Shariif Xasan oo Safar Aan Laga Warheyn Ujeedkiisa Ku Jooga Dubai


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dubai (RBC) Warar naga soo gaaray saraakiil lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan uu safar aan la ogeyn ujeedkiisa uu ku joogo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka kadib markii uu Talaadadii ka soo dhoofay Muqdisho.

Shariif Xasan waxaa la socda qaar ka mid ah gacan yarayaashiisa iyo xubno qoyskiisa ka mid ah.  Waxaana ilo wareedyada ay u sheegeen Raxanreeb in dad ganacsato ah uu kula kulmayo magaalada Dubai kuwaasoo aan la ogeyn waxay ka wada hadlayaan.

Waxaa xusid mudan in Shariif Xasan uu isaga laftiisa ganacsi ku leeyahay Dubai isla markaana ay u maamulaan dad ay qaraabo yihiin.

Wararka na soo gaaraya ayaa intaa ku daraya in Shariif Xasan markii uu tagay Dubai ay is arkeen C/qaadir Sheekhey oo ah qunsulka guud ee safaaradda DKMG Soomaaliya u jooga Dubai iyo gobolada bariga Imaaraadka.  C/qaadir Sheekhey ayaa ah nin ay saaxiibo dhow yihiin Shariif Xasan isla markaana horey ay uga dhexeeyeen lacago ay ka heleen mashariicda dawlada KMG ee sanadihii tagay la lunsaday.

Mid ka mid ah saaxiibada dhow ee Shariif Xasan oo aan rabin in la magacaabo ayaa noo sheegay in afarkaDubai uu yahay mid kooban.

Safarkan Shariif Xasan uu ku joogo Dubai ayaa ka dambeeyay safar kale oo ka horeeyay oo uu ku tagay wadanka Kenya isagoo wadahadalo la soo yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawlada Kenya. Wuxuuna ka dib ka qeybgalay aaskii Meles Senawi kahor intuusan shalay u ambabixin Dubai.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

2 Responses for “Shariif Xasan oo Safar Aan Laga Warheyn Ujeedkiisa Ku Jooga Dubai”

  1. sirmaqabe says:

    Shariif Xasan safarkiisiin kadis ah wax badan ayuu ka bedeli doonaa tartanka doorashada Madaxweynaha Somaliya,wuxuuna noqon doonaa safar Shariif Xasan ugu soo dhawaado saaxiibkiisii hore Shariif Shiikh Axmed waxeyna sahli doontaa in Madaxweyne Shariif in uu kursiga kusii fadhiyo doorashada ka dib.Shariif Xasanna waa xildhibaan heysto mudanayaal fara badan sidaas darteed haduu Madaxweyne Shariif la heshiiyo waxaa meesha ka baxaya hamiga Musharixiinta kale ee tartanka ku jira sida R/wasaarihii hore C/Weli,waana soo dhaweynayaa in madaxweyne Shariif uu mar kale kurisga ku soo baxo intuu ku soo bixi lahaa Prof PHD heysta hadane ka amar qaabaty faroole oo ah nin qabiil dilooday.

  2. qoono says:

    shariif xasan oo aan tagin meeydkii ama baqtigii melez,raba badan ma laha ,laakiin gas ayaa energi soo qaatey,laakiin kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply