkan oo kale xil kama qabto…. waa qawleysato calooshiis la ciyaar aan wadan iyo umad dan ka lahayn. waxaaba qalad ah inuu parlamaanka dhex fadhiyo wali
Sharif Xasan waa siyaasi Soomaaliyeed oo wadankiisa u qabtay wax badan, in la is xaqiraa ma haboona.
Madaxweyne ma ahayn inuu yidhaahdo shaqaalaha lama bedelayo waayo sida la cadeeyey shaqaalaha xagiisyada Dawladda ka shaqeeya siiba xafiiska raisul wasaaraha 72% Waa shaqaale lagu keenay ” adeeroow Anna iqor” Markaa Waa in madaxweynuhu shaqaalaha Dawladda u eegaa aqoontooda islamarkaana ka caydhiyaa meesha kii qabiilka lagu Keenay ee aan u qalmin shaqada uu hayo. Waayo waxaa buuxa oo dalka dib ugu soo laabtay boqolaal dhalinyara ah oo wax barasho tayeysan soo qaatay una heelan inay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoon tooda.
qofwalba wuxuu is weydiinaya halkuu ku noolaandoono Shariif sakiin waa qasab inuu naxdin u dhimandoono
asc marka hore waxaan jeclaystay inaan u jawaabo ninka la baxay kilwe ooo aanan fahmin shaqaalaha laga hadlay ee uu madaxweynaha ka hadlay waaa nimankii u shaqeeynayey shariif axmed oo kuligooda wada ahaay agoon yare , ee maahan cabdiweli shaqaalahiisa tankale c/weli waa ninka kaliya inta u shaqeeysa waa somali isku jir badankoodana waa niman aan isku heyb ahayn ooo aanan nina nin ku reer ahayn jirin ee ilaahay haku caafiyo walaal waa hadaad fiyowdahay weeye hadii kale somali qurunkii wayka yara baxeysaaa eee adiga iskala fadhi waxaad qabtid somali lagaala ma tashanayo wabilaahi towfiiiq
horta soomaalidu waa dad aan caqligooda ku shaqaynta oo wixii laga dhaadhiciyo ayey iskaga hadaaqaan iyagoon su’aalba iska weydiin. Waa maxay waxa Shariif Xassan sameeyey ee uu kaga duwan yahay hogaamiyeyaashii wadanka hore u soo maray. Haddii uu musuqmaasuq sameeyey wax cusub maaha, sida kale isagu faraha dhiig lama gelin. Xagga siyaasadada wuxu muujiyey in uu yahay siyaasiinta uga waaweyn ee wadanka abid soo maray, waayo 8 sano oo xidhiidh ah ayuu booskiisa adkaystay isagoo adeegsanayey hubkii-siyaasadeed ee soomaaliya caadiga ka ahayd. Waxan leeyahay hambaylo Shariifow adigoo iskuul dhigan ayaad tobaneeyo “borofesoor” ciida afka u dartay.
Waxay aheyd inuu mar hore Shariif Sakiin wareejiyo xafiiska… Waa maxay hadda ??
Doorashada Madaxweyne ka hor Baa la Rabay in Jawaari ku wareego. Walee Shariif Sakiin waa imtixaan lasoo diray. Aniga waxaa mar walba iga yaabiya oo iga qosliya markaan arko sawiradiisa isagoo tusbax wata lol
Sixiroole Hindi ah Baa soo siiyay tusbaxa baan maqlay.
Haddii illahay na dhaafiyay waa wax wanaagsan.OO ma sidaasuu ku tagay isagoon maxkam la soo taagin lana weydiin lacagihii la sheegayay?waa cajiib siyaasadda somaliya waa waxaas wax loogu kala ordaayo