Sheekh Nuur Baaruud: Madaxweynaha Cusub Hambalyo Uma Baahnee, Duco Ayuu u Baahan Yahay
Muqdisho (RBC) Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Culimaada Soomaaliyeed ayaa maanta ka hadlay dareenka culimada ee ku aadan doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sheekh Nuur Baaruud wuxuu sheegay in isaga oo u qabo in loo duceeyo madaxweynaha cusub oo uu sheegay inuu dhabarka u ritay masuuliyaad aad u culus laguna eegi dooni sida uu u guto.
“Aniga waxaan qabaa, ma in loo hambalyeeyaa nadaxweynha mise inaan u duceyno, waxaan qabaa in loo duceeyo oo la yiraahdo xilka iyo masuuliyada culus mar haddaad dusha u ridatay, geesi baad tahaye Illaahay hakula garabgalo” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.
Aragtida culimada
Sheekh Nuur Baaruud wuxuu cadeeyay in si la mid ah dadka Soomaaliyeed, culimadana ay soo dhoweynayaan in isbedel ku yimaado hogaanka dalka, isagoo sheegay in madaxweynaha cusub ay u taallo hawl aad u culus.
“Madaxweynow kuugumaan yeerin gogol ubaxyo ka buuxaan ee waxaa kuu taalla masuuliyad culus oo aad u weyn, marka Illaahay hakula garabgalo” ayuu yiri Sheekh.
Sheekh Nuur Baaruud wuxuu tilmaamay inuu kula talin lahaa madaxweynaha cusub inuu sameeyo “dawlad dadkeeda, diinteeda iyo dalkeeda taqaana”.
“Waxa ugu horeeya waa in dagaalka laga saaro ummada Soomaaliyeed oo xabadda dhacaysa si kasta oo lagu xaliyaba in xabaddaas laga joojiyo ummadda” ayuu sii raaciyey Sheekh Nuur hadalkiisa.
Dimuqraadiyada Soomaaliya
Gudoomiye ku xigeenka hay’adda culimada wuxuu wax weyn oo xitaa Afrika aan kaga horeyno uu ku tilmaamay sidii furnaanta lahayd ee Sheekh Shariif u aqbalay natiijada doorashada markii laga guuleystay arintaasoo mararka qaar aan ka dhicin wadamada Afrika qaarkood oo xukunka madaxda joogta ay dagaal bilaabaan haddii doorasho looga guuleysto.
Dareenka soo dhoweynta iyo hambalyada waxaa horey madaxweynaha cusub ugu diray qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo aad u muujiyey rajada ay ka qabaan in isbedelka dhacay doorashadii Isniinta ay ahayd mid taariikhda gashay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












asc waa sax arintaas waxaan qabaa in loo duceeyo waxna lala qabto
waayo inta badan waxaan is leeyahay caqabadaha wax qabadka ka horyimaada waxaa ugu horeeya
marka la bilaabayo ayaan ka tagnaa is xasuusinta alle iyo in loo duceeyaba,,qofka xilka qabanaya…marka waxaan leeyahay alle ha ku garabgalo hana kugu guuleeyo wax qabad dhaba oo diinta dadka dalka hor mar gaarsiiya aduun iyo aakhiraba….aamin aamin