Sheekadaan Muqdisho Ayay Ka Jirtaa: Qof Weyn Oo Baqaya Sida Ilmaha Oo Kale
Muqdisho (RBC Radio) Hadii aad joogto magaalada Muqdisho isla markaana aatahay qof magac ku leh bulshada dhexdeeda sida Dhaqtar, Macalin, Suxufi, ama Siyaasi way kugu adkaanaysaa in aad u noolaato sida ay u noolyiin dadka caadiga ah ee degan magaalada Muqdisho.
Hadii aatay Qof ka mid ah dadkaas oo soo sheegnay ama qof la mid ah waxaa jira waxyaabo badan oo kaa maanaya in magaalada si caadi ah oo aad u dhex marto meesha aad doonto aad ka degto.
Amaanka magaalada waa mid adag waxaana jira kooxo hubaysan oo Raadsanaya dadka indha u ah Bulshada kuwaasi oo anan lagarnayn sida ay rasmi ahaan u adeegayaan.
Dadka Magaca kuleh Bulshada dhexdeeda waxay ka cabsadaan in ay magaalada dhex Lugeeyaan ama ay dhex socdaan ayaga oo aanan gaadiidka gaarka ah wadan, sidoo kale waxay ka quusteen in ay isugu yimaadaan meelo ay bulshadu ku balanto ee magaalada Kuyaala.
Hadii aad Muqdisho joogto waxaa iska caadi ah in mar marka qaar aad ka cararto ama aad isla ilaaliyo Caruurta yar yar iyo Haweynka oo waliba aanan waxadan max muuqda.
Waa iska caadi in aad mahaalada Ku aragto qof wado maraya oo hadana ka fogaanaya in ay qof adkiisa ay marto maxaa yeelay waxaa haatan laga baqayaa ilmaha yar oo aygu wato bastoolado isla markaana dadka toogta.
Ciidanka Amaanka.
Sidoo kale Askarta Muqdisho sida ciidanka Booliska ee dowlada waxay iska joojiyeen in ay daba gal ay ku sameeyaan dadka wax dila markii ay baxsadaan ka dib, sababtoo ah waxaa jirta dhacdooyin dhowr ah oo horay u dhacay kuwaasi oo ka danbeeyay ka dib markii kooxaha hubaysan ay dad toogteen ka dib Askartii isku dayay in ay soo qabtaan kooxahaasi hadana ay dileen.
Caruurta.
Magaalada Muqdisho waxaa haatan awood leh isla markaana laga cabsadaa caruurta iyo waliba dhalinyarada, sababtoo ah kooxaha dadka ku dila magaalada intooda badan waa dhalinyarao iyo caruur.
Sidoo kale dagaalyahanada ugu badan oo ay heestaan kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada ayaa ah Dhalinyaro iyo Caruur Qaarkood ka baxsaday waalidkood.
Arimahaan oo dhan ayaa keenaya in aanan lees aaminayay oo dadka Muqdisho Jooga qof waliba ay ka shakiso qofka kale, sidoo kale islama hadlaan dadka aanan isgaranaynin, waxaana adkaatay in ay dadku isi sii bartaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Waxaas oodhib ah waxaa abuura AMA sameeya waa amxaaro eelka kiidhiga udacwootooy isbitaalna u aadooy ilaahay amxaaro ha naga soogaaro aamiin
garaad waa ku sidee dadnimadaadana ma amxaaro ayaad ku marmarsiiyoon waar caqliga ha shaqeeyo reerka haduusan ismaamuli karin ceeb ma aha
magaalada dadka masuuliyiinta ah way foojiganyihiin lkn qof kasta Targed maahan, lkn kooxaha inkaaran qof inay dilaan Alle ugam baqaan, sida idaacada xalay qof ayaa la dilay loo yiraahdo xita wadaad dugsi quran way u diliayaan.
ASC, @ Garaad yusuf, xayawaan adoo kale ah oo aan maskaxda ka fayoobeeyn ayaa jira, sidee baa amxaaro ugu eedeeyneeysaa xaarka iyo qurunka aad ku dhex jirto.? Kan oo kale waaye wax magaratada jaahilka ah ee wax walba dad kale sida amxaaro ku eedeeynayo. Jaahil fooqul jaahil ah ayaad tahay. Dhibkaan Somaliya maryooleey ayadaa isku keentay ayadaana la rabaa in eey iska saarto. Walaa amxaaro iyo cid kale oo aan ku eedeeyn karno ma jirto. Ilaaheeyna nagama saarayo dhib aanan anaga diyaar u aheeyn in aan iska saarno.Period.
Cadaado waad qaldantaha walaalkaa harass yusufna dambi ayaad ka gashay maxaa yeelay fikradiisa ayuu ka hadlay marka kaama mudna cayda noocaas ah wax dhib lehna ma dhihin.hadii aad cilmi adigu leedahay SaaS haw hadlin